onsdag, april 24, 2024

Meydka labo(2) qof oo laga helay guri kuyaal Kristiansand.

Sida ay xaqiijiyeen booliska gobolka Agder, waxaa guri kuyaal magaalada Kristiansand laga helay meydka labo(2) qof oo waaweyn ( da’ ahaan). Booliska ayaa sheegay in ilaa hada aysan ogeyn sababta keentay geerida labada(2) qof, waxeyna sheegeen inay wareysanayaan dad goob-joogayaal ah, si ay kiiska uga gun-gaaraan.

Shaley oo sabti aheyd ayay boolisku meydka labada(2) kasoo saareen guriga, kadib markii ay fariin wel-wel ah ka heleen goobta shaqada ee mid kamid ah labada qof ee meydkooda la helay.

Booliska ayaa sidoo kale isbitaalka u kaxeeyay qof sadexaad oo guriga la degenaa labadda(2) qof ee geeriyooday. Xaaladda qofka sadexaad ayaan ilaa hada la hubin, sidoo kale lama sheegin nooca xiriir ee kja dhaxeeyay sadexda qof ee guriga wada degenaa.

Madaxa howlgalada booliska ee qeybta booliska Agder ayaa sheegay in ilaa hada aysan boolisku arkin awax muujin kara fal-danbiyeed arrintan lala xiriirin karo, balse ay boolisku wali wadaan baaritaanka arrintan, ayna wareysteen dhowr goob-joogayaal ah.

Eheladad dadka uu kiiskan khuseeyo ayay sidoo kale boolisku sheegeen inay la wadaageen dhacdadan. Maalinta isniinta ah ayaana go’ aan laga gaari doonaa goorta la baarayo meydka labada qof ee guriga laga helay.

Xigasho/kilde: Vitner avhørt etter at to personer ble funnet døde i Kristiansand.

wp_ad_camp_1]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x