fredag, april 26, 2024

Turkiga baasaboor la’ aan ayaad u safri kartaa.

Waxaa bilihii ugu danbeeyay dalkan Norway ka taagnaa dhibaato weyn oo la xiriirta cusbooneysiinta baasaboorka Norwiijiga ah, xili ay sanadkan boqolaal kun qof oo Norway ka baxaya ay rabaan inay aadaan fasax dalka dibadiisa ah.

Booliska oo dhowr mar arrintan warbixin kasoo saaray, ayaa sheegay in awooda baasaboor sameynta ee booliska ay aad uga yartahay dalabaadka ka imaanaya dadka raba inay cusbooneysiistaan baasaboorka Norwiijiga ah.

Dad tiradooda lagu qiyaasay 300.000 ilaa 400.000 ayaa la qiyaasiyaa in xiligan ay yihiin baasaboor la’ aan, iyada oo soo dhawaaday fasaxii xagaaga.

Dowlada Norway ayaa horey u sheegtay inay wadahadal kula jirto dalalka kale ee Yurub, gaar ahaan kuwa fasaxyada ay inta badan u aadaan dadka ka taga Norway. Waxeyna dowladu sheegtay inay ka shaqeyneyso sidii dadka Norwiijiga ah loogu fududeyn lahaa socdaalkooda dibadda, iyaga oo adeegsanayaa aqoonsiyo aan baasaboor aheyn.

Turkiga: Baasaboor la’ aan dalkeena waa lagu soo gali karaa.

Sida safaaradda Turkiga ee Norway ay u xaqiijisay wargeyska Nettavisen, dadka Norwiijiga ah ee aan heysan baasaboorka, ayaa baasaboor la aan ku gali karo dalka Turkiga, hadii ay heystaan waraaqda aqoonsiga qaranka ee ID-kort.

Hadalka safaaradda ayaa yimid kadib markii shaley ay wada kulmeen wasiiradda arrimaha dibadda dalalka Norway iyo Turkiga,  Mevlüt Cavusoglu og Anniken Huitfeldt.

Turkiga oo aan kamid aheyn dalalka la isku yiraahdo Shenchen-ga, ayaa waxaa sida caadiga ah waajib ahaan jirtay in qofka galayo uu wato baasaboor, Shervindokt Najafpour oo katirsan safaaradda ayaa wargeyska u sheegay in dowladu Turkiga ay soo rogtay talaabo ku meel gaar ah oo safarka loogu fududeynayo dadka Norway u dhashay ee aan heysan baasaboorka.

Shervindokt Najafpour ayaa sidoo kale sheegay in qofku uu u baahanyahay ID-kort, si uu usoo galo Turkiga..

Xigasho/kilde: Tyrkia vil at du skal kunne reise dit uten pass.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x