tirsdag, april 16, 2024

UDI-da oo arrintan lagu cambaareeyay.

Xafiiska ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta ee Sivilombudet ayaa hey’ adda qoxootiga Norway ee UDI-da ku cambaareeyay daahitaanka ka jawaabista codsiyada dadka dacwadaha xareystay ee raba inay qoysaskaskooda keenaan Norway. Wuxuuna xafiisku sheegay xiliga sugitaanka kiisaskan, gaar ahaan kuwa ay kujiraan caruurtu uu yahay mid aan la aqbali karin.

Xafiiska ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in xiliga ka shaqeynta kiisaska oo aad u dheer iyo xiliga sugitaanka ee balanta wareysiga booliska oo isagana dheer, marka labadaas la isku daro ay arrintan noqoneyso mid aan la aqbali karin.

In qofku uu la midoobo xaaskiisa ama caruurtiisa, waa xuquuq muhiim ah, hadii uu qof qoyska ka tirsan uu sharci ku heysto Norway. In dhowr boqol oo qof oo codsaday in xubnaha qoyskooda loo keeno Norway, ay wali sugayaan jawaabta codsiga kiisaska, labo sano iyo ka badan kadib markii ay codsiga xareeyeen, waa arrin aad halis u ah ayay sheegtay Hanne Harlem oo ah madaxa xafiiska.

Xafiiska ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta( Sivilombudet) oo kiiskan baaritaan iskiis ah ku sameeyay ayaa sheegay in sugitaanka xiliga dheer uu saameyn weyn ku leeyahay xubnaha qoyska ee xareystay codsiga, gaar ahaan caruurta.

Inkasta oo kiisaska dacwaddaha qoysaska ay UDI-du ku dhameyso mudo ka yar lix bilood, hadana waa arrin cambaareyn mudan in UDI-du ay mudo dheer heysatay kiisaska boqolaal qof oo aan wali jawaab helin. Si gaar ah waxaa halis u ah kiisaska dacwaddaha qoysaska ee ay kujiraan caruurta, ayay sheegtay madaxa xafiiska ilaalinta xuquuqda.

Xigasho/kilde: Sivilombudet kritiserer UDI for lang behandlingstid i familieinnvandringssaker.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x