lørdag, april 20, 2024

Sweden oo u dabacday Turkiga.

Dowlada dalka Sweden ayaa sheegtay inay adkayneyso sharuucda udejisan ladagaalanka kooxaha argagixisada ah, arrintaas oo qayb ka aheyd shuruudii uu dalka Turkiga hordhigay Sweden, si looga shaqeeyo codsiga Sweden ee kamid noqoshada Nato.

Raysul wasaaraha dalka Sweden Magdalena Andersson ayaa sheegtay in dowlada Sweden ay mashquul ku ahayd la dagaalanka argagixisada, hadana ay sii xoojianyaan sharciyada ka dhanka ah argagixisada laga bilaabo kawda(1) bisha todobaad ee sanadkan.

hadalkan ayay ka sheegtay shir jaraa´id oo la xriiray booqasho uu dalkaas ku yimid xog hayaha guud ee ururka NATO Jens Stoltenberg maalintii isniita.

Sweden waxay si joogtaa usoo waday sharciyada kad hanka ah ladagaalanka argagixisada sanadadii u dambeeyey, mana jirto cid ku khasabtay Sweden ladagaalanka argagixisada » Sidaa waxaa tiri raysal wasaaraha Magdalena Andersson.

Raysul wasaaraha Sweden ayaa isku dayeysa inay ka dhabayso dalabaadka Turkiga ee ku aadan in xiriirka loo gooyo urruro dhawr ah oo dowlada Turkiga kasoo horjeeda, gaar ahaa jabhadda kurdida ah ee loo yaqaan PKK.

Madaxweynaha Turkiga ayaa horay u diiday in Sweden ka mid noqoto ururka Nato hadii aysan aqbalin shuruudo dhawr ah oo Turkigu rabo inay Sweden fuliso.

Xog-hayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg oo ka hadlay shirka jaraa´íd ayaa sheegay in shir waynaha ka qabsoomaya Magaalada Madrid ee dalka Spain bisha todobaad uusan u muuqan inuu yahay xiliga udambeeya ee Finland iyo Sweden ay kamid noqonayaan ururka Nato.

Waxa kale oo uu sheegay in sadexda wadan ee Sweden, Finland iyo Turkigu ay yihiin sadexda wadan ee la rabo inay heshiiyaan, taasna aysan macquul ahayn in xili loo cayimo balse qorshuhu yahay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay ku dhacdo.

Xigasho/kilde: Sverige strammer inn lovverket rundt terrorisme – imøtekommer deler av Tyrkias krav.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x