søndag, mai 5, 2024

Askar dhaawac ah oo Ukraine u dhashay oo daaweyn Norway loogu soo qaaday.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay dowlada Norway, waxaa maanta Norway laga soo dajiyay sadex askari oo u dhashay dalka Ukraine, kuwaas oo ku dhaawacmay dagaalka Ruushka iyo Ukraine. Waxaana askartan lagu daaweyn doonaa isbitaaladda Norway.

Norway ayaa kamid ah Sideed (8) dal oo balanqaaday inay daabulitaan iyo daaweyn u sameyn doonaan askarta Ukraine u dhalatay ee dhaawaca ah. Waxaana arrintan oo EU-du ay garwadeen ka tahay loogu magac-daray( UCPM).

Dowlada Norway ayaa horey u meelmarisay inay soo qaadi doonto 550 bukaan( qof jiran/dhaawacan) oo Ukraine u dhashay, iyada oo arrintan ay soo hoosgalayaan askarta dhaawaca ah. Sadexda askari ee maanta Norway la keenay ayaa kamid ah qorshahan ay horey dowlada Norway u balanqaaday.

Wasiiradda caafimaadka Norway Ingvild Kjerkol ayaa sheegtay in caawinta Norway ay bixineyso, ay culeyska ka yareyn doonto isbitaaladda iyo goobaha caafimaadka Ukraine, oo culeys aad u badan uu kasoo fuulay dagaalka Ruushka Iyo Ukraine.

Askarta dhaawaca ah ee la keenay ayaa si lamid ah qoxoootiga Ukraine loo soo bandhigi doonaa inay degaan mid kamid ah degmooyika Norway.

Xigasho/kilde: Regjeringen: De første sårede soldater fra Ukraina har ankommet

.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x