onsdag, mai 8, 2024

FHI: Waxaa nagu soo dhow mowjad(hir) kale oo corona ah.

Waxaa guud ahaanba dalalka Yurub si aad ah sarre ugu kaceyso tirada dadka uu ku dhacayo feyruska corona. Tirada feyruska ee gudaha Norway oo aad u xasilooneyd maalmihii ugu danbeeyay ayaa hada kor u kacday.

Hey’ adda machadka caafimaadka dadweynaha Norway( FHI) ayaa sheegtay in qiimeyn ay sameeyeen dhawaan, ay qiyaasiyanaan in mar kale ay Norway kusoo socoto mawjad(hir) cusub oo faafitaanka feyruska corona ah. Sidaas waxaa TV2 u sheegay Camilla Stoltenberg oo ah agaasimaha machadka FHI.

Waxaa isbuucyadii ugu danbeeyay aad caalamka, gaar ahaan dalalka Yurub ugu faafay nooc cusub oo feyruska corona ah. Noocan cusub oo loo bixiyay BA.5 ayaa sida la qiyaasiyo waxaa sii badan doono faafitaankiisa, waxaana la fili karaa inay badato tirada dadka isbitaalka loo dhigayo feyruska awgiis.

Agaasimaha FHI ayaa sheegtay in sida ay xisaabiyeen uu xanuunku mar kale kor u kici doono marka la gaaro bilaha deyrta(Høst) ee ka danbeeyay fasaxa sommerka. Balse waxa ay raacisay in xitaa ay kasoo hormari karaan.

FHI ayaa sidoo kale sheegtay inay isbuuc walbe sameeyaan warbixin ay ku qiimeeyaan xaalada feyruska corona, ayna la socdaan dhaq-dhaqaaqa feyruska iyo faafitaanka dadweynaha.

Xigasho/kilde: FHI: Ser ut til at Norge er på vei inn i en smittebølge.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x