fredag, mars 21, 2025
Home Blog Page 46

Stavanger: Koob kubadda cagta ah oo loo qabtay dhalinyaradda magaaladda Stavanger.

0

Magaaladda Stavanger waxaa dhawaan lagu qabtay koob kubadda cagta ah, kaas oo ahaa mid isdhexgal iyo madadaalo loogu sameynayay dhalinyaradda kunool magaaladda.

Hoos ka daawo warbixinta aan ka diyaarinay tartanka.

Booliska Oslo oo sheegay inay ogaadeen sababta Xamse loo dilay.

Waxaa maalin kahor xabsiga laga sii daayay nin 41 sano jir ah oo loo xiray kiis danbi ah oo lala xiriirnay dilkii argagaxa lahaa ee bilowga bishii October magaalada Oslo lagu dilay Allah ha u naxariistee Xamse Xaashi Aadan oo ahaa 20 sano jir soomaali ah.

Ninka ay boolisku sii daayeen oo xirnaa 7 bilood oo xiriir ah ayaa ku eedeysnaa inuu saameyn ku lahaa falka lagu dilay Xamse oo lagu dilay xaafadda Mortensrud ee magaaladda Oslo. Balse dilka 20-jirka soomaaliga ah waxay boolisku ku eedeeyeen inay ka danbeeyeen labo nin oo walaalo ah oo u dhashay dalka Kosovo. Kuwaas oo Norway ka baxsaday labo maalin kadib, markii uu dhacay falka dilka ah.

Sidoo kale akhri: Labadan nin ee walaalaha ah ayaa loo raadinayaa dilka Xamse Xaashi Aadan.

Warbixin qoraal ah oo ay boolisku kasoo saareen sii deynta ninka ku eedeysnaa ka qeybqaadashada falka dilka ah ayay sidan ku sheegeen:

Ninku wali wuxuu ku eedeysanyahay ka qeybqaadashada dilka. Balse maadaama ilaa hada boolisku aysan gacanta kusoo dhigin labadii walaalaha ee falka ah dilka loo raadinayo, kuwaas oo u safray Kosovo 2 maalin kadib dilka, wey adkaaneysaa in ninka xabsiga lagu sii hayo ilaa waqti aan la ogeyn.

Horey waxey boolisku u sheegeen in sababta ilaa hada xabsiga ninkaas loogu hayay ay aheyd khatarta inuu saameyn ku yeelan karo cadeymaha kiiska.

Booliska ayaa sidoo kale raaciyay ineysan waaqici aheyn in xiligan ay xeer ilaalinta go’ aamiso maxkamad geynta kiiska ninka la sii daayay, ilaa boolisku ay wareystaan labadda walaalaha ah ee ku eedeysan falka dilka ah.

Waan naqaan sababta dilka:

Børge Enoksen oo ah qareenka booliska ayaa sida uu TV2 soo xigtay sheegay in boolisku ay sawir fiican ka heystaan wixii dhacay markii Xamse lagu toogtay, laguna dilay xaafada Mortensrud ee magaalada Oslo.

Boolisku ayaa sidoo kale sheegay inay fikir ka heystaan sababta uu dilkaas u dhacay, balse waxey diideen inay faah-faahin ka bixiyaan arrintaas.

Booliska Norway ayaa horey u sheegay inay ku dabo jiraan labadda nin ee lagu eedeeyay dilka Xamse, ayna ku rajo qabaan inay soo qabtaan, iyaga oo gacan ka helayo hey’ addaha booliska ee dalalka kale ee caalamka.

Xigasho/kilde: Politiet mener å vite hvorfor Hamse (20) ble skutt og drept.

Booliska oo raba in isbadal fududeyn ah lagu sameeyo helista «Nødpass».

Dad badan ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay dhibaato xoogan ku qabay helitaanka balan ay ku cusbooneysiistaan baasaboorkooda, si ay fasax ama howlo kale ugu baxan dalka dibadiisa. Waxaana arrintaas sabab u ah dadka sanadkan u baxayo dalka dibadiisa oo aad uga badan dadkii caadi ahaan xiliyadan oo kale bixi jiray.

Booliska Norway, qeybtooda baasabooradda ayaa isbuucyo kahor sheegay inay adkeynayaan helitaanka baasaboorka xaaladdaha deg-deg ah( Nødpass) oo waayadii hore si fudud lagu heli jiray. Halkan ka akhri. Booliska ayaa xiligaas sheegay in dad badan ay sanadkan soo codsadeen helitaanka baasaboorka xaaladdaha deg-dega ah ee Nødpass, balse aysan boolisku awoodin bixinta baasabooro ka badan awooda wax soo saarka xarumaha booliska ee sameeya baasabooradda. Sidaas darteed ayay sheegeen inay adkeynayaan helitaanka baasaboorka Nødpass.

Booliska ayaa hadana war ay shaley soo saareen ku sheegay inay rabaan in la fududeeyo helitaanka baasaboorka Nødpass, ayna mar kale badalaan shuruucdii isbuucyo kooban kahor la adkeeyay.

Sida uu hada sharcigu yahay, waxaa baasaboorka Nødpass heli karo qof ku sugan xaalad deg-deg ah, ama heysta sababo gaar ah oo loo qaateen ah. Qofkii raba inuu u baxo fasax dibadda ah, casuumaad ama aroos iyo arrimaha lamidka ah ayaan helin baasaboorka Nødpss.

Hey’ adda maamusha booliska, ayaa xiligan ka shaqeyneyso sidii dad badan ay u heli lahaayeen fursad ay ku qaataan nødpass. Laakiin ilaa hadda ma cadda qaabka ama hanaanka arrintaas loo marayo.

Booliska ayaa dhankooda sheegay inay keydka ku hayaan 30.000 baasaboor oo nooca Nødpass-ka ah, kuwaas oo ay bixin karaan.

Xigasho/kilde: Politiet vil åpne for at flere kan få nødpass likevel.

Oslo: Booliska oo sii daayey nin loo xiray dilkii Hamse Hashi Aden.

Mid kamid ah dadkii lagu eedeynayay danbiyo la xiriira dilkii wiilkii Soomaliga ahaa Hamse Aden Hashi (20), ee kadhacay xaafada Mortensrud bishii October ee sanadkii 2021 ayaa xabsiga laga siidaayey 7 bilood oo boolisku hayeen kadib.

Ninkan ay boolisku xabsiga kasii daayeen ayaa ah 41 jir lagu tuhunsanyahay inuu qeyb ka ahaa falkii dilka ahaa ee lagu tooggtay. Waxaana xabsiga la dhigay bishii October ee sanadkii hore, maalmo kooban kadib markii la dilay xamse oo ahaa 20 sano ardey soomaali ah.

Booliska ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in sii daynta ninkan oo xirnaa mudo dheer, aysan ka turjumeyn in tuhunkii ka qeybqaadashada dilka xamse ee Ninkan uu meesha ka baxay. Waxeyna cadeeyeen in ninkan uu wali yahay eedeysane maxkamad suge ah, baaritaanka kiiskuna uu socdo..

Sida boolisku ay horey u sheegeen waxaa dilka Xamse ka danbeeyay labo nin oo walaalo, kuwaas oo kasoo jeedo dalka Albania, kala ahna AlbValon Avdyli 35 jir ah iyo Visar oo 32. Walaalaha eedeysanayaasha ayaa dalka Norway ka baxsaday 2 maalmood kadib markii uu dilka dhacay. Waxaana markii ugu dambaysay ee la arkay, qabatay kamerada wax duubta  ee garoonka diyaaradaha magaalada Oslo iyaga oo usocda magaalada Pristina ee dalka Kosovo.

Booliska Norway ayaa marar badan sheegay inay ku daba jiraan, ayna ka shaqeynayaan soo qabashada walaalaha lagu tuhunsanyahay dilka, iyaga oo la kaashanaya hey’ addaha booliska caalamka ee ay wada shaqaynta leeyihiin. Waxayna boolisku labaddan nin kula taliyeen inay booliska isu dhiibaan, sidoo kalana waxay dadwayanaha ka codsadeeen inay lasoo socodsiiyaan hadii ay xog ka hayaan.

Labadan nin ee walaalaha ah ee baxisiga kumaqan, ayaa ah dad boolisku hore uyaqaanay kiisas hore udhacayna loo xukumay.

Valon Avdyli oo ah walaalahaa kan wayn ayaa hore maxkamad ugu xukuntay 4 sano iyo bar xabsi ah, kadib markiii lagu eedeeyey inuu ka qayb noqday ururka Daacish ee IS. Halka Isar oo ah walaalaha kan yarna lagu xukumay 8 bilood oo xabsi ah iyadoo lagu eedeeyey inuu qalab ugu deeqay urur argagixiso ah.

Booliska ayaa wali diidan inay faah-faahin ka bixiyaan sababta ka danbeysay dilka Xamse oo ahaa 20 sano jir ardey soomaali ah, kaas oo dilkiisu uu aad u gilgilay magaaladda Oslo. Waxaa duugtiisa ay kasoo qeybgaleen boqolaaal oo dadka magaaladda degan ah.

Xigasho/Kilde:Siktet for medvirkning til drapet på Hamse (20): Løslatt etter syv måneder i varetekt

Waalidku inta aysan ilmaha dhaqan-celin u dirin haka fikiraan arrimahan.

Dhaqan-celintu ama in ilmaha Norway ku dhashay ama ku koray laga kaxeeyo dalka, lana geeyo Soomaaliya ama dalalka kale ee Afrika iyo Aasiya waa arrin mudo soo jirtay, taas su aalo badan laga keenay.

Maadaama labo sano uu dalka xayirnaa, uuna yaraa dhaq-dhaqaaqa safarka dalka dibadiisa ah, waxaa xiligan suurtogal ah in waalidiin badan ay qorsheynayaan in ilmahooda ay u safriyaan dalka dibadiisa, halkaasna ay ugu sameeyaan dhaqan-celin xaga luuqadda ama dhaqanka ah.

Maxaa sabab u ah dhaqan-celinta:

Gudi ay dowladu sanadkii 2020 u xilsaartay soo baaritaanka kiisaska la xiriira dhaqan-celinta (rapport om etterlatte barn i utlandet) ayaa daraasad ay ku sameeyeen kiisaskan kadib soo saaray warbixin ay kusoo koobayaan sababaha waalidiinta ajaaniibta ah ku qasba inay ilmahooda u sameeyaan dhaqancelin. Waalidiinta ayaa marar badan ku fakaraya wanaag, balse wanaagaas ayaa natiijadiisu inta badan noqotaa inuu dhibaato ilaa xad ah u keenta ilmaha, marba hadii ilmuhu uu kusoo noqonayo Norway.

Waxa ay warbixinta ku sheegeen, in inta badan sababa waalidiinta ku kalifa dhaqan-celinta ilmahooda ay yihiin kuwo badan oo hadana isku xiran. Balse waxaa ugu waaweyn:

  • Waalidka oo ka fakaraya soo celinta sumcadda iyo sharafta reerka, gaar ahaan gabdhaha marka ay qalad sameeyaan.
  • Waalidka oo raba inay u guuriyaan ilmaha, inta badan ilmaha oo aan raali ka aheyn.
  • Waalidka oo raba inay ka hortagaan in ilmahooda uu qeyb ka noqdo falal danbiyeedyada la xiriira daroogada.
  • Waalidka oo raba inay ka hortagaan in ilmahoodu uu ilaawo dhaqankii dalkii ay waalidkiis ka imaadeen, kuna dhex milmo dhaqan iyo dhexgal ahaanba bulshada Norway.
  • Kalsooni la aan ka dhex jirto nidaamka iyo hey addaha dowliga ah iyo waalidita ajaaniibta qaarkkood
  • Khilaaf loo kala dhexgalo waalidiinta ilmaha
  • Iyo qoysaska qaarkood oo ay ku adkaato nolosha Norway, doortana in ay dalka isaga guuraan.

Warbixinta ay diyaariyeen gudiga oo sidoo kale loo gudbiyay dowlada, ayaa waxaa dhanka kale dhibaatooyinka ay lasoo kulmaan ilmaha la dhaqan-celiyay, kuwaas oo qaarkood ay ilmaha daris la noqdaan mudo aad u dheer. Dhibaatooyinka ay ilmaha la kulmaan, waxaa kamid ah:

  • Labadda dal midna kama tirsani: Ilmo badan oo la dhaqan-celiyay ayaa sheegay in markii la dhaqan-celiyay ay lumiyeen saaxiibadii iyo bulshadii ay qeybta ka ahaayeen, sidoo kalena ay la qabsan waayeen dalkii la geeyay, sidaasna ay dhexda labo goorba uga lumeen.
  • Niyad jab iyo qoomamo: Dhalinyaro badan oo dalka dibadiisa kasoo noqday, ayaa sida warbixinta lagu sheegay waxa ay la kulmaan niyad jab iyo qoomamo, iyaga oo mararka qaarkood ay arrintasi ku noqoto cuqdad nafsi. Cuqdadaas ayaa waxaa sabab u ah sida lagu sheegay warbixinta ilmaha oo dareemo in waalidkiis ay ku ciyaa
  • Luuqadda oo ku adkaato marka soo noqdaan: dhalinyaro badan oo lagu wareystay warbixintan ayaa sheegay inay ku adkaaday luuqadda markii ay soo noqdeen, ayna dareemeen inay mar kale dib u baranayaan luuqada dalkii ay ku dhasheen.
  • Waxbarashada oo ay ka niyad jabaan: Dhalinyaro badan oo la kaxeeyay iyaga oo caruur ah, ayaa sheegay in markii ay soo noqdeen, ayna arkeen saaxiibadood ay isku fasal ahaayeen oo meelo fiican ka shaqeeya, ay niyad jab ku noqotay shaqada.
  • Waxaa ku adag inay shaqo helaan: iyada oo guud ahaan ay Norway badantahay shaqo la aanta heysata dhalinyarada ajaaniibta ah, hadana ilmaha dalka lagu soo celiyay ee aan heysan khibrad shaqo oo gudaha Norway ah, waxaa ku adkaato ama waxaa mudo ku qaadata inuu helo shaqo, taas oo qeyb ka noqoto niyad-jabka uu kasoo qaaday dhaqan-celinta.
  • Waxaa u fudud inay danbiyo galaan: Ilmaha iyaga oo yar-yar dalka dibadiisa laga kaxeeyay, hadana lasoo celiyay ee ay luuqadu ku adkaatay, ayaa waxaa ku u fududaato in ay raadiyaan wado kalo oo shaqo ku helaan. Taas oo dhabaha usii xaarto inay galaan falal-danbiyeedyada la xiriira arrimaha daroogadda.
  • Waxaa xumaado xiriirka iyaga iyo waalidka: Dhalinyaro badan oo lagu wareystay ayaa sheegay inuu xumaaday xiriirka ka dhaxeeyo, iyada oo waalidkood, maadaama ay dareemeen in waalidku uu sabab u ahaa inay lumiyeen sanado badan oo muhiim u ahaa koritaankooda caqliyeed ama waxbarasho.

Halkan kasii akhri warbixinta gudiga: «Det var ikke bare ferie» Rapport fra ekspertgruppe om unge som etterlates i utlandet mot sin vilje.

Norway: Booliska oo ka digayo, raadinayana ninkan xabsiga kasoo baxsaday.

Stig Millehaugen waa maxbuus lagu xukumay dilka labo(2) qof, arbacadii ayaana xabsiga laga siiyay fasax banaan joog ah oo saacado kooban ah ( Permisjon). Fasixii la siiyay isaga oo ka faa’ iideysanayo ayuu arbacadii shaley aheyd kasoo baxsaday magaalada Trondheim oo ku xirnaa, wuxuuna diyaarad usoo qaaday Oslo sida ay warbaahintu qoreyso.

Ogolaanshaha fasaxa la siiyay ayaa ka bilowday sagaalka(09 am) aroornimo ee subixii, wuxuuna qorsuhu ahaa in xabsiga uu kusoo noqday sadexda galabnimo (03 pm).

Sawiro ay boolisku muujinayo ninkan oo shaley markii ay saacadu aheyd 12 ku sugan garoonka diyaaraddaha magaalada Trondheim ee Værnes. Sida uu qoray wargeyska VG, booliska ayaa ninkan ka baadigoobayo gudaha Norway iyo caalamka intiisa kaleba. Wargeyska ayaa qoray in ninkan uu kasoo dagay garoonka diyaaraddaha ee Oslo, balse booliska ayaa diiday xaqiijinta arrintaas.

Booliska ayaa dadka ku dhiirigalinayo inay lasoo xiriiraan booliska, hadii ay arkaan ninkan oo sawiradiisa ay ku faafiyeen warbaahinta. Dherer ahaan ninkan waa 179 jir dhisan oo xoogan.

Ninkan oo horey u ahaan jiray hogaamiyaha kooxda gaangiga ah ee  Young Guns ayaa xabsi joogteyn loogu xukumay dilka Mohammed «Jeddi» Javed sanadkii 2009. Wuxuuna ahaa dilkii labaad ee loo xukumay, maadaama horey loogu fal danbiyeed hore oo dil la xiriira.

Ma ahan markii ugu horeysay ee maxbuuskan oo xabsiga ka baxsado. Sanadkii 2000 mar sidan oo kale fasax laga siiyay xabsiga, ayuu la baxsaday saaxiibtiis. Waxeyna qaadatay mudo 8 bilood ah in lasoo xiro ama dib gacanta loogu soo dhigo.

Daawo: Wareysi iyo warbixin ku saabsan barnaamijka dib u noqoshada xorta ah ee assistert retur.

F.G: Muuqaalkan wargalinta ah waa mid si gaar ah ugu socdo dadka uu khuseeyo ee ka faa´iideysan kara, waxaana duubistiisa iyo soo gudbintiisaba maalgaliyay hey´adda UDI-da.

Barnaamijka Assistert Retur(Noqoshada qofka lagu caawinayo) oo ah barnaamij loogu talagalay inay ka faa´iideystaan dadka diidmada kama danbeysta ah(Endelig avslag) ka heysta codsiga magangalyada, ee xiiseynaya inay si xor ah iskood iyo doorashadood ugu noqdaan dalkii ay ka imaadeen. Waana barnaamij qofkii soo dalbado looga caawiyo inuu si iskiis ah oo sharfan ugu noqdo dhulkiisii hooyo, iyada oo laga taageerayo kharashaadka dib u noqoshada, waxaana qofka lagu taageerayaa abuuritaanka shirkad ganacsi ama loo maalgalinayaa fursad waxbarasho.

Muuqaalkan hoose waxaa warbixin guud oo ku saabsan barnaamijka assistert retur ku dhiibeyso Ullrik oo katirsan hey´adda UDI-da, iyo Maxamed Xabeeb oo katirsan hey’ adda DRC qeybteeda muqdisho. Wixii macluumaad ah ee ku saabsan barnaamijkan ka akhri bogga UDI-da ee: https://www.udi.no/retur/hva-er-assistert-retur/

DNB oo dhawaan xirayo koontooyinka dadka aan aqoonsigooda cadeyn.

Bankiga DNB ayaa hore ugu wargaliyay macaamiishisa in ay haystaan ​​toban maalmood oo ay dib ugu cusbayn karaan aqoonsiga macmiilka, kadib marki uu bangigu u baaqay inay soo gudbiyaan aqoonsiga sharciga ah ee qofka.

Haddii macaamiilku cusboon siin waayo aqoonsiga wakhtiga kama dambaysta ah ka hor, waxaa suurto gal ah in akoonka waa laga xanibbo. DNB ayaa hadda ku howlan xiritaanka akoonnada macaamiisha, waxa bangigu sheegay todobaadkii hore in bangigu si joogto ah u xirxirayo akoomada maalmaha Isniinta. Lataliyaha dhanka isgaarsiinta ee DNB, Stål Ulvin Garberg, ayaan si gaar ah faahfaahin uga bixin tiradda macaamiisha ay xireen akoomadooda ilaa hadda, laakiin wuxuu Nettavisen ku u sheegay in wadarta akoomada la xirey ay tahay mid saraysa, waxaase uu ka gaabsadey inuu sheego tiro cayiman.

DNB ayaa sheegaya in ay Asbuucaan bilowgiisa ay si wadayso xiridda akoomo hor leh

“Waxaan la xiriirnay macaamiisha dhowr wareeg oo kala duwan, waqtiga kama dambaysta ah ee xannibista waxay noqon doontaa mid gaar u macmiilka kadib marki uu baaq ka helo bangiga. Horaanta asbuuca ayaan bilaabayna inaa xirno akoono hor leh “ayuu yidhi DNB.

Baahida DNB ee cusbayska aqoonsiga macmiilka ayaa abuurtay fal celin wayn oo ka dhan ah bangiga macamiishiisa. Fal celintaan oo culeys xambaarsan ayaa waxa door wayn ku leh safaradda dheer ee macmiisha qaar u galayaan si ay codsiga bangiga u hirgaliyaan.
Dadka da’da ah ee aan haysan BankID, ama awood u lahayn inay tagaan xarumaha DNB ayaa ayadna caqabad kale ah.

Nettavisen ayaa waxa uu horey u wariyey Oskar torkelsson oo da’diisu tahay 58 in uu 10 saac safar u galay si uu codsiga bangiga u meel mariyo. Macamiisha uu ka mid yahay Oscar ayaa aaminsan in codsiga bangigu uu yahay mid xadka ka baxsan.

-Mar DNB la weydiiyey fariinta ay u diri lahayeen macmiisha waayeelka ah ee aan fursad u helin inay is aqoonsigooda cusbeeyaan in akoomadodoa la xirayo ayaa waxa bangigu ku jawaabey “Waxaan ugu baaqayna in waayeelku ay nala soo xiriiraan, waxaan isku dayeyna inaan xal wanaagsan si wadjir ah u gaarno. Sharciga Lacag-dhaqidda Lacagta ayaa dhigaya shuruudo adag oo cad oo ay tahay in baangigu ogaadaan cidda macaamiishiisu ay tahay. Tani waxay ka dhigan tahay waa inaan ka codsano macaamiisheena in ay is aqoonsigooda u cadeeyaan si joogto ah. Waxaan si gaar ah xaaladooda u fiirinena macaamiisha da’doodu ka weyn tahay 80 jir kuwaas oo aan sababo kala duwan isku aqoonsigooda u cusbay karin, ayuu yidhi Garberg oo ku sugan DNB.

Macaamiisha DNB waxay isticmaali karaan barnaamijka ID-sjekk ama BankID, ama bogga bangiga ee internetka. sido kale macamiishu waxa ay aadi karaan goobaha DNB xafiisyada ku leeyahay, si ay aqoonsigooda u xaqiijiyaan. Aqoonsiga cusbeynintisa ayaa waxaa qofka loo baahan yahay, baasaboor ama kaarka aqoonsiga qaranka( ID kort).

Xigasho/kilde: DNB er i gang med å stenge kontoene til kundene.

Maxay tahay sababta Norway labada qaybood uqaybin karta.

Hay’ada wadooyinka Norway ee Statens Vegvesen ayaa karajo qabta inay buundo kumeel gaar ah samayso kadib markii tii hore ujirtay uu dhaawac wayni soo gaadhay wayni soo gaaray.

Buundada magaalada Kvænangen ee kutaal gobolka Troms iyo Finnmark ayaa baadhitaaan aad u wayni kusocda bedqabkeeda taas oo sababtay in gebi ahaanba ay istaagaan gaadiidkii ka gudbi jiray wadadaas.

Arintan ayaa sababtay in leexdintaan aad udheer oo lasiimarayo dalka Finland ee Norway ay xuduuda lawadaago si loogu gudbo dhinaca kale eee Norway.

Lyng Hansen oo katirsan hay’ada wadooyinka ee Vegvesen ayaa sheegay in dhaawac wayni soo gaadhay buundada Baddern ee E6 oo ladhisay 1986, taas oo u muuqata inaysan ka bad baadayn dhaawaca ay soo gaadhisiiyeen daadadkii maray dhawaaan.

Frode Lyang Hansan ayaa yiri » Dhaawaca dhismaha gaadhay aad ayuu udaranyahay macquulna maaha in dib loo dhiso waa inay iyadu iskeed u dunto ama la dumiyo».

Vegvesen ayaa qorshaynaysa in buundo ku meel gaara ay dhisaan mudo kooban gudaheed, si isu socodka labada dhinac ay dib isugu furmaan.

Hansen ayaa sheegay inay ilaa mudo laba isbuuc ah rajaynayaan inay qaadan karto inta ay buundada ku meelgaarka ahi diyaar ku noqoqonayso si gaadiidku ku isticmaali karaan.

Waxa ayna Vegvesen sheegtay in u diyaar garawga buundooyinka noocan oo kale ah ay horeyba bakhaarka kaydka uyaaleen laakiin ay qaadan karto ilaa laba isbuuc inta lagu soo rarayo. Inta wadada cusub ee ku meel gaadhka ah oo qaadanaysa ilaa laba isbuuc ladhisayo, waxaa sii socon doonta in wareeg dheer oo Finland lasii dhex marayo lamaro.

Sida NTB sheegtay wadada isku xidha Trømso iyo Alta ee hada go´oday ayaa markii ay caadiga ahayd 381 km, laakiin hada noqonaysa 545 Km taas oo muujinaysa in farqi wayni udhexeeyo ayna ku qaadan doonto wakhti aad udheer dadka kusafri doona iyo inay sii dhex marayaan dalkale oo aan Norway ahayn.

Hay´adaha wadooyinka ayaa ugu baaqaya dadka goboladaas usafraya inay xisaabta kudarsadaan arinta kajirta wadadaas xidhan .

Xigasho/Kilde: Vil sette opp midlertidig bro etter brosvikt på E6: − Kan ikke repareres

Norway waxay soo qaadi doontaa dhaawaca askarta reer yukreyn.

Wasiirada cadaalada Norway Emilie Enger Mehl kana tirsan xisbiga (SP) ayaa waraaq ay baarlamaanka udirtay ku sheegtay inay dawlda ufurantahay inay soo daad gurayso askarta dhaawaca ah ee reer Yukreyn qaar kamid ah, si loogu daaweeyo cusbitaalada dalka Norway.

Sida Mehl war-saxaafadeedka kusheegtay dawlada Norway ayaa awalba ahayd dawladaha sida xoogan caawinta caafimaad uga qayb qaatay dagaalka ka socda dalka Yukreyn.

Hadana dawlada ayaa soo qaadi doonta askarta dhaawaca ah sida ay sheegtay wasiiradu. Dawlada ayaa hore u ansixisay in 550 kamida dadka xanuunsan ee rer Yukreyn ay soo qaadaan, balse hada waxaa kusoo biiri doona dadka lasoo qaadayo askarta ku dhaawacantay dagaaalka.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa kadib markii ay sooo baxday talaadadii maanta in xisbiga Midigta ee Høyre uu jawaab ka dalbaday dawlada sababta ay uga aamusantahay soo qaadista askarta dhaawaca ah ee reer Yukreyn.

Sida la wada ogsoonyahay waxaaa bilihii udameeyey dagaal aad loogu hoobtay kasocday dalka Yukreyn kaas oo udhaxeeyey Yukreyn iyo Ruushka oo weerarka soo qaaday.

Dagaalkaas ayaa waxaa kasoo gaadhay reer Yukreyn khasaare balaadhan oo naf iyo maalba leh, Dawlada Norway ayaana kamida dawladaha sida xoogan isu garab istaagay Dawlada Yukreyn iyo shacabka reer Yukreyn dhan walba ha ahaatee. Waxaana Norway hada kusugun dad badan oo kusoo barakacay dagaalka.

Xigasho/Kilde: Norge tar imot sårede ukrainske soldater

FHI: Caabuqa Apekopper oo Norway laga helay.

Sida ay xaqiijisay hay´dada caafimaadka dad waynaha ee FHI waxaa Norway soo gaaray viruska Apekopper loo yaqaan, oo beryahan kusii fidayey wadamada yurub iyo kuwa caalamka kalaba oo aan hore loogu arki jirin.

Sida FHI xaqiijisay hal qof oo kasoo jeeda gobolka Viken ayaa laga helay xanuunka.

Qofka laga helay caabuqan ayaa dhawaan safar utagay dalka dibadisa, mase aysan sheegin FHI meesha qofkaasi tegay ee uu xanuunka uu kasoo qaaaday.

Qofkan laga helay caabuqa Apekopper ayaa isku arkay calaamado muujinaya caabuqan markii uu gurigiisa yimi kadib, isaga oo la xiriiiray bahda caafimaadka kadibna baaritan kadib waxaa laga helay caabuqa Apekopper.

Qofkan ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyey ee laga helo caabuqan dalka Norway, waxayna sheegeen bahda caafimaadku inay la soconayaan xaaladiisa.

Waxii soo kordha gadaal ayaan dinkala socod siin doonaaa.

Xigasho/Kilde: FHI: Apekopper bekreftet i Norge

Shaqaale NAV iyo Nordea katirsan, kuna eedeysan musuqmaasuq oo la xiray.

Booliska Oslo ayaa saaka xabsiga dhigay isku dar shan(5) oo ku eedeysan musuq-maasuq ama ka qeybqaadasho howl musuq-maasuq. Afar(4) qof oo kamid ah dadka la xiray ayaa ka shaqeeyo hey´adda NAV iyo Bankiga Nordea, waxaana soo xiray oo xabsiga dhigay booliska, kadib howlgalo qorsheysan oo ku qaadeen dhowr meelood oo kala duwan oo oo Oslo.

Booliska ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in sidoo kale ay baaritaan ka fuliyeen dhowr guri oo magaalada Oslo, ayna wareysi la yeelan doonaan dhamaan dadka la xiray isla maanta oo Talaado ah.

Labo kamid ah dadka la xiray ayaa ka shaqeeyo bankiga Nordea, halka midna uu ka shaqeeyo Nav. Sidoo kale waxaa kiiskan dartiis loo soo xiray qof horey uga shaqeyn jiray hey´adda NAV.

Kristin Rusdal oo ah qareenka booliska oslo ayaa sheegtay in kiiskan uu la xiriiro tuhun ku saabsan inay sifo aan sax aheyn, loo bixiyay deyn gaareyso 150 milyan, iyada oo la adeegsanayo macluumaad aan sax aheyn.

Bankiga Nordea oo kiiskan ogaaday bishii Maarso, ayaa bishii Maarso booliska u gudbiyay dacwad la xiriirta tuhunka arrintan. Booliska oo ka duulayo dacwadaas, ayaana maanta soo xiray shaqaale katirsan bankiga Nordea iyo hey´adda NAV.

Qareenka booliska ayaa sidoo kale sheegtay kiisaskan ay u arkaan mid xoogan.

Christian Steffensen oo ah madaxa xiriirka Bankiga Nordea ayaa dhanka kale sheegay in waxyaabaha kiiskan ku jiro ay muujiyinayaan danbiyo la xiriira xeer jabin oo la sameeyay xili deyn la siinayay dad, iyada oo la adeegsanayo macluumaad aan sax aheyn.

Xigasho/kilde: Bankansatte og Nav-ansatt pågrepet i stor politiaksjon i Oslo.

Denmark oo waayi karta gaaska dabiiciga ah ee Ruushka.

Dowlada Ruushka ayaa jari karta gaaska dabiiciga ah ee dalkaas looga dhoofin jiray dalka Denmark. Waxaa sidaas sheegay shirkada gaaska kasoo iibsata Ruushka ee Ørsted oo laga leeyahay dalka Denmark.

Dowlada Ruushka ayaa dhawaan dalbatay in dhamaan dalalka iyo shirkadaha shidaalka iyo badeecooyinka kale ka iibsada Ruushka, ay wax ku iibsadaan lacagta Ruushka ee Rubler. Kadib markii dalalka Galbeedku ay cuno-qabateyn dhaqaale saareen dalka Ruushka, ayna u diideen helista lacagaha qalaad ee dollarka iyo Euro-ga.

Shirkadda Ørsted oo horey magaceedu u ahaa DONG Energy ayaa diiday inay aqbasho shardiga dowlada Ruushka ee ah inay wax ku iibsato lacagta Ruushka ee Rubler. Waana sababta ay hada Denmark u waayi karto shidaalka uga imaan jiray Ruushka.

Reysulwasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa sheegtay in dowlada Denmark ay shirkada Ørsted ku taageereyso go’ aanka ay diiday inay ku aqbasho shardiga Ruushka.

Shirkada ayaa sheegtay inay suurtogal tahay in gaaska laga soo iibsan jiray Ruushka badalkiisa laga helo ilo kale oo laga iibsan karo shidaalka dabiiciga ah loo isticmaalo guryaha iyo shirkaddaha wax soo saarka.

Hadii Ruushku gabi ahaanba goyso gaaska ay ka iibin jiray Denmark, waxey denmark ku biireysaa dhowr dal oo Yurub ah oo isla wadadaas maray. Waxaana kamid ah Holland, Finland, Bulgaria iyo Poland.

Gaaska ayaa 18% ka ah adeega quwadeeda ee Denmark. Waxeyna Denmark gaas badan sanad walba kasoo dhoofsan jiray Ruushka oo ay hada dhicin karto inay lumiyaan.

Xigasho/kilde: Danmark kan miste leveranser av russisk gass.

Abaalmarin: Shaqsiyaadkii iyo ururadii ka shaqeeyay wacyigalinta corona oo bilad sharaf la siiyay.

Magaaladda Oslo waxaa sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay kulan weyn oo si wadajir ah qaban-qaabiyeen ururka Tusmo oo saldhigiisu yahay magaaladda Bergen, iyo warbaahinta NorSom News.

Kulankan oo labo (2) qeybood oo isku jiro ka koobnaa ayaa waxaa lagu casuumay inta badan aqoonyahankii ururadii iyo shaqsiyaadkii samafalayaasha ahaa ee kasoo shaqeeyay, ama doorka muuqda ee muhiimka ah ku lahaa wacyigalinta iyo ka hortaga faafitaanka feyruska corona oo Norway iyo caalamka intiisa kaleba ku lahaa saameyn xoogan oo bulsho iyo caafimaad.

Qeybta koowaad ee kulanka oo aheyd mid xiiso badan, ayaa waxaa dadkii kulanka kasoo qeybgalay ay wadaageen fikrado iyo khibrado laga dhexlay qaabkii ay bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan uga shaqeeyeen wacyigalinta bulshada ee ka hortaga feyruska corona, iyo qaadashada talaalka feyruska. Ururadda, aqoonyahanka iyo samafalayaasha kale ee kulanka kasoo qeybgalay ayaa mid walba gaarkiisa usoo bandhigay qaabkii ay u shaqeeyeen ama ula falgaleen wacyigalinta feyruska, sidoo kalena caqabadihii qabsaday iyo qaabkii ay u xaliyeen, ugana gudbeen.

Waxay guud ahaan kasoo qeybgalayaashu isku raaceen inay muhiim tahay in la joogteeyo xiriirka shaqo ee ka dhaxeeyo qeybaha bulshada soomaaliyeed, si qaab wadajir ah loogu xaliyo dhibaatooyinka bulsho ama caafimaad ee soo wajihi karo soomaalida Kunool, muhiimna ay tahay fahanka nidaamka dowliga ah ee dalka, si loola jaanqaadi karo qaab-dhaqanka shaqo iyo hab-fikir nololeedka bulshada aan la noolnahay.

Abaalmarinta shaqsiyaadkii ka shaqeeyay wacyigalinta feyruska corona:

Qeybta labaad ee barnaamijka ay isla soo abaabuleen ururka Tusmo iyo warbaahinta NorSom News ayaa ahaa abaalbarinta shaqsiyaadkii iyo ururadii soomaalida ahaa ee doorka muuqda ee muhiimka ah ka qaatay wacyigalinta bulshada ee feyruska corona.

Waxaana la abaalmariyay oo bilad sharaf la gudoonsiiyay 4 samafale iyo 2 urur oo soomaali ah kuwaas oo lagu xulay shuruudo shan(5) ah oo ay dajiyeen gudiga abaalmarinta ee ka socday laba hey’ adood ee barnaamijka soo abaabulay.

Shuruudaha shanta ah ayaa kala ahaa:

  1. In ururku ama shaqsiga ah samafalaha ee bilada la gudoonsiiyo uu noqdo qof ama urur soomaali ah oo shaqo muuqato oo saameyn yeelatay ka qabtay wacyigalinta corona, mudadoo labadii sano aheyd ee lasoo dhaafay.
  2. In ururku ama shaqsigu uu qabtay wacyigalinta xiligii ku habooneyd ee baahida gaarka ah loo qabay, aheyd mid la joogteeyay, yeelatayna saameyn wanaagsan iyo dhiirigalin, gaarteyna dad badan.
  3. In wacyigalinta uu qofku ama ururka  bixiyay ay aheyd mid cilmiyeysan, asluubeysan, ku haboon wacyiga iyo heerka aqooneed bulshada, aana dhibaato iyo sawir xumo u keeneyn dadka.
  4. In shaqada qofku qabtay ay yeelatay saameyn qaran oo Norway ah( aysan ku koobneyn xaafadda ama degmadda uu deganyahay oo kali ah).
  5. In shaqsiyaadka ku guuleysanaya abaalmarinta laga soo soo xulo bulshada qeybaheeda kala duwan sida ragg, dumar, dhalinyaro iyo dad waaweynba.

Kadib qiimeyn ay sameeyeen gudiga loo xilsaaray abaalmarinta waxaa bilad-sharafta abaalmarinta wacyigalinta corona ku guuleystay:

  1. Farxaan Cali Xalane: Samafale.
Farxaan Cali Xalane.

2) Ururka Håp kompetanse oo ka dhisan xaafadda Tøyen ee magaalada Oslo. Waxaana biladda magaca ururka ku gudoomay Faiza Warsame oo ah gudoomiyaha ururka Håp Kompetanse.

Faiza Warsame: Ururka Kompetanse.

3) Suldaan Bashiir Sh Maxamed Aw Geele: Samafale.

Suldaan Bashiir Sh Maxamed Aw Geelle.

4) Ururka Unge Minoriteter oo saldhigeedu yahay magaalada Stavanger. Waxaa magaca ururka biladda ku gudoomay Abdirahman Omar oo ah gudoomiyaha ururka UM.

Abdirahman Omar: Gudoomiyaha ururka UM

5) Abdiraxman Diiriye: Gudoomiyaha golaha Islaamka Norway.

6. Dr. Ayaan Bashiir Sh Maxamed Aw Geelle: Dakhtatarad soomaali ah oo katirsan komishinka corona ee dowlada Norway, ahna qofka kali ah ee ajnabi ah ee katirsan gudigaas muhiimka ah.

Waxaa xusid mudan in gudigu ay lixdan qof kasoo dhex-doorteen ilaa 30 urur iyo samafalayaal soomaali ah, kuwaas oo shaqo fiican ka qabtay wacyigalinta bulshada ee feyruska corona.

Oslo: Nin xabad lagu dhaawacay xaafada Mortensrud.

Sida ay sheegeen booliska Oslo, nin labaatameeyo jir ah(20) oo xabad lagu dhuftay ayaa dhaawiciisa laga helay xaafada Mortensrud ee magaalada Oslo. Booliska ayaa baadigoob ugu jira dhowr qof oo lagu tuhunsanyahay inay falkan ka danbeeyeen.

Booliska ayaa sidoo kale xiray goobta uu falkan ka dhacay, waxeyna wali baaritaano ka wadaan deegaanadda ku dhow meesha uu falka ka dhacay. Iyada oo hawada lagu arkayay diyaaradda helikopterka ah ee ay adeegsadaan booliska, marka ay jiraan xaaladdaha halista ah.

Ninka labaatanka(20) jirka ah ee la dhaawacay ayaa hada lagu daaweynayaa isbitaalka Ullevål. Waxeyna boolisku sheegeen in dhaawiciisu uu yahay mid xoogan, balse aan halis weyn aheyn.

Booliska ayaa sidoo kale wareystanayo dad goob-joogayaal ah oo ka ag-dhawaa goobta uu falkaas ka dhacay.

Wixii falkan kasoo kordha, dib ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: Én funnet skutt på Mortensrud i Oslo – søker etter gjerningspersoner.

Midawga Yurub (EU)oo Norway ka caawinaya helista talaalka Apekopper..

Sida hay’ada caafimaadku sheegtay dawlada Norway ayaa qayb ka heli doonto talaalka iyo daawada Apekopper ee midawga Yurub soo iibsan doono sida xoghayaha wasaarada caafimaadka Karl Kristian Bekeng u usheegay wakaalada wararka NTB.

Waxuu kaloo sheegay talaaalka midawga yurub soo iibsan doono uu ahaa mid hore loogu isticmaali jiray viruska loo yaqaan Kopper, laakiin aan wali loo isticaamlin caabuqa cusub ee Apekopper loo yaqaan.

Sida maamulaha talaaalka dalka Sweden Richard Bergström u usheegay NRK waxa xili kooban soo gaadhi doona talaalka iyo daawawada labadaba.

Hadaba dawlada Norway ayaa xubin ka ah ururka EU4Health taas oo ka saacidaysa inay soo iibsadaan talaalka iyaga oo sii dhexmaraya midawga Yurub sida Bekeng Sheegay.

Xigasho/Kilde:Norge får apekoppvaksine gjennom EU

Dawlada: Waxaan ka shaqeyneynaa in Norwiijiyaanka ay baasaboor la aan safraan.

Wasiirada cadaalada dalka Norway Emilie Enger Mehl ayaa sheegtay in dawladu xal kale u raadinayso caqabadiha helista baasaboorka Norwiijiga ee isbuucyadii ugu danbeeyay ka

Sida ay hadalkeeda u dhigtay wasiiradu ayaa tiri » Waxa aan raadinaynaa habab aan ahayn dhaqamadii soo jireenka ahaa, si dadka Norwiijiyaanka ah loogu ogolaado inay ku galaan dalal kale aqoonsiyo kale, aan baasaboor ahayn dal ku gal ahaaan’’.

Laakiin waxay sheegtay inaysan wax macno ah samaynayn waxa Norway go’aansato hadii dalalka dadku u safraani aysan aqbalin aqoonsiyadaaas.

Arinta wasiirku ka dhawaajisay ayaa ka dhigan in xataa hadii Norway muwaadiniinteeda u fasaxdo inay aqoonsiyada kale ee aan baasaboorka ahayn ku dhoofi karaan ay wali jirto caqabad ah inay dalalka kale aqbali doonaan iyo in kale.

Sida boolisku sheegeen laga soo bilaabo bishii saddexaad ee sanadkan waxaa jirtay caqabad wayn oo soo wajahday shirkadii qaabilsanayd daabacaada baasaboorada.

Waxaaa gabaabsi noqday oo yaraaday walxaha loo baahanyahay si baasaboor cusub loo daabaco.

Tiro u dhaxayso 300.000 ilaa 400.000 oo Noorwiiijiyaan ah ayaan haysan baasabooro ay ku dhoofaaan xiligan oo uu soo gelayo xiligii xagaaga ee fasaxyada, taasoo cadaadis xoogan kuhaysa dawlada.

Caqabadaha jira ayaa waxaa kamida inaad waydo balan si aad u dalbato baasaboor cusub iyo in xili dheer uu kugu soo gaadho markaa dalbato kabacdi.

Xigasho/kilde:Regjeringen ser på alternativer til pass på reise

Gabar 16 jir Soomaali ah oo dishay nin masaari ah oo isku dayey inuu kufsado

Xafiiska dacwad-oogaha magaalada Qaahira ee caasimadda Masar ayaa baaraya gabar Soomaali ah oo la tuhunsan yahay inay dishay nin Masri ah, oo ay sheegtay inuu isku dayey inuu kufsado.

Dhacdadan oo ka dhaday magaalada Lixda October ee Qaahira, ayaa gabadha Soomaalida ah waxay sheegtay inay dishay ninka oo ku waday Mooto Bajaaj, kadib markii uu kusoo qaaday weerar isaga oo doonayey inuu kufsado.

Dambi-baarayaasha ayaa shaaca ka qaaday in gabadha oo ah 16 jir ay booliska isku soo dhiibtay ayada oo timid saldhiiga booliska Giza, islamarkaana ku wargelisay inay dishay bajaajle.

Gabadha Soomaalida, oo aan magaceeda la shaacin, ayaa sheegtay in ninka uu ula soo baxay mindi, iskuna dayey inuu kufsado, balse ay ku guuleysatay inay mindida kala wareegto kadibna isaga ku disho.

Waxay intaas ku dartay in qorshaheeda uu ahaa kaliya inay ninka dhaawacdo, si ay uga badbaado, balse nasiib-darro uu geeriyooday. 

“Waxaan doonayey kaliya inaan sharafteeda dhowro, oo aan is-difaaco, mana damacsaneyn inaan dilo balse wuu dhintay,” ayey tiri gabadha sida uu kasoo xigtay wargeyska Al-Ahram ee Qaahira. 

Dhacdadan ayaa si aad u qabsatay warbaahinta dalka Masar, ayada oo laga bixiyey fasiraado kale duwan falka geesinimada ah ee ay sameysay gabadha Soomaaliyeed.

Xigasho/kilde: C.O

Warbixin: Dad aad u tiro badan ayaa lahayn dhaqtar gaar ah( Fastlege).

Adeega dowladeed ee lahaanshaha dhaqtar gaar ah, ayaa sii xumaanaya. Sannadkii lasoo dhaafey ayaa waxaa jiray dad badan oo aan lahayn dhaqtar u gaar ah “ fastlege”, Arinkaan ayaa waxa daaha ka qaadey ​​warbixinta sannadlaha ah ee qusaysa adeegga “dhaqtarka guud”.

“Kobaca shaqaalaysiinta dhaqaatiirta oo hooseeya iyo hoos u dhigista awoodda adeega “dhaqtarka guud” ayaa gundhig u ah halista xaaladdaan. Waxaan la wadaagnaa welwelkeena dhakhaatiirta anaga oo la socodsiiina in adeegu uu la daalo dhacayo cadaadis weyn. Marka bukaanku ka helo dabo gal wanaagsan dhaqtarka gaarka u ah, waxaan ognahay in ay tani gacan ka geysato tayada wanaagsan ee adeegyada caafimaadka. Tayadaan wanaagsan ayaa maanta ku tiirsan haysashada dhaqtar gaar ah” ayuu war-saxaafadeed ku sheegay agaasimaha caafimaadka Bjørn Guldvog.

Bishii Maarso ee sanadkan, ku dhawaad ​​150,000 muwaadin ayaa hasyan dhaqtar gaar u ah. Warbixinta ayaa sidokale waxay sheegaysaa in bukaannada ugu nugul ay yihiin kuwa ayago doonaya in ay yeeshan dhaqtar gaar ah aan awoodin in ay helaan, sababo la xiriira adeega oo awoodiisu wiiqantay awgeed.

Guldvog ayaa sheegay in laga shaqeynayo sidii xirfadda ”dhaqtarka guud” looga dhigi lahaa barashadeeda mid dhalinyarada soo jiidata ,sidoo kalena ay muhiim tahay in la ilaaliyo dhakhaatiirta guud ee hadda shaqeeya.


“Waayo arignimadda iyo khibrada dhaqaatiirta hadda shaqeeya waxay muhiim u tahay bukaanka, laakiin sidoo kale waxay muhiim u tahay dhakhaatiirta cusub hagitaankooda. Waxaa ognahay in lahaanshaha Dakhtar gaar ah ee hoos u dhigto isbitaalka galidda, dalbashada adeegga dabiibitaanka degdeg ah “ legevakt” iyo dhimashada” ayuu yiri Guldvog.

Xigasho/kilde: Fortsatt reduksjon i kapasitet og tilgjengelighet til fastlege.

Baarlamaanka: Gudi isku raacay in 16-jirada loo ogolaado inay codeeyaan.

Gudiga dastuurka iyo dabagalka ee baarlamaanka Norway ayaa isku raacay in wax ka badal lagu sameeyo dastuurka Norway, si dhalinyarada 16-17 jirada ah loogu ogolaadi inay codkooda dhiiban karaan xiliyada doorashada Norway.

Dastuurka Norway ayaa dhigaya in qofka ka yar 18 sano uusan codkiisa dhiiban karin xiliyada doorashada dalkan Norway. Gudiga dasuurka ee baarlamaanka Norway ayaa qaba in arrintaas badal lagu sameeyo, si 16-jirada dhalinyarada ah loogu ogolaado inay codkooda dhiibtaan.

Qodobkan ay isku raaceen ayaa ah soo jeedin markii hore ka timid xisbiyada Ap, SV, Rødt iyo Venstre. Gudigiyadan ayaa isku dar gudiga dastuurka ku leh aqbaliyad xoogan.

Uma badna in baarlamaanka ansixin doono:

Inkasta oo gudiga dastuurku uu soo gudbiyay soo jeedintan, hadana uma badno in la isku raaci doono, marka soo jeedintan la geeyo baarlamaanka guud.

Xisbiyada Høyre, Sp, Frp iyo Krf oo isku dar heysta aqbaliyada baarlamaanka Norway, ayaa kasoo horjeedo in dhalinyarada 16-17 jirka ah la siiyo xuquuq codeyn doorasho, marka la qabanayo doorashooyinka golaha deegaanka.

Xigasho/kilde: Stortinget.no: Innstilling fra kontroll- og konstitusjonskomiteen om representantforslag om stemmerett for 16-åringer.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.