fredag, mars 29, 2024

Turkiga: Kaarkan ayaa dalkeena lagu soo gali karaa.

Wasaaradda arrimaha dalka Norway ayaa isbuucii hore sheegtay in dowladda Norway ay isku dayeyso in socdaalka iyo safaradda loo fududeeyo muwaadiniinta Norwiijiyaanka ah ee aan wali helin fursad ama balan ay baasaboorka ku cusbooneysiiyaan. Waxeyna dowladu sheegtay in dalka Turkigu uu kamid yahay dalalka lagu gali karo kaarka aqoonsiga dalkan Norway ee loo yaqaan Nasjonalt ID-kort. Halkan kasii akhri.

Wixii ka danbeeyay xiligii ay Norway arrintaas sheegtay, warbaahintuna ay baahisay, waxaa soo badanayay tirada dad sheegay in loo diiday galitaanka gudaha dalka, kadib markii ay baasaboor la’aan u safreen dalka Turkiga, laguna xanibay airporada dalka Turkiga.

Safaaradda dalka Turkiga ee Norway ayaa maanta xaqiijisay in kaarka aqoonsiga Norway ee Nasjonalt ID-kort uu yahay aqoonsi buuxo oo muwaadiniinta Norwiijiga ah ay ugu safri karaan dalka Turkiga. Aysana dadka wata kaarkaas aan lagu xanibi doonin garoomadda diyaaraddaha Turkiga.

Safaaradda Turkiga ee Norway ayaa sidoo kale sheegtay in ogolaanshahan oo maanta la ansixiyay uu yahay mid si kumeel gaar ah loo ansixiyay oo socon doono sanadkan aan ku egnahay ee 2022.

Caadi ahaan kaarka Nasjonalt ID-kort ayaa ah mid qofku uu kaar aqoonsi ahaan u adeegsan karo, marka la joogo gudaha dalalka Yurub ee la isku yiraahdo Schengen.

Xigasho/kilde: Nasjonalt ID-kort gyldig i Tyrkia fra i dag.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x