onsdag, april 24, 2024

Labo qof oo laga helay feyruska Apekopper.

Hey’ adda caafimaadka dadweynaha Norway ee FHI ayaa maanta oo Khamiis ah sheegtay in labo (2) qof oo cusub laga helay feyruska bus-buska daanyeerka ee Apekopper. Isku dar tirada kiisaska feyruskan la xiriira ee gudaha Norway laga helay ayaa noqonayo afar.

Degmada Oslo ayaa sheegtay in labada kiis ee cusub ee feyruska la xiriira laga helay gudaha magaada Oslo.

Dadka qaaday feyruskan, waxaa la socon doono hey’addaha caafimaadka degmada, waxaana lagu sameeyay soocitaan( Isolert), si aysan feyruska usii qaadsiin dad kale. Waxaan baaritaan ku wadnaa dadka kale ee feyruska qaadi karo, waxaana la wadaageynaa warbixinta arrintan dadka ay khuseyso, ayuu sheegay Miert Skjoldborg Lindboe oo ah dhakhtarta guud ee xanuunadda faafa ee Oslo.

Halista is qaadsiinta feyruska waxey sida muuqato tahay mid aad badneyn, ayuu sii raaciyay dhakhtarka. Feyruska bus-buska daanyeerka ayaa ah mid caadi ahaan la isku qaadsiiyo taabashada jirka qofka.

Xanuunkan cusub oo qofka uu ku dhaco jirkiisa kasoo saarayo nabro iyo finan waaweyn ayaa dhowrkii isbuuc ee ugu danbeeyay lagu arkay dalal kamid Yurub, Woqooyiga Yurub iyo Amerika.

Xigasho/kilde: Apekopper: To nye tilfeller oppdaget i Norge.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x