fredag, april 26, 2024

Muhiim: Hadii aad heysato nooca cusub ee baasaboorka, arrintan iska hubi.

Norway ayaa cusbooneysiin ku sameysay naqshada baasaboorka Norwiijiga oo badalay kii hore. Nooca baasaboorka cusub ayaa siyaabo badan uga badalan kii hore, marka la fiiriyo naqshad ahaan, muuqaal ama midab ahaanba.

Arrin aysan dad badan ku baraarugsaneyn ayaa ah in numberka baasaboorka ( Passnummer) ee nooca baasaboorka cusub uu ka duwanyahay kii hore. Arrintaas oo shirkaddaha diyaaradaha, kuwa dalxiisyadu iyo kuwa fududeeya fiisayaasha ay dadka ku boorinayaan inay iska hubiyaan.

Numberka baasaboorka cusub waa xarfo iyo tiro:

Numberka baasaboorka ee noocii hore ee baasaboorka Norway ayaa ka koobnaa sideed(8) tiro, halka nooca cusub uu ka koobanyahay xarfo iyo tiro wadar ahaan isku noqonayo sagaal(9).

Dad badan ayaa marka ay dalbanayaan tigidka diyaaradaha ama visaha dalalka kale, waxa ay warqadaha ku buuxiyaan tirooyinka ku qoran numberka baasaboorka oo kali ah, iyaga oo ka taga xarfaha, maadaama ay la qabsadeen in numberka baasaboorka uu ka koobanyahay tiro oo kali ah.

Arrintaas ayaa yeelan karta cawaaqib, sida uu NRK u sheegay John Eckhoff oo ah madaxa warbaahinta shirkadda diyaaraddah SAS. Hadii aysan is waafaqin numberka baasaboorka iyo waxa aad waraaqaha visaha ku buuxiyay, waxey qofka u keeni kartaa dhibaato.

Hadii tusaale ahaan aadan dhamaan xarfaha iyo tirooyinka numberka baasaboorka aadan ku buuxin waraaqaha codsiga visaha dalalka qaarkood, waxaa laga yaabaa in laguu diido Visaha, iyada oo sababtu ay tahay in baasaboorkaaga aan la heli karin, maadaama aad tiro qalad ah ku buuxisay, ayuu raaciyay madaxa warbaahinta ee SAS.

Tore Rosseland oo ah la taliye katirsan hey\ adda maamusha booliska Norway ayaa dhankiisa sheegay inay muhiim tahay in qofku uu mar walbe adeegsado tirooyinka iyo xarfaha baasaboorka oo dhan, si uusan ula kulmin dhibaato aan daruuri aheyn.

Xigasho/kilde: Nye pass forvirrer reisende – SAS advarer.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x