søndag, mai 5, 2024

Ma rabaan in nin madow uu qoyska boqorka kamid noqdo.

Isbuucii lasoo dhaafay, waxaa warbaahinta Norway iyo kuwa caalamka qabsaday warka ku saabsan in gabadha uu dhalay boqorka Norway ee Märtha Louise ay balan-guur la gashay Durek Verrett oo ah nin asal ahaan u dhashay Haiti, balse heysta dhalashada Norway.

Balan isku dhigashada guur ee labaddan qof oo mid walba gaarkiisa u leh taariikh iyo sheekooyin xiiso badan, ayaa baraha bulshada ka abuurtay hadal heyn badan. Iyada oo ay jiraan su aalo badan oo dadku iska weydiinayaan arrintan, gaar ahaan nooca xiriir ee ka dhaxeyn doono labadooda, iyo saameynta uu guurkoodu ku yeelan karo qoyska boqortooyada Norway oo ah qoys aad looga qadariyo gudaha Norway.

Durek Verrett iyo Märtha Louise oo muuqaal toos ah bartiisa Instram kula wadaagay taageerayaashiisa, ayaa sheegay inay la kulmeen hanjabaado dil ah, cunsuriyad toos ah iyo naceyb aad u badan, markii ay shaaciyeen arrintan guurkooda.

Durek ayaa hadlaya ayaa sida uu qoray wargeyska Expressen sheegay:

Waa marka koowaad e ma rabaan in nin madow ah uu kamid ah noqdo qoyska boqorka. Waligeed horey uma dhicin in qof madow ah uu ka mid noqdo qoyska boqortooyada Yurub. Arrintaas waa kiis weyn iyaga xagooda.

Waa marka labaad Martha waa qof dumar ah. Isku mid ma ahan marka qof nin ah oo katirsan qoyska boqorku uu doorto qof midab kale leh.. Ninku wuxuu rabo ayuu dooran karaan, laakiin in gabar reer boqor ah ay calmato nin madow ah, horey uma aysan dhicin. Arrintaasna dadku wey liqi la\ yihiin.

Martha ayaa dhankeeda sheegtay in xiriirka kala dhaxeeyo Durek ay dartiis ay wax badan ka ogaatay cunsurinimadda, iyo faa’ iidooyinka uu heysto qofka cad.

Xiriirka ka dhaxeeyo Durek iyo Martha ayaa soo bilowday sanadkii 2019. Wuxuuna dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ahaa mowduuc abuuro hadal heyn. Dhawaan ayay shaaciyeen inay is guursan rabaan, balse wali ma aysan sheegin taariikhda guurkooda, iyo meesha uu ka dhici doono.

Xigasho/kilde: Durek Verrett: – Folk vil ikke se en svart mann i kongefamilien.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x