onsdag, mai 8, 2024

Kulan aad muhiim u ah oo lagu qabtay magaalada Skien.

Maalintii sabtida aheyd waxaa magaalada Skien lagu qabtay kulan muhiim ah oo looga hadlayay habka koriimadda iyo barbaarinta caruurta ku koreyso dhulalka qurbaha iyo muhiimadda isfahanka dhalinyaradda iyo waalidiinta, sidoo kalena wada-shaqeynta iyo isfahanka hey´addaha dowliga ah iyo qoysaska, si la isaga kaashado koriimadda wanaagsan ee caruurta iyo dhalinyaradda.

Kulankan oo ay si wadajir ah usoo qaban-qaabiyeen ururada Info 123 iyo ururka Wadajir ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasiiru-dowlaha wasaaradda dhaqanka Norway, Odin Bohmann iyo Hedda Foss oo ah duqa magaalada Skien. Waxaana kulanka qeyb ka ahaa dhamaan qeybaha ay ka koobantahay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Skien iyo deegaamadda ku hareereysan ee gobolka Telemark.

Intii uu kulanka socday waxaa lagu soo bandhigay muxaadarooyin cilmiyeysan oo ka hadlayo muhiimadda fahanka dhaqamadda kala duwan ee la xiriira barbaarinta caruurta, farqiga u dhaxeeyo qaabka ay qowmiyaddaha ajaaniibta ah u koriyaan caruurta dhaqan ahaan, iyo habka koriimadda ee Norway. Sidoo kale la jaan-qaadista waalidka ee duruufaha koriimadda caruurta iyo dhalinyaradda, marka la joogo dalalka qurbaha.

Hoos ka daawo warbixinta

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x