onsdag, november 27, 2024
Home Blog Page 258

Ogow mushaarka ay qaataan dadka ka shaqeeyo 300 xirfadood wadankan Norway

0

Laanta tirokoobka iyo xog uruurinta ee SSB ayaa soo saartay lacagta mushaarka ah oo ay qiyaastii shaqeeyaan dadka ka shaqeeyo xirfadaha kala duwan, sanadkii  lasoo dhaafney ee 2016.

Lacagahan hoos ku qoran ma ahan tirada saxda ah ee qof walba uu shaqeeyo, laakiin waa qiyaastii snittka mushaarka dadka ka shaqeeyo xirfadahaas. 

Halkan ka fiiri mushaarka dadka ka shaqeeyo 300 xirfadood

[adsenseyu2]

 

 

Imaaraadka oo taageeray xanibaada Donald Trump ee muslimiinta kasoo jeeda 7 wadan

0

Sida ay soo tabineyso wakaalada wararka wadankan Norway ee NTB, wasiirka arimaha dibada wadanka isutaga imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan ayaa taageero kal iyo laab ah u muujiyay xanibaada uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump xanibay in muwaadiniinteeda kasoo jeedo 7 wadan oo islaam ah ay soo galaan Mareykanka.

Wasiirka arimaha dibada Imaaraadka ayaa sheegay in intabadan dowladaha islaamka aysan saameyn ku sameynin xanibaadaas. Isaga oo raaciyay in mamnuucidaas dib u qiimeyn lagu sameyn doono sadex bilood kadib, isla markaana aysan arintaas aheyn wax weyn oo la sheeg-sheego.

Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan oo maanta kulan la yeeshay dhigiisa dalka Ruushka, ayaa wadamada uu Trump mamnuucay ku eedeeyay inay la tacaalayaan dhibaatooyin xaga qaab dhismeedka ah. Wuxuuna kula taliyay iney dhibaatooyinkoodaas soo xaliyaan, inta aysan xalin mamnuucida Donald Trump.

Imaaraadka ayaa noqonayo wadankii labaad ee taageero cad u muujiyo go´aanka xanibaada muslimiinta ee Donald Trump. Waxaa horey taageero D.T ugu muujiyay wasiirka arimaha dibada dalka Poland, oo ah nin mayal adag oo Trump ay xaga fikirka islaam naceybka ay isaga egyihiin. 

Canada iyo Imaaraadka:

Dalka Canada ayaa sheegay inuu soo dhaweyn gacmo furan ah u fidin doono dhamaan dadka laga horistaagay inay Mareykanka galaan. Wasiirka arimaha soo galootiga Canada, Axmed Hussein oo asalkiisu uu soomaali yahay ayaa sheegay in dalkiisu uu  damaanad qaadayo nolosha iyo dib u dajinta dhamaan dadka kasoo jeedo 7-daas ee loo diido inay Mareykanka galaan, sadexdaas bilood oo ay xanibaada socoto.

 

-Xiriirka Imaaraadka iyo Trump:

Imaaraadka carabta ayaa lagu tiriyaa inuu yahay wadan xulufo gaar ah la ah dowlada Mareykanka. Waxaa intaas dheer in D.T uu ganacsi waaweyn iyo hoteelo uu ku leeyahay wadanka Imaaraadka. Dhawaantan ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Dubai lagu furo garoon lagu ciyaaro Golfka, oo uu Trump leeyahay. 

Xigasho/kilde: DN.NO, NTB

[adsenseyu2]

Ururka ardeyda soomaaliyeed ee SSF oo isku diyaarinayo siminaarkii dhiiragalinta waxbarashada ee sanadlaha ahaa

0

Ururka ardeyda  soomaaliyeed ee jaamacadaha(Somalisk studenforening, SSF) ayaa is-diyaaris iyo qabanqaabo ugu jiro seminaarka sanadlaha ahaa ee  dhiiragalinta waxbarashada(motivasjonsseminaret). Seminarkan oo sanadkan ka dhici doono Høgskolaha Oslo iyo Akershus, 16-ka bishan aan kujirno ee Februar.

-Seminaarka dhiiragalinta waxbarashada(Motivasjonsseminaret):  

Sida ay noo sheegeen gudiga ururka ardeyda oo NorSom News ay la kulantay, Motivasjonsseminaret waa seminar sanadle ah oo ururka ardeyda soomaaliyeed uu sanad walba u qabto ardeyda soomaaliyeed ee dhigata dugsiyada sare, si loogu dhiiragaliyo inay waxbarasho heer jaamacadeed ah qaataan. iyo waliba da´yarta iyo dadka kale ee xiiseeya waxbarashada, rabana inay waxbadan ka ogaadaan jaanisyada waxbarasho oo ay qaadaan karaan. 

[adsenseyu1]

Waxey noo sheegeen inay marti qaadaan dad soomaali ah oo waxbarasho heer jaamacadeed ah dhameeyay, kuna shaqeeyo aqoontooda si ay tusaale muuqdo ugu noqdaan dhalinyaradan kale, isla markaana ay uga warbixayaan wadadii ay soo mareen. Sidoo kale waxey marti qaadaan ardey soomaali ah oo kuliyado kala duwan ka dhigto jaamacadaha, kuwaas oo iyagana ardeyda uga jawaabo wixii su´aalo ah oo ku saabsan kuliyadaha jaamacadeed oo ay dhigtaan. 

 

-Waalidiinta caruurtooda hasoo diraan maalintaas:

Si ay fariinta seminaarka u gaarto da´yarta dhigata iskuulada sare iyo dhexe, waxey gudiga SSF booqasho ku tagaan iskuulo kala duwan ee kuyaalo Oslo. Waxeyna noo sheegeen inay isku dayaan inay sida ugu macquulsan fariinta u gaarsiiyaan da´yarta dhigata iskuulada sare iyo hoose. 

Ismaaciil Nuur Xeefow oo katirsan Gudiga Maamulka ururka ardeyga, ayaa waalidiinta soomaaliyeed ee ku dhaqan Oslo iyo nawaaxigeeda ka codsanayo inay caruurtooda usoo diraan seminaarkaas dhici doono 16-ka February.

[adsenseyu2]

Safaarada Mareykanka ee Norway: Dadka kasoo jeedo 7-da wadan ee heysta dhalashada Norway, way soo gali karaan Mareykanka

0

Safaarada Mareykanka ee dalkan Norway, ayaa war saxaafadeed ay shaley soo saartay ku sheegtay in dadka heysta dhalashada wadankan Norway iyo wadan kamid ah 7 wadan ee D.T xanibay, ay soo gali karaan Mareykanka, aysana saameyn ku yeelaneyn mamnuucida Donald Trump. 

[adsenseyu1]

Buuq iyo jahwareer badan ayaa ka dhashay dadka ay saameynta ku yeelan karto  xanibaada uu D.T saarey, todobo wadan ee Islaamka ah oo ay Soomaaliya kamid tahay. Shaley ayey laanta socdaalka ee wadankan Norway soo saartay tirokoob ay ku sheegeyso in dad kor u dhaafayo 51.000 oo dhalashada Norway heysto, ay xanibadaas saameyn ku yeelan karto. Waxaana kamid ah 18.366 qof oo soomaali oo dhalashada Norway heysto.

Safaarada ayaa wa rsaxaafadeedkeedan ku muujisay in go´aanka ugu danbeeyo ee inuu qofka soo gali karo Mareykanka ama inkale, ay tahay mid kujiro gacanta ilaalada xuduudaha iyo garoomada Diyaaradaha. 

Xigasho/kilde: Halkan ka akhri warsaxaafadeedka safaarada. 

[adsenseyu2]

UDI: 18.000 qof oo soomaalida dhalashada Norway heysato ah, ayey saameyneysaa xanibaada D.T

0

War deg deg oo saacad kahor ay shaacisay laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga ee dalkan Norway, ayaa lagu sheegay in dad kor u dhaafayo 51.000 oo qof oo heysta dhalashada dalkan Norway ay saameyn ku yeelan karto xanibaada Donald Trump. Dadkan ayaa kasoo jeedo 7-da wadan(Somali, Sudan, Irak, Iran, Sudan, Libya iyo Yeman)  ee Donald Trump muwaadiniintooda ka mamnuucay inay dalkaas soo galaan.

[adsenseyu1]

Tiradan hordhaca ah oo ay UDI-du soo saartay ayaa waxaa lagu sheegay in 51.186 qof oo heysto dhalashada dalkan Norway, aysan Mareykanka gali karin sadexda bilood ee soo socoto.

Dadkan ayey UDI-du sheegtay iney yihiin dad heysto dhalashada Norway, sababo jiro owgoodna aan wali ka tunaasulin jinsiyada dalkoodii hore ee kamid ah 7-da wadan ee Donald Trump mamnuucay.

Safaarada Mareykanka ee dalkan Norway, ayaa wargeyska DB xaqiijisay in qofkii heysto dhalashada Norway iyo mid kamid wadamadaas todobada ah uusan soo gali karin Mareykankanka, 90-ka maalmood ee socdo.

18.336 oo soomaali ah:

51.186 qof oo ay UDI-du sheegtay inuu saameynayo go´aanka D.T, ayaa waxaa kamid 18.366 oo soomaali ah. Halka 20.903 qofna ay kasoo jeedaan dalka Ciraaq.

Tanaasulka jinsiyadaadii hore, marka uu qof qaadanayo jinsiyada Norway:

Sida aan saacado kahor soo qornay, waxaa caadi ah in marka uu qofku qaadanayo dhalashada dalkan Norway, uu ka tanaasulo jinsadiisii hore. Laakiin waxaa jiro waxyaabo qofka ka horistaaga in qofku uu ka tanaasulo dhalashadiisii hore, wuxuuna sidaas ku noqdaa qof heysta labo dhalasho..

Tusaale ahaan qofka qasab kuma ahaan inuu ka tanaasulo jinsiyadiisii hore, hadii uu ku qasbanyahay inuu wadankiisii ku noqdo si uu uga tanaasulo jinsiyadii hore, laakiin aysan taas suurtogal aheyn sababo la xiriira colaado sokeeye. Ama hadii aysan wadankiisii aysan kajirin system iyo nidaam dowlad dhexe, ayna suurtogal aheyn inuu helo tanaasulaad sharciyeysan oo sax ah.( Halkan kasii akhri xeerarkaas).

Qoraalkii aan soo galinay saacad kahor, waan tirtirnay si uusan u abuurin jax-wareer. Intii akhrisatay ee si khaldan wax u fahantay, raaligalin ayaan ka bixineynaa.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no

[adsenseyu2]

Aftenposten: Madaxda dunida Islaamka oo ka aamusan xanibaada Donald Trump

0

Wargeyska Aftenposten ayaa qorayo in ilaa hada madaxda dunida islaamka, aysan wax war ah oo cad kasoo saarin xanibaada uu D.T 7 wadan uu muslim ah ka xanibay iney muwaadinoontooda soo galaan dalka Mareykanka. Marka laga reebo dowlada Iiraan oo mamnuucday in muwaadiniinta iyo ganacsatada Mareykanka ay dalkeeda soo galaan.

Midowga Yurub, Xogyaha qaramada (António Guterres), hogaamiyaha Germany Angela Markel, madaxweynaha Fransiiska François Hollande, reysulwasaaraha dalka Norway iyo madax kale oo badan oo caalamka ah ayaa si toos u canbaareeyay go´aankaas.

[adsenseyu1]

Madaxweynihii dhawaan xilka wareejiyay dalkaas Mareykanka, Barack Obama ayaa dhaleeceyn usoo jeedisay xanibaada Trump, isaga oo sheegay in dhaqanka iyo caadooyinka mareykanka ay hada calaamad su´aal saaranyihiin.

Jaanis ay Mareykanka ugu soo dhawaadaan: 

Henrik Thune oo ah agaasimaha xarunta xalinta khilaafaadka caalamiga ah ee (NOREF), ayaa sheegay in madaxda dowladaha khaliijka iyo Masar ay aamusnaantooda nugeyl iyo beer-laxawsi kaga raadsanayaan Donald Trump iyo Mareykanka.

Tan iyo markii ay Iiraan heshiiska hubka nuglerka la gashay dowladaha reer galbeedka, waxaa sii xumaanayay xiriirka u dhaxeeyo dowladaha khaliijka, gaar ahaan Sucuudiga iyo dowlada Mareykanka. Trump ayaa balanqaaday inuu heshiiskaas dib u eegis ku sameyn doono, arintaasna waxa u riyaaqsan boqortooda Sucuudiga oo xuluf-cadaaweed  uu kala dhaxeeyo Iiraan.

Abdifitax Al Sisi oo hogaanka dalka Masar kula wareegay inqilaab milatari, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Trump dhowr maalmood kahor. Siisi ayaa  waxaa heysto dhibaato Iiraan ka weyn, wuxuuna Trump ka riixayaa inuu ururka Ikhnaawul muslimiinka ku daro liiska ururada argagaxisa caalamiga ah.

Xigasho/kilde: Aftenposten:-Papiravis avis side: 5

[adsenseyu2]

(Daawo): Dhibaatooyinka soomaalida Norway iyo hey´ada xanaanada caruurta

0

Muuqaal-baahiyaha Kalsan-TV ayaa barnaamijkiisa bandhiga kusoo qaatay dhibaatada taxanaha ah ee ka dhex-taagan bulshada soomaaliyeed ee Norway iyo Hey´ada xanaanada caruurta(Barnevernka). 

[adsenseyu1]

(Dhageyso) Hadliye: Ma diideyno hadii dowladaha galbeedka, ay Soomaaliya dad kusoo celiyaan

0

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Abdisalaam Hadliye, ayaa xili uu ka hadlayey dhalinyaradii dhawaan Mareykanka laga soo musaafuriyay, sheegay in dowladiisu aysan diideynin hadii dowlad kale ay rabto in dad soomaali ah ay wadankoodii kusoo celiso.

Hadliye oo wareysi siinayay idaacada VOA, ayaa raaciyay in dadkaas uu qabtay sharciga wadanka ay joogaan, dowlada Soomaaliyana aysan masuuliyada safarkood aysan qaadi karin, maadaana uu qabtay sharciga dalka ay ku suganyihiin.  

[adsenseyu1]

Hadalka wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa kusoo aadayo xili dowlada Denmark ay sheegtay inay Soomaaliya dib ugu celin doonto 800 oo qoxooti soomaaliyeed ah, kadib marka dib ugu qiimeyn lagu sameeyo sharcigooda magangalyada.  Iyada oo afartii ugu horeysay ay sheegeen inay mudo bil gudaheed ah ay Soomaaliya ku noqon doonaan. (Xigasho/kilde: Politikken.dk)

Waan ka xunahay xanibaada Trump:

Wasiir Hadliye oo dhanka kale ka hadlayay xanibaada uu Donald Trump saarey muwaadiniinta kasoo jeedo Soomaaliya, ayaa sheegay inuu go´aankaas aad uga xunyahay. Uuna rejeynao in dhawaan dowlada Mareykanka ay ka noqoto. 

Hadliye oo heysto jinsiyada dalka Mareykanka, ayaa sheegay in go´aankaas uu dhabarjab ku yahay dadaalka ay dowlada Soomaaliya ugu jirto la dagaalanka ururada argagixiada.

Halkan ka dhageyso wareysiga Hadliye iyo Voe. 

[adsenseyu2]

Mo Farah in dadka heysto dhalashada U.K oo xeer jajab loo sameeyay

0

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in wareegtada xanibaada Donald Trump, aysan saameyn ku yeelan doonin muwaadiniinta heysata dhalashada Britain iyo dhalashada mid kamid ah todobada wadan ee la mamnuucay inay muwaadinoontooda soo galaan Mareykanka. 

Arintan ayaa sida muuqato timid, kadib markii la ogaaday in dadka xanibaada ay saameysay uu kamid yahay orodyahanka caanka ah ee Soomaaliyeed ee Mo Farah. Mo ayaa isku heysto dhalashada wadamada Soomaaliya iyo Britain. 

Xigasho/kilde: NTB.

Canada: 6 qof oo lagu dilay weerar lagu qaaday masaajid

0

6 qof ayaa lagu dilay, sideed kalena waa lagu dhaawacay weerar maanta lagu qaaday masaajid kuyaal magaalada Québec ee dalka Canada. Waxaana tiradaas saaka saxaafada u cadeeyay booliska magaalada Québec.

[adsenseyu1]

ilaa kontomeeyo qof ayaa masaajidka ku sugnaa, xiliga weerarka lagu qaaday, oo aheyd xili ay salaad masaajidka ku dhex tukanayeen.  Dadka weerarkan ku waxyeeloobay ayaa u badan rag ay da´doodu u dhaxeyso 35 ilaa 70 sano. Waxaana sidoo kale masaajidka ku sugnaa caruur da´yar, xiliga masaajidka weerarka lagu soo qaaday. Afhayeen booliska u hadlay ayaa sheegay in isku dar 39 masaajidka laga soo saarey iyaga oo bad qaba.

Labo nin ayaa loo qabtay weerarkan lagu qaaday masaajidka, balse sida dad goobjoogayaal ah ay sheegayaan , waxey raga weerarka geystay ahaayeen ilaa sadex qof.

Lama oga dhalashada labada nin ee ay boolisku ay qabteen iyo ujeedada ay weerarka masaajidka ugu qaadeen, balse dad goobjoogayaal ah ayaa saxaafada u sheegay in raga weerarka geystay ay ku hadlayeen lahjada lokalka ah ee magaalada uu masaajidka kuyaalo.

Reysulwasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa weerarka ku tilmaamay inuu ahaa mid argagaxisnimo, isaga oo sidoo kale ka tacsiiyay dadka ay dhibaatada weerarkaas kasoo gaartay.

Wasiirka arimaha dibada dalkan Norway Børge Brende iyo madaxa gaashaan buurta Nato Jens Stoltenberg ayaa iyagana dhankooda ka canbaareeyay weerarkaas. 

Weerarkan masaajidka lagu qaaday ayaa kusoo beegmayo xili maalin hore uu reysulwasaaraha Canada uu sheegay inuu wadankiisa gacmo furan kusoo dhaweynayo qoxootiga iyo dadka kale ee loo diido inay Mareykanka galaan, sagaashanka maalmood oo ay socoto xanibaada Donald Trump. 

Xigashi/kilde:VG.NO 

[adsenseyu1]

Idaacad cusub oo Af-Soomaali ku baxi doonto oo Oslo laga hirgaliyay

0

Waxaa jimcihii lasoo dhaafay idaacada Norway Voice ee magaalada Oslo, lagu soo biiriyay qeyb af soomaali ku bixi doonto. Sida ay sheegeen maamulka idaacadan cusub ee Norway Voice, waxey laantan cusub ee Af-soomaali ku bixi doonto soo gali doontaa maalmaha jimcaha iyo sabtida.

Furitaanka idaacadan cusub, ayaa waxaa ka qeybgalay qeybo kamid ah bahda warbaahinta Norway. Sidoo kale NorSom News ayaa kamid ahaa bahda warbaahineed ee lagu casuumay furitaanka idaacadan cusub ee Norway Voice.

Sida lagu wado, waxaa idaacadan cusub ka howlgali doono wariyeyaal ay kamid yihiin Xasan Raasto iyo Rahmo Jamac.

Idaacadan ayaa noqon doonto midii sadexaad ee af-soomaali ku baxda ee magaalada Oslo ka dhisan. Horey ayaa waxaa u jiray idaacada Maqal Radio oo ah idaacad isbuuc walba, habeenka sabtida ah soo gasho. 

Halkan ka daawo barnaamijka furitaanka Norway Voice, qeybteeda afka soomaaliga. 

[adsenseyu2]

Mo Farah oo kamid noqday dadka ay saameysay digreetada Donald Trump ee aan Mareykanka soo gali karin

0

Orodyahanka caanka ah ee soomaaliyeed ee Mohamed Farah, ayaa kamid noqday dadka ay saameysay digreetada uu Donald Trump ku mamnuucay in muwaadiniinta kasoo jeedo 7 wadan oo islaam ah, aysan soo gali karin dalka Mareykanka.

[adsenseyu1]

Sida uu qorayo Wargeyska Dailymail, Mohamed Farah ayaa isku heysto dhalashooyinka wadamada UK iyo Somalia. Digreetada Donald Trump ayaa sidoo kale qabaneyso dadka heysto dhalashada todobadaas wadan, xitaa hadii ay dhalasho kale la wadaagaan. 

Mo Farah ayaa sanadadii ugu danbeeyay degenaa dalka Mareykanka, isaga oo halkaas ku leh guri. Waxaana Mareykanka degan oo kasoo jeedo xaaskiisa u dhashay sadexda caruurta ah. 

Mohamed Farah oo kowdii bishii January ee sanadkan ay boqorada dalka Ingriiska ku magacowday SIR(Naaneys sharafeed), ayaa ah ciyaaryahanka orodada ee ugu guulaha badan taariikhda dalka U.K. Sir Mo Farah ayaa 2 mar oo isku xigto ku guuleystay biladaha dahabka olimbikada ee orodada 5000 iyo 10 000.

Xigasho/kilde: Dailymail.co.uk

 

Iran oo mamnuucday in muwaadiniin Mareykan ah ay wadankeeda soo galaan

0

Dowlada dalka Iiraan oo kamid todobada wadan oo Donald Trump uu muwaadinoontooda ka mamnuucay inay soo galaan Mareykanka, ayaa jawaab-celin ka sameysay go´aankaas. Iyaga oo dhankoodana mamnuucay in muwaadiniinta iyo ganacsatada Mareykanka ah ay soo galaan wadankooda.

Iiraan ayaa ah dowlada kali ah ee ilaa hada fal jawaab celin ah ka sameysay, kadib markii D.T uu diiday in muwaadiniinteeda ay soo galaan wadankaas. 

Xigasho/kilde: TV2.NO

[adsenseyu2]

Canada: Qoxootiga uu Donald Trump diiday, gacmo furan kusoo dhawaada Canada

2

Reysulwasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa qoraal uu xaley kusoo daabacay bogiisa Twitterka  ku cadeeyay in dhamaan dadka qoxooti ah, ee loo diido inay Mareykanka soo galaan, ay si gacmo furan ah ugu soo dhawaan karaan dalka Canada oo martigalin u sameeyay kumanaan qoxooti magangalyo doon ah. 

[adsenseyu1]

Reysulwasaaraha Canada ayaa dhawaantan wasiirka soo galootiga dowladiisa u magacaabay Xildhibaan Axmed Hussein oo ah muwaadin soomaali ah oo dalkaas qoxootinimo kusoo galey 23 sano kahor. 

Shaley ayey aheyd markii uu Donald Trump digreeto ku mamnuucay in qoxootiga kasoo jeedo 7 wadan oo Muslim ah, aysan mareykanka cagta soo dhigi karin mudo sadex bilood ah. Digreetadan ayaa sidoo kale qabaneyso dadka heysto sharciga kumeel gaarka ah ee Green-Card-ka. 

Garoomada diyaaradaha ee dalka Mareykanka, ayaa waxaa xaley ku jirtay buuq iyo isku dhex-yaac, kadib markii dad badan loo diiday inay USA soo galaan, iyaga oo heysto sharciga Green-cardka. Waxaa dadkaas kamid ahaa macalimiin jaamacadaha mareykanka wax ka dhigo, ardey, Aktaro caan iyo waliba dad howlo ganacsi usoo aaday dalkaas.

Trump ayaa digreetadiisa ku mamnuucay in qoxootiga ka imaanayo Siiriya gabi ahaanba la joojiyay ilaa mudo aan la cayimin. 

Wuxuuna sidoo kale diiday in wax dib u dajin ah loo sameeyo dhamaan qoxootiga Mareykanka kunool mudo afar bilood ah.

[adsenseyu2]

VG:Somalias terrorhær(Al shabaab) er på fremmarsj

0

Wargeyska VG oo ah wargeyska ugu weyn wadankan Norway, ayaa cadadkiisii maanta boga hore kusoo daabacay maqaal ay ku sheegayaan, in awooda ururka Al shabaab ay sii xoogeysatay bilihii ugu danbeeyay. Iyada oo qaraxyada ay Al shabaab ka geystaan goobaha dadweynaha ay si aad ah sare ugu kaceen dhowrkii bilood ee aan soo dhaafney. Waxaana ugu danbeeyay qaraxii ay isbuucii hore ka geysteen hotelka Dayax, halkaas oo ay ku nafwaayeen dad 30 ku dhow. 


Skrevet av AXEL STØREN WEDÉN/VG

Mens IS så sitt selverklærte kalifat krympe i løpet av 2016, har fjoråret vært en renessanse for den somaliske terrorhæren al-Shabaab.

Onsdag denne uken smalt det igjen. Utenfor et populært hotell i Somalias hovedstad Mogadishu sprengte en selvmordsbomber seg. Kort tid etterpå gikk en ny bombe av før flere bevæpnede menn stormet hotellet. 22 mennesker ble drept i blodbadet, i tillegg til seks terrorister.

Angrepet er ett av over 360 angrep den Al-Qaida-tilknyttede terrorgruppen al-Shabaab har utført siden 2006.

[adsenseyu1]

Men i realiteten har islamistgruppen vært på defensiven siden de ble drevet ut av hovedstaden i 2011 av styrker fra regjeringen og Den afrikanske union.

Det har faktisk gått bedre enn på lang tid i landet som for omverden er kjent for lite annet enn å være en mislykket stat, stadig rangert som verdens mest korrupte land preget av lovløshet, krig og konflikt.

Den økonomiske veksten de siste årene og den relative stabiliteten i Mogadishu har brakt med seg åpningen av nye restauranter, meglerkontor og daglige ankomster fra internasjonale flyselskaper som Turkish Airlines.

FN-representanter har trukket Somalia frem som en «suksesshistorie» og IMF har rost landet for å ha gjort «store fremskritt».

Derfor er det ekstra tragisk at Al-Shabaabs vekkelse i stor grad har blitt lagt til rette for av forhold utenfor Somalia. Uten forvarsel eller forklaring forlot etiopiske styrker, som utgjør en essensiell del av Den afrikanske unions tropper i landet, i høst sine baser i en rekke somaliske byer.

Terrorhæren kunne dermed spasere inn og gjenerobre makten i store deler av landet uten blodsutgytelser.

Les resten videre her: VG.NO 

[adsenseyu2]

Safiirka Somalia ee USA: Safaarada ayaa dhalinyarada la celiyay Passportka lagu celiyay u sameysay

0

Isbuucan ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga dajiyay 90- dhalinyaro soomaali ah, kuwaas oo si khasab ah looga soo musaafuriyay dalka Mareykanka. Waxaana dhalinyaradaas Muqdisho ka dajiyay diyaarad ay leeyihiin ciidamada Cirka Mareykanka.

Qaar kamid dhalinyarada lasoo celiyay ayaa sheegay in safaarada Soomaaliya ee Mareykanka, ay aheyd midii dowrka ugu weyn ka ciyaartay prosseska dib u celinta dhalinyarada sagaashanka gaarayo.

Hadaba safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Axmed Cawad oo wareysi siinayay TV-ga Somali Cable, ayaa qiray in safaarada Soomaaliya ee USA ay aheyd midii passporada iyo waraaqaha celiska ah u goysay dhalinyaradaas Soomaaliya loo musaafuriyay.

[adsenseyu2]

Axmed Cawad ayaa cadeeyay in safaarada Soomaaliya ee mareykanka ay matasho danaha dowlada Soomaaliyeed. Isla markaana uu isagu ka safiir ahaan  uu taageersanyahay fikirka dowlada Mareykanka ee ah in Soomaaliya ay hada nabad tahay, dadna lagu celin karo.

Safiirka oo hadalkiisa sii wato, ayaa sheegay in dhalinyarada la celiyay ay ahaayeen kuwo saxiisay oo go´aansaday in dib loogu celiyo wadankoodii. Balse qaar kamid ah dhalinyarada la celiyay, ayaa sheegay in 80% dadka la celiyay ay ahaayeen kuwo diiday saxiixa dib u celinta.

Siyaasada dowlada Soomaaliya:

Dowlada Soomaaliya ayaa ilaa hada aan wax war ah kasoo saarin musaafurintaas dhalinyarada 90-ka gaaraya, loo musaafuriyay Soomaaliya. Sida uu safiir Axmed Cawad qirayo, dowlada Soomaaliya waxey aaminsantahay in dadka soomaaliyeed ee qoxootiga ku ah daafaha caalamka, dib loogu soo celin karo wadankoodii.

Safiirka cusub ee Scandanevianka:

Dowlada Soomaaliya ayaa bil kahor safiir cusub usoo magacowday dalalkan Scandnanevianka. Safiirkaas oo xaruntiisu ay noqon doonto magaalada Stocklom ee dalka Sweden.

Sida aan ognahay waxaa wadamadaan kunool kumanaan qof oo soomaali ah, kuwaas oo sharci la´aan ah.

Dowlada Norway ayaa sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyada magangalyada dad qoxooti soomaaliyeed oo tiro ahaan gaaraya 1600.

Sidoo kale Denmark ayaa sheegtay inay Soomaaliya rabto inay ku celiso ilaa 800 oo soomaali ah. Isbuucyo kahor ayey ka noqdeen go´aankaas, laakiin hadana markale ayey soo rogaal celiyeen.

Sida uu Axmed Cawad Qirayo, dowlada Soomaaliya raali ayey katahay in dad Soomaaliya loo soo celiyo. Wuxuuna sheegay inay safaarada Soomaaliya ee Mareykanku ay ayadu aheyd midii sameysay waraaqaha lagu celiyay.

Hadaba safaarada Soomaaliya ee dhawaan laga furay Stocklom, dowr noocee  ah ayey ka qaadan doontaa rabitaankaas ay dowladaha Scandanevianku rabaan inay qoxootiga soomaaliyeed ay dib ugu celiyaan wadankii.?

Halkan ka daawo safiirka Axmed Cawad oo qirayo in safaarada Soomaaliya ay aheyd midii goysay waraaqaha celiska dhalinyaradaas.

[adsenseyu2]

(Maqaal)Abdijibar Ahmed: Haddii Aanu Nahay Soomaalida Noorway, waa Maxay Dowrka Aanu Ciyaari Karno?

0

Soomaalida ku dhaqan dalka Noorway ayaa waxaa lagu sheegaa inay yihiin bulshooyinka aanan inta badan shaqeysanin marka loo fiiriyo xagga ajaanibta kunool dalkaan Noorway. Wixii jira Rabbi ayaa og. Soomaaliduna waxay tiraahdaa “Nin walbo qumanihiisa ayaa qoorta ugu jira”.

Sidda aanu aaminsanahay haddii aanu nahay Soomaali, dhammaan qaarada Yurub waxaanu ku nahay koyto ama dad aanu u dhalanin qaarada hadba sidda aad u taqaano. Balse su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah “Waa maxay dowrka aanu ka ciyaari karno qaaradaan baaxadda weyn leh?”

Aad ayay u adagtahay inaad si fudud ku fahanto dad aannu kulla diin, dhaqan, iyo dadnimo ahayn. Waxaana Soomaalida lagu xantaa inay yihiin bulshooyinka ajaanibta ah ee ku nool dalkaan Noorway oo aanan bulshooyinka kale soo dhex-gelin. Arintaasina waxaa fahmi karo cidwalbo oo taqaano dhaqamadda Soomaalida.

Dhaqanka Soomaalidu waa mid soo jireen ahaa mudo aad u dheer, kaasi oo saameyn badan ku leedahay dadka baxaarida ah ee iskaga gooshi jirtey deegaano badan. Dhaqanka Soomaalida waa hab-nololeedka iyo nidaamka dhaqan ee dadka Soomaalida ah, taasi ooy ka mid tahay luuqada, cuntada, suugaanta, fanka, farshaxanta, habaynta iyo soo bandhiga heesaha Soomaalida, ruwaayadaha, majaajilooyinka u dhaqanka ah dadka Soomaalida ah meelkasta ooy joogaan, gaar ahaan inta ku dhaqan Bariga Afrika.

Guud ahaan, dhaqanka Soomaalidu waa haybada iyo sharafta u gaarka ah bulsho weynta Soomaalida meel kastooy caalamka kaga dhaqan yihiin. Siddoo kalle, dadka ku hadla Af Soomaaliga waxay leeyihiin fan iyo suugaan aad u heersareeya, qani ku ah aqoon iyo xirfad qoto dheer.

Dhaqanka Soomaalidu waa mid soo jireen ahaa kaasi oo jiilal badan iska dhaxleen. Sida taariikhyahanadu sheegeen wuxuu asal ahaan ka sameeysmay nolosha maalinle iyo xiriirka bulshada Soomaalida la sameeysay bulshooyinka deriska/jaarka ah iyo cilaaqaadka ganacsi iyo waxbarasho ee deegaanada fog-fog. Siddoo kale dhaqanka Soomaalidu wuxuu in badan ku salaysan yahay diinta Islaamka oo dadka Soomaalida intooda u badan aaminsan yihiin.

Haddii aanu doonayno inaan wax badan ka ogaano qaababka ay bulsho u fakirto iyo hab-dhaqankooda waxaa wanaagsan inaan wax badan ka barano taariikhda dhaqan ay leedahay bulshada. Soomaalida ku dhaqan dalkaan Noorway kuwooda ugu fir-fircoon ayaa waxay iskudayaan inay marka horre wax badan ka ogaadaan am aka bartaan taariikhda iyo sharciyada dalka Noorway. Waxayna noqdaan kuwa inta badan horey u fahmo nolosha ka jirta dalka Noorway.

Laakiin waxaa dhibaato ah haddii aadan markii horeba aadan waxbo ka aqqoonin dhaqanka aad leedahay asal ahaanba wey kugu adkaanaysaa inaad fahanto dhaqanka cusub ee aad usoo haajirtay.

In bulshada is-dhexgal sameeyaan waa muhiim si ay bulshadaasi u yeeshaan hal aragti oo midaysan iyo hal luuqad oo ka wada dhaxayso. Isdhexgalka bulshada waxaa laga dhexlaa inaad fahanto dadyowga kale ee ka yimaaday caalamka kale, waxaad ku baranaysaa luuqada dalka, xittaa waxaa dhismaayo dadnimadaada iyo fahankaada nololleed. Haddii aad u baqayso diintaada waxaad sameyni kartaa inaad u sheegto qofka kale in waqtiga salaadda la gaaray ee aad kasii tagayso. Waxaana laga yabaa inuu maalin kale ku weydiiyo salaad waxa aad ka waday, kadibna aad u sheegto waxa aad kala jeeday oo aad usoo bandhigto diintada waxa ay tahay.  Adiga xittaa waxay kuu tahay fursad oo ah inaad qofka kale u sharaxi karto diintaada. Laakiin haddii markii horeba ay xumeyd dadnimadaada, dhaqankaada waxaa laga yabaa inuusan waxbo kaa dhageysanin qofkaas, ee marwalbo ku tala gal adiga naftaada inaad hagaajiso inta aad dadka kale wax u sheegin.

Noorway waa wadan ay kunool yihiin ajaanib kala duwan oo ka kalla yimaaday dhammaan daafaha dunidda oo idil. Sababtoo ah, waxaa lagu tirayaa wadamada ugu wanaagsan caalamka marka ay timaado xagga nolosha bulshada, caafimaad, iyo waliba amniga. Sababtoo ah awoowe-yaashooda horre ayaa aad ugu fakiray inay dalkooda sidaan ka dhigaan, maantana muwaadiniinta Noorway waxay guranayaan mirihii ay abuureen awoowe-yaashooda.

Bulshada marka ay wayso cid u fakirto wey isku dhex-yaacdaa oo waxay kala garani weydaa cidda cadowgooda ah iyo cida kale. Soomaalida kunool dalkaan Noorway waxaa jira kuwa badan oo sheeganaayo inay dalkaan ku noolaayeen in ka badan 20 sano, qaarkiisana waxay iskumid yihiin kuwa maanta soo galay oo waxay ku kalla duwanyihiin lama arko.

Bal aan isqabto si aanu ugu bixin mawduuceyga. Dabcan haddii ay kugu jirto damiir dadnimo waad dareemi kartaa hal-boodka ku salaysan damiirka maqaalka. Haddii aad aragto bini’aadam nool oo wax qabsaday waxay la yimadeen labo shey oo kali: 1) Ismaqal iyo 2. Wax qabsi

In bini’aadamka ismaqlo waa waxyaabaha guusha lagu gaari karo. Waa wax aad u wanaagsan inaad fahanto dadka adiga kugu heeraarsan. Bulshada horumar ma gaarto illaa iyagu dhexdooda ismaqlaan mooyee. In la isdhageysto waxay muhiim u tahay shaqsiyada dadnimo iyo in bulshada fahmaan dhibaatada haysato halka ay ka imaanayso iyo sawabta waxa keenay.

Wax qabsi, bini’aadmka isku karti ma ahan, isku dadnimana ma ahan. Si ummada Soomaaliyeed ay u noqdaan ummad wax wada qabsado waa inay noqdaan kuwa iscaawiyey oo wax wada qabsada. Midkeena liita haddii aan wax u sheegno oo aan kor usoo qaadno anagoo aanan fiirinaynin cudurkii aan kaga soo tagnay dalkeena “qabiil” waan wada guulaysani karnaa. Kaligaa guul waxbo kuuma tarayso, haddii walaalkaa guuldareystay ama dhibaataysanyahay.

Isku duubnida waxay keentaa horumar iyo wax wada qabsi. Waxaan xasuustaa hadal uu jeediyay Akhenaton De Leon. Akhenaton de Leon oo ah nin asal ahaan kasoo jeedo wadamada Karibianka. Leon wuxuu sheegay “in ajaaniibta Noorway aysan ka dhexeyn wax wada shaqeyn iyo xiriir, taasina ay sahleyso in dowladu ay marba qoomiyad cunsuriyeyso, iyada oo kuwa kalena ay markhaati ka yihiin, hadeysanba ku faraxsaneyn” Akhenaton wuxuu ugu baaqay Soomaalida Noorway “iney dhib iyo dheefba la qeybsadaan ajaaniibta kale ee wadanka degan, si iyagana markooda loo garab istaago”. Isagoo soo jeediyey “in la abuuro sanduuq dhaqaale oo ajaaniibta wadanka kunool ka dhaxeeyo, kaas oo hadba lagu caawiyo kuwii dhibaateysan, looguna qabto sharci yaqaano xaqooda soo dhiciya”.

Aqristaha sharafta leh waxaan weydiinayaa “ma shaki ayaa kaaga jira in hadalka Akhenaton uu yahay mid sax ah?”

Hadaba maxaa lagu diidanyahay in la sameysto urur ay ku midaysantahay cidwalbo oo Soomaali ah, si, si wada jir ah aan wax ugu qabani karno cidda u baahan garab. Waanu ogsoonahay inay jiraan dhibaatooyin badan laakiin Soomaalidu waxay tiraahdaa “haddii la dhimmanaayo xittaa dheerarka ayaa la isku duggaa”. Ururkaa waa inuu noqdaa urur wax badan ka qabto dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin arrimaha bulshada iyo guud ahaan nolosha Soomaalida Noorway. Waxyaabaha aadka muhiimka u ah inuu ururkaani qabto ayaa waxaa ka mid ah:

  1. Inuu qoysaska ka caawiyo qaababka caruurtooda ay ugu codsani/dalbani karaan waxbarashada dalkaan Noorway. Sidda waxbarashada dugsiga hoose, dugsiga sarre, Jaamacadaha iyo waliba koorsooyinka lagu dhisi karo qofka, sidda luuqada dalkaan loogu hadlo iyo wixii la mid ah.

  2. In ururka bulshada u qabto mawduucyo ku saabsan qiimaha ay leedahay isdhexgalka dadyowga kale ee ku nool dalkaan Noorway.

  3. Inuu qoysaska ka caawiyo dacwadaha ku salaysan qaababka abuukaatayaasha loo qabsado, sidda loo gudbisado dacwadaha, sharciyada loo maro waxwalbo oo ku salaysan siddii ay ugu horumari lahayeen bulsha weynta Soomaaliyeed.

  4. Inuu ururka ka caawiyo qaababka ay bulshada Soomaaliyeed ku iibsani karaan guri iyagoo aanan qaadanin wax ribo F.G: bulshada Soomaaliyeed waxaa usoo socdo fursado qaali ah oo ay lacago ku deynsani karaan iyagoo aanan qaadanin wax ribo ah. Bangiga Storebran ayaa wuxuu sheegay inuu bixinaayo deyn Islaami ah. Storebrand ayaa sheegay in mudo 10 maalin gudaheed ah ay kula soo xiriireen dad 350 oo qof gaaraya, kuwaas oo raba inay qaataan deyn islaami ah hadii uu bankigu bilaabo bixinteeda. Taasna waxey muujineysaa baahida weyn ee loo qabo in la helo bixinta deyn noocaas oo kale ah.

  5. Waa in ururka uu ka caawini bulshada qaababka ay shaqooyinka ku heli karaan, sidda loo sameeyo CV-ga, Søknadka iyo waliba goobaha uu qofka ka shaqeysani karo, waxa ay tahay xirfadiisa iyo goobaha loogu baahanyahay xirfadiisa.

  6. In ururka uu sameeyo sanduuq lagu aruuriyo lacago. Lacagtaasi oo lagu caawiyo dadka sharciyada lagala noqday si ay abuukaate loogu qabto iwm.

Qoraalkeyga waxaan kusoo koobayaa in Soomaalida Noorway kunool loogu baahanyahay inay u kabo-gashtaan siddii ay wax u qabsani lahayeen. Bulshada waxbo ma wada qabsani karaan haddii ay kala qeybsanyihiin. Waqtigaan la joogo waxaa muhiim ah inaan ogaano heerka ay gaarsiisantahay dadnimadeena.

Waxaan shaki ku jirin in cidwalbo oo Soomaali ah oo joogo dalkaan Noorway ay u yimaadeen inay abuurtaan mustaqbal wanaagsan oo ay ku farxaan, iyagoo kasoo haajireen deegaankii ay ku dhasheen, waxay kasoo tageen saaxibaddii ay ku lahayeen wadankoodii hooyo, qaraabadii ay aadka u jeclaayeen, iyo waliba dareen badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin. Marnaba haku fakirin inay nolosha noqoto sidda aad rabto/doonayso, balse qofka hadduu rabo inuu sameeyo isbedel wuu sameyni karaa.

W/Q: Cabdijabaar Axmed    -Abdijibar Ahmed


Hadii aad rabto inaad fikirkaaga, aragtidaada iyo aqoontooda aad la wadaagto bulshada soomaaliyeed ee Norway ku dhaqan, Waxaad qoraaladaada noogu soo diri kartaa: NorSomnews@gmail.com

[adsenseyu2]

Madaxda dalal badan oo caalamka ah iyo dad caan ah oo ka qeyliyay xanibaada Donald Trump ee qoxootiga

0

Madaxweynaha cusub ee dalka mareykanka ayaa maanta meel-mariyay digreeto cusub oo ku mamnuucayo in qoxootiga ka imaado 7 wadan oo islaam ah oo Somaliya ay kamid tahay, aysan mareykanka viso kusoo gali karin mudo 3 bilood ah. Sidoo kale wuxuu ilaa waqti aan la cayimin mamnuucay in qoxootiga wadanka Siiriya ka imaado ay Mareykanka soo galaan.

Donald Trump ayaa isla digreetadan ku mamnuucay inaan mudo afar bilood ah wax dib u dajin ah loo sameyn karin dhamaan dadka qoxootinimada kusoo gala dalkaas Mareykanka.

Trump oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inuusan rabin in dalka Mareykanka ay soo galaan dad taageersan fikradaha ay ciidanka mareykanku dhulal badan kula dagaalamayaan. Isaga oo raaciyay inuu raba inay mareykankan soo gali karaan oo kaliya, dadka taageersan mabaa´diida uu wadankaas ku dhisanyahay, sida xad-dhaafka ahna u jecel Mareykanka.

Golaha Ururada islaamka: Digreetadan waxey kasoo horjeedaa dastuurka Mareykanka. 

Inkasta oo korka laga qurxiyay digreetadan uu D.T soo saarey, hadana dad badan ayaa aaminsan iney tahay mid uu D.T rabo inuu dadka muslimiinta ah ka mamnuuco soo galitaanka Mareykanka. Xiligii doorashada ayuu D.T balanqaaday in hadii la doorto uu dadka ka imaado wadamada muslimiinta ah, uu ka mamnuuci doono inay US soo galaan.

Golaha ururada islaamiga ah ee Mareykanka, ayaa sheegay in go´aankaas uu yahay mid si toos ah loogu beegsanayo dadka muslimiinta ah. Arintaasna ay tahay mid kasoo horjeedo dastuurka dalkaas oo dhigaya in qofka aan lagu beegsan karin diintiisa, xorna uu u yahay inuu caabado waxa uu aamisanyahay.

Golaha ururada islaamiga ah, ayaa sidoo kale sheegay inay arintaas maxkamad la aadi doonaan.

Fransiiska iyo Germanka:

Dowladaha France iyo Germany ayaa sheegay inay ka walaacsanyihiin go´aanadaas uu soo saarey D.T , iyaga oo raaciyay inuu dhaawac ku yahay jaaniska ay dadka qoxootiga ah ku imaan karaan dalkaas mudooyinka soo socdo.

Aas´aasaha iyo milkiilaha barta bulshada ee Facebooga, ayaa dhalaaceyn usoo jeediyay go´aankaas, isaga oo sheegay in Mareykanka uu yahay wadan soo galootiga ay dhiseen.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

[adsenseyu2]

 

Follotingrett: Nin soomaali ah oo loo xukumay iskuday dil oo u geystay wiil ay xaaskiisu dhashay

0

Sida ay qoreyso wakaalada wararka wadankan Norway ee NTB, waxaa maanta maxkamada Follo lagu xukumay nin 27 sano jir soomaali ah, kaas oo la sheegay inuu iskuday dil u geystay wiil uu adeer u yahay(ste-sønn) oo markaas jiray labo sano iyo bar.

Ninkan ayaa lagu xukumay in si qasab ah loogu hayo xarunta lagu xanaaneeyo dadka dhimir ahaan u xanuunsan(Maanakoobiyo), Psykisk helsevern.

[adsenseyu1]

NTB ayaa qoreyso in ninkan wadanka laga musaafuriyay sanadkii 2014, laakiin uu dib Norway ugu soo noqday bishii April ee sanadkii 2015. Waxeyna dhacdadan dhacday bil kadib markaas uu wadanka kusoo noqday.

Maxkamada Follo ayaa sheegtay in ninkan uu qoor-sagaaro(ceejin) ku qabtay wiilkan uu adeerka u yahay oo markaas hurday. Hooyada wiilkan iyo qaraabo kale ayaa kasoo gaaray, kuwaas oo ku guuleystay inay ka fujiyaan. Isla habeenkaas ayaa ninkan la xiray sida ay NTB qoreyso.

27-jirkan soomaaliga ah ayaa sidoo kale waxaa lagu soo eedeeyay sideed fal danbiyeed oo kale oo uu geystay intii uu xabsiga kujiray.

Maxkamada ayaa sheegtay iney cadeysay in falkaas ahaa mid isku dey dil ah, isla markaana uu marka uu falkaas dhacayay uu ninkan maskax ahaan u xanuunsanaa. Iyaga oo go´aamiyay in loo wareejiyo xarunta lagu xanaaneeyo dadka dhimir ahaan u xanuunsa, waxeyna sheegeen inaan xabsi lagu xukumi karin.

Xigasho/kilde: NRK, NETTAVISEN, NTB

[adsenseyu2]

 

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.