tirsdag, april 23, 2024

Imaaraadka oo taageeray xanibaada Donald Trump ee muslimiinta kasoo jeeda 7 wadan

Sida ay soo tabineyso wakaalada wararka wadankan Norway ee NTB, wasiirka arimaha dibada wadanka isutaga imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan ayaa taageero kal iyo laab ah u muujiyay xanibaada uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump xanibay in muwaadiniinteeda kasoo jeedo 7 wadan oo islaam ah ay soo galaan Mareykanka.

Wasiirka arimaha dibada Imaaraadka ayaa sheegay in intabadan dowladaha islaamka aysan saameyn ku sameynin xanibaadaas. Isaga oo raaciyay in mamnuucidaas dib u qiimeyn lagu sameyn doono sadex bilood kadib, isla markaana aysan arintaas aheyn wax weyn oo la sheeg-sheego.

Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan oo maanta kulan la yeeshay dhigiisa dalka Ruushka, ayaa wadamada uu Trump mamnuucay ku eedeeyay inay la tacaalayaan dhibaatooyin xaga qaab dhismeedka ah. Wuxuuna kula taliyay iney dhibaatooyinkoodaas soo xaliyaan, inta aysan xalin mamnuucida Donald Trump.

Imaaraadka ayaa noqonayo wadankii labaad ee taageero cad u muujiyo go´aanka xanibaada muslimiinta ee Donald Trump. Waxaa horey taageero D.T ugu muujiyay wasiirka arimaha dibada dalka Poland, oo ah nin mayal adag oo Trump ay xaga fikirka islaam naceybka ay isaga egyihiin. 

Canada iyo Imaaraadka:

Dalka Canada ayaa sheegay inuu soo dhaweyn gacmo furan ah u fidin doono dhamaan dadka laga horistaagay inay Mareykanka galaan. Wasiirka arimaha soo galootiga Canada, Axmed Hussein oo asalkiisu uu soomaali yahay ayaa sheegay in dalkiisu uu  damaanad qaadayo nolosha iyo dib u dajinta dhamaan dadka kasoo jeedo 7-daas ee loo diido inay Mareykanka galaan, sadexdaas bilood oo ay xanibaada socoto.

 

-Xiriirka Imaaraadka iyo Trump:

Imaaraadka carabta ayaa lagu tiriyaa inuu yahay wadan xulufo gaar ah la ah dowlada Mareykanka. Waxaa intaas dheer in D.T uu ganacsi waaweyn iyo hoteelo uu ku leeyahay wadanka Imaaraadka. Dhawaantan ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Dubai lagu furo garoon lagu ciyaaro Golfka, oo uu Trump leeyahay. 

Xigasho/kilde: DN.NO, NTB

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x