onsdag, november 27, 2024
Home Blog Page 257

TV2: PST oo baaritaan ku sameyneyso walaalihii Bærum ee soomaalida ahaa

0

Muuqaal baahiyaha TV2 ayaa tabinayo in hey´ada nabadsugida iyo sirdoonka dalkan Norway ee PST, ay baaritaan ku saabsan ka qeyb-qaadasho argagisnimo, ku sameyn doonto labadii gabdhood ee soomaalida ahaa ee ku biiray ururka Daacish.

Labadan gabdhood ee walaalaha ah, ayaa sanadkii 2013 kabaxsaday magaalada Bærum oo ay degenaayeen, iyaga oo markaas da´ ahaan kala jiray 19 iyo 16 sano. 

Sida uu TV2 sheegayo, wali ma cada qodobka rasmiga ah ee labadan gabdhood ay PST ku eedeyn doonto. 

Gabyaaye: Waan ku kalsoonahay systemka cadaalada Norway

Aabaha dhalay labadan gabdhood ee Sadiq Abdullahi Gabyaaye, ayaa TV2 u sheegay inuu si nabad ah u seexan lahaa, hadii labadiisa gabdhood ay xabsi Norway kuyaalo kujiri lahaayeen. Isla markaana uusan sifiican u seexan karin, inta ay gabdhihiisa Siiriya ku maqanyihiin.

Gabyaaye ayaa raaciyay inuu aaminaad ku qabo systemka cadaalada Norway. 

Xigasho/kilde: TV2.NO 

[adsenseyu2]

Ap: Goobaha cibaadada waa inay gudiga maamulka 40% haween ka dhigaan, si ay kaalmo lacageed u helaan

0

Xisbiga shaqaalaha ee Ap ayaa soo bandhigay qorshe kamid ah programka cusub ee xisbigaas, kaas oo dhigaya in goobaha cibaada ee aan xubno dumarka ka siin gudiga maamulka, aysan heli doonin lacagta kaalmada dowlada.

Waxeyna shuruud ka dhigeen in 40% gudiga maamulka ay haween noqdaan, goobtaas cibaado ay taageero dowladeed u hesho. Ap ayaa sidoo kale shuruud ka dhigayo in gudiga maamulka goobaha cibaadadu, uu noqdo mid lagu soo doortay hab demoqraadi ah.

Labadaan soo jeedin ayaa waxaa looga doodi doonaa shirweynaha qaran ee xisbiga Ap, kaas oo dhici doono dhamaadka bisha April ee sanadkan. Hadii la isku raacana oo Ap ay meel-mariyaan, waxey sheegeen in dhaqan-galkoodu uu ka bilaaban doono sanadka 2020.

Xisbigan ayaa sidoo kale barnaamijkiisa siyaasadeed kusoo daray qodobo kale oo adkeynaya xeerarka goobaha cibaadada, waxaana kamid ah:

  • In imaamyada iyo hogaamiyaasha diimeed ee Norway imaado, ay qaataan aqoon ku saabsan talo bixinta cunfiga ka dhex-dhaca dadka isku dhow/Is qaba.

  • Xaqiijinta in furitaanku uu yahay mid la tixgaliyo.

  • in la ogaado hadiyadaha iyo waxyaabaha kale ee goobaha cibaadada lagu taageero, kana imaado wadamada dibada.

Xigasho/kilde: Nrk.no, Ap.no

[adsenseyu2]

19-jir soomaali ah oo qirtay dilka haweeney uu mindi ku dilay iyo dhaawaca 5 qof oo kale

0

Wiil 19-jir soomaali-norwiiji ah ayaa maanta maxkamad horteed ku qirtay, inuu ka danbeeyay dilka haweeney Mareykan ah iyo dhaawaca shan qof kale, kuwaas oo uu mindi ku weeraray magaalada London, bishii August ee sanadkii hore.

Maxkamadeynta wiilkan soomaaliga ah ayaa maanta ka bilaabatay magaalada London, waxaana lagu soo oogay danbi ah inuu si aan ulakac aheyn/Rabitaankiisa aheyn uu u geystay falkan dilka ah iyo dhaawaca shanta qof ee kale. Waxeyna dacwad oogayaasha boolisku maxkamada ka hor sheegeen in wiilkan uu kusoo booday xanuun maskaxda ah(paranoid schizofreni), markaas uu falkan dilka iyo dhaawaca ah geysanayay. 

19-jirkan heysto dhalashada wadankan Norway ayaa U.K u guuray sanadkii 2002.  Warbaahinta London ayaa horey u sheegtay in wiilkan uu maskax ahaan u xanuunsanayay. 

Booliska London oo caawin ka helayo cutubka kahortaga weerarada argagaxisnimo, ayaa baaritaano ay ku sameeyeen wiilkan ku waayay wax cadeyn ah oo sheegayso inuu xagjir noqday ama uu weerarkan ujeedo kale ka lahaa. 

Xigasho/kilde: NTB

[adsenseyu2]

Bistandaktuelt: Alle varsellampene blinker i Somalia, Frykter ny sultkatastrofe

0

av Espen Røst/Bistandaktuelt.no


Over 30 millioner mennesker i Øst-Afrika og Jemen risikerer å ikke ha tilgang på nok mat i 2017, ifølge amerikanske Famine Early Warning System Network (FEWS).

På bakgrunn av FEWS-varselet har syv norske organisasjoner nå gått sammen for å advare om faren for sultkatastrofe i Somalia, Sør-Sudan og Jemen. De påpeker at den tørke i flere områder av regionen allerede er et faktum.

– Alle varsellampene blinker. Men hvor mange menneskeliv den ekstreme tørken vil kreve, vil være avhengig av vår evne og vilje til å reagere raskt. Med dagens varslingssystemer er det ingen grunn til at vi skal vente til vi ser bilder av barn som har omkommet av sult før vi trapper opp hjelpearbeidet, sier generalsekretær i Flyktninghjelpen Jan Egeland i en uttalelse.

-260 000 døde

Det amerikanske varslingsnettverket, som publiserer jevnlige oversikter over matsituasjonen i verden, rapporterer nå om risiko for sultkatastrofe i Somalia, Sør-Sudan og Jemen i 2017. Tørke, kombinert med konflikt, har ført til at 14 millioner mennesker står uten trygg tilgang til mat i Jemen, og tallet er ventet å stige. I tillegg er 17 millioner mennesker rammet i Øst-Afrika, ifølge FEWS som også trekker fram regionen som grenser til Tsjadsjøen i Nigeria som svært utsatt.

Sammen med organisasjonene ADRA, Somali Forum, Utviklingsfondet, Kirkens Nødhjelp, Norsk Folkehjelp og Redd Barna frykter Egeland og Flyktninghjelpen en gjentagelse fra forrige alvorlige tørke i 2010-11.

Den gang førte sultkatastrofen i Somalia til at mer enn 260 000 menneskeliv gikk tapt. Halvaparten av de som døde var barn. Kombinert med konfliktene i landet drev tørken også hundretusener på flukt.

Les  saken videre her: Bistandsaktuelt.no

[adsenseyu2]

Suleekha M. Osman: Vi skal være selvstendige

0

Etter omlag to år I Norge snakker somaliske Suleekha M. Osman forståelig norsk, og ønsker å jobbe fremfor å motta stønad.

Hun jobbet ikke i hjemlandet, men ønsker i Norge å få arbeid som sykepleier. Hun velger den lange veien dit. Hun er nå i gang med forberedende grunnskole, og ønsker etter eksamen om to og et halvt år å starte løpet for å ta fagbrev i sykepleierfaget.

– Det tar jo lang tid, men det er gøy. Jeg tror ikke det blir så vanskelig hvis jeg er flink og lærer fort, sier Suleekha.

Les hele artikkelen her: Karmønytt.no

Sh. Mustafe X. Haaruun Mustaqbalka soomaalida galbeedka-1997

0

Xiliga uu Sh Mustafe muxaadaran jeednayo, waxaa qiyaas ahaan wadankan Norway degenaa 3400 qof oo soomaali ah, oo intooda badan Oslo degenaa.  

Dhibaatooyinka uu Sh Mustafe xiligaas ka hadlayo, waa kuwo wali taagan, hadeysanba kasii darin. Waxaadna moodaa in waxyaalaha uu Sh Mustafe xiligaas ka digayo ay hada yihiin waxyaalo muuqdo oo aan la inkiri karin. 

 

Dagbladet-magasin oo warbixin dheer ka diyaariyay dhacdadii aabaha soomaaliga uu gabadhiisa ku dhaawacay

0

Wargeyska Dagbladet qeybtiisa isbuuclaha ah ee Magazinka, ayaa warbixin sadex bog ah ka diyaariyay dhacdadii uu aabaha soomaaliga ah gabadhiisa afar isbuuc jirka aheyd uu dhaawaca ku gaarsiiyay. Waxeyna wareysi la yeesheen dhakhtaradii gabadha daaweeyay bilowgii, barnevernka, qareenada gabadha iyo waliba dadka hada gacanta ku hayo. Iyaga oo si faah-faahsan wax uga qoray sharaxaada labada dhinac ee maxkamada.

Aabahan ayaa sheegay in gabadha xusul/jiqil/suxulkiisu uu ku dhacay xili ay joodari dhulka yaalo wada hurdeen, laakiin maxkamada ayaa diiday sharaxaada aabaha, iyaga oo sheegay in nabarada gabadha ku yaalay ay ahaayeen kuwo loo geystay.  Halkan ka akhri warbixintii aan ka qornay dhacdadaas bishii September. 

Halkan ka akhri warbixinta Dagbladet-Magazin ee dhacdadan. 

[adsenseyu2]

 

Dowlada Mareykanka oo laashey xayiraadii safarka ee Donald Trump

0

Dowlada Mareykanka ayaa laashay wareegtadii xayiraada Donald Trump, kadib markii qaadi kamid ah kuwa federalka uu amar ku bixiyay in dadka heysto dal kugalka(visada) sharciga ah, ee kasoo jeedo todobada wadan ee uu D.T mamnuucay, ay shuruud la´aan kusoo gali karaan Mareykanka.

Donald Trump ayaa isku dayay inuu racfaan ka qaato amarka xaakinkaas, balse maxkamada sare ee racfaanka ayaa diiday inay aqbasho go´aanka racfaanka D.t

Wararkii ugu danbeeyay ee hada kasoo baxayo garoomada diyaarahada Mareykanka, ayaa sheegayo in dhamaan dadka kasoo jeedo todobada wadan ay si dhib la´aan ah kusoo galayaan dalkaas, iyaga oo la kulmin wax xayiraad ah.

Arintan ayaa cashar u noqon doonto Donald Trump oo u qaatay in sidii shirkadahiisii ganacsiga ,ay awooda dowladu kaligiis gacanta ugu jirto, isaga oo ilaaway inay jiraan dad kale oo awooda maamulka dowlada dalkaas la wadaago. 

Xigasho/kilde: NRK.NO , abcNyheter, NTB

[adsenseyu2]

(Muhiim!): Dood ku saabsan caruurta wadanka laga bixiyo, kadibna lagu soo celiyo

0

Mowduucan waa mid aad u muhiim ah, dhibaatooyinkiisana ay aad u muuqdaan. Sidaas darteed waa lagama maarmaana inaan si furan aan uga doodno. Dooda Jamaal iyo Maqal Radio, waa inay noqotaa daahfurka doodan, oo aysan noqon tii ugu danbeysay.

Halkan ka daawo doodan ku saabsan dhibaatooyinka caruurta wadanka laga celiyo, sanado kadibna wadanka dib loogu soo celiyo. 

[adsenseyu2]

 

(Muhiim):Dhibatooyinka ay la kulmaan dhalinyarada wadanka laga saaro, dibna loogu soo celiyo

0

Jamaal Axmed: Dhibaatooyinka ay la kulmaan caruurta soomaaliyeed ee wadanka laga saaro, dhowr sano kadibna dib loogu soo celiyo. 

3 shaqo oo hey´ada NRC ka banaan Somalia gudaheeda(Muqdisho, Gaalkacyo iyo gobalada dhexe…)

Hey´ada Norwegian Refugee Council oo ah hey´ad gargaar oo laga leeyahay wadankan Norway, ayaa bogeeda internetka kusoo bandhigtay sadex boos shaqo oo NRC ka banaan Somaliya gudaheeda. 

Shaqooyinkan qaarkood waxaa codsan karo oo kali ah qofkii dhalashadiisu ay soomaali tahay(oo dabcan aqoonteeda leh), sidaas darteed waa jaanis aad u weyn ee soomaalida Norway ee aqoonta leh, rabtana inay wadankii wax kusoo kordhiso ha codsadaan.

1):Food Security Specialist-Somalia/Gobalada dhexe. Frist: 5-2-2017( qabashada codsiga shaqadan bari ayuu ku egyahay)

2):Re-Advertisement Education Project Officer (Somali Nationals Only)- Galkaio-Puntland.. Frist: 8-2-2017

3):Project Manager – Food Security (National Position) Mogadishu)- Frist: 19-2-2017

Sidoo kale waxey shaqooyin ka banaanyihiin wadamada daris la ah Soomaaliya ee Kenya, Ethopia iyo dhulka soomaalida ee Ethopia ay xooga ku maamulato. Halkan kasii fiiri shaqooyinkaas banaan. 

[adsenseyu2]

TV2-DK:Denmark oo labo qof oo soomaali ah si qarsoodi dib ugu celisay Soomaaliya

0

Sida uu qorayo muuqaal-baahiyaha TV2 qeybtiisa dalka Denmark, dowlada Denmark ayaa bishii September ee sanadkii 2016 si khasab iyo qarsoodi ah Soomaaliya ugu celisay labo qof oo soomaali ah.

TV2.DK ayaa qoray in Booliska, dowlada ama maxkamadaha dalkaas aysan wax war ah kasoo saarin marka labadaas qof Soomaaliya dib loogu celinayay. Xitaa ururka Dansk Flygtningehjælp oo ah urur ka talo-bixiyo marka dadka wadanka laga musaafurinayo, ayaan arintaas lagu wargalin. Waxaana kiisaska labadaas si qarsoodi ah looga shaqeeyay, maxkamad ay albaabadu u xiranyihiin.

-Dowlada Somaliya ma rabto in arintaas laga hadlayo:

Eva Singer oo ah madaxa ururka Flytninghjælp ayaa wargeyska Berglingske u sheegay in tarxiilka labadaas qof aan lagu soo wargalin, isla markaana ay tahay dhibaato, maadaama ururkoodu uu yahay midka ka talo-bixiya arimaha khuseeyo dadka wadanka laga saarayo. 

Dhamaan hey´adaha ku shuqul leh arintan ayaa ka gaabsaday inay wargeyska Berglingske faah-faahin dheeri ah ka siiyaan arintaas.  

Wasaarada soo galootiga iyo isdhexgalka ayaa wargeyska u sheegay aysan arintaas faah-faahin ka bixin karin, maadaama dowlada Soomaaliya aysan rabin in arintaas la ogaado. 

-800 qof ayaan dib u celineynaa:

Dhawaan ayey Denmark sheegtay inay Somaliya dib ugu celin doonto 800 qof oo qoxooti soomaaliyeed ah, kadib marka dib ugu qiimeyn lagu sameeyo magangalyadooda. Afartii qof ee ugu horeeyay ee dadkaas kamid ah ayay Denmark sheegtay inay ku wadaan in Somaliya loo celiyo mudo bil gudaheed ah. 

Warbaahinta dalka Denmark ayaa qoreyso, in dowlada dalkaas ayaa dadaal ugu jirto inay heshiis dib u celin ah la saxiixato dowlada Somalia. 

Xigasho/kilde: tv2.dk

[adsenseyu2]

 

 

 

EU& Libya: Waxaan xireynaa xuduud badeedka u dhaxeeyo Libya iyo Italy

0

Waxaa maanta magaalada Roma ka dhacay, kulan looga arinsanayay sidii wax looga qaban lahaa qulqulka qoxootiga kasoo gudba bada u dhaxeysa wadamada Libya iyo Italy. 

Reysulwasaaraha Libya Fayez  Al-Sarraj iyo dhigiisa dalka Talyaaniga Paolo Gentiloni, ayaa kulankaas kadib saxaafada u sheegay inay is-afgarad hor dhac ah, ka gaareen qaabka ay u xakameyn lahaayeen qoxootiga kasoo qulqulaya wadamada Africa. 

Waxaan xireynaa xuduudka Libya:

Reysulwasaaraha Talyaaniga Gentiloni ayaa sheegay inay xiri doonaan xuduud-badeedka u dhaxeeyo wadamada Libya iyo Talyaaniga, isla markaana wixii ay dad qabtaana ay dib ugu celin doonaan Libya.

Reysulwasaaraha Libya ayaa dhankiisa sheegay iney kordhin doonaan ciidamada ilaalada xuduudaha Libya ee saxaraha. Wuxuuna raaciyay in dadka ay ilaaladu dhulka saxaraha ka qabtaan, dib loogu celin doono Suudaan ama loo furi doono xeryo lagu hayo inta aan dib loogu musaafurin wadamadoodii. 

Midowga Yurub ayaa arintan taageerada dhaqaale ee ugu badan bixinayo, waxaana shir ku saabsan xakameynta qoxootiga uu ku socdaa dalka Malta.

Xigasho/kilde: Somalische,  Independent.co.uk

[adsenseyu2]

Einar Hagvaag/Dagbladet: Se til Canada!

0

Canada har utviklet et samfunn uten like, et evig uferdig innvandrerland med et mangfold i stedet for en smeltedigel, skriver Einar Hagvaag.

Den nye ministeren for innvandring og flyktninger, Ahmed Hussen, er et barn av denne politikken. Han flyktet fra krigen i Somalia og kom til Canada 16 år gammel i 1993.

Les artikkelen her: Dagbladet.no

[adsenseyu2]

Oslo s oo 10-saac xirnaan doonto helgahan(weekend)

0

Sida ay qoreyso wakaalada wararka wadankan Norway ee NTB, xarunta dhexe ee tareenada, Oslo sentralsjon ayaa helgahan xirnaan doonto 10-saac oo ka bilaabata 21:25 ee maalinta barito ah(sabti, 4-febraury), ilaa laga gaaro 07:15 subaxnimo ee maalinta axada ah(5-febraury). 

Waxaana arintaas keenay dayax-tir la rabo in lagu sameeyo khadka isku xiro tareenada. 

Mudadaas tobanka saac ah oo ay Oslo s xirantahay, waxey tareemadu ku istaagi doonaan Asker, Skøyen, Grefsen, Bryn, Lillestrøm, Ljan, Hauketo, iyo Ski. Waxaana booska tareenka socon doono bussas dadka geeyo, kana soo qaado xarumahaas ay tareemadu ku istaagayaan. 

Xigasho/kilde: NTB-Aftenposten.no

[adsenseyu2]

Sweden oo dheereysay mudada ilaalada xuduudaheeda iyo baaritaanka aqoonsiga dad soo galayo

0

Dowlada Sweden ayaa waqtiga u kordhisay ilaalada joogtada ah ee lagu hayo xuduudaha dalkeeda iyo waliba baaritaanka aqoonsiyada dadka Sweden soo galayo. Arintan ayaa timid iyada oo Todobaadka soo socdo ay ku ekeyd mudadii hore oo loo qabtay ilaalinta xuduudaha dalkaas. 

Ra’iisal wasaaraha Sweden Stefan Löfven ayaa sheegay in mudo kordhin lagu sameeyay ilaalinta lagu hayo xuduudaha. Sanadkii 2015 ayaa waxaa Sweden kusoo fatahmay dad qoxooti ah oo 140 000 gaaraya, waxeyna dowlada dalkaas go´aansatay in la ilaaliyo xuduudaha Sweden, lana baarano aqoonsiga dhamaan dadka wadanka soo galayo. Gaar ahaana buundada isku xirto Denmark iyo Sweden, iyo waliba dekadaha gobalada koonfurta iyo galbeedka

Xigasho/kilde: Somaliska

[adsenseyu2]

Abdirasaq Hassan oo loo doortay gudoomiye kuxigeenka Ap ee Stange.

0

Sida ku xusan referatka shir uu xisbiga Ap, qeybta degmada Stange yeeshay maalmo kahor, waxaa gudoomiye kuxigeenka arimaha siyaada ee xisbiga Ap Stange loo doortay Abdirasaq Hassan, oo ah xubin katirsan golaha deegaanka degmada Stange. 

Isla referadka ayaa waxaa ku xusan in Abdirasaq Hassan loo doortay rådgiver ama talo-bixiyaha dhanka warbaahinta ah. Xisbiga Ap ee gobalka Hedmark, ayaa share ama saami weyn ku leh wargeyska Hamar-Arbeidsblad(H-A.no). Waxaana Abdirasaq loo doortay inuu talo bixiye ka noqdo arimaha ku saabsan dadka soo galootiga ah. 

Siyaasigan soomaaliga ah ayaa sidoo kale kamid ah golaha dhexe ee xisbigaas ee gobalka Hedmark. Isaga oo kamid ahaa siyaasiyiintii ka dhex-muuqday mudaaharaadkii dhawaan Brummundal loogu dhigay Mahad Abiib. 

[adsenseyu2]

 

Reysulwasaarihii hore ee Norway oo lagu xanibay bar-kontroll oo Mareykanka kutaalo, ogow sababta

0

Reysulwasaarihii hore ee dalkan Norway, Kjell magne Bondevik ayaa mudo saacad ah lagu heystay bar kontorool oo ay leeyihiin ilaalada xuduudka wadanka Mareykanka. Waxaana su´aalo laga weydiiyay Stempel kuyaalo passborkiisa diblomaasiga ah, kaas oo sheegaya inuu booqasho ku tagay dalka Iiraan.

Bondevik ayaa TV2 u sheegay in la waydiiyay su´aalo badan oo ku saabsan sababta uu Iiraan ugu safray iyo waxa uu Mareykanka ka dhex qaban doono. Wuxuuna sheegay in maadaama uu reysulwasaare hore ahaa, aysan cabsi laheyn inuu wadankaas booqasho rasmi ah ku tagay dhowr oo kala duwan.

Sida uu Bondevik sheegay waxa uu Mareykanka uga qeybgali lahaa, shir dadka ka hadli doono uu kamid yahay Donald Trump.

D.T ayaa xanibaad kusoo rogay in muwaadiniinta kasoo jeedo 7 wadan oo islaam ah, aysan Mareykanka soo gali karin mudo sadex bilood ah.

K. Magne Bondevik ayaa sheegay in hadii mid kamid ah magacyada wadamadaas uu muuqdo, uu qof walba indhaha kugu soo taagayo. Isaga oo raaciyay in arintaas ay abuureyso shaki aan loo baahneyn, ayna tahay wax laga caroodo.

Xigasho/kilde: TV2.NO, NRK

[adsenseyu2]

 

Aftenposten: Soomaalida Minneapolis, waxey shaqada iyo ganacsi abuurka kaga jiraan heerka ugu sareeyo

0

Qoraalkan waxaa wargeyska Aftenposten kusoo daabacay, Joacim Lund oo ah fikir-bixiye katirsan bahda wargeyska Aftenposten.


Sanadkii hore dhamaadkiisii, xiligii uu Donald Trump kujiray ololaha doorashada, wuxuu booqasho ku tagay magaalada Minneapolis oo qoraha maqaalkan uu ugu magac-daray, caasimada aan la aqoonsan ee qurbojoogta soomaalida. Waxaa magaalada degan tobanaan kun oo soomaali ah, waxeyna u egyihiin kuwo ku guuleystay qodobada isdhexgalka bulshada ugu muhiimsan, sida shaqada iyo ganacsi abuurka.

Xisaabta ku darso in soomaalida Norway iyo meelo kale oo badan, ay isla qodobadaas ku saabsan isdhexgalka bulshada ay aad ugu liitaan. Waxaa aad u xiiso leh in lasoo ogaado waxa ay halkaas ku qabtaan.

Lars Østby oo cilmibaare ka ah wakaalada xog uruurinta iyo tirokoobka ee SSB, ayaa aaminsan inay adagtahay in soomaalida Norway lala barbar-dhigo soomaalida Mareykanka. Isaga oo sheegay in soomaalida halkaas tagtay ay ahaayeen dad horey aqoon uleh, tiro ahaan ay yihiin kuwo aad u yar marka loo eego tirada guud ee dadka kunool Mareykanka.

Benny Carlsson oo professor Swedish ah oo dhaqaalaha dhigo, ayaa sheegay inay suurtogal tahay in la is bar-bardhigo soomaalida Scandenavianka iyo soomaalida Mareykanka. Carlsson ayaa aamisan in Minnesota ay tahay meel qofkii uu dadaala kasoo muuqan karo, uuna kuna guuleysan karo dadaalkiisa. Isaga oo sheegay in qoxootiga la siiyo koorsooyin yar oo bilow ah, kadibna ay ku qasbanyihiin iney noloshooda maareystaan. Laakiin dhanka kale waxey dowladu fududeysay waxyaabaha qofka u fududeyn karo inuu ganacsi abuurto.

Abdi Warsame: Soomaalida waa dad fursad-gaadayaal ah.

Qoraha maqaalka ayaa Minneapolis kula kulmay Abdi Warsame oo katirsan golaha deegaanka magaaladaas. Wuxuuna Abdi sheegay in soomaalidu ay yihiin dad fursadii ay arkaan sifiican uga faa´iideysto:

Hadii ay fursadu tahay lacag bilaash ah, soomaalidu way ka fii´deysan. Hadii fursadu kujirto waxbarasho iyo shaqo, soomaalidu way ka faa´iideystaan. 

Abdi warsame oo qoraha aaminsan in sababaha keenay in soomaalidu ay suuqa shaqada aad uga dhex-muuqdaan Minneapolis, ay yihiin kuwo isbiirsaday.

Waxaa la fududeeyay in ganacsi la abuuran karo, waxaana faa iido badan inuu qofku shaqeysto. Dhalinyarada soomaalidu waxey heystaan dad ay ku deydaan. bulshaduna aad ugu badna is kooxeysiga iyo is faquuqa. Qofka ugu fiican ee shaqadan qaban kara, ayaa shaqada hela.

Halkan kasii akhri maqaalka Joacim Lund iyo Aftenposten.no

[adsenseyu2]

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.