18.8 C
Oslo
torsdag, august 18, 2022

(Maqaal)Abdijibar Ahmed: Haddii Aanu Nahay Soomaalida Noorway, waa Maxay Dowrka Aanu Ciyaari Karno?

Soomaalida ku dhaqan dalka Noorway ayaa waxaa lagu sheegaa inay yihiin bulshooyinka aanan inta badan shaqeysanin marka loo fiiriyo xagga ajaanibta kunool dalkaan Noorway. Wixii jira Rabbi ayaa og. Soomaaliduna waxay tiraahdaa “Nin walbo qumanihiisa ayaa qoorta ugu jira”.

Sidda aanu aaminsanahay haddii aanu nahay Soomaali, dhammaan qaarada Yurub waxaanu ku nahay koyto ama dad aanu u dhalanin qaarada hadba sidda aad u taqaano. Balse su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah “Waa maxay dowrka aanu ka ciyaari karno qaaradaan baaxadda weyn leh?”

Aad ayay u adagtahay inaad si fudud ku fahanto dad aannu kulla diin, dhaqan, iyo dadnimo ahayn. Waxaana Soomaalida lagu xantaa inay yihiin bulshooyinka ajaanibta ah ee ku nool dalkaan Noorway oo aanan bulshooyinka kale soo dhex-gelin. Arintaasina waxaa fahmi karo cidwalbo oo taqaano dhaqamadda Soomaalida.

Dhaqanka Soomaalidu waa mid soo jireen ahaa mudo aad u dheer, kaasi oo saameyn badan ku leedahay dadka baxaarida ah ee iskaga gooshi jirtey deegaano badan. Dhaqanka Soomaalida waa hab-nololeedka iyo nidaamka dhaqan ee dadka Soomaalida ah, taasi ooy ka mid tahay luuqada, cuntada, suugaanta, fanka, farshaxanta, habaynta iyo soo bandhiga heesaha Soomaalida, ruwaayadaha, majaajilooyinka u dhaqanka ah dadka Soomaalida ah meelkasta ooy joogaan, gaar ahaan inta ku dhaqan Bariga Afrika.

Guud ahaan, dhaqanka Soomaalidu waa haybada iyo sharafta u gaarka ah bulsho weynta Soomaalida meel kastooy caalamka kaga dhaqan yihiin. Siddoo kalle, dadka ku hadla Af Soomaaliga waxay leeyihiin fan iyo suugaan aad u heersareeya, qani ku ah aqoon iyo xirfad qoto dheer.

Dhaqanka Soomaalidu waa mid soo jireen ahaa kaasi oo jiilal badan iska dhaxleen. Sida taariikhyahanadu sheegeen wuxuu asal ahaan ka sameeysmay nolosha maalinle iyo xiriirka bulshada Soomaalida la sameeysay bulshooyinka deriska/jaarka ah iyo cilaaqaadka ganacsi iyo waxbarasho ee deegaanada fog-fog. Siddoo kale dhaqanka Soomaalidu wuxuu in badan ku salaysan yahay diinta Islaamka oo dadka Soomaalida intooda u badan aaminsan yihiin.

Haddii aanu doonayno inaan wax badan ka ogaano qaababka ay bulsho u fakirto iyo hab-dhaqankooda waxaa wanaagsan inaan wax badan ka barano taariikhda dhaqan ay leedahay bulshada. Soomaalida ku dhaqan dalkaan Noorway kuwooda ugu fir-fircoon ayaa waxay iskudayaan inay marka horre wax badan ka ogaadaan am aka bartaan taariikhda iyo sharciyada dalka Noorway. Waxayna noqdaan kuwa inta badan horey u fahmo nolosha ka jirta dalka Noorway.

Laakiin waxaa dhibaato ah haddii aadan markii horeba aadan waxbo ka aqqoonin dhaqanka aad leedahay asal ahaanba wey kugu adkaanaysaa inaad fahanto dhaqanka cusub ee aad usoo haajirtay.

In bulshada is-dhexgal sameeyaan waa muhiim si ay bulshadaasi u yeeshaan hal aragti oo midaysan iyo hal luuqad oo ka wada dhaxayso. Isdhexgalka bulshada waxaa laga dhexlaa inaad fahanto dadyowga kale ee ka yimaaday caalamka kale, waxaad ku baranaysaa luuqada dalka, xittaa waxaa dhismaayo dadnimadaada iyo fahankaada nololleed. Haddii aad u baqayso diintaada waxaad sameyni kartaa inaad u sheegto qofka kale in waqtiga salaadda la gaaray ee aad kasii tagayso. Waxaana laga yabaa inuu maalin kale ku weydiiyo salaad waxa aad ka waday, kadibna aad u sheegto waxa aad kala jeeday oo aad usoo bandhigto diintada waxa ay tahay.  Adiga xittaa waxay kuu tahay fursad oo ah inaad qofka kale u sharaxi karto diintaada. Laakiin haddii markii horeba ay xumeyd dadnimadaada, dhaqankaada waxaa laga yabaa inuusan waxbo kaa dhageysanin qofkaas, ee marwalbo ku tala gal adiga naftaada inaad hagaajiso inta aad dadka kale wax u sheegin.

Noorway waa wadan ay kunool yihiin ajaanib kala duwan oo ka kalla yimaaday dhammaan daafaha dunidda oo idil. Sababtoo ah, waxaa lagu tirayaa wadamada ugu wanaagsan caalamka marka ay timaado xagga nolosha bulshada, caafimaad, iyo waliba amniga. Sababtoo ah awoowe-yaashooda horre ayaa aad ugu fakiray inay dalkooda sidaan ka dhigaan, maantana muwaadiniinta Noorway waxay guranayaan mirihii ay abuureen awoowe-yaashooda.

Bulshada marka ay wayso cid u fakirto wey isku dhex-yaacdaa oo waxay kala garani weydaa cidda cadowgooda ah iyo cida kale. Soomaalida kunool dalkaan Noorway waxaa jira kuwa badan oo sheeganaayo inay dalkaan ku noolaayeen in ka badan 20 sano, qaarkiisana waxay iskumid yihiin kuwa maanta soo galay oo waxay ku kalla duwanyihiin lama arko.

Bal aan isqabto si aanu ugu bixin mawduuceyga. Dabcan haddii ay kugu jirto damiir dadnimo waad dareemi kartaa hal-boodka ku salaysan damiirka maqaalka. Haddii aad aragto bini’aadam nool oo wax qabsaday waxay la yimadeen labo shey oo kali: 1) Ismaqal iyo 2. Wax qabsi

In bini’aadamka ismaqlo waa waxyaabaha guusha lagu gaari karo. Waa wax aad u wanaagsan inaad fahanto dadka adiga kugu heeraarsan. Bulshada horumar ma gaarto illaa iyagu dhexdooda ismaqlaan mooyee. In la isdhageysto waxay muhiim u tahay shaqsiyada dadnimo iyo in bulshada fahmaan dhibaatada haysato halka ay ka imaanayso iyo sawabta waxa keenay.

Wax qabsi, bini’aadmka isku karti ma ahan, isku dadnimana ma ahan. Si ummada Soomaaliyeed ay u noqdaan ummad wax wada qabsado waa inay noqdaan kuwa iscaawiyey oo wax wada qabsada. Midkeena liita haddii aan wax u sheegno oo aan kor usoo qaadno anagoo aanan fiirinaynin cudurkii aan kaga soo tagnay dalkeena “qabiil” waan wada guulaysani karnaa. Kaligaa guul waxbo kuuma tarayso, haddii walaalkaa guuldareystay ama dhibaataysanyahay.

Isku duubnida waxay keentaa horumar iyo wax wada qabsi. Waxaan xasuustaa hadal uu jeediyay Akhenaton De Leon. Akhenaton de Leon oo ah nin asal ahaan kasoo jeedo wadamada Karibianka. Leon wuxuu sheegay “in ajaaniibta Noorway aysan ka dhexeyn wax wada shaqeyn iyo xiriir, taasina ay sahleyso in dowladu ay marba qoomiyad cunsuriyeyso, iyada oo kuwa kalena ay markhaati ka yihiin, hadeysanba ku faraxsaneyn” Akhenaton wuxuu ugu baaqay Soomaalida Noorway “iney dhib iyo dheefba la qeybsadaan ajaaniibta kale ee wadanka degan, si iyagana markooda loo garab istaago”. Isagoo soo jeediyey “in la abuuro sanduuq dhaqaale oo ajaaniibta wadanka kunool ka dhaxeeyo, kaas oo hadba lagu caawiyo kuwii dhibaateysan, looguna qabto sharci yaqaano xaqooda soo dhiciya”.

Aqristaha sharafta leh waxaan weydiinayaa “ma shaki ayaa kaaga jira in hadalka Akhenaton uu yahay mid sax ah?”

Hadaba maxaa lagu diidanyahay in la sameysto urur ay ku midaysantahay cidwalbo oo Soomaali ah, si, si wada jir ah aan wax ugu qabani karno cidda u baahan garab. Waanu ogsoonahay inay jiraan dhibaatooyin badan laakiin Soomaalidu waxay tiraahdaa “haddii la dhimmanaayo xittaa dheerarka ayaa la isku duggaa”. Ururkaa waa inuu noqdaa urur wax badan ka qabto dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin arrimaha bulshada iyo guud ahaan nolosha Soomaalida Noorway. Waxyaabaha aadka muhiimka u ah inuu ururkaani qabto ayaa waxaa ka mid ah:

  1. Inuu qoysaska ka caawiyo qaababka caruurtooda ay ugu codsani/dalbani karaan waxbarashada dalkaan Noorway. Sidda waxbarashada dugsiga hoose, dugsiga sarre, Jaamacadaha iyo waliba koorsooyinka lagu dhisi karo qofka, sidda luuqada dalkaan loogu hadlo iyo wixii la mid ah.

  2. In ururka bulshada u qabto mawduucyo ku saabsan qiimaha ay leedahay isdhexgalka dadyowga kale ee ku nool dalkaan Noorway.

  3. Inuu qoysaska ka caawiyo dacwadaha ku salaysan qaababka abuukaatayaasha loo qabsado, sidda loo gudbisado dacwadaha, sharciyada loo maro waxwalbo oo ku salaysan siddii ay ugu horumari lahayeen bulsha weynta Soomaaliyeed.

  4. Inuu ururka ka caawiyo qaababka ay bulshada Soomaaliyeed ku iibsani karaan guri iyagoo aanan qaadanin wax ribo F.G: bulshada Soomaaliyeed waxaa usoo socdo fursado qaali ah oo ay lacago ku deynsani karaan iyagoo aanan qaadanin wax ribo ah. Bangiga Storebran ayaa wuxuu sheegay inuu bixinaayo deyn Islaami ah. Storebrand ayaa sheegay in mudo 10 maalin gudaheed ah ay kula soo xiriireen dad 350 oo qof gaaraya, kuwaas oo raba inay qaataan deyn islaami ah hadii uu bankigu bilaabo bixinteeda. Taasna waxey muujineysaa baahida weyn ee loo qabo in la helo bixinta deyn noocaas oo kale ah.

  5. Waa in ururka uu ka caawini bulshada qaababka ay shaqooyinka ku heli karaan, sidda loo sameeyo CV-ga, Søknadka iyo waliba goobaha uu qofka ka shaqeysani karo, waxa ay tahay xirfadiisa iyo goobaha loogu baahanyahay xirfadiisa.

  6. In ururka uu sameeyo sanduuq lagu aruuriyo lacago. Lacagtaasi oo lagu caawiyo dadka sharciyada lagala noqday si ay abuukaate loogu qabto iwm.

Qoraalkeyga waxaan kusoo koobayaa in Soomaalida Noorway kunool loogu baahanyahay inay u kabo-gashtaan siddii ay wax u qabsani lahayeen. Bulshada waxbo ma wada qabsani karaan haddii ay kala qeybsanyihiin. Waqtigaan la joogo waxaa muhiim ah inaan ogaano heerka ay gaarsiisantahay dadnimadeena.

Waxaan shaki ku jirin in cidwalbo oo Soomaali ah oo joogo dalkaan Noorway ay u yimaadeen inay abuurtaan mustaqbal wanaagsan oo ay ku farxaan, iyagoo kasoo haajireen deegaankii ay ku dhasheen, waxay kasoo tageen saaxibaddii ay ku lahayeen wadankoodii hooyo, qaraabadii ay aadka u jeclaayeen, iyo waliba dareen badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin. Marnaba haku fakirin inay nolosha noqoto sidda aad rabto/doonayso, balse qofka hadduu rabo inuu sameeyo isbedel wuu sameyni karaa.

W/Q: Cabdijabaar Axmed    -Abdijibar Ahmed


Hadii aad rabto inaad fikirkaaga, aragtidaada iyo aqoontooda aad la wadaagto bulshada soomaaliyeed ee Norway ku dhaqan, Waxaad qoraaladaada noogu soo diri kartaa: NorSomnews@gmail.com

[adsenseyu2]

- Advertisement -
Latest news
- Advertisement -
Related news
- Advertisement -spot_img
Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x