fredag, mars 29, 2024

Follotingrett: Nin soomaali ah oo loo xukumay iskuday dil oo u geystay wiil ay xaaskiisu dhashay

Sida ay qoreyso wakaalada wararka wadankan Norway ee NTB, waxaa maanta maxkamada Follo lagu xukumay nin 27 sano jir soomaali ah, kaas oo la sheegay inuu iskuday dil u geystay wiil uu adeer u yahay(ste-sønn) oo markaas jiray labo sano iyo bar.

Ninkan ayaa lagu xukumay in si qasab ah loogu hayo xarunta lagu xanaaneeyo dadka dhimir ahaan u xanuunsan(Maanakoobiyo), Psykisk helsevern.

[adsenseyu1]

NTB ayaa qoreyso in ninkan wadanka laga musaafuriyay sanadkii 2014, laakiin uu dib Norway ugu soo noqday bishii April ee sanadkii 2015. Waxeyna dhacdadan dhacday bil kadib markaas uu wadanka kusoo noqday.

Maxkamada Follo ayaa sheegtay in ninkan uu qoor-sagaaro(ceejin) ku qabtay wiilkan uu adeerka u yahay oo markaas hurday. Hooyada wiilkan iyo qaraabo kale ayaa kasoo gaaray, kuwaas oo ku guuleystay inay ka fujiyaan. Isla habeenkaas ayaa ninkan la xiray sida ay NTB qoreyso.

27-jirkan soomaaliga ah ayaa sidoo kale waxaa lagu soo eedeeyay sideed fal danbiyeed oo kale oo uu geystay intii uu xabsiga kujiray.

Maxkamada ayaa sheegtay iney cadeysay in falkaas ahaa mid isku dey dil ah, isla markaana uu marka uu falkaas dhacayay uu ninkan maskax ahaan u xanuunsanaa. Iyaga oo go´aamiyay in loo wareejiyo xarunta lagu xanaaneeyo dadka dhimir ahaan u xanuunsa, waxeyna sheegeen inaan xabsi lagu xukumi karin.

Xigasho/kilde: NRK, NETTAVISEN, NTB

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x