fredag, mars 29, 2024

UDI: 18.000 qof oo soomaalida dhalashada Norway heysato ah, ayey saameyneysaa xanibaada D.T

War deg deg oo saacad kahor ay shaacisay laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga ee dalkan Norway, ayaa lagu sheegay in dad kor u dhaafayo 51.000 oo qof oo heysta dhalashada dalkan Norway ay saameyn ku yeelan karto xanibaada Donald Trump. Dadkan ayaa kasoo jeedo 7-da wadan(Somali, Sudan, Irak, Iran, Sudan, Libya iyo Yeman)  ee Donald Trump muwaadiniintooda ka mamnuucay inay dalkaas soo galaan.

[adsenseyu1]

Tiradan hordhaca ah oo ay UDI-du soo saartay ayaa waxaa lagu sheegay in 51.186 qof oo heysto dhalashada dalkan Norway, aysan Mareykanka gali karin sadexda bilood ee soo socoto.

Dadkan ayey UDI-du sheegtay iney yihiin dad heysto dhalashada Norway, sababo jiro owgoodna aan wali ka tunaasulin jinsiyada dalkoodii hore ee kamid ah 7-da wadan ee Donald Trump mamnuucay.

Safaarada Mareykanka ee dalkan Norway, ayaa wargeyska DB xaqiijisay in qofkii heysto dhalashada Norway iyo mid kamid wadamadaas todobada ah uusan soo gali karin Mareykankanka, 90-ka maalmood ee socdo.

18.336 oo soomaali ah:

51.186 qof oo ay UDI-du sheegtay inuu saameynayo go´aanka D.T, ayaa waxaa kamid 18.366 oo soomaali ah. Halka 20.903 qofna ay kasoo jeedaan dalka Ciraaq.

Tanaasulka jinsiyadaadii hore, marka uu qof qaadanayo jinsiyada Norway:

Sida aan saacado kahor soo qornay, waxaa caadi ah in marka uu qofku qaadanayo dhalashada dalkan Norway, uu ka tanaasulo jinsadiisii hore. Laakiin waxaa jiro waxyaabo qofka ka horistaaga in qofku uu ka tanaasulo dhalashadiisii hore, wuxuuna sidaas ku noqdaa qof heysta labo dhalasho..

Tusaale ahaan qofka qasab kuma ahaan inuu ka tanaasulo jinsiyadiisii hore, hadii uu ku qasbanyahay inuu wadankiisii ku noqdo si uu uga tanaasulo jinsiyadii hore, laakiin aysan taas suurtogal aheyn sababo la xiriira colaado sokeeye. Ama hadii aysan wadankiisii aysan kajirin system iyo nidaam dowlad dhexe, ayna suurtogal aheyn inuu helo tanaasulaad sharciyeysan oo sax ah.( Halkan kasii akhri xeerarkaas).

Qoraalkii aan soo galinay saacad kahor, waan tirtirnay si uusan u abuurin jax-wareer. Intii akhrisatay ee si khaldan wax u fahantay, raaligalin ayaan ka bixineynaa.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x