fredag, april 19, 2024

Madaxda dalal badan oo caalamka ah iyo dad caan ah oo ka qeyliyay xanibaada Donald Trump ee qoxootiga

Madaxweynaha cusub ee dalka mareykanka ayaa maanta meel-mariyay digreeto cusub oo ku mamnuucayo in qoxootiga ka imaado 7 wadan oo islaam ah oo Somaliya ay kamid tahay, aysan mareykanka viso kusoo gali karin mudo 3 bilood ah. Sidoo kale wuxuu ilaa waqti aan la cayimin mamnuucay in qoxootiga wadanka Siiriya ka imaado ay Mareykanka soo galaan.

Donald Trump ayaa isla digreetadan ku mamnuucay inaan mudo afar bilood ah wax dib u dajin ah loo sameyn karin dhamaan dadka qoxootinimada kusoo gala dalkaas Mareykanka.

Trump oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inuusan rabin in dalka Mareykanka ay soo galaan dad taageersan fikradaha ay ciidanka mareykanku dhulal badan kula dagaalamayaan. Isaga oo raaciyay inuu raba inay mareykankan soo gali karaan oo kaliya, dadka taageersan mabaa´diida uu wadankaas ku dhisanyahay, sida xad-dhaafka ahna u jecel Mareykanka.

Golaha Ururada islaamka: Digreetadan waxey kasoo horjeedaa dastuurka Mareykanka. 

Inkasta oo korka laga qurxiyay digreetadan uu D.T soo saarey, hadana dad badan ayaa aaminsan iney tahay mid uu D.T rabo inuu dadka muslimiinta ah ka mamnuuco soo galitaanka Mareykanka. Xiligii doorashada ayuu D.T balanqaaday in hadii la doorto uu dadka ka imaado wadamada muslimiinta ah, uu ka mamnuuci doono inay US soo galaan.

Golaha ururada islaamiga ah ee Mareykanka, ayaa sheegay in go´aankaas uu yahay mid si toos ah loogu beegsanayo dadka muslimiinta ah. Arintaasna ay tahay mid kasoo horjeedo dastuurka dalkaas oo dhigaya in qofka aan lagu beegsan karin diintiisa, xorna uu u yahay inuu caabado waxa uu aamisanyahay.

Golaha ururada islaamiga ah, ayaa sidoo kale sheegay inay arintaas maxkamad la aadi doonaan.

Fransiiska iyo Germanka:

Dowladaha France iyo Germany ayaa sheegay inay ka walaacsanyihiin go´aanadaas uu soo saarey D.T , iyaga oo raaciyay inuu dhaawac ku yahay jaaniska ay dadka qoxootiga ah ku imaan karaan dalkaas mudooyinka soo socdo.

Aas´aasaha iyo milkiilaha barta bulshada ee Facebooga, ayaa dhalaaceyn usoo jeediyay go´aankaas, isaga oo sheegay in Mareykanka uu yahay wadan soo galootiga ay dhiseen.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x