fredag, april 19, 2024

Canada: Qoxootiga uu Donald Trump diiday, gacmo furan kusoo dhawaada Canada

Reysulwasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa qoraal uu xaley kusoo daabacay bogiisa Twitterka  ku cadeeyay in dhamaan dadka qoxooti ah, ee loo diido inay Mareykanka soo galaan, ay si gacmo furan ah ugu soo dhawaan karaan dalka Canada oo martigalin u sameeyay kumanaan qoxooti magangalyo doon ah. 

[adsenseyu1]

Reysulwasaaraha Canada ayaa dhawaantan wasiirka soo galootiga dowladiisa u magacaabay Xildhibaan Axmed Hussein oo ah muwaadin soomaali ah oo dalkaas qoxootinimo kusoo galey 23 sano kahor. 

Shaley ayey aheyd markii uu Donald Trump digreeto ku mamnuucay in qoxootiga kasoo jeedo 7 wadan oo Muslim ah, aysan mareykanka cagta soo dhigi karin mudo sadex bilood ah. Digreetadan ayaa sidoo kale qabaneyso dadka heysto sharciga kumeel gaarka ah ee Green-Card-ka. 

Garoomada diyaaradaha ee dalka Mareykanka, ayaa waxaa xaley ku jirtay buuq iyo isku dhex-yaac, kadib markii dad badan loo diiday inay USA soo galaan, iyaga oo heysto sharciga Green-cardka. Waxaa dadkaas kamid ahaa macalimiin jaamacadaha mareykanka wax ka dhigo, ardey, Aktaro caan iyo waliba dad howlo ganacsi usoo aaday dalkaas.

Trump ayaa digreetadiisa ku mamnuucay in qoxootiga ka imaanayo Siiriya gabi ahaanba la joojiyay ilaa mudo aan la cayimin. 

Wuxuuna sidoo kale diiday in wax dib u dajin ah loo sameeyo dhamaan qoxootiga Mareykanka kunool mudo afar bilood ah.

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
2
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x