onsdag, mai 8, 2024

Denmark: 800 oo qoxooti soomaali ah ayaan dib ugu celineynaa Soomaaliya

Dowlad dalka Denmark oo isbuucyo kahor sheegtay inay joojisay dib u qiimeynta sharciyada magangalyada qoxootiga soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan, ayaa hadana sheegeyso iney markale dib u qiimeyn ku sameyn doonto magangalyada qoxooti soomaaliyeed oo 800 gaaraya. Waxaana sidaa qorayo oo aan kasoo xiganey wargeyska Politiken.dk

From 1200 to 800

Denmark ayaa bartamihii sanadkii 2016 sheegtay inay xaalada amaan ee Soomaaliya oo soo hagaagtay owgeed, ay dib u qiimeyn ku sameyn doonto magangalyada qoxooti soomaaliyeed 1200 gaaraya. Laakiin war qoraal ah oo ay soo saartay ayey hadana ku sheegtay inay arintaas joojisay.

Sida aan kasoo xiganeyno wargeyska Politikken.dk iyo wargeyso kale oo dalkaas kasoo baxa, wasiirada arimaha soo galootiga ee dalkaas ayaa hadana mar kale sheegtay inay dib u qiimeyn doonaan sharciyada magangalyada qoxooti soomaaliyeed oo 800 gaaraya, waxeyna in hadii dadkaas lagala noqdo sharciyada magangalyada, si toos ah loogu celin doono wadankoodii.

Afartii qof ee ugu horeeyay:

Politiken.dk ayaa qorayo in afartii qof ee soomaali ah ee ugu horeysay oo sharciga magangalyada dib looga noqday, ay Denmark Soomaaliya ku celin doonto mudo bil gudaheed ah.

[adsenseyu2]

Hey´ada qaramada midoobay u qaabilsan qoxootiga ee UNCHR, ayaa qeylodhaan kasoo saartay arintaas ay Denmark sheegtay inay ku dhaqaaqi doonto. Waxeyna sheegeen in 800 ay naftooda khatar gali karto hadii Soomaaliya lagu celiyo.

Sidoo kale hey´ado badan oo ah kuwo ka shaqeeyo xuquuqda aadanaha ayaa arintaas ka deyriyay, iyaga oo Denmark uga digayo cawaaqib xumada ka dhalan karto.

Wasiirada arimaha soo galootiga ee dalka Denmark oo la hadashay wargeyska Politikken ayaa sheegtay in soomaalidu ay dhulkoodii oo nabad ah ay ku noqonayaan, aysana jirin wax dhibaato ah oo ay la kulmi doonaan.

Iyada oo raacisay in kiis walba si taxadar leh looga shaqeyn doono, isla markaana qof kastaa si gooni ah kiiskiisa looga shaqeyn doono. Wasiirada ayaa hadalkeeda raacisay in sharciga magangalyada dalkaas uu dhigayo in qoxootiga wadankoodii lagu celin karo, hadii xaalada amaan ee dalkii ay kasoo qaxeen ay soo hagaagto.

Warbaahinta dalka Denmark ayaa qorayo in todobadii bilood ee ugu danbeysay ay xaalada amaan ee Soomaaliya, gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha ay soo xumaaneysay. Iyada oo qaraxyada lala beegsado goobaha dadweynaha ay aad sare ugu kaceen, xili lagu jiro isku diyaarinta doorashada madaxtinimo.

Arinta layaabka leh ayaa ah in xisbiyada bidixda ee sosialka oo arimaha oo kale ka hadli jiray, ay  hadataageersanyihiin go´aanka dib u celinta qoxootiga soomaaliyeed oo ay wasiiradaas soo jeedisay.

Nala soo xiriir:

Hadii aad arimaha warar dheeri ah ka heyso ama aad Denmark ku sugantahay, Fadlan nala soo xiriir. NorSomnews@gmail.com

Xigasho/kilde: Politiken.dk 1, Politikken.dk 2, politikken.dk 3

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x