tirsdag, mai 7, 2024

Safiirka Somalia ee USA: Safaarada ayaa dhalinyarada la celiyay Passportka lagu celiyay u sameysay

Isbuucan ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga dajiyay 90- dhalinyaro soomaali ah, kuwaas oo si khasab ah looga soo musaafuriyay dalka Mareykanka. Waxaana dhalinyaradaas Muqdisho ka dajiyay diyaarad ay leeyihiin ciidamada Cirka Mareykanka.

Qaar kamid dhalinyarada lasoo celiyay ayaa sheegay in safaarada Soomaaliya ee Mareykanka, ay aheyd midii dowrka ugu weyn ka ciyaartay prosseska dib u celinta dhalinyarada sagaashanka gaarayo.

Hadaba safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Axmed Cawad oo wareysi siinayay TV-ga Somali Cable, ayaa qiray in safaarada Soomaaliya ee USA ay aheyd midii passporada iyo waraaqaha celiska ah u goysay dhalinyaradaas Soomaaliya loo musaafuriyay.

[adsenseyu2]

Axmed Cawad ayaa cadeeyay in safaarada Soomaaliya ee mareykanka ay matasho danaha dowlada Soomaaliyeed. Isla markaana uu isagu ka safiir ahaan  uu taageersanyahay fikirka dowlada Mareykanka ee ah in Soomaaliya ay hada nabad tahay, dadna lagu celin karo.

Safiirka oo hadalkiisa sii wato, ayaa sheegay in dhalinyarada la celiyay ay ahaayeen kuwo saxiisay oo go´aansaday in dib loogu celiyo wadankoodii. Balse qaar kamid ah dhalinyarada la celiyay, ayaa sheegay in 80% dadka la celiyay ay ahaayeen kuwo diiday saxiixa dib u celinta.

Siyaasada dowlada Soomaaliya:

Dowlada Soomaaliya ayaa ilaa hada aan wax war ah kasoo saarin musaafurintaas dhalinyarada 90-ka gaaraya, loo musaafuriyay Soomaaliya. Sida uu safiir Axmed Cawad qirayo, dowlada Soomaaliya waxey aaminsantahay in dadka soomaaliyeed ee qoxootiga ku ah daafaha caalamka, dib loogu soo celin karo wadankoodii.

Safiirka cusub ee Scandanevianka:

Dowlada Soomaaliya ayaa bil kahor safiir cusub usoo magacowday dalalkan Scandnanevianka. Safiirkaas oo xaruntiisu ay noqon doonto magaalada Stocklom ee dalka Sweden.

Sida aan ognahay waxaa wadamadaan kunool kumanaan qof oo soomaali ah, kuwaas oo sharci la´aan ah.

Dowlada Norway ayaa sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyada magangalyada dad qoxooti soomaaliyeed oo tiro ahaan gaaraya 1600.

Sidoo kale Denmark ayaa sheegtay inay Soomaaliya rabto inay ku celiso ilaa 800 oo soomaali ah. Isbuucyo kahor ayey ka noqdeen go´aankaas, laakiin hadana markale ayey soo rogaal celiyeen.

Sida uu Axmed Cawad Qirayo, dowlada Soomaaliya raali ayey katahay in dad Soomaaliya loo soo celiyo. Wuxuuna sheegay inay safaarada Soomaaliya ee Mareykanku ay ayadu aheyd midii sameysay waraaqaha lagu celiyay.

Hadaba safaarada Soomaaliya ee dhawaan laga furay Stocklom, dowr noocee  ah ayey ka qaadan doontaa rabitaankaas ay dowladaha Scandanevianku rabaan inay qoxootiga soomaaliyeed ay dib ugu celiyaan wadankii.?

Halkan ka daawo safiirka Axmed Cawad oo qirayo in safaarada Soomaaliya ay aheyd midii goysay waraaqaha celiska dhalinyaradaas.

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x