tirsdag, november 26, 2024
Home Blog Page 275

Gabar Norwiiji ah oo boos laga siiyey filmka K´naan Warsame iyo warbaahinta Norwey oo amaan kala dul dhacdey

650full-thea-sofie-loch-naessWarbaahinta Norwey ayaa ilaa shaley si weyn u hadalhaysey gabar norwiiji ah oo boos ka heshay jilitaanka filmka tanaxaha noqon doono ee Mugadishu, Minnesota. Gabadhan oo 19-sano jir ah, laguna magacaabo Thea Sofie Loch Næss ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay iney kasoo dhex muuqan doonto film heer caalami ah, oo ay kala qeybqaadan doonaan jileyaal iyo fanaaniin caan ka ah caalamka.

HBO oo ah mid kamid ah shirkadaha ugu waaweyn ee soo saara filimada taxanaha ah, ayaa filmkana Muqadishu, Minnesota soo saari doonta. Waxaana doorka ugu weyn filmkan ka qaadan doono fanaanka caanka ah ee K´naan Cabdi Warsame. K´naan ayaa sidoo kale qeyb weyn ka qaadan doono qorista iyo hagida inta badan sheekada uu filmku ka hadli doono oo ah xaalada soomaalida mareykanka, gaar ahaan gobalka Minnesota.

[adsenseyu2]

thea-sofie-loch-naess-og-samakab-omar-i-natt-til-17Thea Sofie Loch Næs ayaa horey filmka «Natt til 17» ula jishey wiil soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Samakab.  Filmkan ayaa sanadkii 2014 ahaa mid kamid ah filimada dhalinyarada ee loogu daawasho badanyahay wadankan Norwey. Balse kooxaha filimada qiimeeyo qaarkood,  ayaa dhaleeceyn usoo jeediyey filmkaas «Natt til 17», iyaga oo sheegay ineysan aheyn wax la qaadan karo in gabar ka timid galbeedka Oslo(Xaafadaha taajiriinta iyo dadka ladan) iyo wiil madow soomaali ah uu dhex maro jaceyl aad u weyn. Saxaafada Norwey ayaa dharka ka dhigtey kuwii dhaleeceeyay filmkaas, iyaga oo ku eedeeyey iney yihiin cunsuriyaal ku mashquulsan midabka dadka, iyaga oo aan fiirineyn tayada iyo sheekada filmka midna. 

Qaar kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee Minnesota ayaan si fiican ugu riyaaqin filmka K´naan Cabdi, waxaana magaalada minneapolis ka dhacey mudaaharaadyo ay soo agaasimeen dhalinyaro ka careysan filmka K´naan. Dhalinyaradan ayaa sheegay in K´naan iyo filmkiisu ay sawir xun ka bixin doonaan xaalada soomaalida Minnesota, sidaas darteedna uu ka qeybqaadan karto in ay kor u kacdo naceybka loo qabo soomaalida gobalkaas. Balse su´aasha la is weydiin karo ayaa ah, sidee ayay ku ogaadeen arintaas maadaama filmku uusan wali soo bixin ama aanba la duubinba.?

K´naan ayaa dhankiisa sheegay in filmkan uu noqon doono sawir fiican ka bixin doono xaalada qoysaska soomaaliyeed ee mareykanka guud ahaan, gaar ahaana Minnesota. Isaga oo sheegay in dhalinyaradaas ay yihiin kuwo loo sheegay warar qaldan oo aan sax aheyn. 

Xigasho/kilde: Medier24.com, Dagbladet

[adsenseyu2]

Arendal: Soomaalida oo sanadkan si fiican uga qaybqaadaneyso barnaamijka TV-aksjonen

Waxaa dhamaan dhamaan kommunayaasha Norwey si weyn uga socdo barnaamijka TV-akjsonen oo ah barnaamij sanadle ah oo lacag uruurin loogu sameeyo qaar kamid ah hey-adaha ka shaqeeyo gar-gaarka bini aadanimo.

Sanadkan waxa lacagta laga soo uruuriyo barnaamijkan loogu  deeqi doonaa hay-ado ay kamid tahay Bisha Cas, taas oo iyadna lacagta ku fulin doonto howlo gar-gaar iyo bini-aadanimo . Wadamada ay hay-adan lacagta u uruurineyso ayaa waxaa kamid ah wadankeeni Soomaaliya.

Halulo Abdi Ali waa gabar soomaali ah oo degan magaalada Arendal. Halulo iyo duqa magaalada Arendal Robert C. Nordli, ayaa si wadajir ah  ugu wareegi doono xaafadaha iyo jidadka magaalada Arendal si ey lacag ugu soo uruuriyaan barnaamijka TV-aksjonen.

Halulo ayaa Norwey timid labo sano kahor.

Aad baan u xiiseynaa inaan arintan gar-gaarka ah ka qeybqaato, waxaana aad ugu xiiso qabaa inaan kamid noqdo bulshada aan la noolahay. Ayey Halulo u sheegtay wargeyska lokalka ah ee Agderposten

Duqa magaalada ayaa sidoo kale sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay inuu arko dad wadanka ku cusub oo diyaar u ah iney barnaamijkan ka qeybqaataan. Isaga oo ka codsadey dadweynaha Arendal iney si weyn uga qeybqaataan TV-aksjonen.  Robert C.Nordli ayaa sidoo kale sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in isaga iyo Halulo ay rafiiq ku noqon doonaan soo uruurinta lacagta loogu tabaruci doono barnaamijkan.

 

Hambalyo Halulo iyo dhamaan soomaalida kale ee ka qeybqaadaneyso barnaamijka TV-aksjonen sanadkan. NorSom News waxey soomaalida Norwey oo dhan ugu baaqeysaa iney ka qeybqaataan barnaamijkan sanadlaha ah. Wadamada lagu caawinayo, waxaa kamid ah Soomaaliya, sidoo kale waa fursad uu qofka ku baran karo dad cusub, una sahleyso inuu qeyb ka noqdo bulshoweynta.

Xigasho/kilde: Agderposten.no

[adsenseyu2]

 

Safiirka Norwey ee Mareykanka: Soomaalida Norway iyo kuwa Mareykanka kunool, waa kaaf iyo kala dheeri

Safiirka dowlada Norway u fadhiyo wadankan Mareykanka Ambassador Kare R. Aus, ayaa shaley socdaal indho-indheyn ah ku tagey magaalada Minnesota oo ay kunool yihiin jaaliyad soomaaliyeed oo aad u badan. Kare R. Aus ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyay safiirka Soomaaliya u fadhiyo wadanka Mareykanka, Ambassador Ahmed  Ciise Cawad.

Safiirka Norway ayaa qirey in soomaalida Minnesota ay xaga horumarka ay wax badan kaga horeeyaan soomaalida wadankan Norway. Waxa uuna sheegay in Soomaalida Norway ay u baahantahay in wax badan ka barato reer Minnesota. Si gaar ah wuxuu safiirku u magacaabey horumarka xaga waxbarashada, ganacsiga iyo kamid noqoshada bulshada oo soomaalida reer Minnesota ay ku yihiin hormuudka ajaaniibta kunool deegaankaas. Amassador Kare ayaa lagu soo wareejiyay ganacsiyo iyo dukaamo badan oo ay leeyihiin soomaalida gobalkaas degan. Waxa uuna carabaabey inuu waxyaabihii uu halkaas kusoo arkey uu ka diyaarin doono rapport, uuna u diri doono dowlada Norway, si wax looga badalo xaalada soomaalida reer Norwey.

Ambassador Cawad oo ayaa dhankiisa sheegay in safaarada Norway ee Mareykanka ay rabto iney wada shaqeyn gaar ah la sameyso safaarada Soomaaliya ee Washington. 

Waa hubaal aan shaki ku jirin in walaalaheen soomaaliyeed ee Minnesota ama Mareykanka guud ahaan ay nooga horeeyaan dhinacyo badan oo horumarka bulshada ah. Balse Safiirka Norway ee Mareykanka waxaa ka hoos baxdey inuu isbar-bar dhigo xaalada soo galootiga iyo ajaaniibta guud ahaan ee labada wadan(Mareykanka iyo Norway), inta uusan is garab dhigi labada jaaliyadood ee soomaaliyeed. 

Hadii reer Minnesota ay ku fakarayaan horumar, ganacsi iyo waxbarasho, reer Norwey wadnaha ayay farta ku hayaan oo nin walbaa wuxuu kujiraa gacmo ku gabad. Bulsho Listhaug iyo FRP laga adeejiyay oo aan wadanka cago badan ku fadhiyin, goormey horumar ku fakarayaan tolow?


Halkan ka dhageyso wareysiga Ambassador Cawad iyo BBC 

 

Waalidiinta ajaaniibtu waxay ku fakarayaan dhaqankii wadankii ay ka yimaadeen, marka ay ilmaha waxbarasho talo ka siinayaan

Macalin Assad Qaasim ayaa labo marti sharaf oo kale ayaa saaka lagu casuumey barnaamijka God Morgen ee ka baxa TV2. Barnaamijkan oo saaka looga hadlayey mowduuc uu bilowgii isbuucan tooshka ku ifiyay Eng. Assad Qaasim. Kaas oo ahaa in waalidiinta ajaaniibtu ay ilmaha cadaadis ku saran, waxbarasho aysan niyad iyo xiiso midna u heynin. Taas oo inta badan sahasha in ilmuhu uu waxbarashada naco ama iskuulka ka dhaco.

Waxaa muuqato in waalidiinta ajaaniibta qaarkood uu ka dhaxeeyo tartan ku saleysan faan iyo sumcad raadin, iyaga oo adeegsanayo ilmahooda. Tusaale ahaan, waalidkii uu ilmahiisu barto Dhakhtar ama inginner, waxa uu isku heystaa inuu ka fiicanyahay waalidka kale ee ilmihiisu uu barto maadooyinka Farsamo yaqaanimada. Taas oo mararka qaarkood sababta in ilmaha cadaadis lagu saaro inuu doorto waxbarashu uusan isaga niyad u heynin.

Waxaa kaloo ayadna jirto in waalidku ay mar walbe maskaxda ku hayaan wadankii ay ka yimaadeen iyo dhaqankiisa, marka ay ilmaha talo waxbarasho siinayaan. Hadii uu shaqada farsamoyaqaanka tuubada  ay Soomaaliya ka ahaan jirtey shaqo la yaso ama la liido, halkan waa shaqo rasmi ah oo mararka qaarkood ka lacag badan shaqooyinka dadka jaamacadaha soo dhigtey. 

Halkan ka daawo barnaamijka God Morgen imo Assad Qaasim. 

[adsenseyu2]

Denmark: 1200 qof oo soomaali oo qarka u saaran in sharciga laga noqdo, soomaaliyana lagu celiyo.

Dowlada Denmark, laanteeda socdaalka iyo agaasinka soo galootiga ayaa soo saartey go-aan cusub oo ku sheegayso iney dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciga magangalyada dadka soomaali ah oo tiro ahaan gaarayo 1200. 

Dadkan oo sharciga magangalyada lagala noqonayo, ayaa waxaa kamid ah qaar wadanka degenaa 10 sano, iyaga oo ku dhaley caruur, halka qaarkoodna ay wadanka si fast ah uga shaqeynayeen.

Dowlada Denmark ayaa go-aankan ku micneysay, in xaalada amaan ee Soomaaliya ay soo fiicnaatey, sidaas darteedna aysan jirin sabab keenayso in dadkan loo cusbooneysiiyo sharciga magangalyada. Khatarta ururka Al shabaab oo aheyd sababta ugu weyn oo dadkan intooda badan ay ku heleen sharciga magangalyada, ayay Laanta socdaalka ee Denmark ay sheegtay iney meesha ka baxdey. Iyada oo dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ay hada gacanta ku heyso inta badan deegaanadii ay ka talin jireen ururkaas. 

Mid kamid ah soomaalida Denmark oo aan xiriir la sameynay ayaa noo xaqiijiyay iney jiraan dad mar hore loo soo direy warqadaha digniinta kala noqoshada sharciga magangalyada, iyada oo la siiyey mudo gaaban oo ay kaga soo jawaabaan digniintaas.

Qaar kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee Denmark ayaa sheegeyo in dowlada federaalka ay arinta wax ka ogtahay, maadaama ay wadankaas dhowr mar booqasho ku tageen wasiiro ka socdo dowlada Soomaaliya iyo waliba madaxii hore ee laanta socdaalka ee Soomaaliya  General Abdullahi Gaafow. Sidoo waxaa isbuuc kahor wadankaas socdaal shaqo ku yimid safiirka Soomaaliya u qaabilsan EU, Ambassador Ali Said Fiqi.

Dowlada Denmark ayaa bishii 7-aad ee sanadkan jartey lacagtii la siin jirey dadka qoxootiga ah, iyada oo sidoo kalena sameysay kaamam korka ka xiran oo u sameysan qaab xabsiyeed.

Isku soo wada duuboo, waxaad moodaa in dowlada Denmark ay qaadey wadadii dowlada Norwey, balse arinta ay ku kala duwanyihiin ayaa ah in Denmark uu sharcigan cusub saameyn ku yeelan doono dad wadanka degenaa mudo 10 sano gaareyso.

 

Xigasho/kilde: DR.DK 

[adsenseyu2]

SSB: 13% ajaaniibta tagaasida ka shaqeeyo Norwey waa Soomaali

Hay-ada qaabilsan xog uruurinta iyo tirakoobka ee SSB ayaa shaley soo saartey warbixin guud oo kaga hadleyso xaalka suuqa tagaasida Norwey. Warbixinta SSB ayaa waxaa guud ahaan ku xusnaa in dadkii qaadan jirey tagaasida ay hoos u dhaceen, balse qiimaha lagu raaco tagaasida uu kor u kacey. 

Sababta qiime kordhinta keentay ayaa lagu tilmaamey iney tahay in shirkadaha bixiya leysinka tagaasida iyo milkiilayaashuba ay isku dayayaan in qarashkii kasoo gali uusan hoos u dhicin. SSB ayaa tilmaameyso in arintan qiimo kordhintu aysan noqon doonin xal waara, sidaas darteed ay milkiilayaasha tagaasida iyo shirkadaha bixiya leysinka tagaasida ay ku qasbanyihiin iney la yimaadaan istiraatiijiyad iyo siyaasad kale oo ay uga hortagi karaan tartanka soo wajahey. Arinta saameynta ugu badan ku yeelatay, kuna yeelan doonto tagaasileyda ayaa ah shirked UBER oo kula jirto tartan qarsoon oo xoogan.  

SSB ayaa warbixinteeda sii raacisey in dadka ugu badan ee tagsiga ka shaqeeyo ay yihiin rag ay heerka aqoontoodu ay ugu sareyso dugsi hoose-dhexe. Waayadii hore raga tagaasida ka shaqeeyo waxey isku cel-celis da´doodu udhaxeysay u badnaayeen 40 ilaa 66. Balse sanadii danbe waxaa suuqa tagaasida aad ugu soo badanayey dhalinyaro da´doodu u dhaxeyso 25 ilaa 39. 

ku dhawaad 33% dadka ka shaqeeyo tagaasida  ajaaniib, sidaas darteed quuqa tagsiga ayaa ah meesha ugu badan oo ay ka shaqeeyaan ajaaniibta, gaar ahaana raga. 65% dadka ka shaqeeyo tagaasida gobolada Oslo iyo Akerhus waa ajaaniib.

Labada qowmiyadood ee ajaaniibta ah ee tagaasida aadka ugu shaqeeyo waa soomaalida iyo Pakistanta. 34% kamid ah ajaaniibta dadka ka shaqeeyo tagaasida oo dhan waa Pakistan, halka soomaaliduna ay yihiin 13%. Pakistanida ayaa sidoo kale ugu badan ajaaniibta inta badan iska leh milkiyada baabuurta tagaasida.

Xigasho/kilde: SSB.NO 

[adsenseyu2]

Bodø: Sumaya (18) har fått et helt spesielt oppdrag.

Som eneste bodøværing skal Sumaya Jirde bli ungdoms-ambassadør.-Målet er å endre verden, forteller bodøjenta, opprinnelig fra Somalia.

18-åringen er nå valgt ut som én av 22 ungdommer, som igjennom den amerikanske ambassadens ungdomsprogram skal skoleres heftig og grundig. Det anser hun for å være første steg på veien mot noe større.

Aldri klart å holde kjeft:

Sumaya, som for tiden er det yngste styremedlemmet i Kvinnenettverket Noor, har ifølge henne selv alltid vært engasjert.

Nå skal hun bruke det engasjementet enda mer aktivt, som én av de utvalgte til ungdoms-ambassadørprogrammet den amerikanske ambassaden har arrangert i en årrekke, sponset av blant annet Google, FirstHouse, McKinsey og BA-HR.

– Jeg har alltid engasjert meg, sier hun og føyer til:

– Er det en ting jeg virkelig brenner for, så er det kvinnekampen, det har jeg alltid gjort. Når det har vært ting jeg har vært opptatt av, og ment noe om har jeg aldri kunnet tie stille – jeg har aldri klart å bare holde kjeft.

Som ung innvandrerkvinne tror hun engasjementet er ekstra viktig. Hun mener det er alt for få ungdom, og særlig jenter med minoritetsbakgrunn, som engasjerer seg.

– Jeg tror aldri jeg kunne blitt rollemodell for noen, men jeg håper på å kunne bane vei for andres engasjement, flere må vise seg ute i debatten, mener hun.

-Frykter økt fremmedfrykt:

Til Norge og Bodø kom Sumaya i syvårsalderen – for hele elleve år siden. På den tiden har hun rukket å bli godt integrert, noe hun takker bodøsamfunnet for.

– Personlig opplevde jeg aldri noen utfordringer med å integreres, jeg og familien min ble veldig godt tatt i mot.

Nå frykter hun imidlertid at mottakelsen og integreringen blir dårligere.

– Det er ikke sånn at fremmedfrykt og hat mot innvandrere er noe nytt fenomen, men jeg tror det norske samfunnet blir stadig dårligere på å ønske nye mennesker velkommen til Norge.

Les hele artikkelen her: BODU.NO 

Eng./Macalin Assad Qaasim oo lagu casuumey TV 2 iyo barnaamijka God Morgen

Eng. Assad Qaasim oo ah macalin soomaali oo farsamada gacanta ka dhigo iskuul kuyaalo magaalada Drammen ayaa lagu casuumey barnaamijka caanka ee GOD MORGEN ee ka baxa TV2. Assad ayaa bilowgii isbuucan maqaal dhab ka hadal ah kusoo daabacey wargeyska Drammens Tidende iyo TV2.no. 

Maqaalka Assad ayuu kaga hadley xaalada waxbarasho ee dhalinyarada ajaaniibta ah iyo fikirka qalafsan ee waalidiinta ajnabigu ay ka heystaan waxbarashada wadankan Norwey. 

-Halkan ka akhri maqaalka Assad oo aan soo daabacney af soomaali ahaan: Waaldiinta ajnabiga ahow, qof walbe ma noqon karo Dhakhtar iyo Ingineer.

Qasim waxay doodiisu ku salaysantahay in da’ yarta ajanabigu ay iyaga doortaan wax barashada ay rabaan, oo aysan waalidiintu ku qasbin ama u doorin. Waalidiin badan oo ajanabi ah ayaa aragtiyo gaaban oo aan qotodheereyn ka haysto dhinaca waxbarashada. In badan oo iyaga ka mid ah waxay aminsanyahiin, in mustaqbalka waxbarasho ee caruurtooda ay muhiin tahay inay wada noqdan Dhaqtar ama Injineer, Si ay mustaqbal fiican ugu yeeshaan wadankan. Lakin dhab ahaantii dhamaan caruurta oo dhami mawada noqon karaan haqtar ama ingjineer.

Kawaran hadii ay caruurta iyagu doortan waxay baranayaan?

Xaqiiqdii waa caruurtooda waxay waxbarashadu ay anfacaysaa kuna noolan doono waligood,ee ma ahan waalidiinta waxay anfacaysaa.

Doodwadaag ku saabsan arintaan muhiimka ah ayuu Tv2 barnaamijkiisa (God Morgen Norge ) lagu qaabaa dhigi doonaa jimcaha soo socdo, dadka halkaas lagu casuumeyna waxaa kamid ah Macalin Assad.

Mawduucan waa mid aad ugu mahiim ah dhaman bulshada guud ahaan, gaar ahaana soomaalida iyo ajaaniibta kale. Sanado badana ayaan ka wel-welsanaa, hadase waxaa la gaaray xiligii aan bulshada u iftiimin lahayn. ayuu ku yiri Asad Qasim.

Waxan la kulmey ardo badan oo ku wareersan waxay baran lahayeen. Ma fogayn markan lakulmey gabar rabtay inay barato Hudpleier ( daryeelka qurxinta jirka). Laakin nasiibdaro walidkeed kuma aysan faraxsanayn, sababtoo ah waxay rabeen inay gabadhoodu noqoto dhaqtar. Caruurteenu waa iney jaanis u helaan inay iyagu doortaan waxay ku faraxsanyahiin, waana mawduuc aan rabo inaan wax ka badalo ayuu yiri Macalin Asad. Mawduuc u baahan in dhinacyo badan laga fiiriyo Tani wa fariin aad u muhiim ah, sidoo kale waxaa dood wadaagan kaga qaybgalay barta facebook ee wargeyska Drammens.

Tidendes Tony Burner oo ah cilmibaare dhinaca waxbarashada ah. Tony waxuu sheegay in bulashada ajanabiga ah jiilka 1aad iyo 2aad inay waxbarashada heerka jaamacadeed udoortan sida norwajiyaanka. Laakin 23% ka mid ah jiilka 2aad iyo 14% ka mid ah jiilka 1aad inay doortan waxa lagu yeero Prestisjeutdanninger ( waxbarasha sumcad xambaarsan) sida Dhaqtar, ingineer , sharci yaqaan. Marka la barbardhigo 10% ka mid norwajiyaanka.

Tani waxay natusinaysaa in dhalinyarta ajanabiga ah ay muhiim tahay inay doortan waxbarasho kala duwan. Waana sababta aan ugu baahanahay aragtiyo kala duwan oo dhinaca doorashada waxbarashada ah, si aysan bulshadu uwaayin xirfado muhiim u ah sida macalinka , farsamoyaqaanimada iwm..

Assad Macalimada waxa u dheer, waa ingineer wax ka bartey jaamacadaha wadankan Norwey. Barnaamijka God Morgen ee Assad lagu casuumey, ayaa wuxuu soo gali doonaa jimcahan soo socdo, saacada inta u dhaxeyso 07 ilaa 10 aroornimo. 

Waa guul iyo wax lagu faani karo, hadii qof soomaali ah lagu sharfayo aqoontiisa iyo khibradiisa, waxna laga weydiinayo xaalka ardeyda ajaaniibta ah guud ahaan. Keep it up Assad. 

(Dhageyso): Ambassador Fiqi: Dowlada soomaaliya awood uma lahan iney hor istaagto soomaalida qaarada yurub laga tarxiilayo

Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya midowga Yurub, Ambassador Ali Siciid Fiqi ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya aysan horistaagi karin rabitaanka ay dowladaha yurub qaarkood rabaan inay dib u celiyaan qoxootiga soomaaliyeed, ee aan sharciga ku laheyn wadamadaas.

Fiqi oo wareysi siinayay idaacada codka mareykanka ee VOA, qaybteeda afka soomaaliga ayaa sheegay in ka qaanuun ahaan aysan dowlada soomaaliya diidi karin in muwaadiniinta u dhashey dalkeeda dib loogu soo celiyo wadankeeda, hadii wadamada yurub ay go-aansadaan iney dib u celiyaan. Wuxuuna tusaale usoo qaatey in hadii dowlada Soomaaliya ay damacdo iney muwaadin ajnabi ay ka tarxiisho Soomaaliya, aysan ogolaansho ugu baahneen wadanka qofkaas uu u dhashey, ee loo tarxiilayo. 

Ambassadorka ayaa dhankiisa iska fogeeyay in safaarada Soomaaliya ee EU-du ay bixisey ogolaansho dad soomaali ah dib loogulagu celin karo wadankii. Balse wuxuu sheegay inay hada jiraan dowlado qaarada yurub katirsan oo si xatooyo ah dad ugu tarxiilo Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamey in jiriraan ififaalo muuqdo oo sheegayo in dadka khasabka loogu tarxiilayo Soomaaliya ay sii kordhi doonaan sanadada soo socdo, sidaas darteedna ay muhiim tahay in dowlada Soomaaliya iyo dowladaha dadka tarxiilayo ay isla meel dhigaan qorshe iyo nidaam arintan lagu fulin karo, taas oo sahleyso in muwaadinka la tarxiilayo loo eego wixii dantiisa kujirto.

Hadalka Ambassador Fiqi ayaa u eg nin waxbadan og, balse diblomaasiyad ahaan af gobaadsanayo.

Halkan ka dhageyso wareysiga Ambassadorka iyo ridwaan Xaaji Cabdi (VOA):

 

 

 

Soomaalida ugu badan ee sharciga dhalashada lagala noqdey, waa la jaajuusey

Waxaa maalintii shaley aheyd ku qabsoomey magaalada Oslo kulan xogbixin ah oo ay soo qabanqaabiyeen urur soomaali ah iyo ururka difaaca magangalyo-doonayaasha ee NOAS. Ururkii soomaalida ahaa ee soo qabanqaabiyey kulankan, waxay diideen in saxaafadu ay sawiro ka qaadaan, wax ka qoraan ama soo tabiyaan wixii halkaas ka dhacey. Inkasta oo aanan fahmin sababta arintaas kaliftey iyo waxa ku qasbey ururkaas  iney diidaan in wax laga qoro kulankaas, hadana waxaan u tixgalineynaa sharcigooda maadaama ay ayagu shirka soo qabanqaabiyeen.

[adsenseyu2]

Warbaahinta NorSom News ayaa xiriir toos ah la sameysay ururka NOAS, anaga oo ka codsaney inay noo diraan warbixintii ay halkaas ka bixiyeen, si aan ugu gudbino dadkii aan awoodin iney goobtaas imaadaan. Wey naga aqbaleen codsigeena, waxayna noo soo direen  documentiyadii iyo warbinaxadii kale oo ay goobta ka  jeediyeen, waxaana halkan af soomaali ahaan kusoo koobeynaa wixii intii ugu muhiimsaneyd:

Sharciga dhalashada wadanka malagaala noqon karaa?

Sidaan ognahay waxaa baryihii ugu danbeeyay la sheegayay iney jiraan dad soomaali ah oo sharciga dhalashada wadanka laga noqdey, kadib markii looga shakiyey iney ka been sheegeen dhalashadooda ama aqoonsigooda shaqsiyeed. Dadkan oo la sheegayo iney boqol ku dhawaad yihiin, ayaa badanaa lagu heystaa ineysan dhalasho ahaan kasoo jeedin Soomaaliya, balse ay ka yimaadeen wadamada dariska la-ah Soomaaliya, sida Jabuuti, Suudaan Etiopía iyo Kenya. Dadkan ayaa waxay la sheegayaa in intooda badan lasoo jaajuusey oo fariimo qarsoodi ah laga gudbiyey, kadibna ay boolisku iyo hay-ada agaasinka ajnabigu ay ku sameeyeen dabagal iyo baaritaan ugu danbeyn sababey in sharciga dhalashada wadanka lagala noqdo ama dib loogu yeeray wareysi iyo intervju cusub. Kaas oo lagu xaqiijinayo aqoonsigooda shaqsiyadeed.  Wareysigan ayaa mararka qaarkood u dhigma wareysigii uu qofku bixiyey tobanaan sano kahor, markii uu wadanka iska dhiibayay. 

Meelaha qofka laga baarayo aqoonsigiisa ayaa waxaa kamid noqon kara baraha bulshada sida Facebook, Snapchat, intsgram iwm. Hadii ay islahaan waayaan warbixinta uu qofka isku dhiibey iyo warbixintiisa ugu qoran bartiisa facebooka, waxay xoojineysaa shakiga laga qabo asalka qofka, taas oo ku biiri karto waxyaalaha adkeynaya in qofka lagala noqdo sharciga dhalashada wadanka.

[adsenseyu2]

Dowlada Norwey waxay xaq u leedahay iney qofka kala noqoto sharciga dhalashada iyo waliba kan degenaanshaha, hadii ay cadaato in qofku uu ka beensheegay asalkiisa dhalashada, sidaasna uu ku helay sharci iyo magangalyo uusan xaq u laheyn. Xitaa hadii ay kasoo wareegato labaatameeyo sano, wali waxaa dib loogu noqon karaa bilowgii codsiga magangalyada qofka, taas oo asal u aheyd in qofku uu labaatan sano Norwey degenaado. Hadii lagaala noqdo sharciga dhalashada, waxaa waayeysaa dhamaan wixii xuquuq ah oo aad laheyd ka muwaadin ahaan, maadaama aad muwaadin ku noqotey sabab been ah oo aan jirin. 

Hadii aad caruur ku dhashey wadanka ama aad qof u dacwoodey intii aad wadanka joogtey, ayagana waa lagala noqonayaa sharciga dhalashada, maadaama ay sharciga ku heleen adiga daraadaa, adna aad sharciga ku heshay sabab aan jirin oo been ah. Hadii qofka marka dhalashada lagala noqdo ay dowladu go-aansato in wadanka laga saaro, caruurtiisa iyo dhamaan dadkii uu asaga u dacwoodey waxaa la raacinayaa. 

Sharciga dowlada Norwey ee ku saabsan arintan waa mid aad u adag, sababtoo ah waxaa mar walbe loo noqonayaa sababta uu qofku ku helay magangalyada markiisi koowaad.  Hadii ay jiraan caruur wadanka ku dhashey, waxay dowladu qiimeyn ku sameyneysaa waxa u fiican ilmaha. Tusaale ahaan hadii uu ilmuhu xanuunsanyahay, daawadiisana aan laga heli karin wadanka waalidka loo celinayo, waxaa laga yaabaa in dowladu ay qiimeyn gaar ah ku sameyso xaalada ilmahaas.  Waxaa laga yaabaa in qofka iyo ilmaha lagala reebo, hadii uu ilmuhu iskiis isku bixin karo, oo uusan ku xirneyn daryeelida waalidka. Mararka qaarkood waxaa dhici kara in qofka lagala noqdo sharciga dhalashada, laakiin la siiyo sharci bini-aadanimo, kaas oo qofka loogu qiimeyn karo sababo isbiirsatey owgood, waxeyna ku xirantahay xaalada shaqsiyeed ee qofka markaas iyo qiimeynta kiiska ee dhinaca dowlada. 

Sidoo kale waxaa sharciga dhalashada wadanka qofka lagala noqon karaa, Hadii lasoo ogaado inuu ka beensheegay macluumaad muhiim ah oo sabab u ahaa inuu sharciga magangalyada helo. Macluumaadkaas waxey noqon karaa waxyaabo badan, waxeyna hadba ku xirantahay qiimeynta dowlada ee asal ahaanshaha magangalyada qofka.

Kala noqoshada iyo dib u qiimeynta sharciga magangalyada.

Wasaarada dastuurta iyo amniga Norwey ayaa 31.3.2016 soo saartey wareegto ay ku amreyso in dib loo qiimeeyo sharciga magangalyada, ee dadka looga shakisanyahay in xaalada amni ee wadankii ay kasoo qaxeen uu soo hagaagey. Sharcigan waxa uu khuseeyaa dalalka ay ka yimaadeen magangalyo doonayaasha oo dhan, balse dowladu waxey go-aansatey iney ku bilowdo dadka ka yimid Soomaaliya. Gaar ahaan waxey xooga la saarey dadka ka yimid caasimada Muqdisho oo ay dowladu sheegeyso in xaaladeeda amni uu soo fiicnaadey mudadii u dhaxeysay 2011 ilaa 2014.

 

Sharciga waxa uu qabanayaa dadkii sharciga magangalyada helay wixii ka horeeyay 1.10.2014. Dadkii sharciga helay wixii ka danbeeyay taariikhdaas kuma jiraan dadka dib loo qiimeynayo sharciga magangalyadooda.

Sidoo kale dadka laga soo qaadey xeryaha qoxootiga ee aan iyagu isa soo dhiibin ama aan soo tahriibin, sharcigaas ma qabanayo.

Dadka sharciga magangalyada ku helay arimo bini-aadanimo, sharcigaas cusub asna wey ka bad-baadayaan. 

Sharciga ayaga helay oo heysto degenaanshaha wadanka, ayagana sharcigaas ma qabanayo.

Arinta layaabka ah ayaa ah in wareegtada wasaarada cadaaladu ay dhigeyso in xaalada amni iyo mida siyaasadeed ee wadanka la qiimeynayo magangalyada dadkiisa ay ahaato mid stabile ah oo degan. Soomaaliya labadaas shardi midna ma buuxin karto 100%, maadaama xaalkeeda amni iyo kan siyaasideedba uu marayo meel u dhaxeyso cirka iyo dhulka. Saas oo ay tahay waxey UDI-da bilowdey in digniin sharci kala noqosho ay usoo dirto dad badan oo soomaali ah, kuwaas oo magangalyada helay wixii ka horeeyay taariikhdaas. 

Arinta kale ee iyaga la yaabka leh ayaa ah in dadkaan sharciga magangalyadooda la qiimeynayo aysan ku imaan si koox ah ama group ah, balse uu nin walbe iskiis u yimid, isaga oo ay wado dan ama cabsi gooni ah. Hadana UDI-da waxey dadkan xaalkooda u qiimeyneysaa si wadar ahaaneed oo group ahaan ah.

Dadka Soomaaliya ka yimid ee codsadey sharciga magangalyada, xoogaa waqti ayey qaadaneysaa in laga soo jawaabo sharcigooda magangalyada, maadaama dib u qiimeyn lagu sameynayo sharcigooda magangalyada.

Sidoo kale waxaa qofka lagala noqon karaa sharciga dhalashada, hadii uu safar ku tagey wadankii uu sheegay inuu kasoo cararey. Tusaale ahaan hadii aad sheegtay inaad Soomaaliya uga soo carartey Al shabaab darteed, balse aad isla Soomaaliya booqasho ku tagtey waxyar kadib markii aad sharciga heshay. Waxaa su-aal la saarayaa asalka baahidaada magangalyo, taas oo keeni karta in sharciga magangalyada lagaa xayuubiyo.

Sidoo kale hadii aad xiriir la sameyso dowlada ama shaqsiyaad xiriir la leh dowlada, sharciga magangalyada waa lagaala noqon karaa. Waa hadii aad sheegatay oo magangalyo ku heshay, inaad kasoo carartey cabsi kaasoo wajahdey dowlada aad xiriirka la sameysay.

Maxaa sameyn karaa hadii ay arintan igu dhacdo?

Kow inta eysan UDI-du kaala noqon sharciga magangalyada, waxey kuu soo direysaa warqad digniin ah oo ku qorantahay in sharcigaaga magangalyada dib u qiimeyn lagu sameeyay, lana go-aansadey in lagaala noqdo. Waxaa lagu siinayaa mudo aad uga soo jawaabto warqada digniinta UDI-da, waxaadna xaq u leedahay inaad hesho xeeryaqaan bilaash ah(Gratis Advokathjelp).

Markii aad kasoo jawaabto warqada digniinta UDI-da, waxey UDI-du qiimeyn ku sameyn doontaa jawaabtaada, ayaga oo intaas kadib go-aan gaari doono. Go-aankaas oo noqon karo in la aqbalo jawaabtaada ama sharciga magangalyada dib lagaala noqdo.

Go-aanka UDI-da kadib, waxaad mar labaad xaq u leedahay inaad hesho xeeryaqaan lacag la-aan, adiga oo racfaan ka qaadan karo go-aanka UDI-da. Racfaankaas waxaa loo dirayaa hey-ada dib u eegista go-aanada UDI-da ee UNE, ayaga oo dib u qiimeyn ku sameyn doono in go-aanka UDI-da uu ahaa mid sax ah mise mid khaldan. Hadii ay UDI iyo UNE isku raacaan in go-aankaa uu ahaa mid saxan, waxaa halkaas kusoo xirmayo kiiskaada.

Laakiin waxaad wali xaq u leedahay inaad gudbiso dacwad maxkamadeed oo aad adiga qarashkeeda la baxeyso. Badanaa lacagta kirada garyaqaanada maxkamadu waa mid aad u qaali ah, weyna adagtahay in laga guuleysto go-aanka ay isku raacaan hay-adaha UNE iyo UDI.

 

-Gunaanad, la soco qeybta labaad ee warbixintan.

-Hadii aad qabto su aal qaas ah oo ku saabsan arimahan sharciyada, fadlan la xiriir hay-ada NOAS AMA TLF NR: 2236 5660

[adsenseyu2]

Urix(NRK): Etiopia -blodig opprør i stadig meir lukka land

Uroa i Etiopia har fått lite merksemd i Europa, trass i at rundt 500 menneske er drepne under demonstrasjonar mot styresmaktene det siste året.

Det er over 90 ulike etniske grupper i Etiopia. Oromoane og Amharane er dei største, og utgjer rundt 60 prosent av innbyggjarane. Demonstrantane kjem i stor grad frå desse to folkegruppene. Dei fleste i makteliten kjem frå Tigrean-folket, som representerer seks prosent.

-Flyktar frå Etiopia

Demonstrsjon mot regjeringa i Etiopia. Demonstrantar ropar slagord mot regjeringa under ein demonstrasjon i Bishoftu i Etiopia 2. oktober. Uroa har ført til at mange no flyktar frå Etiopia til flyktningleiren Dadaab i Kenya. Samstundes er Etiopia eitt av dei landa i verda som tek mot fleste flyktningar. Fleire hundre tusen menneske har søkt tilflukt der frå blant anna Somalia og Sør-Sudan.

Regjeringa i Addis Abeba har gitt egyptiske og eritreiske styresmakter skulda for at dei har vorte nøydde til å innfør unntakstilstand, den første i Etiopia på 25 år. Talsmann for den etiopiske regjeringa, Getachew Reda, skuldar Kairo for å trene og finansiere Oromo-frigjeringsfronten. Etiopiske styresmakter ser på Oromo-fronten som ein terrororganisasjon.

Egyptiske styresmakter avviste seinaste sist veke at landet støttar dei etiopiske opprørarane. Forholdet mellom Egypt og Etiopia er dårleg, mykje på grunn av krangel om vassressursane i Nilen.

Les hele artikkelen på norsk her og se vedio: NRK-URIX

[adsenseyu2]

Hadaad adigu norwiijinimo rabto oo aad jeceshahay, ana soomaalinimo ii ogolow.

Waxaa aad usoo badanayo dhalinyarada soomaalida ah ee guursata ajaaniibta aan soomaalida aheyn, gabdho iyo wiilalba. Waxaa muuqato in bulshadeena aysan sifiican ugu qanacsaneyn arintaas, ayaga oo tilmaamayo in laga dhexli karo dhaqan guur iyo cawaaqib fool xun oo soo wajahda dhaqanka iyo magaca soomaalida.

Dhibta ugu badan waxay heysataa gabdhaha soomaalida ah ee guursada raga ajaaniibta ah, wiilasha ayagu dhib saas u weyn ma qabaan. Waxaaba dhacda iney mararka qaarkood ku faanaan iney qabaan xaasas cadaan ah oo u dhaley caruur cad-cad oo qurux badan. Caruurtii ay hooyadood ajnebi tahay, aabahoodna soomaali, shaki lama saaro soomaalinadooda. Laakiin kuwa ay hooyadood soomaali tahay , aabahoodna uu ajnabi yahay, bulshadeenu uma ogala soomaalinimo, ma aqaan ma dhaqankeenii sidaas ah, mise waxaa nagu cusub ajnabiga la guursado.

Hadaba waxaa warbaahinya NorSom News xiriir lasoo sameysay gabar hooyadeed ay soomaali tahay, aabaheedna uu yahay Morookaan. Waxay noo soo dirtey qoraal e-mail oo af norwiiji ku qoran, ayada oo naga codsatey inaan turjuno una gudbino soomaalida reer Norwey. Gabadhan oo magaceeda aan kusoo gaabineyno Sara ama Sahro(af soomaali haan) ayaa sheegtay iney fasaxii sommerkan lasoo dhaafey, ay safar qaraabo salaan ah ku aadey Somaliland, gaar ahaana magaalada Hargeysa oo ay deganyihiin qoyska hooyadeed.

[adsenseyu2]

Waxaa la ii soo dhaweeyay si fiican oo ay ku dheehantahay kalgaceyl iyo marxabeyn. Mudo 33 cisho ah oo aan halkaas joogey, waxay maalin walbe ii aheyd ciid cusub. Reerka hooyadey waxay ii muujiyeen jaceyl aan marnaba qoraal kusoo goobi karin. Waxaa la isku dagaalayey gabadha caawa anaga nala joogto iyo mayee anaga ayaa xaq u leh iney nala dhaxdo habeen kale. Markaan soo tagayey, waxaan watey 5 boorso ay ka buuxsaan hadiyado ay qaraabada hooyadey isoo siiyeen.

Intaas kuma eka sheekadeyda. Aniga waxaan dhashey sanadkii 1994, hooyadey iyo aabahey waxay isguursadeen iyaga oo aad u dhalinyaro ah, iskumana raagin oo aniga oo sanad jiro ayay kala tageen. Hooyadey iyo caruur aan walaalo nahey oo aabahood uu soomaali yahay ayaan isku meel ku korney. Ku hadalka af soomaaliga sifiican uma aqaan, balse waan fahmaa inta badan marka aan maqlayo soomaali sheekeysaneyso. Caruurta aan walaalaha nahey ayaga laftirkooda ima dhaamaan, balse waxay iiga yara fiicanyihiin ku hadalka ama af-celinta soomaaliga. Midabkeyga xoogaa waa ka yara cadyahay midabka maariinka soomaalida, oo qofkii aan i aqoonin wuxuu ii maleynayaa inaan ahay Laatiin(hispanic).

Inkasta oo hooyadey ay soomaali tahay, aana kusoo korey guri soomaaliyeed, aana lasoo korey caruur aan walaalo nahey oo soomaali ah, hadana waxaa muuqato in aan wali soomaalinimo la ii ogoleyn. Waxaana dareemaa in inta badan la iigu yareeyo moraakaaniyad. Xitaa waxaan soo dhigtey dugsi quraan(malcaamad) uu macalin soomaali ah uu dhigo, ardeyda iyo macalinkuba waxay iigu yeeri jireen marookaaniyad.

Waagii aan yaraa waxaa i gashey xoogaa cuqdad nafsi ah, maadaama aan mar walbe ka dhex tilmaanaa dadka aan lasoo korey. Saaxiibadeydu intooda badan waa soomaali, sidaas darteed waxaan necbaa in mar walbe si gaar ah aniga la ii tilmaamo marka aan joogo guryaha gabdhaha aan saaxiibada nahay. Anigu waxaan isku heystaa soomaali, sababtoo ah nolosheydu min bilow ilaa hada oo aan 22 sano jiro, waxey ku gidaarneyd dad soomaali ah.

Qaraabada hooyadey ee aan Somaliland kula soo kulmey si kal iyo laab ah ayay iisoo dhaweeyeen, ayaga oo i sameeyay wax walbe oo ay ku kasban kareyn kalsoonideyda. Waxay ii muujiyeen xiisaha iyo jaceylka ay uqabeen iney mar-uun i arkaan. Qaarkood ayaa iga codsadey inaan usoo guuro, si aan ayaga uga soo ag dhawaado.

Caruurta aan walaalaha nahey, waxay ka maseyrsanaayeen soo dhaweynta gaarka ah ee aniga la ii sameeyay, balse ana waxaan ka maserysanaa in wali aysan qaraabadeydu iigu yeereyn soomaali, halka ayagana aan su-aal la saarin soomaalinadooda. Qoyska hooyadey iyo dhamaan soomaalidii kale ee aan kula kulmey Somaliland, waxay iigu yeerayeen gabadhii aan dhalney ee carabiyada aheyd. Xumaan kama ahan ee waa dhaqan, waxaan u maleynayaa iney yaryihiin dadka da´deyda oo kale jiro oo hooyadeed ay soomaali tahay, aabahoodna ajnabi.

Inta aanan aan Somaliland u safrin kahor, waxaa Norwey ka socotey dood aad u balaaran oo ka dhalatey kadib markii dowlada Norway ay soo saartey go-aan ah in passportka soomaalida iyo ajaanib kaleba loogu qoro Ukjent(lama yaqaan). Waxaa ka dhalatey dood badan, maadaama shaki la galiyey asalka iyo norwiijinimada dadyow ay soomaalidu ka mid yihiin. Waxaan maqlayey soomaali badan oo leh in Norwey ay tahay dowlad cunsuri ah, maadaama ay norwiijimada u diidantahay ajaaniibta. Ogow dadka saas dhahayo, Norwey kuma dhalan ee waxay imaadeen ayaga oo waaweyn. Hadana ma ogola in shaki iyo muran la galiyo norwiijimadooda, oo waxey rabaan in loola dhaqmo si cadaalad ah, oo aan dadka laga takoorin.

Waxaa halkaas iiga muuqatey laba wajiileynta dadkeyga soomaaliyeed. Haa,Waxaan dhahayaa dadkeyga, sababtoo ah waxaan isku heystaa inaan soomaali ahey. Waxaan isku heystaa kaliya ma ahan, ee waxaan ahay soomaali. Aniga oo 22 sano guri soomaaliyeed ku noolaa, hooyadeyna ay soomaali tahay ayaan wali la ii ogoleyn in soomaali la iigu yeero. Horta soomaalinimadu maxaa weeye, qofkeese soomaali ah?. Soomaalinimadu ma dhaqanbaa, ma diibnaa, ma dhalashaa, ma dhiigbaa mise waa magac loogu yeero dad gaar ah oo leh sifooyin gaar ah. Hadii aniga iyo dadka nooceyga oo kale soomaalinimo loo diidanyahay, adinku maxaad norwiijinimo isugu dhajineysaa, maad soomaalinimadiina ku ekaatiin?

Waxaan qoraalkan idiinku soo direy si soomaalida Norwey ay u ogaadaan in dhibta iyo inkiraada ay ka daayaan ilmaha ay gabdhahoodu dhalaan. Wax ka xun majirto in dadkii dad kuugu xigey aysan kuu ogoleyn inaad ayaga lamid noqoto, oo ay kuu arkaan Ajnabi shisheeye ah. Aniga xanuunkii aan soo marey iyo cuqdadii aan qaadey markii aan yaraa, hada waa iga baxeen maadaama safarkeygii Somaliland aan kasoo bartey in reer abtigey aysan i necbeyn, balse ay ka tahay dhaqan iyo caado soo jireen ah. Hadey i necebyihiin miyey isoo dhaweyn lahaayeen oo waxaas oo qarash ah igu bixin lahaayeen marka koreba?

Markasta oo aan arko gabadh soomaali ah oo heysato caruur ajnebi ah, waxaan isku dayaa inaan siiyo talooyin ku saabsan sida ay u ilaalin laheyd dareenka ilmahooda, maadaama ay soomaali ku dhex kori doonaan.

[adsenseyu2]

Frykter returnerte flyktninger skal ende som internt fordrevne i Somalia

En fersk rapport er kritisk til at somaliske flyktninger presses til å forlate en av verdens største flyktningleire. Flyktninghjelpens Jan Egeland karakteriserer situasjonen som kaotisk. Kenyanske myndigheter bestemte tidligere i år at det som av mange omtales som verdens største flyktningleir, Dadaab, på grensa mot Somalia, skal stenges nå i november.

Men så langt har bare 25 000 valgt å reise hjem til det konfliktherjede hjemlandet. De tre leirene som utgjør Dadaab-komplekset er blant de største og eldste i verden. Det ble etablert i nord-øst Kenya i 1991. Mer enn 600 000 somaliske registrerte flyktninger bor i ulike leire i Kenya. Alle skal sendes hjem.

I rapporten Dadaabs brutte løfter som ble publisert denne uka, understrekes det at returene fra Kenya til Somalia ikke lenger møter internasjonal standarder, og at man bryter løftene om at det skal skje frivillig og i trygge rammer.

Det er Flyktninghjelpens generalsekretær Jan Egeland kritisk til.

– Presset på å tømme Dadaab-leiren for 280 000 flyktninger har ført til kaotiske tilstander. Returene vi nå er vitne til er ikke lenger frivillige, verdige eller trygge.

-Svingdør-effekt

I en kommentar til rapporten peker Egeland på at flyktningene i Dadaab trenger internasjonal beskyttelse og at kenyanske myndigheter og FNs høykommissær for flyktninger (UNHCR) må gjeninnføre prinsippet om at returprosessen skal være frivillig.

Avtalen om frivillig retur for somaliske flyktninger fra Kenya ble signert av kenyanske og somaliske myndigheter og FNs høykommissær for flyktninger i 2013, og er basert på folkeretten.

– Det første returprogrammet under treparts-avtalen var i all hovedsak en suksess, siden den garanterte at somaliere skulle få hjelp til å reise trygt tilbake til Somalia. Vi må tilbake til disse prinsippene i avtalen, istedenfor å presse så mange som mulig til å reise så fort som mulig, sier Egeland.

Flyktninghjelpens ferske rapport hevder det er flere problemer med dagens returprosess; I tillegg til at man ikke forholder seg til internasjonale standarder om frivillighet, viser rapporten at selve returprosessen ikke foregår i trygge rammer. Det påpekes også at presset på å få fortgang gjør at man risikerer å få en svingdøreffekt – der mennesker som er sendt tilbake til Somalia vil forsøke å ta seg inn igjen i Kenya.

– Behovene knyttet til det høye antallet sårbare somaliere som nå etter planen skal returneres, er langt høyere enn kapasiteten vi har til å hjelpe dem i Somalia, sier Neil Turner, Flyktninghjelpens landdirektør i Kenya.

Les hele artikkelen her: Bistand.no 

[adsenseyu2]

Gabar soomaali ah oo dhacdo cunsurinimo ah kula kulantay doonta Stena-ine

Gabar soomaaliyeed iyo carruurteeda ayaa dhacdo cunsurinimo ah waxa ay kala kulmeen shaqaalaha shirkadda Stena Line, oo ah shirkada iska leh inta badan doomaha dalxiiska ee ukala socdaala wadamada Denmark iyo Norwey. 

Ikran oo ah gabadha falka faquuqa ah la kulantay ayaa sheegtay in iyada iyo labo caruur ah oo ay dhashay iyo gabar kale oo ay saaxiibo ahaayeen ay rabeen fasax gaaban ay u aadaan Denmark iyaga oo adeegsanayo doonta Stena Line. Waxayna sheegtay in marki ay tageen halka tigidhka doonta laga gooyo ay la kulantay dhacdo cunsurinimo ah oo eysan waligeed hilmaami doonin. 

Ikran oo la hadashey TV2-ga ayaa sheegtay iney is afgaran waayeen mid kamid ah haweenka tigidada gooyo, kadib markii ay soo iloowdey mid kamid ah tigido afar ah oo ay goosteen. Haweeneyda tigidka goyso iyo mid kale oo ay isla shaqeeyaan ayaa ereyo ay ku dheehantahay cunsurinimo iyo hoos u eegid u adaagsatay Iran, iyaga oo ku darayo asalkeeda Waxayna sheegtay in ay damacdey inaysan isaga harto doonta, laakiin ay safarkeeda u horey usii wadatey, maadaama ay horey uga balan qaadey labadeeda ilmood.

Waxay intaas raacisey in hada ay dacweyn doonto shirkada Stena Line iyo shaqaalaheeda, maadaama ay kula kaceen fal cunsurinimo ah.

 

Xigasho/kilde: TV2.NO 

[adsenseyu2]

Asad Qasim: Waalidiinta ajnabiga ahow , Qof walbe ma noqon karo Ingineer iyo dhakhtar

Waxaan marar badan maqlaa in dhalinyaro badan oo ajaaniib ah, dhigtana dugsiyada sare iyo dugisyada hoose-dhexe ay heystaan labo doorasho oo kali ah marka laga hadlayo waxbarashada, waana dhakhtar iyo ingineer. Kadib markii aan shaqadeyda macalinimo iyo meelo kaleba aan kula kulmey dhalinyaro badan oo arintan ku fakarayo, waxaan ku fakaray bal inaan arintan u kuur-galo, aniga oo xooga saarayo waalidiinta.

Waalidiin badan oo ajaaniib ah waxay waxbarashada ka heystaan fikir ciriiri ah oo aan waasac aheyn. Intooda badan waxay aaminsanyihiin inay muhiim tahay in caruurta ay wada noqdaan ingineer iyo dhakhtar si ay mustaqbal fiican uga helaan gudaha Norwey iyo meelaha kaleba. Laakiin xaqiiqadu waxay ay tahay in dadka oo dhan aysan wada wada noqon karin Ingineer iyo dhakhtar.

Ka macalin ahaan iyo waliba aabe ahaanba, waligey ilmaheyga cadaadis kuma saareen iney noqdaan wax aysan ayagu xiiso u haynin. Caruurtu waa iney ikhtiyaar u helaan iney doortaa waxbarashada ay ayagu xiiseynayaan, oo aysan dooran waxbarashada ay waalidku ilmahooda u rabaan. Ogow ma ahan waalidka ee waa ilmaha waxa la noolaan doono doorashada waxbarasho ee uu qaato. Waxbarashadu waa arin shaqsiyeed, horey ayaana anigu usoo dareemay xanuunka ay leedahay in lagu cadaadiyo inaad noqoto wax aadan xiiso u heynin.

Dhalinyaroow, waxaad noqon kartaan waxa aad rabtiin. Dhalinyarada ajaaniibta ahow, waxaa ikhtiyaar u leedahiin inaad noqotaan waxa aad adigu rabtin inaad idinku noqotaan. Adiga ayaa xilka ugu weyn uu kaa saaranyahay inaad qorsheyso aayaha mustaqbalkaaga u qorsheyso sida aad adiga rabto. Waalidku uma talo taas.

Waxaad noqon kartaa farsamo-yaqaanka tuubooyinka(Rørlegger), korontiiste(elektriker) iyo wax walbe oo aad rabto inaad noqoto. Khasab ma ahan inaad noqoto ingineer iyo dhakhtar.

Markii aad doorato wax aad xiiso u heyso oo aan lagugu qasbin, waxaa kuu fududaaneyso inaad dhameystirto waxbarashada. Nasiib daro dhalinyaro badan oo ajaaniib ah waxay ka  dhacaan iskuulada, sababtoo waxaa la saarey cadaadis nasiib daro ah. Waxaa cad in dhalinyaro badan oo ajaaniib ah ay iskuulada ka dhacaan, sababtoo ah ah waxay waxbarashadu ku noqotaa wax ka duwan wixii ay filanayeen.

Waxaan la hadley dhalinyaro qarka u saaran iney iskuulka ka dhacaan, sababtoo ah waxay waxbasharada ka aaminsanyihiin wax lagu caajiso oo adag. Markaan weydiiyo sababto ku kaliftey iney doortaan waxbarasho ku adagna, waxay farta ku fiiqaan waalidka.

Fariintan waxay ku socotaa waalidiinta. Waalidiinoow, ilmaha ikhtiyaar u siiya inuu doorto waxbarashada uu asagu rabo, kuna qadariya doorashadiisa waxbarasho, si kasta oo waxbarashadaas aysan magac fiican ugu dhexlaheyn bulshada aad la nooshahay. Waalidka ajaaniibtu waxay badanaa ka fakaraan waxyaalaha sumcada fiican ku dhex-leh bulshadooda. Waxay mashquul kuyihiin in ilmahooda uu sumcad wanaagsan ku dhexyeesho bulshada. In mar walbe sumcada waxbarashada laga fakaro muhii miyaa?. Jawaabtu waa maya.

Hadii uu ilmuhu doorto waxbarasho uu jecelyahay, waalidkuna uu taageero ku siiyo, waxaa ilmaha u fududaaneyso inuu waxbarashadaas uu dhameysto, hadhowna uu ku faraxsanaado xirfadiisa shaqo ee waxbarashadaas ka helo.

Xigasho/kilde: TV2.NO 

[adsenseyu2]

 

Listhaug: Dadka kaamamka kujiro lacagta cadaanka ah halaga jaro, halana siiyo kaarar ay cunto ku gataan

Wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka dowlada Norwey Sylvi listahug ayaa maanta mar kale soo saartey soo jeedin cusub oo ku saabsan adkeynta sharciyada iyo xeerarka qoxootiga ee dalkan Norwey. Listhaug ayaa markan soo jeedisay in lacagta cadaanka ah ee la siiyo dadka kaamamka kujiro la gooyo, looguna badalo kaarar ay cunto ku iibsadaan. 

Kaararkan cusub oo loogu magacdarey(Sylvi-kortet) ayaa la rabaa in lasoo rogo sanadka sanadka 2017, waxaana sameynta kaararka dowlada ugu baxeyso lacag dhan 5 milyan NOK.  Wasiirada ayaa sheegtay in kaararkan ay u shaqeyn doonaan sida kaarka bangiyada caadiga ah oo kale, laguna iibsan karo cunto iyo waxyaalaha kale ee qofku uu u baahanyahay, balse eysan suurtogal aheyn in lacag cadaan ah lagala soo baxo. Listhaug ayaa sheegtay in arintan ay u sameynayaan kadib markii ay arkeen dad badan oo  kaamamka kujiro, gaar ahaana dhalinyarada uu cadaadis weyn ka saaranyahay sidii ay lacag ugu diri lahaayeen qoysaskooda ku nool wadankii ay ka yimaadeen. Sidaas darteedna ay qaarkood ku noolyihiin nolol hooseyso oo nafaqo daro ah, maadaama ay lacagta la siiyo ka isticmaalaan inta ugu yar.

[adsenseyu2]

Listhaug oo u warantey wargeyska Dagbladet ayaa hadalkeeda raacisey in ay muhiim tahay in dowladu ay dirto fariin cad oo ku saabsan in dadku aysan halkan u imaanin si uu gaajo isugu dilaan, lacagta la siiyana ay diraan meelo kale. Sylvie ayaa hadalkeeda raacisey in Sidoo kale ay dowladu rabto n fariinta arintan ku saabsan ay gaarto magangalyo-doonayaasha, si aysan ugu soo deg-degin inay Norwey iska soo dhiibaan.

Sylvi intaas kuma ekaan ee waxay sheegtay in ay rabto in la yareeyo lacagta la siiyo qoysaska kaamamka ku nool, isla markaana la siiyo lacag xadidan oo cadaan ah oo ugu badnaana 10 000 gaareyso(bishii) . Waxayna sheegtay in ujeedadu in ay tahay in Norway eysan noqon meel qoysaska caruurta leh ay kusoo deg-degaan isdhiibistooda. 

Ilaa hada ma cada in xisbiyada Venstre iyo KRF(xisbiyada dowlada la wadaaga talada) ay arintan ku saabsan xadidista lacagta la siiyo qoysaska kaamamka kujiro ay ku raaci doonaan dowlada ay hogaamiyaan Høyre iyo FRP. Balse waxaa horey u jirey heshiis ay xisbiyada siyaasada wadanka wada ansixiyeen, kaas oo ku saabsanaa in guud ahaan la adkeeyo xeerarka qoxootiga Norwey. Waxaana waxyaabaha la isku raacey kamid ahaa in la jaro lacagta cadaanka ah ee la siiyo dhalinyarada kaamamka kujirto, looguna badalo kaarar ay cunto ku iibsadaan. 

Dagbladet ayaa wasiirada weydiiyey, maxaa arintan hada dowlada ku qasbayo, maadaama ay dadkii wadanka iska soo dhiibi jirey ay aad u yaraadaan.?

Waxayna wasiirada ku jawaabtey: Hada dadka wadanka imaado wey yaryihiin, laakiin majirto sabab sheegayso in arintan ay sidaas kusii socon doonto mustaqbalka. Cadaadiska dowladaha yurub saaran wuu sii kordhi doonaa sababtoo ah waxaa kordhey tirada bulshooyinka kunool qaarada Afrika, sidoo kale waxaan aragnaa in wadamo badan oo qaarada Yurub kuyaalo ay ku socdaan wado qaldan. Cabsida ugu weyn ee hada jirto in waa in Norwey iyo qaarada Yurub guud ahaan ay imaadaan dad badan oo aan xaq u laheyn iney magangalyo helaan. 

Waxaan waxbadan aragney in dadka sheegto iney yihiin magangalyo-doonayaal yihiin, ay xaqiiqadii yihiin dad dhaqaalo raadis ah, kana yimid wadamo aysan dhibaato ka jirin. Waxaa adag in dadkaas hadhow dib loogu celiyo wadankii ay ka yimaadeen, sababtoo dowladahaas ayaan rabin inay dadkaas aan dib loogu soo celin. Qaarada yurub iyo Norweyba tabar uma hayaan iney qaabilaan intaas oo qof oo dhaqaalo raadis ah. 

Xigasho/kilde: Dagbladet

[adsenseyu2]

 

 

Ogeysiis: Shirka soomaalida iyo ururka difaacida magangalyo-doonayaasha ee NOAS

Dhamaan Soomaalida ku nool Oslo iyo Nawaaxigeeda, Waxaa la Ogeysiinaya in uu dhici doono Shir aad u Muhiim ah oo ay soo qabanqaabisey ururka u doods magangalyo-doonayaasha ee NOAS ( Norsk Organisasjon for Asylsøkere )

Ururka NOAS waxa uu soomaalida siin doonaa talooyiin ku saabsan shuruucda iyo xeeraanka qoxootiga, waxa ay xaqa u leeyihiin iyo Macluumad kale. Kulanka ayaa gaar haan waxaa looga hadli doonaa qodobada soo socdo:

1) Dib ugala noqoshada dadka qaarkii lagala noqday dhalashada wadankan Norway ( Statsborgerskap ).

2 ) Arinta ku qorida dhalashada ee baasaboorka Norway.

3 ) Dib u celitaanka soomaalida aan Sharciga haysan ee lagu Celinayo Soomaaliya.

Shirku waxa uu dhacayaa Maalinta Talaadada ah, Taariikhduna ay ku beegantahay 11.10.2016, Saacada 17:00 -19:00. Goobta uu ka dhici doonaana waa hoolka shirarka ee Anker Hotel. cinwaanka goobta shirka: Storgata 55 Oslo.

Dhamaan dadka daneynaya iney kulankan kasoo qeybgalaan waxaa laga codsanayaa iney waqtiga iyo balanta ay ilaaliyaan.Wixii macluumad dheeri ah ee ku saabsan shirkan kala xiriir Khadra Nuur TLF:92646777.

Fredrikstad: Urur soomaali ah oo agaasimey tartan ciyaareed lagu adkeynayo isdhexgalka bulshada.

Wargeyska Byavisa Fredristad oo ah mid lokal ah oo kasoo baxo magaalada Fredrikstad, ayaa warbixin ka diyaariyey urur soomaali ah oo soo qabanqaabiyey tartan ciyaareed kubada cagta ah. Waxaana tartankan looga gol-lahaa in lagu adkeeyo xiriirka iyo isdhexgalka bulshada. Dhalinyaro gaareyso 200 oo ka kala socotey 14 wadan oo ay kamid yihiin Soomaaliya, Ethiopia, Ereteria, Sudan, Marokko, Norge, Sverige, Irak, Gambia, Kongo, Kosovo, Albania, Bosnia iyo Syria.

Ururka soomaaliga ah ee tartanka soo agaasimey ayaa lagu magacaabaa Fedeb Forum. Gudoomiyaha ururkaas Mahad Abu-bakar ayaa warbaahinta NorSom News u sheegay in ururkooda uu ka shaqeeyo arimaha waxbarashada, horumarinta deegaanka iyo nabada. Wuxuu kaloo sheegay in tartankan uu ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa oo kale oo ka dhaca gobalka Østfold. 

Mahad ayaa sidoo kale sheegay in Tartanka uu wax ka qorey wargeyskana looga dan lahaa la-dagaalanka waxa loogu yeero sosiale ekskludering(ka dhexbaxa bulshada aad la nooshahay), taas oo sababi karto in qofku(gaar-ahaan qofka dhalinta yar) uu noqdo mid geeri go-an ka bulshada iyo deegaanka uu ku noolyahay. Sidoo kale wuxuu noo sheegay iney usoo agaasimeen si dhallinyarada looga wacyigaliyo arimaha ku aadan xagjirnimada iyo fikrad diimeedka qaloocsan ama qaldan, iyo  waliba ku dhiirigalinta dhalinyarada ee dhexgalka bulshada ay la noolyihiin.

[adsenseyu2]

Xigasho/kilde: Byavisa Fredrikstad

Xasan dhuxulow wuxuu ardey aan anigu barey aas-aaska islaamka

Xasan Cabdi dhuxulow wuxuu ahaa wiilkii soomaali-norwiijiga ahaa ee ka qeybqaatay weerarkii ay ururka Al shabaab ka geysteen hoolka dukaameysiga westgate ee magaalada Nairobi, bishii september sanadkii 2013. Weerarkaas oo ay ugu yaraan ku naf waayeen 67 qof, halka ay ku dhaawacmeen dadka kor u dhaafayey 176 qof. Dadka weerarkaas Westgate la xasuuqey ayaa u badnaa shicib hoolka u yimid iney ka dukaameystaan. Tvga-qaranka NRK, barnaamijkiisa Brennpunkt ayaa documentry ka diyaariyey noloshii iyo korotaankii Dhuxulow oo degenaa magaalada Larvik. 

[adsenseyu2]

Maanta warbaahinta Norwey oo dhan waxaa heystey wareysi uu bixiyay Mohyeldeen Mohammad(sawirka 2-aad) oo kamid ah koox ay laanta sirdoonka Norwey ee PST-du  ku tilmaamaan ay khatar weyn ku yihiin amaanka Norwey. Mohyeldeen waxa uu kasoo dagaalamey Syria,halkaas oo uu qeyb ka ahaa ururka Jabhatu Nusrah oo katirsan ururweynaha al-qaacida.

978xMolyeldeen waxa uu asal ahaan kasoo jeedaa wadanka ciraaq, oo isaga iyo qoyskiisaba ay kasoo qaxeen dagaalkii khaliijka. Dhowr mar ayuu sheegay inuu iskdayay inuu Norwey ka guuro, balse dowlada Norwey ayaa mar walbe dalbato in loo soo celiyo maadaama uu khatar ku noqon karo amaanka caalamka. Wadamada Visaha dal kujooga u diidey waxaa kamid ah Sucuudiga oo uu ardey ka ahaa jaamacada magaalada Makka. Sidoo kale Turkiga, Urdun iyo Tunusia ayaa kamid ah wadamada uu ninka sheegay in laga soo tarxiiley, kadib markii sirdoonka Norwey ay dalbadeen in lasoo celiyo.

Wareysiga ay Mohyeldeen la yeelatay wargeyska Morgenbladet ayuu kaga hadley arimo badan oo ku saabsan noloshiisa gaar ahaaneed iyo waliba fikirkiisa ku aadan ku noolaanshaha Norwey. Wareysiga uu bixiyay ninkan ayaa waxyaabaha uu kaga hadley waxaa kamid ahaa xiriirkii uu la lahaa Xasan Dhuxulow oo sirdoonka Norwey ay aaminsanyihiin in uu ku geeriyoodey weerarkii Westgate: 

MOHY: Waxuu ahaa saaxiib aan aad isugu dhownahay, Waxa uuna ahaa qof aad u wanaagsan.

Morgenbladet: Maxaad ka aaminsantahay weerarkii argagaxisnimo ee uu ka qeybqaatay?

Mohy: Waxaan ilaahey ka baryayaa inuu ka aqbalo shahaadadiisa. 

Morgenbladet: Marna Maka wada hadasheen in weerarkaas uu ahaa mid shareecada waafaqsan oo banaan?

Mohy: Wuxuu ahaa ardeygeyga oo kale, aniga ayaana barey waxyaabaha aas-aasiga ah ee ku saabsan islaamka, waxa aana uga jawaabi jirey su-aalaha la xiriira diinta islaamka.

Morgenbladet: Sax miyey aheyd inuu ka qeybqaato weerarkaas? 

Mohy: Shaki la-aan, Kenya waa mid kamid ah dowladaha Soomaaliya ay iska soo horjeedaan. Hadaad daawato waxyaabihii ay ku hadleen kuwii ka qeybqaatay weerarka, waxaa kuu cadaaneyso in arintaas 100% shareecada waafaqsan. Kenya waxay soomaaliya gudaheeda ku dishey dad rayid ah oo tiro ahaan aad uga badan dadkii ku dhintey shopping senterkaas.  

Mohyelden oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay inuu dhamaan weeraradii argagaxisnimo ee laga fuliyey wadanka Fransiiska ay ahaayeen kuwi sax ah oo diinta islaamka waafaqsan. Waxa uu sidoo kale sheegay in diinta islaamka iyo dowladaha reer galbeedku ay kujiraan dagaal, dadka shicibka ee wadamada reer galbeedka ku noolna ay yihiin taarget. Sidoo kale waxa uu raaciyey hadalkiisa in Norwey ay kamid tahay wadamada dagaalka kula jiro islaamka, islamarkaana la filan in weerar uu halkan ka dhaco. 

Su-aal ma isweydiisey, maxaan wareysiga ninkan ay usoo daabaceynaa ka NorSom News ahaan?. Aan kaaga jawaabnee: Ninkan waxa uu wariyaha wareysiga ku siiyey maqaaxida ku dhegan masaajidka Towfiiq, isaga oo sheegay inuu ahaa macalinkii Dhuxulow diinta barey. Dhuxulow waxa uu kamid ahaa xarakada Al shabaab, isaga oo ka qeybqaatey weerar lagu laayay dad rayid ah. Dhuxulow waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo si fudud loo tashkiilin karey, Maamulka masaajidka Towfiiq arintan haku baraarugeen hadeysan markii hore la socon. 

 

Kilde/xigasho: Morgenbladet

 

[adsenseyu2]

Miisaaniyad sanadeedka 2017: Wax ka ogow Saameynta ay dhaqaalahaaga ku yeelan karto

Wasiirada maaliyada dowlada Norwey Siv Jensen ahna gudoomiyaha xisbiga FRP, ayaa maanta soo bandhigtey soo jeedinta miisaaniyad sanadeedka dowlada ee sanadka 2017.  Miisaaniyada ay dowladu soo bandhigtey ayaa waxaa ka muuqdo isbadalo badan oo ku saabsan xaga canshuurta iyo waliba dhaqaalaha shaqsiga. Waxaan halkan kusoo bandhigeynaa qaar kamid ah waxyaabaha saameynta ku yeelan karo dhaqaalaha qofka ama qoyska soomaaliga ah ee Norwey ku dhaqan:

[adsenseyu2]

  1. Frikort: Lacagta uu qofku shaqeysan karo sanadkii, iyada oo aan laga qaadin wax canshuur ah ayaa waxaa lagu kordhiyay 5000. Hada waxa uu qofku shaqeysan karaa sanadkii 50.000 isaga oo aan bixin canshuur, laakiin dowlada ayaa rabta inay wax xoogaa kor u qaado oo ka dhigto 55.000 sanadka 2017.

  2. Skatt: Dowlada ayaa hoos u dhigtey lacagta canshuurta ah uu bixiyo qofka shaqsiga ah iyo waliba shirkadaha. Siv Jensen ayaa sheegtay in canshuur dhimis loo sameyn doono ku dhawaad 97% dadka shaqeeyo. Xisbiyada mucaaradka ayaa ku eedeynayo dowlada inay u xaglineyso in dadka taajiriinta ah, maadaama dadka ugu badan ee faa-iidada ku qaba canshuur dhimista ay yihiin dadka ay soo gasho balaayiin kr sanadkii, halka canshuur dhimistu aysan qiimo weyn u sameyn doonin dadka shaqooyinka caadiga ah heysto oo ay soo gasho sanadkii lacag ka yar 500.000 kr. 

  3. Barnetrygd: Lacagta ay dowladu ku kabto dhaqaalaha qoysaska heysta caruurta kayar 18 sano ayaan waxbo laga badalin, iyada oo aad loo hadalhayey in dowladu ay isbadal ku sameyn doonto. Qoysaska heysta caruurta kayar 18 sano ayaa wali heli doonto lacagtii hore oo aheyd 970 kr bil walbe calaa ilmo, iyada oo isku noqon doonto 11 640 kr sanadkii.

  4. Kontantstøtte: Lacagta la siiyo waalidiinta heysta caruurta da´doodu u dhaxeyso sanad ilaa labo sano, aana dhigan barnehagayaasha dowlada ay maamusho ayaan waxbo laga badalin. Lacagtan ayaa wali ah inteedii hore oo aheyd 6000 bishii calaa ilmo. Xisbiga Høyre ayaa dadaal weyn u galey sidii uu lacagtan u jari lahaa, laakiin waxaa muuqato inay dib uga noqdeen, maadaama xisbiyada intooda badan, gaar ahaan KRF iyo SV ay arintan si aad ah uga soo horjeedaan. Xisbiga Høyre ayaa sheegay in lacagtan ay guri fadhiid ka dhigtey haween badan oo ajaaniib ah, isla markaana ay curyaamisey jaaniska haweenka ajaaniibta ah ay uga qeybqaadan karaan suuqa shaqada. Sidoo kale waxay sheegeen in caruurta ajaaniibta aan la geynin barnehagaha xili hore, si ay usoo bartaan luuqada norwiijiga iyo dhaqanka guud ee mutjamaca. Waxaa xusid mudan in baarlamaanka Norwey dhawaan la horkeeni doonto sharci cusub oo ah ku saabsan in qofka(gaar haan qoxootiga wadanka ku cusub)aan lacagtan kontantstøtte la siinin, ilaa uu shan sano wadanka joogo.

  5. Lacagta dhalmada: Dowlada ayaa wax xoogaa kor u qaadey lacagta la siiyo haweenka uurka leh xiliga dhalmada, waxaana lagu darey 920 kr , iyada oo sidaas ku noqoneyso 46.920 kr.

  6. Lacagta Bostøttaha oo la kordhin doono: Dowlada ayaa sheegtay iney qorsheynayso in la kordhiyo lacagta lagu kabo dadka danyarta ee aan awoodin iney bixiyaan kirada guryaha. Qiimaha kirada guryaha gaarka loo leeyahay , gaar ahaan magaalada Oslo ayaa cirka isku shareertay sanadkii ugu danbeeyay, waxeyna dowladu sheegaysaa in lacagta la siiyo danyarta kor loo qaadayo si loogu jaangeeyo qiimaha kirada guryaha.

  7. Årsavgiften Bil: Canshuurta baabuurta: Waxaa canshuur dhimis lagu sameeyay canshuurta laga qaado baabuurta sanadkii, waxaana laga dhigi doonaa 2820 sanadkii, iyada oo hada ah 3135.

  8. Shidaalka baabuurta oo qaali noqon doono: Dowlada ayaa kordhisey canshuurta laga qaado shidaalka, taas oo la micno ah in shidaalka baabuurta uu qiimahiisu kor u kici doono.

  9. Lacagta isbaarada sharciyeysan(Bompenger):  Dowlada ayaa sheegtey inay qorsheynayso inay 10% hoos u dhigto lacag bomka baabuurta. Qiimo dhimistan lagu sameynayo lacagta bomka, ma khuseyso magaalooyinka waaweyn.

  10. Stipend og lån: Lacagta deynta ah ah ee la siiyo ardeyda jaamacadaha ayaa waxaa lagu kordhiyey 2600 sanadkii, balse dhan kale waxaa 0,35% kor loo kordhiyey lacagta ribada dulsaarka ah ee ardeyda laga qaado marka ay jaamacadaha dhameeyaan, oo ay lacagta deynta dib usoo gudayaan. Dowlada ayaa sidoo kale sheegtay in sanadka 2020 ay ardeyda jaamacadaha lacag heli doonaan 11 bilood sanadkii( waxaa lagu kordhiyey labada bilood ee fasaxa sommerka).

Dhamaan qodobada aan kor kusoo xusney ma ahan kuwo dhaqan galey oo la isku raacsanyahay. Inta aan la ansixin miisaaniyada dowlada, waxaa ka horeeyo hardan iyo dagaal xisbi walba oo u gali doono in ajandihiisa siyaasadeed uu uga dhex muuqdo miisaaniyada dowlada ee sanadka 2017.

Xigasho: Aftenposten, NRK, e24.no

[adsenseyu2]

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.