Arendal: Soomaalida oo sanadkan si fiican uga qaybqaadaneyso barnaamijka TV-aksjonen

0
201

Waxaa dhamaan dhamaan kommunayaasha Norwey si weyn uga socdo barnaamijka TV-akjsonen oo ah barnaamij sanadle ah oo lacag uruurin loogu sameeyo qaar kamid ah hey-adaha ka shaqeeyo gar-gaarka bini aadanimo.

Sanadkan waxa lacagta laga soo uruuriyo barnaamijkan loogu  deeqi doonaa hay-ado ay kamid tahay Bisha Cas, taas oo iyadna lacagta ku fulin doonto howlo gar-gaar iyo bini-aadanimo . Wadamada ay hay-adan lacagta u uruurineyso ayaa waxaa kamid ah wadankeeni Soomaaliya.

Halulo Abdi Ali waa gabar soomaali ah oo degan magaalada Arendal. Halulo iyo duqa magaalada Arendal Robert C. Nordli, ayaa si wadajir ah  ugu wareegi doono xaafadaha iyo jidadka magaalada Arendal si ey lacag ugu soo uruuriyaan barnaamijka TV-aksjonen.

Halulo ayaa Norwey timid labo sano kahor.

Aad baan u xiiseynaa inaan arintan gar-gaarka ah ka qeybqaato, waxaana aad ugu xiiso qabaa inaan kamid noqdo bulshada aan la noolahay. Ayey Halulo u sheegtay wargeyska lokalka ah ee Agderposten

Duqa magaalada ayaa sidoo kale sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay inuu arko dad wadanka ku cusub oo diyaar u ah iney barnaamijkan ka qeybqaataan. Isaga oo ka codsadey dadweynaha Arendal iney si weyn uga qeybqaataan TV-aksjonen.  Robert C.Nordli ayaa sidoo kale sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in isaga iyo Halulo ay rafiiq ku noqon doonaan soo uruurinta lacagta loogu tabaruci doono barnaamijkan.

 

Hambalyo Halulo iyo dhamaan soomaalida kale ee ka qeybqaadaneyso barnaamijka TV-aksjonen sanadkan. NorSom News waxey soomaalida Norwey oo dhan ugu baaqeysaa iney ka qeybqaataan barnaamijkan sanadlaha ah. Wadamada lagu caawinayo, waxaa kamid ah Soomaaliya, sidoo kale waa fursad uu qofka ku baran karo dad cusub, una sahleyso inuu qeyb ka noqdo bulshoweynta.

Xigasho/kilde: Agderposten.no

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments