Gabar Norwiiji ah oo boos laga siiyey filmka K´naan Warsame iyo warbaahinta Norwey oo amaan kala dul dhacdey

0
229

650full-thea-sofie-loch-naessWarbaahinta Norwey ayaa ilaa shaley si weyn u hadalhaysey gabar norwiiji ah oo boos ka heshay jilitaanka filmka tanaxaha noqon doono ee Mugadishu, Minnesota. Gabadhan oo 19-sano jir ah, laguna magacaabo Thea Sofie Loch Næss ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay iney kasoo dhex muuqan doonto film heer caalami ah, oo ay kala qeybqaadan doonaan jileyaal iyo fanaaniin caan ka ah caalamka.

HBO oo ah mid kamid ah shirkadaha ugu waaweyn ee soo saara filimada taxanaha ah, ayaa filmkana Muqadishu, Minnesota soo saari doonta. Waxaana doorka ugu weyn filmkan ka qaadan doono fanaanka caanka ah ee K´naan Cabdi Warsame. K´naan ayaa sidoo kale qeyb weyn ka qaadan doono qorista iyo hagida inta badan sheekada uu filmku ka hadli doono oo ah xaalada soomaalida mareykanka, gaar ahaan gobalka Minnesota.

[adsenseyu2]

thea-sofie-loch-naess-og-samakab-omar-i-natt-til-17Thea Sofie Loch Næs ayaa horey filmka «Natt til 17» ula jishey wiil soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Samakab.  Filmkan ayaa sanadkii 2014 ahaa mid kamid ah filimada dhalinyarada ee loogu daawasho badanyahay wadankan Norwey. Balse kooxaha filimada qiimeeyo qaarkood,  ayaa dhaleeceyn usoo jeediyey filmkaas «Natt til 17», iyaga oo sheegay ineysan aheyn wax la qaadan karo in gabar ka timid galbeedka Oslo(Xaafadaha taajiriinta iyo dadka ladan) iyo wiil madow soomaali ah uu dhex maro jaceyl aad u weyn. Saxaafada Norwey ayaa dharka ka dhigtey kuwii dhaleeceeyay filmkaas, iyaga oo ku eedeeyey iney yihiin cunsuriyaal ku mashquulsan midabka dadka, iyaga oo aan fiirineyn tayada iyo sheekada filmka midna. 

Qaar kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee Minnesota ayaan si fiican ugu riyaaqin filmka K´naan Cabdi, waxaana magaalada minneapolis ka dhacey mudaaharaadyo ay soo agaasimeen dhalinyaro ka careysan filmka K´naan. Dhalinyaradan ayaa sheegay in K´naan iyo filmkiisu ay sawir xun ka bixin doonaan xaalada soomaalida Minnesota, sidaas darteedna uu ka qeybqaadan karto in ay kor u kacdo naceybka loo qabo soomaalida gobalkaas. Balse su´aasha la is weydiin karo ayaa ah, sidee ayay ku ogaadeen arintaas maadaama filmku uusan wali soo bixin ama aanba la duubinba.?

K´naan ayaa dhankiisa sheegay in filmkan uu noqon doono sawir fiican ka bixin doono xaalada qoysaska soomaaliyeed ee mareykanka guud ahaan, gaar ahaana Minnesota. Isaga oo sheegay in dhalinyaradaas ay yihiin kuwo loo sheegay warar qaldan oo aan sax aheyn. 

Xigasho/kilde: Medier24.com, Dagbladet

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments