Fredrikstad: Urur soomaali ah oo agaasimey tartan ciyaareed lagu adkeynayo isdhexgalka bulshada.

0
94

Wargeyska Byavisa Fredristad oo ah mid lokal ah oo kasoo baxo magaalada Fredrikstad, ayaa warbixin ka diyaariyey urur soomaali ah oo soo qabanqaabiyey tartan ciyaareed kubada cagta ah. Waxaana tartankan looga gol-lahaa in lagu adkeeyo xiriirka iyo isdhexgalka bulshada. Dhalinyaro gaareyso 200 oo ka kala socotey 14 wadan oo ay kamid yihiin Soomaaliya, Ethiopia, Ereteria, Sudan, Marokko, Norge, Sverige, Irak, Gambia, Kongo, Kosovo, Albania, Bosnia iyo Syria.

Ururka soomaaliga ah ee tartanka soo agaasimey ayaa lagu magacaabaa Fedeb Forum. Gudoomiyaha ururkaas Mahad Abu-bakar ayaa warbaahinta NorSom News u sheegay in ururkooda uu ka shaqeeyo arimaha waxbarashada, horumarinta deegaanka iyo nabada. Wuxuu kaloo sheegay in tartankan uu ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa oo kale oo ka dhaca gobalka Østfold. 

Mahad ayaa sidoo kale sheegay in Tartanka uu wax ka qorey wargeyskana looga dan lahaa la-dagaalanka waxa loogu yeero sosiale ekskludering(ka dhexbaxa bulshada aad la nooshahay), taas oo sababi karto in qofku(gaar-ahaan qofka dhalinta yar) uu noqdo mid geeri go-an ka bulshada iyo deegaanka uu ku noolyahay. Sidoo kale wuxuu noo sheegay iney usoo agaasimeen si dhallinyarada looga wacyigaliyo arimaha ku aadan xagjirnimada iyo fikrad diimeedka qaloocsan ama qaldan, iyo  waliba ku dhiirigalinta dhalinyarada ee dhexgalka bulshada ay la noolyihiin.

[adsenseyu2]

Xigasho/kilde: Byavisa Fredrikstad

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments