onsdag, april 24, 2024

Xasan dhuxulow wuxuu ardey aan anigu barey aas-aaska islaamka

Xasan Cabdi dhuxulow wuxuu ahaa wiilkii soomaali-norwiijiga ahaa ee ka qeybqaatay weerarkii ay ururka Al shabaab ka geysteen hoolka dukaameysiga westgate ee magaalada Nairobi, bishii september sanadkii 2013. Weerarkaas oo ay ugu yaraan ku naf waayeen 67 qof, halka ay ku dhaawacmeen dadka kor u dhaafayey 176 qof. Dadka weerarkaas Westgate la xasuuqey ayaa u badnaa shicib hoolka u yimid iney ka dukaameystaan. Tvga-qaranka NRK, barnaamijkiisa Brennpunkt ayaa documentry ka diyaariyey noloshii iyo korotaankii Dhuxulow oo degenaa magaalada Larvik. 

[adsenseyu2]

Maanta warbaahinta Norwey oo dhan waxaa heystey wareysi uu bixiyay Mohyeldeen Mohammad(sawirka 2-aad) oo kamid ah koox ay laanta sirdoonka Norwey ee PST-du  ku tilmaamaan ay khatar weyn ku yihiin amaanka Norwey. Mohyeldeen waxa uu kasoo dagaalamey Syria,halkaas oo uu qeyb ka ahaa ururka Jabhatu Nusrah oo katirsan ururweynaha al-qaacida.

978xMolyeldeen waxa uu asal ahaan kasoo jeedaa wadanka ciraaq, oo isaga iyo qoyskiisaba ay kasoo qaxeen dagaalkii khaliijka. Dhowr mar ayuu sheegay inuu iskdayay inuu Norwey ka guuro, balse dowlada Norwey ayaa mar walbe dalbato in loo soo celiyo maadaama uu khatar ku noqon karo amaanka caalamka. Wadamada Visaha dal kujooga u diidey waxaa kamid ah Sucuudiga oo uu ardey ka ahaa jaamacada magaalada Makka. Sidoo kale Turkiga, Urdun iyo Tunusia ayaa kamid ah wadamada uu ninka sheegay in laga soo tarxiiley, kadib markii sirdoonka Norwey ay dalbadeen in lasoo celiyo.

Wareysiga ay Mohyeldeen la yeelatay wargeyska Morgenbladet ayuu kaga hadley arimo badan oo ku saabsan noloshiisa gaar ahaaneed iyo waliba fikirkiisa ku aadan ku noolaanshaha Norwey. Wareysiga uu bixiyay ninkan ayaa waxyaabaha uu kaga hadley waxaa kamid ahaa xiriirkii uu la lahaa Xasan Dhuxulow oo sirdoonka Norwey ay aaminsanyihiin in uu ku geeriyoodey weerarkii Westgate: 

MOHY: Waxuu ahaa saaxiib aan aad isugu dhownahay, Waxa uuna ahaa qof aad u wanaagsan.

Morgenbladet: Maxaad ka aaminsantahay weerarkii argagaxisnimo ee uu ka qeybqaatay?

Mohy: Waxaan ilaahey ka baryayaa inuu ka aqbalo shahaadadiisa. 

Morgenbladet: Marna Maka wada hadasheen in weerarkaas uu ahaa mid shareecada waafaqsan oo banaan?

Mohy: Wuxuu ahaa ardeygeyga oo kale, aniga ayaana barey waxyaabaha aas-aasiga ah ee ku saabsan islaamka, waxa aana uga jawaabi jirey su-aalaha la xiriira diinta islaamka.

Morgenbladet: Sax miyey aheyd inuu ka qeybqaato weerarkaas? 

Mohy: Shaki la-aan, Kenya waa mid kamid ah dowladaha Soomaaliya ay iska soo horjeedaan. Hadaad daawato waxyaabihii ay ku hadleen kuwii ka qeybqaatay weerarka, waxaa kuu cadaaneyso in arintaas 100% shareecada waafaqsan. Kenya waxay soomaaliya gudaheeda ku dishey dad rayid ah oo tiro ahaan aad uga badan dadkii ku dhintey shopping senterkaas.  

Mohyelden oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay inuu dhamaan weeraradii argagaxisnimo ee laga fuliyey wadanka Fransiiska ay ahaayeen kuwi sax ah oo diinta islaamka waafaqsan. Waxa uu sidoo kale sheegay in diinta islaamka iyo dowladaha reer galbeedku ay kujiraan dagaal, dadka shicibka ee wadamada reer galbeedka ku noolna ay yihiin taarget. Sidoo kale waxa uu raaciyey hadalkiisa in Norwey ay kamid tahay wadamada dagaalka kula jiro islaamka, islamarkaana la filan in weerar uu halkan ka dhaco. 

Su-aal ma isweydiisey, maxaan wareysiga ninkan ay usoo daabaceynaa ka NorSom News ahaan?. Aan kaaga jawaabnee: Ninkan waxa uu wariyaha wareysiga ku siiyey maqaaxida ku dhegan masaajidka Towfiiq, isaga oo sheegay inuu ahaa macalinkii Dhuxulow diinta barey. Dhuxulow waxa uu kamid ahaa xarakada Al shabaab, isaga oo ka qeybqaatey weerar lagu laayay dad rayid ah. Dhuxulow waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo si fudud loo tashkiilin karey, Maamulka masaajidka Towfiiq arintan haku baraarugeen hadeysan markii hore la socon. 

 

Kilde/xigasho: Morgenbladet

 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
2
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x