Listhaug: Dadka kaamamka kujiro lacagta cadaanka ah halaga jaro, halana siiyo kaarar ay cunto ku gataan

0
169

Wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka dowlada Norwey Sylvi listahug ayaa maanta mar kale soo saartey soo jeedin cusub oo ku saabsan adkeynta sharciyada iyo xeerarka qoxootiga ee dalkan Norwey. Listhaug ayaa markan soo jeedisay in lacagta cadaanka ah ee la siiyo dadka kaamamka kujiro la gooyo, looguna badalo kaarar ay cunto ku iibsadaan. 

Kaararkan cusub oo loogu magacdarey(Sylvi-kortet) ayaa la rabaa in lasoo rogo sanadka sanadka 2017, waxaana sameynta kaararka dowlada ugu baxeyso lacag dhan 5 milyan NOK.  Wasiirada ayaa sheegtay in kaararkan ay u shaqeyn doonaan sida kaarka bangiyada caadiga ah oo kale, laguna iibsan karo cunto iyo waxyaalaha kale ee qofku uu u baahanyahay, balse eysan suurtogal aheyn in lacag cadaan ah lagala soo baxo. Listhaug ayaa sheegtay in arintan ay u sameynayaan kadib markii ay arkeen dad badan oo  kaamamka kujiro, gaar ahaana dhalinyarada uu cadaadis weyn ka saaranyahay sidii ay lacag ugu diri lahaayeen qoysaskooda ku nool wadankii ay ka yimaadeen. Sidaas darteedna ay qaarkood ku noolyihiin nolol hooseyso oo nafaqo daro ah, maadaama ay lacagta la siiyo ka isticmaalaan inta ugu yar.

[adsenseyu2]

Listhaug oo u warantey wargeyska Dagbladet ayaa hadalkeeda raacisey in ay muhiim tahay in dowladu ay dirto fariin cad oo ku saabsan in dadku aysan halkan u imaanin si uu gaajo isugu dilaan, lacagta la siiyana ay diraan meelo kale. Sylvie ayaa hadalkeeda raacisey in Sidoo kale ay dowladu rabto n fariinta arintan ku saabsan ay gaarto magangalyo-doonayaasha, si aysan ugu soo deg-degin inay Norwey iska soo dhiibaan.

Sylvi intaas kuma ekaan ee waxay sheegtay in ay rabto in la yareeyo lacagta la siiyo qoysaska kaamamka ku nool, isla markaana la siiyo lacag xadidan oo cadaan ah oo ugu badnaana 10 000 gaareyso(bishii) . Waxayna sheegtay in ujeedadu in ay tahay in Norway eysan noqon meel qoysaska caruurta leh ay kusoo deg-degaan isdhiibistooda. 

Ilaa hada ma cada in xisbiyada Venstre iyo KRF(xisbiyada dowlada la wadaaga talada) ay arintan ku saabsan xadidista lacagta la siiyo qoysaska kaamamka kujiro ay ku raaci doonaan dowlada ay hogaamiyaan Høyre iyo FRP. Balse waxaa horey u jirey heshiis ay xisbiyada siyaasada wadanka wada ansixiyeen, kaas oo ku saabsanaa in guud ahaan la adkeeyo xeerarka qoxootiga Norwey. Waxaana waxyaabaha la isku raacey kamid ahaa in la jaro lacagta cadaanka ah ee la siiyo dhalinyarada kaamamka kujirto, looguna badalo kaarar ay cunto ku iibsadaan. 

Dagbladet ayaa wasiirada weydiiyey, maxaa arintan hada dowlada ku qasbayo, maadaama ay dadkii wadanka iska soo dhiibi jirey ay aad u yaraadaan.?

Waxayna wasiirada ku jawaabtey: Hada dadka wadanka imaado wey yaryihiin, laakiin majirto sabab sheegayso in arintan ay sidaas kusii socon doonto mustaqbalka. Cadaadiska dowladaha yurub saaran wuu sii kordhi doonaa sababtoo ah waxaa kordhey tirada bulshooyinka kunool qaarada Afrika, sidoo kale waxaan aragnaa in wadamo badan oo qaarada Yurub kuyaalo ay ku socdaan wado qaldan. Cabsida ugu weyn ee hada jirto in waa in Norwey iyo qaarada Yurub guud ahaan ay imaadaan dad badan oo aan xaq u laheyn iney magangalyo helaan. 

Waxaan waxbadan aragney in dadka sheegto iney yihiin magangalyo-doonayaal yihiin, ay xaqiiqadii yihiin dad dhaqaalo raadis ah, kana yimid wadamo aysan dhibaato ka jirin. Waxaa adag in dadkaas hadhow dib loogu celiyo wadankii ay ka yimaadeen, sababtoo dowladahaas ayaan rabin inay dadkaas aan dib loogu soo celin. Qaarada yurub iyo Norweyba tabar uma hayaan iney qaabilaan intaas oo qof oo dhaqaalo raadis ah. 

Xigasho/kilde: Dagbladet

[adsenseyu2]

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments