tirsdag, november 26, 2024
Home Blog Page 274

Gabyaaye: Waxaa cad oo muuqato in labadeyda gabdhood maskaxda laga duufsadey

Abwaan Gabyaaye oo kamid ah odeyada jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, ahna aabaha dhaley labada gabdhood ee Siiriya aadey, ayaa wareysi uu siiyey wargeyska Aftenposten ku sheegay in labadiisa gabdhood madaxa laga duufsadey, lagana caawiyey sidii ay ugu baxsan lahaayeen Siiriya.

Wuxuuna hadalkiisa raaciyey in labadiisa gabdhood eysan kaligood awoodi laheyn iney safarkaas ilaa Siiriya gaarayo ay galaan, hadii aysan jirin cid kale oo howsha la wadey. Gabyaaye ayaa sidoo kale sheegay in ilaa hada uu la yaabanyahay sababta ku kaliftey in labadiisa gabdhood ay Norway iyo gurigii ay ku koreen ay ka dhuuntaan.

Qoraaga buuga iyo aabaha dhaley labada gabdhood ayaa isku raacey in gabdhahan ahaayeen kuwo aad u firfircoon, iskuulkana ku fiican, inta uusan ku imaan isbadal sababey iney ugu danbeyn u baxsadaan wadanka Siiriya. 

Labada gabdhood oo hada da´ahaan jiro 19 iyo 22 ayaa rumeysanyahay iney ku noolyihiin magaalada Raqa ee wadanka Siiriya, ahna xarunta ururka Daacish. Waxaana ay guursadeen labo nin oo ka tirsan dagaalyahanada ururka Daacish, 

Abwaan Sadiq Abdullah Juma oo ku magacdheer Gabyaaye, ayaa sheegay inuu dadaal weyn u galey sidi uu labadiisa gabdhood ugu soo guryo celin lahaa Norway, Wuxuuna sheegay in uu la kulmey mid kamid ah gabdhaha, taas oo si cad u sheegtay ineysan rabin iney Norway dib ugu soo noqdaan. Kana codsatey inuu iska noqdo, maadaama ay go-aansadeen in halkaas ay degaan.

Waxaa buuga ku xusan in Gabyaaye uu halis galiyey naftiisa, mar uu isku dayey inuu labada gabdhood soo afduubto, isaga oo kaashanayo koox lokal ah oo deegaanka ka howlgasha. Gabyaaye ayaa aaminsan in labadiisa gabdhood markii madaxa laga duufsadey, hadana si khasab ah ay meeshaas ku joogaan. Gadaal danbe ayay kasoo ogaadeen in labada gabdhood laga hayo waardiye aad u xoogan, aysana suurtogal aheyn in lala soo baxsado.

Warbaahinta Norwey ayaa si xoogan u hadalheyso buuga laga qorey labadaan gabdhood ee soomaalida ah. Waxaana marba marka ka danbeysa soo baxeyso macluumaad cusub oo ku saabsan bixitaanka iyo ku biirada labadan gabdhood ee soomaalida ah ay ku biireen ururka Daacish ama ISIS. 

Xigasho/kilde: Aftenposten

[adsenseyu2]

Digniin: Booliiska Oslo oo bilaabey inay leysinka baabuurka ka qaadaan tagasiileyda ku shaqaysa Uber taxi.

Booliiska magaalada Oslo ayaa bilaabay inay leysinka baabuurka ka qaadaan qofkii ay ku qabtaan isagoo ku shaqaynayo Uber taxi. Mar sii horeysay a yay dowlada Norway mamnuucdey sharci ahaanshaha ku shaqeysiga Uber taxi, balse shirkada ayaan wali wada adeegeedii tagsiga, waxeyna ku adkeysaneysaa iney tahay mid sharci ah.

Boliiska ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay ku ciqaabi jirey qofkii ay ku qabtaan isagoo Uber taxi ama Haxi ku shaqaynayo, inay ka furaan ama ka qaataan taarikada babuurka. Lakiin hada Booliska aya bilaabey inay ka qaataan Leysinka Babuurka.

Qaybta Ciqaabmarinta ee waaxda Gaadiidka ee magaalada Oslo ayaa xaqiijisay inay jiraan dad ay boolisku ka qaaden leysinka darawalnimada, kadib markii lagu qabtey iyaga oo Uber-Taxi wada. Sidoo kale shirkada Uber ayaa iyadana dhankeeda cadeysay inay jiran dad leysinka laga qaadey.

Qof kasta oo ku shaqaysto gaadiidka dadwaynaha, isaga oo aan heysan ogolaanso ka  (Løyve), waxaa laga yabaa inuu la kulmo ganaax adag, kaas oo ah in xitaa noqon karo in laga mamnuuco isticmaalka baabuurta, ayuu sheegay Ole Rasmus oo ah sargaal ka tirsan booliska Magaalada Oslo.

 

Xigasho/kilde: Dagbladet.

[adsenseyu2]

Listhaug oo amaan ugu qubeysay Amal Aden

Wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada Sylvi Listhaug ayaa barteeda facebook soo dhigtey qoraal ay ku amaaneyso Amal Aden, iyada oo soo raacisey linkiga maqaalkii ay Amal shaley ku qortey wargeyska Dagbladet. Listhaug ayaa sheegtay in maqaalka Amal iyo tusaalooyinka ay soo qaadatey, ay cadeyn u yihiin iney jiraan dad aan rabin iney qeyb ka noqdaan mujtamaca Norwey. Isla markaana ay ayada saxsaneyd markii ay shaley ka hadleysay arintaas.

Mar kale ayaan aragnaa muhiimada ay leedahay in dooda noocan ah miiska la soo saaro, kuwa raba iney mar walbe ku hadlaan hadal aan xajiin laheyn, ha iigu yeeran waxa ay rabaan. Waxaan sii wadi doonaa soo bandhigada mowuucyada adag ee loo baahanyahay inaan ka hadalno. 

Listhaug ayaa ilaa daraad ku jirtey isdifaac, maadaama hadalkii ay talaadada sheegtay uu abuurey dood aad u balaaran. Waxeyna hada u egtahay mid itaal bideyso maqaalka Amal Aden, iyada oo ka marmarsiyooneysa in Amal ay ka warqabto waxyaabo eysan dadka kale ka warqabin. in ka badan 3000 oo qof ayaa Like saarey qoraalka Listhaug, halka ku dhawaad 200 oo qofna ay share dhaheen.

Waa nasiib xumo aad u weyn in wasiirad dhan oo dowlad katirsan ay qoraal noocan oo kale ah ay ka dhigato cadeyn ay u adeegsado ajandaheeda siyaasadeed. Wasiirad dhan oo qaabilsan isdhexgalka bulshada iney maqaal ay gabar dhoodhoobtey ay ku tilmaano mid xaqiiqada ka hadlaya, waa mid sawir fiican ka bixin kara fikirka siyaasadeed ee Sylvi.

Listhaug iyo qoraalkeeda + Amal Aden iyo maqaaladeeda, ayaa si weyn uga qeybqaadan karo naceybka loo qabo  dadka ajaaniibta ah ee Norwey ku cusub, gaar ahaana soomaalida.

Xigasho/kilde: Facebook/Sylvi Listhaug

To søstre: Buug cusub oo laga qorey labadii gabdhood ee soomaalida ahaa ee ka tagey Bærum, kuna biirey ururka Daacish

Waxaa warbaahinta Norwey badankeed aad looga hadalhayaa maanta, buug cusub oo laga qorey labadii gabdhood ee walaalaha ahaa ee ka tagey Bærum, kuna biirey ururka Daacish. Haweeney norwiijiyad qoraa ah oo lagu magacaabo Åsne Seierstad ayaa buugan qortey, waxaana muuqato in buuga soo saaristiisa ay gacan weyn ka geysteen qoyska dhaley labada gabdhood, gaar haan Aabaha. 

Buugan laga qorey labadaan gabdhood ee soomaalida ah ayaa noqon doono kii ugu horeeyey ee noociisa oo kale ah, maadaama aysan horey u jirin buugaag badan oo laga qorey dhalinyarada ku biirta ururka Daacish. Sidoo kale wuxuu noqon doonaa buugii ugu horeeyay ee laga qorey gabdho heysta dhalashada Norway, kuwaas oo ku biirey kana mid noqdey ururada ka dagaalama caalamka.

Labadan gabdhood ee walaalaha ah ayaa sadex sano kahor dhuuntey qoyskooda oo kunool Bærum, waxeyna si dhuumashaal ah ku galeen wadanka Siiriya oo ilaa iyo hada la rumeysanyahay iney ku suganyihiin. Sida ku xusan buuga labada gabdhoodba waxey hada noqdeen xaasas, waxeyna dhaleen caruur. 

[adsenseyu2]

Qoraaga buuga qortey ayaan waxbo ka tagin, iyada oo xustey dhamaan waxyaabaha saameynta ku lahaa in labadan gabdhood ay xagjiroobaan oo kamid noqdaan ururka Daacish. Ururka dhalinyarada islaamiga ah ee ISLAM NET, macalimiinta dugsi quraanada soomaalida, xirxirnaanta mujtamaca soomaaliyeed, qaab dhismeedka bulshada ajaaniibta ah ee Norwey iyo xiriirka ay la leeyihiin norwiijiga ayay buugeeda ku xustey iney kamid yihiin waxyaabaha dhalinyarada ku keena iney xagjiroobaan.

Aabaha gabdhaha dhaley ayaa sida buuga ku xusan sameeyey dadaal aan joogsi laheyn, isaga oo naftiisa dhowr mar khatar u galiyey, si uu labadiisa gabdhood ugu celin lahaa Norwey. Waxaa ku xusan buuga in aabuhu uu kulan 5 daqiiqo soconayey la kulmey mid kamid gabdhaha, iyada oo u sheegtay inuu iska noqdo, maadaama eysan ayagu dib ugu noqon doonin Norway. Hooyada dhashey labada gabdhood ayaa sidoo kale aabaha gacan weyn ka siisey, dadaalka iyo raadinta uu ugu jirey inuu labadiisa gabdhood dib ula midoobo.

Wargeyska VG ayaa buugan siiyey dhibcaha 100%, isaga oo sheegay inuu yahay mid kamid ah buugaagtii ugu muhiimsanaa ee soo baxey dhawaantan. Aftenposten ayaa dhankooda buugan ku sheegtay mid faa-iido badan leh, wax badana ka iftiimin doono waxyaabo badan oo horey u qarsoonaa. Wargeyska Dagbladet ayaa buugan ku tilmaamey mid loo baahnaa soo bixidiisa, Halka NRK uu sheegay inuu yahay buuga sanadka.

Buugan ayaa sida muuqato noqon doono mid hadalheyntiisu ay badan doonto maalmaha iyo bilaha soo socdo. Iyada oo saxaafadu ay hadba dhinac kasoo qaadan doono, una rogi doono dhinaca kale…

Xigasho/kilde: VG.NO 

[adsenseyu2]

Raga soomaaliyeed oo la sheegay iney yihiin kuwa ugu muuqaalka qurxoon Afrika

Baaritaano lagu sameeyeen quruxda iyo muuqaal wanaagsa raga qaarada Africa, ayaa laga soo doortey 10 wadan oo la sheegay iney yihiin kuwo ragooda ay ugu quruxda badanyihiin Afrika. Raga Soomaaliyeed ayaa la isku raacey iney galaan kaalinta 1-aad, sidaasna ku noqdaan kuwo ugu quruxda badan qaarada Afrika oo dhan.

Tobanka wadan ee top 10 noqdey waxey kala yihiin: 1) Somalia 2) Ethopia 3) Rwunda 4) Nigeriya 5) Cape-Verde Islands 6) Angola 7) South Africaa 8) Kenya 9) Ghana.

Haweenka soomaaliyeed, kuwooda nagu wareeriyey Romantic iyo 6-pack, ogaada inaad heysatiin raga ugu muuqaalka qurxoon Afrika oo dhan, kuna qanacsanaada..Hadii kale…………………..

Xigasho/kilde: The 10 African Countries With Most handsome Menn 2016

[adsenseyu2]

Amal Aden: Fadumo ma rabto iney shaqeyso, Norwey wey necebtahay, balse lacagta Nav wey jeceshay.

Waxaa maalmahan oo dhan warbaahinta Norwey ka socoty dood badan oo ku saabsan arimaha isdhexgalka bulshada iyo heerka shaqo ee ajaaniibta wadanka ku cusub, gaar ahaana haweenka. Waxaa inta badan tusaale fiican oo ku dayasho mudan loo soo qaadanayey gabar soomaali ah oo lagu magacaabo Aisho Ali Mohmaed, gabadhaas oo ah darawal buss ka ah magaalada Oslo. Halkan ka akhri sheekada gabadhan.

Amal Aden oo malaha ka xun sumcada ay gabadhaas usoo hoyisey dumar soomaaliyeed ee wadankan, ayaa dhankeeda soo aliftey gabar ay ugu magac dartey Fadumo, taas oo lidi ku ah Aisho. Amal ayaa maqaal saaka kusoo daabacdey wargeyska Dagbladet, iyada oo sheegtay in dumarka soomaaliyeed qaarkood aysan rabin iney waligood shaqeeyaan, oo ay rabaan kaliya iney ceyrta NAV ku noolaadaan. Waxey maqaalkeeda ku bilowdey:

Sidee integrering loogu sameyn karaa, dad aan rabin iney integrering sameeyaan. Waxaa Norway imaanayo dad cusub oo qeyb ka noqon doono mujtamac. Ma rabno iney abuurmaan xaafado geeri go-an oo mutjamaca ka baxsan. Waa muhiim iney dadka wadanka ku cusub ay kamid noqdaan bulshada, eyna noqdaan muwaadiniin dhab ah.

Yaa masuul ka ah hadii kuwo dadkaas kamid ah eysan rabin iney mutjamaca kamid noqdaan, ama ay raacaan qawaaniinta wadanka. Waxaan la kulmey kuwo ayaga kamid ah oo diidan iney shaqeeyaan, sababo diinta la xiriirta owgeed. Ma rabaan iney ka shaqeeyaan meelaha lagu iibiyo khamriga ama hilib doofaarka. Haweeney ayaa hada kahor ii sheegtay ineysan rabin iney shaqeyso, maadaama ay la qabsadey gurijooga iyo ilmo ilaalinta. Waxaan kaloo la kulmey haween aan ogolaansho u heysan iney guriga ka banaan, sababtoo ninkooda ayaa u diidan.

[adsenseyu2]

Kuwa diidan iney raacaan shuruucda iyo qawaaniinta wadanka, waxay aaminsanyihiin iney ilmahooda dili karaan, haweenkana ay garaaci karaan sababtoo ah waxaa u baneysay diinta. Waxaan maqalnaa marar badan waalidiin caruurtooda la carara oo geeya wadankii ay ka yimaadeen, sababtoo ah waxey ka baqeen iney norwiiji ka noqdaan. Dhalinyarada waxey la kulmaan kontroll iyo dabagal joogto ah. Raga muslimiinta ah ee tagaasida wada waxey waardiye ka yihiin gabdhaha muslimiinta ah ee banaanka maraya. dadka Homofilka ah( qowmu luudka), waa la caayaa ama la cadaadiyaa.

Nasiib wanaag intooda badan wadanka wey la qabsadaan, laakiin ka warama kuwo aan mujtamaca la jaan-qaadi karin. Kuwo safka ugu jiro xafiiska Nav, ee aan rabin iney shaqeeyaan, sababo diineed owgood. Mujtamacu sidee kuwaas dadka usoo dhexgalin karaa, yaase masuul ka ah……Kuwo aan wadanka la qabsin karin, waxey culeys ku yihiin mutjamaca, sidoo kale waxey magac xumo usoo jiidayaan  kuwa raba iney mutjamaca la qabsadaan.

.Waxaan mararka qaarkood booqasho ku tagaa iskuulada dadka waaweyn…Ardeyda halkaas joogto qaarkood waxey ku faraxsanyihiin iney wadankaan joogaan. Mid kamid ayaa ii sheegay in uu rabitaanka ilaahey uu Norway kujoogo, ilaaheyna uu usoo direy dhulkaan gaaleed, si uu caawimaad u helo. Wuxuu aad uga soo joogaa sinaanta raga iyo dumarka, isaga oo aad jecleyn sida ay u labistaan macalimiinta dumarka ah ee iskuulka dhiga. Qorshaha ugama jirto inuu raaco sharciga iyo qaanuunka Norwey, maadaama ay yihiin kuwo uu bini aadam sameeyay. Wuxuu rabaa inuu raaco sharciga diinta. Inkasta oo uu necebyahay Norwey iyo dadka norwiijiga ahba, hadana waxa uu doortey inuu halkaan yimaado, wuxuuna rabaa inuu degenaado. Hadana wax qorshe ugama degsana sidii uu mujtamaca qeyb uga noqon lahaa.

Qof kale oo aan la kulmey waa qof kale oo aan ugu magacdarey Faadumo. Wax qorshe ah kama lahan iney wadanka la qabsato. Waa haweeney sodomeeyo jir ah, waxeyna ka timid Soomaaliya shan sano kahor.  Waxey wadataa xijaab aad u dheer, waxeyna aad uga muuqaal duwantahay inta badan ajaaniibta kunool kommunaha ey dagantahay. Faadumo waxaa muhiim u ah iney mutjaca norwiijiga ah tusto diinteeda iyo iney muslim tahay, diinta ayaana wax walbe uga muhiimsan ayada. Waxey u tagtaa dhalinyarada muslimiinta ah, iyada oo u sheegto ineysan norwiiji aheyn, balse ay u dhaqmaan sidii dad muslimiin ah oo wanaagsan.

Markaan booqdey iskuulka Faadumo ay dhigato, waxay ii sheegeen qaar kamid ah ardeyda fasalka la dhigata iney faadumo tahay qof dhib badan oo kontroll badan. Waxey dareemaan iney mararka qaarkood ay ku qasabto iney slaada tukadaan. Ayadu xiisada oo socoto ayey salaad u baxdaa. Markaan isbaraney faadumo waxey ii sheegtay inaan qalad tahay inaan anigu la daganahey haweeney kale. Marar badan ayay igu waanisey inaan nafteyda badbaadiyo, maadaama aan ku socdo wado qalad ah. Faadumo waa qof canaan badan, balse waxaan dareemaa mararka qaarkood ineysan ogeyn waxey sameyneyso ama sheegeyso.

Norway wey necebtahay, balse waxey jeceshay lacagta ay ka hesho Nav. Waxey tagtaa xafiiska NAV, iyada oo u sheegeyso waxa ay xaqa u leedahay iney hesho. Waxey dusha ka heysaa dhamaan lacagta ceyrta ah ee kala duwan  ee uu qofku xaqa u leeyahay. Faadumo waxey kamid tahay kuwo diida iney iibiyaan khamriga iyo doofaarka. Hada kahor shaqo ayaa looga soo bandhigey isbitaalka xanaanada dadka waaweyn, balse wey diidey sababtoo ah ma rabto iney xanaaneyso ama taabato rag. Faadumo waxey aaminsantahay in la sameeyo shaqooyin u gaar ah dadka muslimiinta ah, kuwaas oo raga iyo dumarku aysan iskuul ku shaqeyn.

Indhaha kama qabsan karno dadka Faadumo oo kale ah. Waa inaan shuruud ku xirnaa…

Xigasho/kilde: Dagbladet

[adsenseyu2]

Talo-siin: Sidee ugu haboon ayaad ilmaha ugu labisi kartaa xiliga qaboobaha

skjermbilde-2016-10-20-kl-02-38-11Waxaa fooda inaga soo hayo xiligii qaboobaha ee winterka. Sanad walbe waxaa maqalnaa qoysas badan oo soomaali ah oo dhibaatooyin ay kasoo wajahaan xaga barnevernka, kadib markii lagu qabsadey in ilmahooda aysan qabin dhar ku haboon cimilada qaboobaha. Taas minnaheedu ma ahan in waalidka soomaaliyeed ay qabowga ilmaha ku dayacaan, balse waxaaba lagu qabsadaa intabadan in caruurta ay ku raraan jaakado aad u waaweyn, intii ay dooran lahaayeen maryo fudud oo dhaxanta si wanaagsan u celiya. Sidaas darteed waa muhiim in waalidka soomaaliyeed ee Norway degan uu aqoon fiican u leeyahay tayada dharka iyo awooda uu leeyihiin celinta dhaxanta. 

Waaxda qoyska iyo dhalaanka ee xaafada Gamle Oslo ayaa sameysay warqad talo siin ah oo ku socoto waalidiinta soomaaliyeed. Warqadaas oo ay ku qorantahay talooyin ku saabsan, sida ugu haboon ee ilmaha loogu labisi karo xiliga qaboobaha iyo dharka ugu haboon ee la dooran karo:

Halkan ka akhriso warqadan oo af soomaali ku qoran: Morsmol.no-Somali-vinterklær

[adsenseyu2]

Daawo: Cismaan Cumar dool oo raali-gelin ka bixiyey wareysigiisii NRK, sheegeyna in wareysigaas uu ahaa mid laga leexiyey ujeedkiisii

Cismaan Cumar Dool oo kamid ah odeyaasha jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey, ayaa raali galin ka bixiyey wareysi gaaban oo uu siiyey tvga qaranka Norway ee NRK, isaga oo sheegay in wareysiga laga sii daayey NRK uu ahaa mid la laga weeciyey ujeedadii uu isaga ka rabey.

[adsenseyu2]

Mr Dool ayaa sheegay in wareysiga uu NRK siiyey uu ahaa mid dheer, kaas oo uu uga hadley dareenka bulshada soomaaliyeed ay ka qabaan sharci kala noqoshada dowlada. Balse wariyaha NRK-ga ka socdey ayaa wareysiga jarjarey jarjarey, isaga oo kala baxey intii uu rabey. 

Halkan ka daawo Cusmaan Cumar oo ka hadlayo wareysiga NRK iyo sida uu qaladku u dhacey:(Xuquuqda Muuqaalka: SNTV OSLO+Wardoon.net): 

https://www.youtube.com/watch?v=SL38GutATok

Røde kors: 13% ama 30 milyan NOK oo kamid ah lacagta TV-aksjonen, waxaa loo qorsheeyay Somalia

Waxaa meel aad u sareyso mareyso howsha qabanqaabada ololaha TV-aksjonen ee sanadkan 2016. Lacagta kasoo xaroota ololaha ayaa sanadkan lagu wareejin doonaa hay-ada Bisha Cas, taas oo howlo gargaar iyo bini aadanimo kaga fulin doonto wadamo dhowr ah oo ay kamid tahay Somalia.

Wargeyska ka warama arimaha dhaqaalaha ee Finansavisen ayaa sheegay in sanadkan la rajeynayo in ay ololahan kasoo xarooto lacag gaareyso 230 milyan NOK. Somalia ayaa sanadkan loo qorsheeyay iney hesho lacag dhan 30 milyan oo kamid ah 230-ka milyan ee la rajeynayo in lasoo uruuriyo sanadkan. 

Rødekors ayaa sheegtay iney lacagtan u adeegsan doonto iney howlo gar-gaar caafimaad ah ka fulinayaan gudaha wadankeenii Soomaaliya. Waxyaabaha ay magacaabeen iney ku qaban doonaan ayaa waxaa kamid ah: 1) Dhisida xarumo daryeel Caafimaad, maadaama adeega daryeelka ee Soomaaliya uu yahay mid aad u liito. 2) Xarumo lagu xanaaneeyo dadka kusoo dhaawacmo dagaalada. 3) In qoxootiga ku barakacey gudaha Soomaaliya loo sameeyo goobo caafimaad oo lagu dareelo iyo waliba in loo fududeeyo iney helaan biyo nadiif ah.

Wadamada kale ee loo qorsheeyay iney qeyb weyn ka helaan lacagta kasoo xarooto TV-aksjonen ayaa kala ah : Suuriya=38 milyan, Koonfurta Suudaan= 35 milyan, Myanmanr(Burma)=28 milyan, Afgaanistaan= 27 milyan, wadamada dhaca bartahama Afrika= 17 milyan. Sidoo kale qoxootiga reer Norway ayaa qeyb u yeelan doona lacag gaareyso 19 milyan.

Soomaalida reer Norway waxaa la gudboon iney doorka ugu muhiimsan ka qaataan ololeha Tv-aksjonen. Maalinta khamiista ah ee  barito, waxaa Norwey marti noogu ah madaxa hey-ada bisha cas ee Soomaaliya. Kulan looga hadlayo TV-aksjonen ayaa ka dhici doono xarunta bisha cas ee magaalada Oslo. Wixii macluumaad ah ee kulankaas ku saabsan halkan ka aqriso: Facebook

Xigasho/kilde: Finansavisen-papir avis( 19-october 2016, side 4)

[adsenseyu2]

Soomaalida kaliya ma ahan waxa dhibaatada ka wada Grønland

Shaley waxaa Oslo ka dhacey shir qarameedka isdhexgalka, kaas oo ahaa mid xooga lagu saarayey in loogo hadlo dhibaatooyinka iyo caqabadaha soo galootiga kahor istaaga iney bulshoweynta qeyb ka noqdaan. Qodobada miiska saarnaa ee halkaas lagu faaqidey waxaa kamid ahaa, dhibaatada amni xumo ee xaafadaha Grønland iyo Tøyen.

Taliyaha ciidanka booliska Oslo Hans Sverre Sjøvold ayaa shirka ka jeediyey khudbad uu uga hadlayey dhibaabatada amni ee labadaas xaafadood. Taliyaha ma magacaabin group gaar ah oo halkaas dhibaato ka wada, balse waxa si guud sharaxaad uga bixiyey xaalada labadaas xaafadood, iyo iney jiraan dhalinyaro aan luuqada aqoon, iskuulkana ka dhacey oo xaafadaas dhibaatooyin amni daro ka wado. Hans Sverre ayaa qirey in kalsoonida iyo wadashaqeynta ka dhaxeyso booliska iyo dadka xaafada kunool, ay fure u tahay xalinta dhibaatadaas.

[adsenseyu2]

Shirka kadib ayaa marlabaad hadana la isku soo hadal qaadey xaalada Grønland. Wasiirada arimaha soo galootiga Sylvi Listhaug ay si cid dhibaatada ugu badan ku heyso Grønland ay yihiin dhalinyaro soomaali ah. Listhaug ayaa dhowr isbuuc kahor sheegtay iney jiraan 40 dhalinyaro soomaali ah oo amni xumo ka wada xaafada Grønland.

Wargeyska VG ayaa shaley galab mikrofoonka la dhexqaadey qaar kamid ah ganacsatada dukaamada iyo maqaaxiyaha ku leh Grønland. Waxey si guud u sheegeen ineysan jirin dhibaato amni oo gaar ah oo xaafadan Grønland kajirto. Qaarkood ayaa sheegay ineysan ku qanacsaneyn sawirka uu taliyaha boolisku ka bixinayo xaafada Grønland. 

Zedan Khalil waa ganacsade maqaaxi kabaab ah ku dhex leh bartamaha Grønland, waxa uu halkaas ka shaqeynayay mudo 15 sano kor u dhaafeyso. Zedan ayaa sheegay in xaalada Grønland ee hada ay tahay mid aad u dagan, marka la barbardhigo sidii ay ahaan jirtey sanado kahor.

Zedan ayaa sidoo kale sheegay in norwiijiga iyo ajaaniibtuba ay si isle-eg uga qeybqaataan dhibaatada amni xumo ee xaafada, isla markaana eysan jirin wax gaar ku ah ajaaniibta. Si gaar ah wuxuu u tilmaamey in soomaalida sawir khalad ah laga aaminsanyahey, eysana aheyn dadka ugu badan ee dhibaatada ku hayo Grønland. 

Taliyaha boolisku waxa uu ku saxanyahay hal arin, taas oo ah in dhalinyarada ajaaniibtu eysan sifiican luuqada u aqoon, waana dhibaato. Qaar kamid ah waxey abuuraan rabsho iyo buuq, gaar ahaan kuwa khamriga cabsan. Kuwaasna soomaali kaliya ma noqon karaan, ee cid walbe ayey noqon karaan

Ganacsadahan ayaa sheegay iney jiri jireen dhalinyaro cabsan oo habeenada sabtida iyo axada banaanada ku dagaalamo, balse taas xitaa ay hada soo yaraatey.

Qaar kamid ah qoysaska degan xaafada Grønland ayaa sidoo kale VG u sheegay in aysan arkin ama dareemin dhibaatada amni xumo ee Grønland laga sheegayo. Waxey sheegeen in xaafadan ay u daganyihiin si caadi ah, iyaga oo caruurtoodana aysan ku qabin dhibaato gooni ah.

Baashe Muuse iyo Faadumo Cali Madar meel ku sheega?

Ma ahan markii ugu horeysay ee xaalada Grønland looga hadlo mediyaha wadanka, balse arinta cusub waxey tahay in dhibaatada guud ee xaafada kajirto dusho loo saariyo qowmiyad gooni ah. Grønland waxaa wada degan ajaaniib iyo norwiiji, in dhibaatada amni xumo ee Grønland kajirto in hal qolo dhabarka loo saaro, waa sheeko bilow ah oo cusub. Awal waxaa la dhihi jirey ajaaniibta ayaa halkaas dhibaato ka wada, balse hada soomaalida ayaa si gaar ah farta loogu fiiqayaa.

Bulshada soomaaliyeed ee Oslo waxey doorteen oo codkooda ku aamineen labo xildhibaan oo katirsan golaha deegaanka ee Oslo, waa Baashe Muuse iyo Faadumo cali Madar. Intaas Grønland iyo xaalkeeda laga hadlayo ama laga tashanayo, ayagu waa ka markhaati oo ma ey ka hadlayaan. 2 sano kadib ayaan ka war-dhowreynaa iney lasoo shirtagaan, soomaalida baan matali doonaaye, na doorta.

Maxaa la gudboon soomaalida degan Grønland?:

Waa xaqiiqo aan la iska indho tiri karin in Grønland ay kajirto xaalad amni oo ka hooseyso tan xaafadaha kale ee Oslo. Maadaama dadkii aad doorateen ay seexdeen, waxaa la joogaa xiligii aan idinku is abaabuli laheydeen.  

Soomaalida Grønland degan waxaa la gudboon iney sameystaan koox lasoo xuley oo matasha, kuwaas oo si gaar ah ula shaqeyso booliska iyo laamaha dowlada ee arintan xalkeeda ka shaqeynaya Caruurta soomaalida ah ee amni xumada xaafada waa in lala taliyo, maadaama ay sumcad daro usoo jeedi karaan umada soomaaliyeed ee wadanka ku dhaqan oo dhan. 

Saameynta ugu badan ee dhibaatada Grønland waxay labada dhinacba ku yeelan doontaa qoysaska iyo ganacsatada soomaaliyeed ee degan ama ganacsiga ku heysta xaafada gudaheeda. Booliska iyo laamaha amniga aan soo dhaweyno, wada shaqeyna aan la sameyno si dhibaatadan loo xaliyo. Yaanan noqon group xir-xiran oo nin walba uu si fudud uu farta ugu soo fiiqo

Waa in Mediyaha wadanka lagu casuumaa horumarka iyo ganacsiga balaaran oo ay soomaalidu ku heystaan Grønland, si meesha looga saaro sawirka qaabka daran ee Grønland mediyaha loo galiyey.

Xigasho/kilde: VG-Papiravis( 19-october-2016, side 11).

[adsenseyu2]

Al Jazeera-journalistar arresterte i Somalia

To journalistar frå TV-stasjonen Al Jazeera, og sjåføren deira og ein lokal journalist, er arrestert i Somalias hovudstad Mogadishu. Det opplyser den nasjonale organisasjonen for journalistar i Somalia (Nusoj). Det var somalisk sikkerheitspersonell som tok journalistane tysdag morgon.

Generalsekretær i Nusoj, Mohamed Ibrahim Moalimu, fortel at dei no har bede den nasjonale etterretningstenesta NISA om å forklare kvifor journalistane er arrestert.

– NISA-sjefen seier at dei jobbar med å gi oss fleire detaljar, seier han. (©NPK)

[adsenseyu2]

Dadka webka NorSom News ku xiran oo 50 jibaarmey mudo lix bilood gudahood

Bishii April ee sanadkan 2016 waxaa webka NorSom News lasoo booqdey 2730 jeer oo kaliya, halka mudo bil ah oo u dhaxeyso( 17-sep ilaa 17 Oct) lasoo booqdey 140 840 jeer( fiiri cadeynta google analytics iyo sawirka hoose). Taas oo la micno ah in bulshada soomaaliyeed ee NorSom News ku xiran ay 50 jeer jibaarmeen mudo lix bilood gudahood ah. (F.G: Tiradan ma ahan inta qof ee nasoo booqatey, balse waa inta jeer ee webka NorSom News lasoo booqdey)

85% Dadka nasoo booqdo waxey deganyihiin Norwey, waxaana kusoo xigo wadamada Somalia, Sweden, U.K iyo Italy.(hoos ka fiiri cadeynta sawirka).

Tobanka magaalo ee ugu badan ee nalaga soo booqdo waa: 1) Oslo 2) Bergen 3) Drammen 4) Trondhiem 5) Fredrikstad 6) Kristiansand 7) Stavanger 8) Muqdisho 9) 10) Nairobi.

Waxaan hawada soo galney 1-April ee sanadkan 2016, Waxaana aad ugu faraxsanahay sida balaaran ee naloo bartey mudadaas gaaban ee aan hawada ku jirney. Waxaan sii dardar galin doonaa  soo tabinta wararka khuseeyo bulshadeena soomaaliyeed ee reer Norwey. Wali waxaan kujirnaa koritaan, sidaas darteed waxaa dhici karta inaad mararka qaarkood aragtaan khaladaad xaga qoraalka ama farsamada ah oo naga dhacey, raali-gelin ayaan taasna ka bixineynaa.

Waxaan sidoo kale halkan ka cadeyneynaa in NorSom News aysan hoostagin hey-ad dowladeed ama urur soomaaliyeed midna. Waxaan nahay dhalinyaro wax ka barata jaamacadaha Norwey oo isku baheystey in wixii information iyo warar ah aan luuqadooda hooyo ugu soo gudbino bulshadeena Soomaaliyeed ee wadankan ku dhaqan. Waan ku celineynaa mar kale, NorSom News ma ahan urur ama organisasjon midna, ee waa warbaahin madax banaan oo aan cidna hoos tagin. 

Inta ka dhiman sanadkan 2016 waxaan sii wadeynaa howsha tijaabada ah ee aan bilowney, anaga bilowga sanadka 2017 kusoo kordhin doono qeybo kale oo warbaahineed. 

Wixii talo ah iyo tusaaleyn ah aad baan usoo dhaweyneynaa, qofkii raba inuu nala qeybsado fikirkiisa shaqsiyeed ee ku aadan shaqada aan wadno, waxa uu noogu soo diri karaa: NorSomNews@gmail.com ama facebook: NorSomNews

Sawir 1) Cadeynta tirada dadka nasoo booqdey bishii ugu danbeysay:

14618638_1490246247668445_67711018_o

 

2) Cadeynta Programka Google analytics ee webka NorSom News:

14625707_1490248974334839_1546210817_o

 

Shuruudo cusub oo lagu soo rogey dadka raba iney qaataan dhalashada Norwiijiga

Waxaa shuruudo lagu soo rogay dadka doonaya in ay codsadaan basaborka noorwiijiga laga bilaabo 1. janaayo 2017. Shuruudahan cusub ayaa waafaqsan go-aano ay baarlamaanka Norwey ansixiyeen xili sii horeysay, kuwaas oo ku saabsanaa adkeynta iyo wax ka qabashada xaaladada dadka soo galootiga ah. Waxaana amarka lagu fulinayo go-aanka baarlamaanka bixisay wasaarada cadaalada iyo amniga dalkan Norway, taas oo warqad u dirtey dhamaan dadka ay arintani khuseyso.

Shuruudaha cusub ayaa qaban doono qofka da´diisu  ay u dhaxeyso 16 ilaa 65 sano ee codsanayo dhalashada norwiijiga, wixii ka danbeeyo 1.Janaayo sanadka 2017. Shuruudaha qofka laga rabana waxaa kamid ah waxaa kamid ah:

1)  in qofku uu ku guuleysto/baaso imtixaan Afka noowiijiga iyo waliba mid cilmiga bulshada ah..

2) in qofku luuqada norweyjiga uu ka gaarey heerka/nivå A2

3) in qofku uu soo qaatey  50 saacadood ee cilmiga bulshada oo Af-noorweyji ah.

Shuruudahaan ma quseeyaan dadka qaba baahida gaarka ah, sida xaaladaha caafimaadka iyo waxyaabaha iyo waxyaabaha kale ee culeyska gaarka leh.

Halkan akhri warqada wasaarada cadaalada:VOX.NO 

Mahadgaar ah: Abdullahi Elmi Ibrahim oo nala wadaagey linkiga, iyo qayb kamid ah turjimada.

[adsenseyu2]

Taliyaha booliska Oslo oo ka deyrinayo xaalada Grønland iyo Tøyen.

Taliyaha booliska Oslo Hans Sverre Sjøvold, ayaa markii labaad deyro ka muujiyey xaalada xaafadaha Grønland iyo Tøyen. Sjøvold oo ka qeybgaley shir qarameedka isdhexgalka ee maanta ka dhacay Oslo, ayaa qeexay in hadii aan xaalka xaafadahaas laga gaarin xili hore, ay hadhow adkaan doonto wax ka qabashadooda.

Taliyaha ayaa carabaabey in hada ay wadaan howlgalo ku aadan sidii dhalinyarada xaafadahaas dhibaatada ka wado loogu sameyn lahaa waxyaalo kale oo ay ku mashquulaan, balse ay adagtahay in arintaas si fudud xal looga gaaro. 

[adsenseyu2]

Waxaan aragnaa dhalinyaro wiilal u badan, kuwaas oo mujtamaca boos ka waayey iney hada ku howlanyihiin falal danbiyeedyo tiro badan.Dhalinyaradan waxey u badanyihiin kuwo aan luuqada sifiican ugu hadlin, iskuulkana aan xiiseynin

Sjøvold ayaa sheegay iney jiraan xaafado kale oo badan oo ajaaniibtu ku badantaha, dhibaatooyina eysan kajirin. Balse labadan xaafadood ay dhibaatooyin gaar ah heystaan, kuwaas oo ay kamid yihiin daroogada la iibiyo.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey in booliska ay rabaan iney la shaqeeyaan dadka soo galootiga ah, si arintan xal looga gaaro. Isaga oo sheegay in ay muhiim tahay in kalsooni wada shaqeyn ay ka dhaxeyso booliska iyo dadka xaafadahaas kunool. 


Xigasho/kilde: VG.NO 

[adsenseyu2]

 

Listhaug: Norwey waxaan cunaa hilib doofaarka, waxaan cabnaa khamriga, indho shareerna ma xirano

Warkii hore waa soo dhaaf. Wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada dowlada Norwey, Sylvi Listhaug ayaa maanta ku dhawaaqdey hadal qabsadey dhamaan saxaafada Norwey, hadalkaas oo ahaa mid ay ugu duurxuleysay dadka qoxootiga ah ee wadanka ku cusub. Listhaug ayaa barteeda facebooga soo dhigtey qoraal ay ku sheegeyso in dadka raba iney wadankan joogaan, ay ku qasbanyihiin iney qaataan ama la qabsadaan  dhaqanka iyo caadooyinka dadka norwiijiga ah. 

Halkan Norwey, waxaan ku cunaa hilib doofaarka, waxaana cabnaa khamriga, wajigeenana ma qarino(indhoshareer ma xirano). Waa inaad la qabsataa sharciyada, caadooyinka iyo dhaqamada Norwey, hadaad halkan timaadey. 

[adsenseyu2]

Qoraalka Listhaug ay kusoo daabacdey barteeda facebooga ayaa kusoo aadey saacado kahor inta uusan furmin shir qarameedka guud ee isdhexgalka, kaas  ku saabsan sidii dadka wadanka ku cusub loo dhexgelin lahaa bulshada inteeda kale. Waxaana shirkaas shirgudoominayey Reysulwasaare Erna Solberg

Hadalka Listhaug ayaa abuurey dood badan, iyada oo dad badan ay Listhaug ku eedeeyeen iney rabto iney dadka ku qasabto iney khamriga cabaan, hilib doofaarkana cunaan. Listhaug ayaa iska difaacdey eedeymahaas, iyada oo sheegtey in hadalkeeda si khaldan loo fasirtey. Waxeyna sheegtey in qoraalkeeda ay uga dan laheyd in dadka wadanka ku cusub xusuusiso iney joogaan wadan cusub, kaas oo leh dhaqan, caadooyin iyo sharciyo ka duwan koodii ay ka yimaadeen, isla markaana ay ku qasbanyihiin iney la qabsadaan.

Listhaug ayaa sheegtey in muhiimada ugu weyn ay tahay in dadka wadanka ku cusub ay nolosheeda iyagu maareeyeen, oo  ayshaqeystaan. Si taas loo helena ay waajib tahay iney xil iska saaraan sidii ay shaqo ku heli lahaayeen. Waxaa jirto in dadka qaarkiis ay diidaan shaqooyinka ay soo dhexgalayaan khamriga iyo doofaarka, sidaas darteedna ku hoos noolaado gacanta dowlada. Ama dad indho shareer dartiis shaqooyin ku waayo.

Erna Solberg ayaa ka daba qaadatey hadalka Sylvi Listhaug, iyada oo sheegtay in hadii aad qabtid indhoshareer ay adagtahay inaad shaqo ku heshid inta badan goobaha shaqooyinka Norwey. Waxey tusaale usoo qaadatey ineysan suurtogal aheyn inaad shaqo ka hesho xafiiska reysulwasaaraha, hadii aad indho shareer qabtid.

Madaxa hey-ada la dagaalanka midabtakoorka(Antirasistisk senter) Rune Berglund, ayaa sheegay in hadalka Listhaug uusan aheyn mid ka turjumayo sababta rasmiga ah ee qoxootiga iyo ajaaniibtu eysan shaqooyinka ku helin. Rune ayaa sheegay in dad badan oo ajaaniib ah aan looga soo jawaabin codsiyadooda shaqada, hadiiba magacooda uu u ekaado mid ajnabi.  Wuxuu raaciyey in wasiiradii dhameyd ee loo xilsaarey in ay arintaas xal ka gaarto ay iyadii qeyb ka noqotey dhibtii jirtey, intii ay xal keeni laheyd. Wuxuuna sheegay in indhoshareerka uusan aheyn dhibaato weyn oo maanta la buun-buuniyo.

Waligey ma maqal qof shaqo raadsadey isaga oo indho shareer qabo, balse waxaan maqley dad badan oo codsiyada shaqooyinka aan looga jawaabin, magacooda dartiis. Dowladu ma ahan iney dhib aan jirin abuurto, ee waa iney xalisaa dhibta rasmiga ah ee hada jirto.

Dadka qaarkiis ayaa aaminsan in hadalada Listhaug ay yihiin kuwo qorsheysan oo dan laga leeyahay. Xisbiga FRP ayaa lumiyey taageerayaal badan, kadib markii ay soo saareen miisaaniyada dowlada sanadka 2016/2017, sidaas darteed waxey loolan adag ugu jiraan sidii ay taageerayaal cusub ku heli lahaayeen, ayaga oo si fiican u isticmaalayo sheekada ajaaniibta oo ah mida kaliya ee maanta iyaga u gadmi karto, maadaama meelihii kale oo dhan ay soo xirxirmeen.

Xigasho/kilde: VG, Aftenposten, NRK, Dagbladet.

[adsenseyu2]

Isku xirnaan la aanta Ajaaniibta Norwey ku nool, waxay dowlada u fududeysaa iney go-aan walbe ay si fudud ku fuliso

Waxaa sabtidii lasoo dhaafey magaalada Oslo lagu qabtey kulan soo dhaweyn ah, kaas oo qaar kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey ay u sameeyeen wariye Cabdisalaam Hereri oo marti ku ahaa wadankan Norwey, gaar ahaana magaaada Oslo.

Dadka kulanka lagu casuumey waxaa kamid ahaa gudoomiyaha ururka OMOD ( Organisasjonen mot Offentlig Diskriminering) Akhenaton de Leon oo ah nin asal ahaan kasoo jeedo wadamada karibianka. Leon ayaa sheegay in ajaaniibta Norwey aysan ka dhexeyn wax wada shaqeyn iyo xiriir, taasina ay sahleyso in dowladu ay marba group cunsuriyeyso, iyada oo kuwa kalena ay markhaati ka yihiin, hadeysanba ku faraxsaneyn.

[adsenseyu2]

Tusaale ahaan wuxuu usoo qaatey in hadii ay dhibaato xaga dowlada kaga timaado soomaalida, Pakistanida iyo qowmiyadaha kale kama hadlaan oo wey ka aamusaan, hadii Pakistanadu dhib soo gaartana, soomaalidu kama warqabaan, hadey ka warqabaana maba daneeyaan. 

Aniga maadaama aan Karibian ahey, maba aheynba inaan soomaalida soo dhaxgelo, dhibahoodana aan ka hadlo. Sababtoo ah hadii aniga dhibaato isoo gaarto Karibian ahaan, soomaalida kama aysan hadli laheyn. Kala qoqobnaanta iyo wada shaqeyn la-aanta ajaaniibta Norwey kunooli, Waa dhibaatada ugu weyn ee hada ina heysata.

De Leon oo hadalkiisa sii wata sheegay in go-aankii hey-ada booliska ee ku saleysnaa in passportka dadka ka yimid 31 wadan lagu qoro Ukjent, uu ahaa mid midabtakoor ah. Wuxuuna sheegay in go-aankaas uu ka dhignaa in dad malaayiin kun oo qof gaarayo lagu tilmaamey beenaalayaal aan garan karin meeshii ay ku dhasheen. Wuxuuna raaciyey in caruurta lasoo korsado iyaga markii danbe laga leexiyay sharcigan, ay aheyd mid muujineysa tabar la-aanta ajaaniibta reer Norwey, gaar ahaana kuwa kasoo jeeda 31-da wadan ee sharcigu uu qabanayay. Xitaa dowladihii ay dadkaas ka dhasheen arintan kama aysan hadlin, marka laga reebo dowlada Hindiya.

Ugu danbeyn waxa uu Akhenaton ugu baaqey soomaalida Norwey iney dhib iyo dheefba la qeybsadaan ajaaniibta kale ee wadanka degan, si iyagana markooda loo garab istaago. Isaga soo jeediyey in la abuuro sanduuq dhaqaale oo ajaaniibta wadanka kunool ka dhaxeeyo, kaas oo hadba lagu caawiyo kuwii dhibaateysan, looguna qabto sharci yaqaano xaqooda soo dhiciya.

Hadalka De loen waa mid run ah, kana turjumayo xaalada ajaaniibta reer Norwey. Balse intaan ajaaniib kore la gaarin, soomaalideenu wax ma wada qeybsan karnaa oo  talo wadaag ma noqon karaa, mise De loen waxaan leenahay:

Maandhow duco-qabe, timirtii horeba dab loo waa. 

[adsenseyu2]

Aisho: Hooyooyinka soomaaliyeed fadhiga haka kacaan oo ha shaqeystaan

Aisha Ali Mohamed waa mid kamid ah gabdhihii ugu horeeyay oo somaali ah, ee Busska gaadiidka dadweynaha ku dhex wada magaalada Oslo. Waana Hooyo kaligeed ah oo heysato sadex caruur ah. Aisho waxay sheegtay iney dadka soomaaliyeed qaarkood ay kula kulanto dhaleeceyn iyo cay, marka ay arkaan iyada oo xiran surwaalka shaqada. Dhanka kelana ay dhaleeceyn kala kulanto norwiijiga, marka ay arkaan iyada oo xiran xijaabka, busna wado. Laakiin dhaleeceymahaas Aisha kama aysan horistaagin iney sii badato shaqadeeda darawalnimo ee busska. 

[adsenseyu2]

 

Aisha waxay tusaale fiican u noqotay haween badan oo soomaaliyeed, kuwaas oo ku dhiiradey iney leysinka darawalnimo ee buska qaataan, kadib markii ay arkeen Caisho oo wado busska. Gaar ahaan magaalada Oslo, oo ah meesha ay soomaalida ugu badan wadanka deganyihiin.

Hooyadan soomaaliyeed ayaa sheegtay iney ku dhex nooshahay laba dhaqan oo kala duwan, labada dhinacna ay kala kulanto dhaleeceyn. Dhaqanka soomaali ahaan hadii loo fiiiriyo,: Waxey soomaalidu ku mashquulsanyihiin surweelka ay xirantahay iyo shaqa rageedka ay ka shaqeyso. Waxeyna isweydiinayaan, tolow mey gurigooda joogto oo sadexdooda ilmood korsoto.

Dhanka kalena, markey Norwiijigu arkaan gabar madow oo busska wado, xijaabna xiran, waxey isweydiinayaan tolow amey kamid tirsantahay islaamka xagjirka oo ay isqarxin rabtaa. 

Aad ayey u adagtahay inaan mar walbe bulshada u sharaxo in shaqadan ay tahay mid aan anigu doortey

Aisha waxay sheegteyiney ku kortay magaalo madaxda Mogdishu, yareenteedina ay aad uga fakari jirtay mustaqbalkeeda xirfadeed waxuu noqon doonto. Markii ay timid wadanka Norway 2002, waxay kusoo dagtey magaalada Fauske ee gobolka Nordland iyada iyo qoyskeeda. Dadaal dheer ayay markiiba u gashey sidii ay Cv (Sii vii ) geeda ay u wanaajin lahayd. Waxay ka mid noqotay urrurka haweenka , halkasna luuqada ayay safican ugu baratay abo sano gudahood.

Waxey qaadatey leysinka darawalnimada baabuurta caadiga ah, Kadibna waxay bilowdey inay ka shaqayso shaqooyin kala duwan, sida macalin luuqada somaliga ka caawiyo iskuulada, inay sidoo kale ka shaqayso, xanaanada caruurta, kalkaaliya caafimaad, iyo turjubaan luuqada somaaliga ah.

Aisho waxey sheegtay in mararka qaar ay la kulantaa caqabado iyo erayo iyada lagu liidaayo ama wax looga sheegayo shaqadeeda. Ma fogayn markey la kulantay haweenay Norwajiyaan ah oo inta u soo dhawaatay ku tiri. ‘’Kursigaan ma ahayn inad adigaas ku fariisato’’ iyo erayo kale oo ay ka mid yahiin ‘’Maxad ka qabanaysaa meshan ,xagee ku baratay darawalnimada’’

Xitaa markii ay qaadey leysanka bussska waxay bilowdey inay codsato shaqooyin. Jawabta ay heshaa waxay  badanaa noqon jirtey ‘’diidmo’’. Caqabadaha ugu badan ee ay la kulantay waxaa ka mid ahaa xirashada xijaabka.. Dadaal dheer ka dib waxay hada si joogto ah ugu shaqaysaa shirkada basaska ee Unibuss qaybteeda magalada Oslo.

 

 Aisha ayaa dumarka soomaaliyeed kula talisey iney fadhiga ka kacaan oo ay shaqeystaan. Inaad surweel xirato, micnaheeda ma ahan inaadan muslim fiican aheyn. Dumarka iyo isdhexgalka bulshada

78 % dumarka somaliyeed ee Norway ma shaqeeyaan, sida laga soo xigtay Statistisk sentralbyrå ( waaxda tirikoobka ee Norway).

Halkan ka akhriso sheekada Aisha oo dhameystiran:

Dagbladet, Frifagbevegelsen. 

[adsenseyu2]

 

Wiil soomaali ah oo Reysulwasaare Erna Solberg kala qeybgaley kulan dood wadaag ah

Waxaa jimcihii lasoo dhaafey magaalada Oslo ku qabsoomey kulan dood wadaag ah, kaas oo looga hadlayey sidii qorshe mideysan loogu sameyn lahaa qaabka looga hortagi karo cunsuriyada iyo naceybka, gaar ahaana dhalinyarada.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisey wasaarada dhalaanka iyo sinaanta dowlada Norwey(Barne-, likestillingsdepartementet) ayaa waxaa ka qeybgaley reysulwaarada wadankan Erna Solberg, wasiirada dhalaanka iyo sinaanta Solveig Horne iyo waliba dhalinyaro 100 gaareyso oo laga soo xuley dhamaan degmooyinka wadankan Norwey.

14699846_313618069030927_827738320_nDhalinyarada Panelka dooda fadhiyey ee sida tooska ah dooda ugala qeybqaadanayey Erna Solberg, ayaa waxaa kamid ahaa Maxamed Camaleeti oo ah wiil dhalinyaro soomaali ah oo kulanka ku matalayey ururka Norsk folkehjelp og solidaritetsungdom, qeybtiisa magaalada Fredrikstad.  Sidoo kale gabar soomaali ah oo lagu magacaabo Haboon Beegsi oo ka socotey ururka Rødekors, ayaa kamid ahaa dhalinyarada kulankaas dooda ah lagu casuumey.

Isku soo wada duuboo waxaa muuqato in dhalinyarada soomaalida ay marba, marka ka danbeysa si aad ah uga soo dhexmuuqanayaan dhamaan dhinacyada bulshada ee wadankan Norwey.

Halkan ka daawo muuqaalka kulanka dooda Maxamed Calameeti iyo Erna Solberg:

https://www.facebook.com/barnedep/videos/335846006768465/

800 qof oo sharciga lagala noqdey iyada oo 400 kamid ahna la siiyey sharci nooc kale ah

Tirakoob cusub oo la ogaadey ayaa sheegayo in laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga ee UDI-da, ay sharciga dib ugala noqotey ajaaniib tiro ahaan gaareyso 800 oo qof sanadadii ugu danbeeyay. Tiro kor u dhaafeyso 400 oo dadkaas kamid ah ayaa la siiyey sharci kale oo wadanka ay kujoogaan, iyada oo loo qiimeynayo iney wadanka mudo badan ku noolaayeen ama caruur ku heystaan.  Wadamada Somalia, Afgaanistan iyo ciraaq ayayna kasoo jeedaan dadka ugu badan ee sharciga lagala noqdey.

[adsenseyu2]

Wasiirada arimaha soo galootiga dowlada Norwey Sylvi Listhaug ayaa sheegayso in dadka sharciga lagala noqdey ay isugu jiraan kuwo booqasho ku tagey wadankii ay sheegeen iney kasoo qaxeen kadib markii ay sharciga magangalyada heleen, kuwo ka been sheegay asalkooda dhalashada iyo dad sharciga degenaanshaha ama dhalashada ku helay sababo been ah.

Listhaug ayaa sheegtay in dowladu ay dardar galin doonto, xoogana ay saari doonto baaritaanka iyo fashilinta dadka ka been sheegay macluumaadkooda aqoonsiga, sidaasna ku helay sharciga wadanka. Waxeyna hadalkeeda raacisay inay dowlada ay sidoo kale dadaal u gali doonto sidii dadkaas wadanka looga saari lahaa,  xitaa hadii ay wadanka degenaayeen waqti dheer.

Tvga NRK-ga ayaa mikrofoonka la dhex qaaday soomaalida Oslo iyo xaafada Grønland, isaga oo sheegayo in dad badan oo soomaali ah loo soo direy waraaqo digniin ah oo loogu sheegayo in lagala noqon doono sharciga wadanka. Qaar kamid ah soomaalida uu tv-gu la kulmey ayaa sheegtay in inta badan aysan dowladu soo bandhigi karin cadeymo buuxo oo arintan ka beensheegida asalka qofka sifiican u muujin kara. Waxayna sheegeen in dowlada ay adeegsaneyso macluumaad ay kasoo uruurisey baraha bulshada sida Facebook, Instgramka, Snapchat iyo sidoo kale meelaha uu qofku u diro lacagta, taasina aysan noqon karin cadeymo sax ah. 

maxresdefaultCismaan Cumar Dool oo kamid ah odeyaasha jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey ayaa sidoo kale NRK-ga u sheegay in qofkii lagu qabto inuu wax isdamariyey ay dowlada ku saxsantahay iney ciqaabto, wadankana ay kasaarto maadaama uu khiyaano sameeyay. 


Norske myndigheter har de siste årene gitt over 800 personer beskjed om at de har jukset med sin asylhistorie eller på annen måte gitt uriktige opplysninger. Afghanere, irakere, og somaliere er de tre store gruppene, melder NRK.

Over 400 av disse har likevel fått ny oppholdstillatelse. Dette kan være på grunn av at de har bodd i Norge svært lenge, eller fordi de har barnles mer på norsk her: 

Xigasho/kilde: NRK, Aftenbladet, Klassekampen

[adsenseyu2]

 

Abdisalam Cadaay oo gool ka dhaliyey kooxdiisii hore ee Strømgodset, iyo viking oo aan wali isdhiibin

0

Abdisalaam Ibrahim Cadaay ayaa shaley gool ka dhaliyey kooxdiisii hore ee Strømgodset , ciyaar kusoo dhamaatey barbaro 1-1. Viking ayaa marti u aheyd kooxda Strømgodet oo ka dhisan magaalada Drammen. Goalka cadaay ayaa Viking u sahley iney wali qeyb kasii ahaato tartanka loogu jiro kaalinta 3-aad ee horyaalka heerka koowaad ee wadankan Norwey. 

Cadaay ayaa labo xili ciyaarood oo hore(2012 iyo 2013) amaah kula joogey kooxda Strømgodset. Waxa ayna aheyd xiligii uu Abdisalaam u ciyaari jirey kooxda Manchester city. 

Horyaalka Tippeligaha ayaa hada marayo heer gabo-gabo ah, waxaana kooxuhu ay dagaal iyo hardan ugu jiraan iney boos ka helaan kaalimaha sare ee horyaalka. Naadiga Rosenberg ayaa mar hore meel ku tiirsadey oo qaadey horyaalka, waxa eyna si toos ah u aadey is reeb-reebka tartanka Champions League ee sanadka 2016/2017. ilaa 7 kooxood ayaa dagaal ugu jiro kaalimaha 2-aad iyo 3-aad ee horyaalka, waxaana kooxahaas kamid ah Viking oo uu u ciyaaro Abdisalam Cadaay iyo Haugesund oo u safto Liibaan Cabdi oo ah ciyaaryahan soomaali ah.

Kooxdii gasha kaalinta 2-aad ama 3-aad ayaa iska xaadirin doonta is reeb-reebka koobka Europa League, waxaana suurtogal ah in ciyaaryahan soomaali ah oo reer Norwey ah, uu kasoo dhex muuqdo mid kamid ah tartamada kubada cagta ee ugu qaalisan aduunka. 

-(Halkan ka daawo ciyaar Viking iyo Strømgodset iyo goolka Cadaay)

[adsenseyu2]

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.