onsdag, november 27, 2024
Home Blog Page 264

Booliska Moelv: Mindida weerarka loo adeegsaday waxaa laga gaday magaalada, maalintaa uu weerar dhacay

0

Booliska deegaanka Moelv ee kommunaha ringsaker ee gobalka Hedmark, ayaa sheegay in mindida loo adeegsaday falkii weerarka ahaa ee lagu dhaawacay gabadha soomaalida ah, laga iibiyay deegaanka Moelv  isla maalintaas uu falku dhacay. Waxeyna sheegeen iney arintaas tahay mid u baahan in ilgaar ah lagu eego, maadaama uu falku u ekaan karo inuu ahaa mid horey loo soo agaasimay.

Mindidan ayay boolisku ku tilmaameen iney tahay nooca jikada, waxeyna sheegeen iney baaritaan kadib ay ogaadeen meesha laga soo iibiyay.

Waxey sidoo kale xaqiijiyeen in iibinta mindida iyo waliba xiliga lasoo iibiyay, ay noqon doonto mid udub dhexaad u ah baaritaanka lagu cadeynayo in falku ahaa mid agaasiman iyo inkale.

Booliska ayaan ilaa hada faah-faahin buuxdo ka bixin qaabka ay wax u dhaceen iyo sababta ku kaliftay ninkan soomaaliga ah uu weeraro gabadha soomaalida ah. Waxeyna sheegeen iney wadaan baaritaano ku aadan arintaas, markii ay dhameeyaan ay soo bandhigi doonaan.

Ninkan oo da´diisa lagu tilmaamay ku  labaatameeyo, ayaa boolisku isku soo dhiibay maalintii uu falku dhacay maalintii ka danbeysay, wuxuuna hada kujiro xabsiga isaga oo la xirey afar isbuuc oo kumeel gaar ah. Waxeyna boolisku tilmaameen in kiiskan dacwada ninkan soomaaliga ah, ay u baarayaan qaab fal iskuday dil ah. Waxey  sidoo kale sheegeen inuu ninkan soomaaliga uu xabsiga kusii xirnaan doono ilaa laga gaaro isbuuca koowaad ee bisha January, kadibna ay maxkada geyn doonaan kiiskiisa, si ay u codsadaan in mudada xabsiga kumeel gaarka loo dheereeyo.

Dhanka kale waxey sheegeen in gabadhii uu dhibku soo gaarey ay wali kujirto isbitaalka, iyada oo halkaas looga daaweynayo dhaawacyadii cuslaa ee kasoo gaarey weerarkaas. Waxeyna sheegeen iney mudo kale kusii jiri doonto isbitaalka. 

Booliska deegaanka uu falku ka dhacay ayaa cadeeyay iney muhiimada koowaad kiiskan siiyeen labadii isbuuc ee ugu danbeeyay, iyaga oo raaciyay iney horumar la taaban karo ka sameeyeen baaritaanadooda. Sidoo kale saxaafada lokalka ee deegaanka ringsaker iyo guud ahaan Hedmark/Oppland, ayaa u muuqdo kuwii xiiseynayo wax ka qorista falkan, iyaga si hoose ula socda booliskana su´aalo tiro badan ka weydiinaya.

Xigasho/kilde: H-A.no, GD.no, Ringsakerbladet.no

[adsenseyu2]

 

Degan Ali: Vi vil ikke lenger være tiggere i eget land

0

Lokalbaserte organisasjoner bør få en større del av kaken, mens de store organisasjonene fra nord bør få mindre, mener somalisk-amerikanske Degan Ali. Hun kaller dagens bistand en videreføring av maktsystemer fra kolonitiden. 

 Vi trenger en grunnleggende endring i hvordan vi yter bistand. Innen 2020 bør minst 25 prosent av all bistand gå direkte til lokalbaserte organisasjoner, i stedet for å gå omveien om FN og store bistandsorganisasjoner fra nord, sier Degan Ali, leder for organisasjonen African Development Solutions (Adeso).

Med hovedkontor i Nairobi jobber Adeso for å styrke lokalbaserte sivilsamfunnsorganisasjoner i Kenya, Somalia og Sør-Sudan. På talerstolen under Norad-konferansen tidligere denne måneden kastet lederen for Adeso ut en brannfakkel til de norske sivilsamfunnsorganisasjonene.

– Mer makt og penger må overføres til lokale aktører i sør. Virkeligheten er fortsatt slik at bare fire prosent av utviklingsbistanden og kun to prosent av pengene til humanitær bistand går til lokale aktører. De lokalbaserte organisasjonene er alltid de siste og de minst verdsatte i forsyningskjeden. Det er på tide at vi blir behandlet mer likeverdig, sier Degan Ali.

 Et imperialistisk system

Adeso-lederen mener systemet for nødhjelp og bistand til lokalsamfunn i utviklingsland er et gufs fra kolonitiden.

– Vi er fastlåst i en evig rolle som tiggere i vårt eget land. Vi blir ”outsiders” i vårt eget samfunn. Når du har en eviglang forsyningskjede for å nå ut til lokalsamfunnene, og du blir ekskludert, ikke bare økonomisk men også i beslutningstaking, prosjektutforming, gjennomføring og evaluering – da er du ekskludert på alle tenkelige måter, forklarer Degan Ali.

”the root causes of poverty” – de økonomiske, politiske og miljømessige årsakene som fører til at våre folk blir sårbare.

Les hele artikkelen her. Bistandsaktuelt.no 

[adsenseyu2]

Dhakhaatiirta soomaaliyeed ee Norway oo sameystay urur ay ku mideysanyihiin

0

Dr. Mahad Warsame iyo Dr. Hanna Elmi oo ah labo dhakhtar oo soomaali ah, oo ka howlgala xarumaha caafimaadka ee dalkan Norway, ayaa sheegay iney sameeyeen urur ay ku mideysanyihiin dhakhaatiirta soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Norway, iyo ardeyda soomaalida ah ee dhakhtarnimada ka barata dalka gudihiisa iyo waliba wadamada Yurubta bari.

Ururkan oo magaciisu yahay Somalisk Medinisk Forening, ayaa waxaa ilaa hada xubno ka ah 37 qof, kuwaas oo isugu jiro dhakhaatiir ku shaqeysa xirfada dhakharnimada iyo ardey dhakhtarnimada barata.

Mahad iyo Hanna ayaa NorSom News u sheegay iney ururkan u aas-aaseen sababo ay kamid yihiin, in la mideeyo aqoonyahanada soomaaliyeed ee xirfadaas ku shaqeeyo, si ay ay iska warqabaan, wada shaqeyn hoose, aqoon isweydaarsi iyo iskaashina uu u dhexmaro.

Waxey sidoo kale sheegeen iney ururkan u sameeyaan, si ardeyda soomaaliyeed ee jaamacadaha ka barata dhakhtarnimada, ay u heli lahaayeen meel ay ka heli karaan caawimaad ku aadan, helista goob ay ku qaataan sanadka koowaad ee tababarta xirfada dhakhtarnimada(turnus-tjeneste).

Dr. Mahad oo ah dhakhtar uu takhususkiisu yahay Indre-medisn, kana howlgala isbitaal kuyaalo magaalada Tromsø, ayaa ah gudoomiyaha ururkan Somalisk Medinisk Forening. Wuxuu mahad sheegay in la joogo xiligii ay aqoonyahada soomaaliyeed ee wadankan, ay ku midoobi lahaayeen xirfadooda iyo aqoontooda, si ay u fududaato in la helo goobo loogu soo hagaagi karo, hadii ay bulshadu wax uga baahato xirfadooda iyo aqoontooda.

Mahad ayaa sidoo kale sheegay in ururkan ay ku midoobeen dhakhaatiirta soomaaliyeed ee Norway, uu intii ay awoodaan ay bulshada soomaaliyeed ka caawin doonaan caqabadaha kasoo wajaho xaga caafimaadka. Wuxuu tusaale usoo qaatey iney jiraan boqolaal qof oo soomaali ah oo loo daaweeyay si khalad ah ama laga galey gaf dhinaca caafimaadka ah. Kuwaas oo aan aqoon fiican u laheyn xaqa ay leeyihiin, sida ay uga dacwoon lahaayeen iyo waliba wadooyinka iyo hababka loo maro dacwadahaas.

M

Dr.Hana oo iyaduna ku takhusastay cudurada caruurta, kana shaqeyso isbitaalka Sykehuset Østfold, ayaa sheegtay in hadii ay jiraan dhaqaatiir soomaaliyeed oo wadanka ku dhaqan, daneynayana iney kamid noqdaan ururkan ay kusoo biiraan SMF, si loo xoojiyo awooda iyo aqoonta ururkan. Waxaadna kala xiriiri kartaa cinwaankan: Somaliskmedisinks forening@gmail.com ama facebook group: Somalisk medisinisk forening

Hana ayaa NorSom News u sheegtay iney sidoo kale diyaar u yihiin iney la shaqeeyaan dadka soomaaliyeed ee kale ee ka shaqeeyo caafimaadka. 

Labadan dhaktar ee soomaaliyeed ayaa sheegay in muhiimada ugu weyn oo ay u aas-aaseen ururkan ay tahay caawinta bulshada soomaaliyeed, gaar ahaan ay soo wajahaan dhibaatooyinka xaga caafimaadka, aqoonta fiicana aan u laheyn systemka caafimaadka wadankan. 

[adsenseyu2]

 

Maxamed Bashiir Hønefoss: Sidee xal loogu heli karaa dhibaatada guryaha inaga heysata

Inta aadan akhrin maqaalka M.B Hønefoss, waxaad akhrisaa warbixintan ku saabsan dhibaatada guryaha ee soomaalida ee Klassekampen soo daabacay sabtidii hore. Dhibaatadan soomaalida Oslo, waxaa asal u ah dhibaatada guryaha. 


Aniga oo ka jawaabaya qaybta ugu dambeeysa ee maqaalka, ayaa waxaan marka hore caddaynayaa in ay dhibaatadani tahay mid jirta, raad weyna ku sameysa ama kuleh hab nololeedka bulshada soo galootiga ah, gaar ahaanna Soomaalida.

Sidee looga baxi karaa ?

Waxaa dhibaatadaas looga baxi karaa, iyada oo la helo xog iyo baaritaan ku saabsan habka dhabta ah ee Soomaalida qurbaha, gaar ahaana kuwa Norway ay u noolyihiin iyo waliba dhibaatooyinka ka haysta guryaha. Markaas ka dibna lahelo. lana raadiyoo sidii dhibkaas xal loogu heli lahaa.

Xalku ma aha mid uu qof iska baneynayo ama diidayo, balse waa inuu yahay mid ka soo maaxday daraasad iyo baaritaan iyada oo la eegayo sida ugu wanaagsan ee qoyska soomaaliyeed uu ugu noolaan karo dalkan, iyaga oo ilaashanaya diintoda iyo dhaqankooda. Carruurtooduna ay haystaan hoy ku filan sida carruuraha kale.

Waa in la helo barnaamij dhaqaale oo islaami ah oo dadka xal u heli kara, waana sahal in la helo maal-gelin bangiyo islaami ah, kuwaas oo dadka garab istaaga ama bangiyo bixiya deynta ay dadku u baahanyahiin. Bankiyadaas oo noqon karo kuwa dalka dibadiisa ka dhisan ama kuwo laga aas-aasat wadama Yurub ama qadankan Norweyba.

Waa in soomaaliduna ay yeelataa maamul iyo hogaan leh khibrad diimeed, mid siyaasadeed, mid caafimaad iyo mid dhaqaaleba. Kuwaas oo jaangoyn kara hab- nololeedka bulshada soomaaliyeed, iyaga oo isu dheelitiraya dhaqaalaha, diinta,iyo siyaasdda. Waa in aanay meesha ka maqneyn khuburo ku takhasustay saykoolajiga(cilmi-nafisa) oo soo baara raadka ay deegaan-xumadu ku yeelan karto qofka , iyo sida ay nafsiyadda caruurta raad ugu samayn karto, marka ay deganyihiin hoy iyo guri ka liita kan caruuraha dhigooda ah.

Waxaan hubaa in dhibaatadu aysan ku ekayn oo keli ah guri iyo meel la dego,  balse ay tahay mid qotadheer oo saamayn ku yeelan doonta mustaqbalka jiilka dambe iyo hab nololeedkooda. Sidaa darteed waa in qof kasta uu masuuliyada iyo xilkasnimo Soomaalinimo ku jirto, uu ka ciyaaro doorka kaga aadan arrintan oo runtii ah mid kahtarteeda leh, lana gaari karo xalkeeda haddii la helo qorshe iyo jaangooyo ku salaysay aqoon iyo garasho.

Dahabshiil xal wey keeni kartaa: 

Waxaan idin xusuusinayaa inaynu nahay ummad ay ku badanyihiin aqoonyahanno bartay dhaqaalaha, kana soo qalin jebiyey jaamacadaha waddamo ay Malaysiya kamid tahay. Kuwaas oo ay qaarkood ka soo qaateen shahaado heerka sare ee PHD-ga. Waxaan kale oo leenahay culimo aqoon dhab ah u leh fiqiga ama fahamka dhaqaalaha islaamiga ah, waxaanna idin xusuusinayaa oo kale inay jiraan ganacsato Soomaaliyeed oo maal gelin badan ka sameeyey waddamo aan Soomaaliya ahayn oo uu dhaqaalohoodu ku salaysan yahay hab islaami ah.

Waxaan kalsooni buuxda kuqabaa in shirkadda Dahabshiil, haddii ay usoo jeedsato inay baahida guryaha ee soomalida qurbah, ay dabooli karto iyada oo adeegsanaysa 3 arrimood oo muhiim ah oo arinta sahli karo.  Waxeyna sadexdaas arimood kala yihiin :

1.Dhaqaalaheeda baaxadda weyn oo u saamaxayao inay deyn islaami ah ka qaadato bangiyada islaamiga ah

2. Khuburada dhaqaalaha ee soomaalida ah iyo muslimiinta kaleba

3. Culimada aqoonta u leh fiqiga dhaqaalaha oo Soomaali iyo muslimiinta kaleba le.

Haddii aad haysaan intaa wax ka duwan fikirkiinna waan soo dhoweynayaa, waxaanan codsnayaa inaad qoraalkaygan sii fidisaan si uu u gaaro  bada badan oo laga yaabo inay yihiin kuwa isbedelka samayn kara. Waxaan idin xasuusinayaa inaanan ahayn, aqoonayahan dhaqaale iyo mid diimeed toona. Waxaanse cabiray aragtideyda iyo sida ay iila muuqato, in xal lagaga gaari karo dhibaatadan inaga haysata guryaha. Sida guryo la,aanta, guryaha ciriiriga ah, qaaliga ah iyo qoysaska ballaaran oo aan naftigaygu ka mid ahay oo u baahan in loo helo isbedel ku salaysan aqoon iyo jaangooyo.

W.Q=Mohamed Bashiir Hønefoss


Hadii aad rabto inaad noo gudbiso maqaal aad ku cabireyso fikirkaaga ku aadan xal u helista arintan dhibaatada bulshadeena ka heysata guryaha, waxaad noogu soo diri kartaa: NorSomnews@gmail.com

[adsenseyu2]

Ap, SV iyo Sp oo raba iney UDI-da ka qaadaan awooda sharci kala noqoshada dhalashada

0

Xisbiyada Ap, SV iyo Sp ayaa sheegay iney isku raaceen soo jeedinta qorshe ah, in laanta socdaalka ee UDI-da laga qaado awooda ay kaligood dadka kala noqon karaan sharciga dhalashada wadanka. Waxeyna sheegeen iney rabaan in maxkamad ay gaarto go´aanka kama dambeysta ah ee qofka sharciga dhalashada loogala noqonayo. 

Laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga ee UDI-da, ayaa hada awood u leh iney sharciga dhalashada-wadanka qofka kala noqoto, hadii ay helaan warar sheegaya inuu qofkaas bixiyay macluumaad khalad ah, markii uu dhalashada wadanka codsanayay ama uu qariyay macluumaad kale.

[adsenseyu2]

Wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka dowlada Norway ee Sylvi Listhaug, ayaa sheegtay in UDI-du ay hada kujirtaa dib u qiimeynta sharciyada dhalashada wadanka ee dad gaarayo 500, kuwaas oo ay sheegtay in looga shakisanyahay iney bixiyeen macluumaad aan sax aheyn. Sidoo kale waxaa afartii sano ee ugu danbeysay sharciga dhalashada ay UDI-du kala noqotay dad gaaraypo 135 qof, iyada oo qaar kamid ah dadkaas ay heleen sharciyo noocyo kale ah oo ay wadanka kusii joogi karaan.  

Xildhibaano katirsan baarlamaanka Norway oo kamid ah sadexdaas xisbi ee kor ku xusan ayaa sheegay, iney rabaan in prosseska sharci kala-noqoshada dhalashada ay kusoo daraan maxkamad. Waxeyna cadeeyeen in hadii qofku uusan raali ku aheyn go´aanka ay UDI-da iyo UNE gaareen, la siiyo xaq ah inuu arintiisa lasii aadi karo maxkamad, si halkaas go´aan kama dambeys ah loogu gaaro.  

Cadeymo maxkamada horteeda: 

Dad badan oo kamid ah dadka sharciga dhalashada lagala noqday, waxey markoodii hore ahaayeen dad qoxooti ah oo kaoso qaxey wadamo iyo deegaamo aysan dowlada Norway ku kalsooneyn documentiyada kasoo baxo. 

Mahad Abiib oo ah muwaadin soomaali ah, kaas oo UDI-du ay bishii April ee sanadkan ay kala noqotay sharciga dhalashada wadanka, ayaa sheegay inuu soo bandhigay tobonaan cadeymood oo ka yimid dowlada dhexe ee Soomaaliya. Kuwaas oo qeexaya  inuu Mahad yahay muwaadin soomaali ah. Balse wuxuu sheegay inaan cadeymahaas laga hoos qaadin, maadaama aysan dowlada Norway ku kalsooneyn documentiyda cadeynta ah ee kasoo baxa dowlada ay kamid tahay Soomaaliya. 

Xisbiyadan Sv, Sp iyo Ap ayaa sheegay iney maxkamadu ay UDI-da waxbadan kaga fiicantahay, marka laga hadlayo qiimeynta cadeymaha khuseeyo kiisaska sharci kala noqoshada qofka. Waxeyna sheegeen in markii maxkamada kiiska la geeyo ay labada dhinac soo bandhigaan karaan cadeymahooda. Iyaga oo raaciyay in qofku uu jaanis u helayo inuu kiiskiisa iyo waliba cadeymihiisa kusoo bandhigto maxkamada horteeda, inta uusan qaadiga maxkamadu gaarin go´aanka kama dambeysta ah.  

Sadexdan xisbi ayaa sidoo kale sheegay, in arinta ku saabsan kala noqoshada ay UDI-da kaligeed dadka kala noqon karto sharciyada dhalashad, ay abuuri karto shaki wel-wel iyo cabsi. Shakigaas oo  burburin kara degenaanshaha qofka ee wadanka iyo ku xirnaantiisa mujtamaca Norwiijiga. Waxeyna sheegeen iney haboontahay in maxkamad ay gaarto go´aanka kama dambeysta ah, si loo adgeeyo loona wanaajiyo nidaamka kala noqoshada sharciga ee qofka.

Heikki Holmås oo horey u ahaan jiray wasiirka horumarinta dowlada Norway, ayaa isaga oo bishii Mai ee sanadkan ka hadlayo, sharci kala noqoshada ay UDI-da sharciga kala noqotay Mahad Abiib sheegay iney fiicnaan laheyd in hadiiba ay noqoto in qofka lagala noqdo sharciga dhalashada, ay fiicnaan laheyd in la geeyo maxkamad, halkaas go´aan kama dambeys ah lagu gaaro. 

Hålmos ayaa kamid ah xildhibaanada katirsan sadexdaas xisbi ee fikirka soo jeediyay. 

 

Xigasho/kilde: Nettavisen, Vårtland, NTB

[adsenseyu2]

Rasmi: Per Willy Amundsen oo galabta loo magacaabay wasiirka dastuurta iyo amniga Norway

0

Reysulwasaaraha wadankan Norway Erna Solberg, ayaa galabta saxaafada usoo bandhigtey sadex wasiir oo kusoo biiray golaha wasiirada ee dowlada ay hogaamiso. Waxaana sadexda wasiir ee cusub ay kala yihiin Per willy Amundsen( FRP, wasiirka Dastuurka iyo amniga), Frank Bakke-Jensen(Høyre, wasiirka EØS iyo EU), Terje Søviknes (Frp, wasiirka shidaalka iyo tamarta).

 Per Willy Amundsen oo ka tirsan xisbiga FRP, horeyna caan ugu ahaan jiray inuu aad uga soo horjeedo soo galootiga iyo dadka magangalyo-doonka ah, ayaa hada si rasmi ah ula wareegay shaqada wasaarada amniga iyo dastuurka dalkan Norway. Waxaana wasaaradaas hoos tago oo ay maamushaa hey´ado waaweyn oo saameyn baraalan ku leh dadka soo galootiga ah, sida UDI, UNE, Landinfo. 

[adsenseyu2]

Sidoo kale waxaa wadashaqeyn dhow ay ka dhaxeysaa wasaarada arimaha soo galootiga isdhexgalka bulshada oo ay wasiirad ka tahay Sylvi Listhaug iyo wasaarada amniga iyo dastuurka. Taas oo ka dhigan in labada wasaaradood ee saameynta ugu balaaran ku leh arimaha soo galootiga iyo magangalyo doonka Norway, ay maamuli doonaan labo wasiir oo kamid ah kuwa ugu mayalka adag xisbiga FRP. 

Saxaafada Norway ayaa maalmihii ugu danbeeyay aad u hadalheysay, magacaabista Per Willy Amundsen loo magacaabayo wasaarada dastuurka dalkan Norway. Waxeyna soo qaateen ereyo uu ninkan horey ugu qorey baraha bulshada oo muujineyso inuu aad uga soo horjeedo dadka soo galootiga ah ee Norway ay magangaylada siineyso. Wuxuuna marar badan sheegay inuu rabo iney Norway ka baxdo heshiiska fududeynta isdhexmarka dalalka loo yaqaano Schengen. Waxaana sidoo kale laga hayaa hadal ah inuu yiri: Hadii ay sidaan wax ku socdaan, waxey dadka norwiijiga dhaladka ah, minority ku noqon doonaan caasimada Oslo. 

Per willy Amundsen oo markii la magacaabay kadib saxaafada la hadley, ayaa sheegay inuu wasiir u noqon doono dadka Norway ku dhaqan oo dhan. Isaga sheegay inuu rajeynayo dadku ku xukmin doonaan, howsha uu qabto marka uu xilka la wareego kadib, oo aan lagu qaban hadalo uu dhahay sanado kahor. Per Amundsen ayaa sidoo kale qirtay in waagii uu mucaaradka ahaa uu baraha bulshada kusoo qorey hadalo qalafsan oo caro dhalin karey, sidaas darteedna ay jiri karaan dad isaga sawir qaldan ka aaminsan. 

VG ayaa wasiirkan cusub wax ka weydiisay hadaladii uu horey ugu qori jiray baraha bulshada, laakiin wuu diidey inuu ka jawaabo ama comment ka bixiyo. 

Venstre iyo KRF oo kala aragti noqday:

Trine Skei Grande oo ah gudoomiyaha xisbiga Venstre oo ah mid kamid ah labada xisbi ee dowlada bahwadaagta kula ah Høyre iyo FRP, ayaa sheegtay in talaabada magacaabista Erna Solberg ay wasiirka ugu magacowday Per Willy Amundsen, ay sii fogeyneyso xiriirka sii xumaanaya ee u dhaxeeyo xisbiyada dhanka midigta. Iyada oo sheegtay in dowlada Erna Solberg ay usii jiidmeyso dhinaca midigta, taas ay caqabad ku noqon doonto wada shaqeyntooda. 

Gudoomiyaha xisbiga KRF knut Arild ayaa isagu dhankiisa sheegay iney mudantahay in jaanis iyo fursad la siiyo wasiiradan cusub oo aan laga hordhicin. Kadibna lagu xukmiyo shaqada ay qabtaan. 

Xigasho/kilde: NRK, VG, Aftenposten

[adsenseyu2]

Shaqooyinka codso: 7-daan shaqo ee banaan, waxaa mudnaan gaar ah iska leh qof soomaali ah

0

Waxaan goobaha internetka ee lagu soo bandhigo shaqooyinka banaan, kasoo helnay todobo shaqo oo banaan, kuwaas oo qof soomaali ah uu leeyahay mudnaan gaar ah. Qaar kamid ah shaqooyinka waxuu xiligooda codsiga(frist) ku egyahay maalinta barito ah(21.12.2016), sidaas darteed hadii aad daneyneyso ama aad ogtahay cid kale oo ay anfici karaan, linkiga shaqada maana u dir.

Si aad u tagto linkiga shaqooyinkan banaan, waxaad ku dhufutaa(click siisaa) qoraalada hoose: 

  1. Stilling: Stipendiat tilknyttet forsknigsgruppen Maternell, reproduktiv og barns Helse. Sted: Høgskolen i Oslo og Akershus Krav: Mastergrad (120 stp/ECTS) eller tilsvarende formell utdanning innen helsefag er et krav, fortrinnsvis med jordmorfaglig bakgrunn.. Frist: 21-12-2016(i morgen!).

  2. Stilling:Postdoktor tilknyttet forskningsgruppen Maternell, reproduktiv og barns helse. Sted: Høgskolen i Oslo og Akershus. Krav: Phd med relevans for forskningsområde i dette prosjektet. Om doktorgraden ikke er ferdig må avhandlingen være sendt inn før søknadsfristen….. Frist: 21-12-2016(I morgen!). 

  3. Stilling:Tospråklige lærer. Sted:Skogmo skole- Ullensaker kommune. Utdanningsnivå: Høyskole / Universitet. Frist: 21-12-2016(i Morgen!)

  4. Stilling:Morsmålslærer/tospråklig lærer Sted: Johannes læringssenter, Stavanger kommune. Kvalifikasjon: Lærer med samme morsmål som eleven med bachelorgrad (3 år) der minst 1,5 år av graden omhandler elevens hjemlands språk og kultur samt pedagogisk utdanning. Frist: 09.01.2017

  5. Stilling: Programrådgiver / Inkluderingskonsulent. Sted: Vågan innvandrer- og opplæringssenter(Vågan kommune, lofoten). Krav: Relevant universitets-/høyskoleutdanning, Erfaring fra saksbehandling er en fordel. Frist:15.01.2017

  6. Stilling: Tolk/turjumaan Sted: Semantix, Stavanger. Frist(sist publiseringsdato):01.03.2017

  7. Stilling: Beboerkontakt/barnefaglig Sted: Gibostad statlige EMA mottak. Kvalifikasjon: Minimum fagbrev barne-/ungdomsarbeider, helsefagarbeider. Erfaring fra helsefaglig eller barnefaglig arbeid…. Frist: 01.01.2017

    [adsenseyu2]

Akersposten: Viser at minoritetsdamer/(somaliske damer)duger

0

Huseby: Under det siste møtet i bydelsutvalget i Bydel Vestre Aker ble Frivillighetsprisen 2016 delt ut. Sjelden har det vært så mange mennesker til stede på et møte i bydelsutvalget, hvor også Kulturprisen ble delt ut. Akersposten vil komme tilbake til Kulturprisen.

En klippe

I innstillingen til Frivillighetsprisen ble Amina Yusuf berømmet for sitt arbeid som foregangskvinne og en klippe i det forebyggende arbeidet blant barn og unge på Hovseter. Hun blir betegnet som en viktig samarbeidspartner for Vestre Aker familiesenter, som bygger bro mellom det offentlige og andre kvinner/barn som trenger hjelp. Hun er et forbilde som rådgiver, tolk, støtte og reservemor

Tiltak hun har satt i gang sammen med andre frivillige mødre er blant annet: Mødreravning på Hovseter og i bydelen, mødregruppe, organisert aktiviteter for barn og unge med dårlig økonomi, tar barn med på idrettsarrangementer, og hun er en viktig drivkraft i å arrangere Hovseterdagen.

Uselvisk

Videre har hun vært engasjert i politikk og mobilisert kvinner i området til å delta i debattfora og møter med både lokalpolitikere og politikere sentralt. Amina er en hverdagshelt som aldri klager eller ber om oppmerksomhet. Hennes ønske om å hjelpe er uselvisk. Hun viser vei; hvor langt man kan gå med hjelp av egeninnsats for å integreres i Norge, heter det i innstillingen til Frivillighetsprisen.

Amina-Adar Yusuf: 

Jeg tror at det ville vise befolkningen i storsamfunnet at vi minoritetsdamer duger også til noe, samtidig som frivillighetspris til en minoritetsdame vil inspirere andre damer til å være aktive og bidra til mer i lokalsamfunnet. Det vil gi håp også til den unge generasjon med røtter i andre kulturer og land, at det nytter å engasjere seg i frivillighetsarbeid.

Les hele artikkelen her: Akersposten.no 

[adsenseyu2]

 

Switzerland: Sadex qof oo lagu dhaawacay weerar lagu qaadey masaajid ay soomaalidu ku tukudaan Zurich

0

Sida ay qoreyso wakaalada wararka wadankan Norway(NTB), oo soo xiganeyso wakaalada wararka ATS, waxaa shaley galabtii weerar lagu qaaday masaajid kuyaalo magaalada Zurich ee dalka Switzserland. Weerarkaas oo ay ku dhaawacmeen ilaa sadex qof, iyada oo labo kamid ah dhaawacyadaas ay yihiin kuwo cul-culus. 

Nin hubeysan ayaa shaley galabtii, abaare 17:30 masaajidka oo salaad loo fadhiyo lasoo galey hub, wuxuuna furay tacshiirad sababtay dhaawaca sadex nin oo masaajidka ku sugnaa xiligaas. Waxaa xiligaas masaajidka ku sugnaa ilaa 10 qof sida ay sheegeen boolisku. Sadexda nin ee ku dhaawacmey weerarkan, ayaa da´ahaan kala jiro 30, 35  iyo 36  sano. 

Lama sheegin wadamada ay kasoo jeedaan dadka ku dhaawacmey weerarkaas, laakiin waxey NTB qoreysaa in masaajidkaas la weeraray ay badanaa ku tukadadaan soo galooti ka yimid Soomaaliya iyo Ereteriya. 

Ninka weerarka geystay ayaan wali gacanta lagu soo dhigin, waxaana da´ ahaan lagu qiyaasay 30 sano. Booliska oo shir jaraa´id qabtey shaley fiidkii, ayaa sheegay iney wali ku raadjoogaan ninkii falkaas ka danbeeyay. 

Qof meyd ah oo kale. 

Isla shaley galab waxaa goob aan waxbadan ka dheereyn masaajidka la weeraray, laga helay meydka qof dhintay. Afhayeenka Booliska magaaladaas, ayaa sheegay in wali aysan cadeyn in labadaas dhacdo uu xiriir ka dhaxeeyo iyo inkale. 

Xigasho/kilde: ABC/NTB

[adsenseyu2]

Erna Solberg oo lafilayo iney isku shaandheyn ku sameyso golaheeda wasiirada

0

Sida ay qorayaan inta badan wargeysyada waaweyn ee wadankan, waxaa dhawaan la filayaa in reysulwasaare Erna Solberg ay isku shaandheyn ku sameyn doonto golaheeda wasiirada. Wakaalada wararka ee NTB ayaa qoreyso in ugu yaraan labo wasiir oo uu kamid yahay, wasiirka dastuurta iyo amniga isbadal lagu sameyn doono.

Anders Anundsen oo sadexdii sano ee ugu danbeysay ahaa wasiirka dastuurta iyo amniga ayey NTB qoreysaa in lagu badali doono Willy Amundsen. Sidoo kale wasiirka Tamarta iyo shidaalka ayey u badantahay inuu boorsado ka xir-xirto xafiiska wasaarada. 

Willy Amundsen iyo Sylvi Listhaug:

Willy Amundsen(sawirka) oo ah ninka ay NTB qoreyso inuu noqon doono wasiirka dastuurka iyo cadaalada, ayaa caan ku ah ajnabi iyo soo galooti naceyb. Waxaa ilaa xaley baraha bulshada ee facebooga iyo Twitterka, laga hadalhayay hadalo ay ku dheehantahay ajnabi naceyb oo ninkaas horey uu ugu qorey baraha bulshada. Willy oo ka tirsan xisbiga FRP, saaxiib dhowna la ah wasiirka xilka baneynayo, ayaa hada xoghaye ka ah wasaarada deegaanka. 

Wasaarada dastuurka iyo amniga ayaa ah wasaarad balaaran oo aad u muhiim ah. Waxeyna si gaar ah muhiim ugu tahay oo ay saameyn baaxad weyn ku leedahay, qoxootiga iyo dadka soo galootiga ah. Maadaama ay wasaaradu xukunto hey´ado dhowr ah oo maamulo arimaha soo galootiga sida UDI, UNE, LANDINFO oo dhamaantood hoos tagi doonaan ninkaas ku caanka ah ajnabi naceyb, hadii uu wasiir noqdo.

Sidoo kale waxey wasaaradan aad isugu dhowyihiin oo ay wada shaqeeyaan, wasaarada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada oo ay wasiirad ka tahay Sylvi Listhaug. Wargeyska VG ayaa sheegay in hadii labadaas wasiir ee FRP ka tirsan ay noqdaan wasiir wadashaqeyn dhow ay ka dhexeyso, ay xaaladu noqon doonto waraabe iyo weer ari raacso

Gudoomiyaha xisbiga SV Audin Lysbakken ayaa marhoreba ka hor dhacay u doorashada ninka ay Erna rabto iney ka dhigato wasiirka. Wuxuuna ku eedeeyay xisbiyada KRF iyo Venstre, in hadii uu ninkan wasiir noqdo ayna ka aamusaan, ay la micno tahay iney raali ka noqdeen inuu nin midigta fog ah oo caadifeysan oo wasiir ka noqdo wadanka. 

Xigasho/Kilde: NRK, VG

[adsenseyu2]

TV2: Dilka Yacquub Abdullahi waxa uu ahaa mid qorsheysan

0

15-jirkii norwiijiga ahaa ee qirtay inuu ka danbeeyay dilka A.H.N Yacquub Abdullahi Hassan iyo Tone Ilebekk, ayaa sheegay inuu dilka yacquub ahaa mid uu horey u qorsheystay, sida aan kasoo xiganeyno TV2.  Wuxuuna sheegay inuu mudo kahor sii meeleystay goob uu dilka ku fuliyo. 

A.H.N Yacquub iyo 15-jirka qirtey danbiga dilka ah, ayaa waxaa ka dhaxeysan aqoon hore, iyaga oo u wada ciyaari jiray hal koox oo kubada cagta ah. Sidoo kale warbaahinta qaar ayaa qoreyso in labadooda ay deyn isku lahaayeen.

15-jirka ayaa dhanka kale sheegay inuu Tone ilebekk u dilay, sababtoo waxey isku day iney faraha lasoo gasho. Tone oo aheyd hooyo ka tagtey labo caruur ah, ayaa markaas banaanka usoo baxdey si ay hawo usiiso eygeeda, iyada oo waxyar kahor uun ka timid barnahage ay ka shaqeyn jirtey. Waxaana Tone iyo Yacquub lagu dilay goob aan wax badan ka dheereyn shaqadeeda. 

Qareenka difaacayo 15-jirka norwiijiga ah ayaa ka gaabsadey inuu faah-faahin ka bixiyo arintaas ku saabsan inuu horey usii dajistay qorshaha dilka Yacquub. Sidoo kale booliska ayaa diiday iney arintaas ka hadlaan, iyaga oo sheegay iney wali socdaan baaritaanada iyo wareysiyada la xiriiro arintan. 

Xigasho/kilde: TV2.NO 

[adsenseyu2]

 

Sweden: Xildhibaanad horey aflagaado ugu geysatay soomaalida oo shaqsiga sanadka loo aqoonsaday

0

Fokus oo ah jariirad kasoo baxdo wadanka Sweden, ayaa cadadkoodii soo baxay maalintii khamiista, waxa ay kusoo daabaceen qoraal ay ku sheegayaan in haweeneyda caanka ku ah naceybka soomaalida ee Amineh Kakabaveh, ay u aqoonsado shaqsiga sanadkaan 2016-ka.

Amineh ayaa ah xildhibaanad ka tirsan baarlamanka iyo xisbiga garabka bidix ee Vänster partiet-ka. Majalada oo tilmaameeysa asbaabaha ay Amineh ugu aqoonsadeen shaqsiga sanadka ayaa tilmaamay halgankeedii ka hortaga xagjirka, la dagaalanka qabyaalada iyo dil- sharafeedka dumarka lugula kaco.

Haweeneydan oo ah haweeney si weyn u adeegsata barteeda bulshada ee facebook-ga kuna ceeytanta, ayaa sanadkan horaantiisi waxaa ay barteeda facebook soo dhigtay muuqaal fiidyow ah oo ay kooxo cunsuriyiin ah soomaalida ku aflagaadeeynayeen. Waxeyna si weyn uga qeybqaadatay sii faafinta muuqaalkaas, iyada oo ay la socdaan qoraalo si toos ah iyo si dadbanba loogu caayo qowmiyada iyo dadnimada soomaalida. Waxeyna iyada oo muuqaalka xiganeyso sheegtay in wixii soomaalida lagu sheegayay ay run yihiin, sida garaaca iyo kufsiga dumarka, tuuganimo iyo iney Sweden u yimaadeen iney wadanka dhacaan.

Soomaalida Iswidhan ayaa arintan caro weyn ka muujisay, dacwad iyo mudaaharaadna kala hortagay, laakiin majirin cid ka hoos qaadey caradooda. Mana jirto hey’ad dowladeed oo wax ka qabata bahdilka haweeneydani soomaalida Iswiidhan kula kacday, balse waxaaba loogu daren abaalmarin.

Haweeneydan ayaa asalkeeda kasoo jeedo dalka Iiraan, waxeyna Sweden soo gashay iyada oo qof weyn ah. Waxeyna isku dhiibtey in Iiraan looga xukumey dil toogasho ah. 

[adsenseyu2]

Afar Caruur ah oo aan dhaley ayaa la iga qaatey, anigana soomaaliya ayey qasab iigu celiyaan

0

Garaase Abdullahi Mohamed, waa aabe soomaaliyeed oo wadankaan degan. Sida uu sheegay waxaa sanadkii 2010 hey´ada xanaanada caruurta Norway ay ka qaadatay afar caruur ah oo uu dhalay, isagan lagu xukumay labo sano ah oo xabsi ah. Wuxuuna sheegay in loo soo direy warqad loogu sheegayo inuu wadanka laga saarayo oo Soomaaliya loo tarxiilayo 21.12.2016, caruurtiisana laga reebi doono.

Halkan ka daawo arintan murugada badan xanbaarsan ee uu la kulmey aabahan soomaaliga iyo codsiga uu dirsanayo dowlada Soomaaliya.:

 

 

Haduu Garleeyahay iyo Hadii laga gar daran yahayba
Aan u hiilino walalkeen GARAASE IYO Caruurtiisa markan

Posted by Wariye Hassan Raasto on 17. desember 2016

Surnadal:Gabar soomaali ah oo warshad ka hirgalisay halkaas

0

Driva oo ah Wargeys lokalka ah oo kasoo baxa deegaanka Surnadal ee kommunaha Nordmøre i Møre og Romsdal, ayaa warbixin ka qoray Nasro Axmed Xaaji oo ah gabar soomaali ah halkaas ka furatay warshad soo saari doonto sanbuuska iyo bas-baaska.

Waxeyna Nasro sheegtay iney diyaar u tahay iney bilowdo sameynta iyo iibgeynta sambuuska iyo basbaaska, ayna hada raadineyso goob jiko wax-soosaar sharciyeysan ah oo ay ku howl-gasho. 

 

Wargeyskaas lokalka ah ayaa sidoo kale qorayo in Nasro ay qaab tijaabo ahaan ay dadka u bartey sambuuska iyo bas-baaska ay sameyso, dalabyada ka imaanayo dadka deegaankana, ay mar horeba bilaabeen iney iska soo daba dhacaan. 

Nasro ayaa ka qeybgashey koorsooyin dadka lagu baro sida ay wax u hal-abuuri lahaayeen, waxeyna sheegtay iney halkaas ka heshay dhiirinaan iyo kalsooni ay ku kalsoontahay hal-abuurnimadeeda gacanta. Waxaana koorsooyinkaas bixiyay kommunaha iyo IMDI oo iskaashanayo, iyaga oo Nasro iyo warshadeeda cusub usoo qaatey tusaalaha natiijada ugu fiican ee ka dhashay koorsooyinkaas. 

Sambuuska ayaa ah cuntooyinka soomaalida oo ay aadka u jecelyihiin dadka ajaaniibta, mar walbana aad looga raadiyo goobaha ay isugu yimaadaan dadka wata dhaqamada kala duwan. Sambuuska soomaali kaliya ma sameyso oo wadamo kaleba waa laga yaqaanaa, laakiin sambuus soomaaliga, ayaa ah kan mar walba a ay norwiijigu jecelyihiin. 

Xigasho/kilde: Driva-papiravis(16-12-2016, side 6). 

[adsenseyu2]

Mudaaharaad saacad kadib ka dhici doono magaalada Stavanger

0

Sida ay noo tabiyeen dad soomaaliyeed oo degan magaalada Stavanger, waxaa lagu balansanyahay in galabta uu mudahaaraad looga soo horjeedo dib u qiimeynta sharciyada magangalyadaqoxootiga soomaaliyeed, uu ka dhici doonaa magaalada Stavanger. Waxaana ogeysiiska mudaaharaadka ku qoran in ururka SOS NYE Rasisme ay yihiin kuwa soo qaban-qaabiyey mudaaharaadkaas.  

Galabta saacada 17:00 ayaana ku qoran ogaysiiska mudaaharaadka in uu ka bilaaban doono. Halkan ka akhri ogaysiiska mudaaharaadka. Hadaad reer Stavanger tahay, yaan lagaaga hormarin mudaaharaadkaas. Meel walba oo danta soomaali lagu hayo, aan ugu horeyno.  

Halkan ka akhriso ogaysiiska mudaaharaadka ee facebooka. 

[adsenseyu2]

Bilad-sharafta Frivilligprisen-2016, waxaa sanadkan la gudoonsiiyey Amino-Cadar

0

Bilada Frivilligprisen oo ah bilad-sharaf sanadle ah, oo ay bixiso xaafada Vestre Aker ee magaalada Oslo, ayaa waxaa sanadkan la gudoonsiiyay hooyo soomaali oo kamid ah dad degan xaafadaas. Waxeyna noqotay markii ugu horeysay ee qof soomaali(inta aan ognahay) la gudoonsiiyo bilad sharaftaas sanadlaha aha oo ay bixiso Vestre-Aker, Oslo. 

Sida ku xusan webka rasmiga ah ee Vestre Aker, Waxaan biladaas sanad walba la gudoonsiiyaa qof, urur ama hey´ad loo aqoonsado iney shaqo weyn oo mutadawacnimo(iskaa wax u qabo ah) ka qabteen xaafada. Sanadkana waxey gudiga iyo maamulkaa xaafadaas biladan gudoonsiiyeen Amino-Cadar oo kamid dadka degan xaafada, shaqo weyn oo iska wax u qabo ahna kaqabtay xaafadaas dhacda galbeedka magaalada Oslo.

Waxaa aad usoo badanayo dadka soomaaliyeed ee shaqo ama howlo ay qabteen darteed loo gudoonsiinayo bilado iyo abaal-marino, waxeyna taas si weyn uga qeybqaadan kartaa wax kabadalka sawirka qaabka daran ee warbaahinta wadanku ay ka abuurtay soomaalida, iyada oo sidoo kalena dhiirigalin u noqon doonto da´yarta soomaaliyeed ee wadanka ku koreyso.

Bilowgii bishan Desember ayaa waxaa bilada shaqsiga shaqaalaha sanadka ee dukaanka weyn ee Ikea-Oslo, la gudoonsiiyay hooyo soomaali ah oo lagu magacaabo Shugri Waasuge. Halkan ka akhri warbixinta iyo wareysiga Shugri  [adsenseyu2]

15-jirkii dilka geystay oo xaqiijiyay in Tone Ilebekk ay isku day iney kala qabato isaga iyo Yacquub

0

15-jirka norwiijiga ee qirtey una xiran danbiga dilka A.H.N Yacquub Abdullahi Hassan iyo Tone Ilebekk ayaa ugu danbeyn xaqiijiyey in Tone ay dhimatay iyada oo rabta iney kala qabato Yacquub iyo isaga oo dagaalamayay. 15-jirkan oo shaley wareysi siiyay booliska ayaa cadeeyay warar ay warbaahintu qoreysay isbuucan oo dhan, kaas oo ahaa in Tone ay dhimatay iyada oo rabta iney kala qabato labadooda oo uu dagaal gacan kahadal ah uu dhex-marayay. 

Tone Ilebekk oo aheyd hooyo dhashey labo caruur ah, ayaa banaanka usoo baxdey si ay hawo usiiso eygeeda, iyada oo markaas kadib shaqada barnehage ay macalimad ka tahay. Waxeyna si kadis ah ugu soo baxdey Yacquub iyo 15-jirkan gacan ku dhiiglaha oo dagaalamaya, markey isku deyday iney kala qabatana uu iyadii mindi dhowr jeer galiyay. Waxaa sidaa qorayao VG oo kasoo xiganayo wareysiga booliska ay la yeesheen 15-jirkan.

Booliska ayaa dhanka kale ka gaabsaday iney faah-faahin ka bixiyaan waxyaabaha uu 15-jirkan uga hadley wareysigii ay la yeesheen maanta iyo waliba sababta ku kaliftey inuu geysto falkan dilka ah ee uu labada marxuum ku dilay. 

Xigasho/kilde: VG-PAPIR-AVIS(16-12-2016, SIDE 27). 

[adsenseyu2]

 

Booliska: Weerarkii Moelv waxaan u aqoonsanay inuu ahaa isku dayday dil

0

Booliska Moelv oo katirsan kommunaha ringsaker ee gobalka Hedmark, ayaa sheegay in dhacdadiii uu ninka soomaaliga ah uu gabadha soomaalida ah weerarka ugu geystay ay baaritaan iyo wareysio kadib u aqoonsadeen iney aheyd fal isku day dil ah.

Waxeyna sheegeen in weerarkaas loo adeegsaday mindi, dhaawacyo culusna ay soo gaareen gabadha la weeraray. waxeyna raaciyeen iney gacanta kusoo dhigeen mindidii weerarka loo adeegsaday. balse faah-faahin dheeri kama bixin qaabka ay wax u dhaceen, iyaga oo sheegay iney wali wadaan baaritaano iyo wareysiyo. 

Sidoo kale Waxeyna raaciyeen in dacwada loo heysto ninka soomaaliga ee xiran xabsiga, ay hada balaariyeen oo ay ka dhigeen kiis dacwad isku dey dil ah. 

Gabadha uu dhibku soo gaarey ayey boolisku sheegeen iney wali kujirto isbitaalka, xaaladeedana ay ka fiicantahay sidii hore, balse wali la xanuunsaneyno nabaradii kasoo gaarey weerarkan. 

Booliska ayaa horey u sheegay in xiriir iyo aqoon hore ay ka dhaxeeyaan labadan qof ee soomaalida ah ee dhibka is gaarsiiyey, wax faah-faahin ahse kama bixin nooca xiriir ee ka dhaxeeyay.

Xigasho/kilde: GD.no , Ringsaker blad. 

[adsenseyu2]

 

Booliska Hardanger: Ma aanan helin cadeyn sheegaysa in Amal Aden loo hanjabay.

0

Amal Aden ayaa bishii desember ee sanadkii 2014 u sheegtay tvga qaranka NRK, in iyada oo joogto deegaanka Kvam ay hanjabaad ka heshay qaar kamid jaaliyada muslimiinta ah ee degan deegaankaas. Laakiin baaritaan iyo dabagal ay sameeyaan booliska deegaankaas, ayey sheegeen ineysan helin wax cadeyn ah oo muujin kara in Amal Aden loo hanjabay, Amalna aysan soo dacweyn ama sheegin magacyada dadkii usoo diray hanjabaadaha ay heshay. 

Amal Aden ayaa xiligaas NRK u sheegtay in hotelka ay degeneyd lagu soo raadsadey, ayna ku qasbanaatay iney hotelka badalato. Waxeyna sheegtay iney heshay hanjabaado tiro badan oo ka socdo dad ka xanaaqsan iney Amal Aden tahay Lesbian, aana jecleyn qaabka ay u egtahay. 

Journalka Holdeland Foleblad oo soo xiganayo Amal Aden ayaa sidoo kale qoray in dadka Amal usoo hanjabay ay yihiin dad lokal ah oo deegaanka degan iyo waliba dad degan magaalada Bergen.

Booliska Kvam: Baaritaan ayaan sameynay, waxna ma aanan helin

Terje Sperrevik oo ah madaxa booliska deegaanka Kvam,  ayaa maanta NRK u sheegay in baaritaan iyo dabagalo dheeri ah oo ay ku sameeyeen dhacdadaas ay Amal ku sheegtay in loo hanjabay, aysan soo helin wax cadeyn oo ah sheegaya in Amal ay heshay fariimo hanjabaado ah.

Wuxuuna sheegay in baaritaano badan ay sameeyeen, ayna wareysi la yeesheen dad deegaanka degan oo loo maleyn karey iney ka danbeeyeen fariimahaas, laakiin ugu danbeyn ay kiiska soo xireen. Maadaama ay heli waayeen wax cadeyn ah oo xitaa muujin kara in Amal Aden ay fariin hanjabaad ah  heshay, marka laga reebo hadalka Amal.   

Madaxa booliska ayaa sidoo kale sheegay in Amal aysan booliska usoo gudbin kiiska dacwada fariimaha hanjabaadaha ah ama aysan sheegin magacyada dadkii usoo direy hanjabaadahaas.  wuxuuna qirey in hadii ay Amal kiiska dacwada soo gudbin laheyd booliska ay fududaan laheyd iney abuuraan kiis dacwadeed. 

Terje ayaa dhanka kale sheegay in boolisku aysan dhihi inaan Amal loo hanjabin, balse wuxuu sheegay iney kaliya xaqiijin karaan ineysan helin wax cadeyn ah oo arintaas muujinayo, Amalna ay dacwad soo gudbin, kiiska ay halkaas ku xireen.

Amal Aden: No comment!!

Amal Aden oo desember 2014 (2 sano kahor) si aan gabasho laheyn NRK ugu sheegtay iney heshay hanjabaado tiro badan, hotelka ay degneydna lagu soo raadsaday, ayaa maanta markii wax laga weydiiyay isla dhacdadii, sheegtay ineysan ka bixin karin wax kommentar ah. Iyada oo NRK ka codsadey iney la xiriiraan booliska Oslo.

Booliska Oslo ayaa dhankooda sheegay ineysan sida caadiga ah baaritaan ku sameynin kiisaska hanjabaadaha ah ee ka dhaca deegaamada ka baxsan aagooda shaqada. Waxeyna sheegeen ineysan arintaas wax commenti ah ka bixin karin sababo la xiriira amaanka. 

Først Vågan, Nå Kvam:

Ma ahan markii ugu horeysay ee Amal su´aal laga weydiiyo hanjabaado ay sheegtay iney ka heshay deegaamo yar-yar oo dadka ajaaniibta ah ee kunool ay yihiin faro ku tiris. Horey ayaa su´aalo badan looga keenay war ay Amal Aden ku sheegtay iney 40 hanjabaadood ka heshay dhalinyaro soomaali ah oo deegaanka Vågan oo kuyaalo woqooyiga wadankan Norway. Markii Amal laga codsadey iney soo dacweyso ama ay sheegto dadkii usoo direy hanjabaadahaasna ay Amal sheegtay ineysan waqti e heynin. 

Xigasho/kilde: NRK.no

[adsenseyu2]

konsgberg: nin soomaali ah oo dil geystay oo lagu xukumey 13-sano oo xarig ah

0

Nin soomaali ah oo bishii febraury ee sanadkan dil u geystay soomaali kale, ayaa maanta lagu xukumey 13 sano oo xarig ah. Qareenka u difaacayay ninkan la xukumey ee soomaaliga ah, ayaa sheegay iney qiimeyn ku sameyn doonaan iney racfaan ka qaataan xukunka maxkamada ee maanta dhacay. 

Maxkamadeynta ninkan soomaaliyeed oo da´diisa lagu qiyaasay sodomeeyo sano(30) ayaa bilaabatay khamiistii hore, waxeyna socotay labo maalin. Ninkan dilka geystay ayaa markii hore diidey intuu qirto inuu ka danbeeyay dilka, laakiin khamiistii hore ayuu maxkamada horteeda ugu danbeyn ka qirtey inuu isagu ka danbeeyay falka dilka ah.

Wuxuuna sheegay in marka uu falku dhacayay uu kujiray is difaac, isaga iyo ninka uu dilay oo saaxiibo ay ahaayeene, uu dhexmaray dagaal iyo gacan ka hadal mindi la isku adeegsaday, kahor inta uusan mindida rootiga dhowr jeer galin. Wuxuuna sheegay in markaas uu falka dhacayay aysan maskaxdiisu joogin oo uu cabsanaa, habeenkaasna ay magaalada kusoo caweeyeen. 

Maxkamada ayaa ku qanci weyday sharaxaada ninkan soomaaliga ah, waxeyna sheegtay inuu heystay dhowr doorasho oo kala duwan, oo ay kamid aheyd inuu isaga baxo qolka ay ku dagaalameen isaga iyo ninka uu dilay. Waxeyna sheegeen in afar kamid ah sadexda mindiyood ee uu ku dhuftay ninka uu dilay, ay ahaayeen kuwo uu la beegsaday xubno muhiim ah oo kamid ah jirka, iyaga oo raaciyay iney aheyd inuu fahmo in dhibanahu uu u dhiman karey dhaawacyadaas.

Maxkamada ayaa ninkan ugu danbeyn ku xukuntay 13 sano oo xarig ah, waxaana laga jarayaa 307 maalmood uu xabsiga ku xirnaa si kumeel gaar ah. waxey sidoo kale sheegeen in ciqaabta wax xoogaa laga dhimay maadaama uu danbiga ku qirtey maxkamada. 

Sidoo kale waxaa ninkan lagu xukumey inuu lacag gaareyso 30.000 nok oo magdhow ah uu siiyo, labo qof oo kale oo guriga ku sugnaa xiliga uu falka dhacay, sababo la xiriiro hanjabaad dil ah. 

Qareenka ninkan ayaa sheegay in xukunka nin la siiyay uu yahay mid adag, sidaas darteedna ay qiimeynayaan iney racfaan ka qaataan xukunka maxkamada. 

Labada nin ee soomaalida ee dilka isku geystay ayaa wadanka degenaa mudo ka badan 10 sano, waxeyna ahaayeen dad ay ka dhaxeysay aqoon hore. 

Xigasho/kilde: Laageldalsposten.no 1, laagendalsposten.no 2 

[adsenseyu2]

 

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.