fredag, april 19, 2024

Sweden: Xildhibaanad horey aflagaado ugu geysatay soomaalida oo shaqsiga sanadka loo aqoonsaday

Fokus oo ah jariirad kasoo baxdo wadanka Sweden, ayaa cadadkoodii soo baxay maalintii khamiista, waxa ay kusoo daabaceen qoraal ay ku sheegayaan in haweeneyda caanka ku ah naceybka soomaalida ee Amineh Kakabaveh, ay u aqoonsado shaqsiga sanadkaan 2016-ka.

Amineh ayaa ah xildhibaanad ka tirsan baarlamanka iyo xisbiga garabka bidix ee Vänster partiet-ka. Majalada oo tilmaameeysa asbaabaha ay Amineh ugu aqoonsadeen shaqsiga sanadka ayaa tilmaamay halgankeedii ka hortaga xagjirka, la dagaalanka qabyaalada iyo dil- sharafeedka dumarka lugula kaco.

Haweeneydan oo ah haweeney si weyn u adeegsata barteeda bulshada ee facebook-ga kuna ceeytanta, ayaa sanadkan horaantiisi waxaa ay barteeda facebook soo dhigtay muuqaal fiidyow ah oo ay kooxo cunsuriyiin ah soomaalida ku aflagaadeeynayeen. Waxeyna si weyn uga qeybqaadatay sii faafinta muuqaalkaas, iyada oo ay la socdaan qoraalo si toos ah iyo si dadbanba loogu caayo qowmiyada iyo dadnimada soomaalida. Waxeyna iyada oo muuqaalka xiganeyso sheegtay in wixii soomaalida lagu sheegayay ay run yihiin, sida garaaca iyo kufsiga dumarka, tuuganimo iyo iney Sweden u yimaadeen iney wadanka dhacaan.

Soomaalida Iswidhan ayaa arintan caro weyn ka muujisay, dacwad iyo mudaaharaadna kala hortagay, laakiin majirin cid ka hoos qaadey caradooda. Mana jirto hey’ad dowladeed oo wax ka qabata bahdilka haweeneydani soomaalida Iswiidhan kula kacday, balse waxaaba loogu daren abaalmarin.

Haweeneydan ayaa asalkeeda kasoo jeedo dalka Iiraan, waxeyna Sweden soo gashay iyada oo qof weyn ah. Waxeyna isku dhiibtey in Iiraan looga xukumey dil toogasho ah. 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x