Maxamed Bashiir Hønefoss: Sidee xal loogu heli karaa dhibaatada guryaha inaga heysata

0
196
Mohamed Bashiir Hønefoss.

Inta aadan akhrin maqaalka M.B Hønefoss, waxaad akhrisaa warbixintan ku saabsan dhibaatada guryaha ee soomaalida ee Klassekampen soo daabacay sabtidii hore. Dhibaatadan soomaalida Oslo, waxaa asal u ah dhibaatada guryaha. 


Aniga oo ka jawaabaya qaybta ugu dambeeysa ee maqaalka, ayaa waxaan marka hore caddaynayaa in ay dhibaatadani tahay mid jirta, raad weyna ku sameysa ama kuleh hab nololeedka bulshada soo galootiga ah, gaar ahaanna Soomaalida.

Sidee looga baxi karaa ?

Waxaa dhibaatadaas looga baxi karaa, iyada oo la helo xog iyo baaritaan ku saabsan habka dhabta ah ee Soomaalida qurbaha, gaar ahaana kuwa Norway ay u noolyihiin iyo waliba dhibaatooyinka ka haysta guryaha. Markaas ka dibna lahelo. lana raadiyoo sidii dhibkaas xal loogu heli lahaa.

Xalku ma aha mid uu qof iska baneynayo ama diidayo, balse waa inuu yahay mid ka soo maaxday daraasad iyo baaritaan iyada oo la eegayo sida ugu wanaagsan ee qoyska soomaaliyeed uu ugu noolaan karo dalkan, iyaga oo ilaashanaya diintoda iyo dhaqankooda. Carruurtooduna ay haystaan hoy ku filan sida carruuraha kale.

Waa in la helo barnaamij dhaqaale oo islaami ah oo dadka xal u heli kara, waana sahal in la helo maal-gelin bangiyo islaami ah, kuwaas oo dadka garab istaaga ama bangiyo bixiya deynta ay dadku u baahanyahiin. Bankiyadaas oo noqon karo kuwa dalka dibadiisa ka dhisan ama kuwo laga aas-aasat wadama Yurub ama qadankan Norweyba.

Waa in soomaaliduna ay yeelataa maamul iyo hogaan leh khibrad diimeed, mid siyaasadeed, mid caafimaad iyo mid dhaqaaleba. Kuwaas oo jaangoyn kara hab- nololeedka bulshada soomaaliyeed, iyaga oo isu dheelitiraya dhaqaalaha, diinta,iyo siyaasdda. Waa in aanay meesha ka maqneyn khuburo ku takhasustay saykoolajiga(cilmi-nafisa) oo soo baara raadka ay deegaan-xumadu ku yeelan karto qofka , iyo sida ay nafsiyadda caruurta raad ugu samayn karto, marka ay deganyihiin hoy iyo guri ka liita kan caruuraha dhigooda ah.

Waxaan hubaa in dhibaatadu aysan ku ekayn oo keli ah guri iyo meel la dego,  balse ay tahay mid qotadheer oo saamayn ku yeelan doonta mustaqbalka jiilka dambe iyo hab nololeedkooda. Sidaa darteed waa in qof kasta uu masuuliyada iyo xilkasnimo Soomaalinimo ku jirto, uu ka ciyaaro doorka kaga aadan arrintan oo runtii ah mid kahtarteeda leh, lana gaari karo xalkeeda haddii la helo qorshe iyo jaangooyo ku salaysay aqoon iyo garasho.

Dahabshiil xal wey keeni kartaa: 

Waxaan idin xusuusinayaa inaynu nahay ummad ay ku badanyihiin aqoonyahanno bartay dhaqaalaha, kana soo qalin jebiyey jaamacadaha waddamo ay Malaysiya kamid tahay. Kuwaas oo ay qaarkood ka soo qaateen shahaado heerka sare ee PHD-ga. Waxaan kale oo leenahay culimo aqoon dhab ah u leh fiqiga ama fahamka dhaqaalaha islaamiga ah, waxaanna idin xusuusinayaa oo kale inay jiraan ganacsato Soomaaliyeed oo maal gelin badan ka sameeyey waddamo aan Soomaaliya ahayn oo uu dhaqaalohoodu ku salaysan yahay hab islaami ah.

Waxaan kalsooni buuxda kuqabaa in shirkadda Dahabshiil, haddii ay usoo jeedsato inay baahida guryaha ee soomalida qurbah, ay dabooli karto iyada oo adeegsanaysa 3 arrimood oo muhiim ah oo arinta sahli karo.  Waxeyna sadexdaas arimood kala yihiin :

1.Dhaqaalaheeda baaxadda weyn oo u saamaxayao inay deyn islaami ah ka qaadato bangiyada islaamiga ah

2. Khuburada dhaqaalaha ee soomaalida ah iyo muslimiinta kaleba

3. Culimada aqoonta u leh fiqiga dhaqaalaha oo Soomaali iyo muslimiinta kaleba le.

Haddii aad haysaan intaa wax ka duwan fikirkiinna waan soo dhoweynayaa, waxaanan codsnayaa inaad qoraalkaygan sii fidisaan si uu u gaaro  bada badan oo laga yaabo inay yihiin kuwa isbedelka samayn kara. Waxaan idin xasuusinayaa inaanan ahayn, aqoonayahan dhaqaale iyo mid diimeed toona. Waxaanse cabiray aragtideyda iyo sida ay iila muuqato, in xal lagaga gaari karo dhibaatadan inaga haysata guryaha. Sida guryo la,aanta, guryaha ciriiriga ah, qaaliga ah iyo qoysaska ballaaran oo aan naftigaygu ka mid ahay oo u baahan in loo helo isbedel ku salaysan aqoon iyo jaangooyo.

W.Q=Mohamed Bashiir Hønefoss


Hadii aad rabto inaad noo gudbiso maqaal aad ku cabireyso fikirkaaga ku aadan xal u helista arintan dhibaatada bulshadeena ka heysata guryaha, waxaad noogu soo diri kartaa: NorSomnews@gmail.com

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments