fredag, mars 29, 2024

Booliska Moelv: Mindida weerarka loo adeegsaday waxaa laga gaday magaalada, maalintaa uu weerar dhacay

Booliska deegaanka Moelv ee kommunaha ringsaker ee gobalka Hedmark, ayaa sheegay in mindida loo adeegsaday falkii weerarka ahaa ee lagu dhaawacay gabadha soomaalida ah, laga iibiyay deegaanka Moelv  isla maalintaas uu falku dhacay. Waxeyna sheegeen iney arintaas tahay mid u baahan in ilgaar ah lagu eego, maadaama uu falku u ekaan karo inuu ahaa mid horey loo soo agaasimay.

Mindidan ayay boolisku ku tilmaameen iney tahay nooca jikada, waxeyna sheegeen iney baaritaan kadib ay ogaadeen meesha laga soo iibiyay.

Waxey sidoo kale xaqiijiyeen in iibinta mindida iyo waliba xiliga lasoo iibiyay, ay noqon doonto mid udub dhexaad u ah baaritaanka lagu cadeynayo in falku ahaa mid agaasiman iyo inkale.

Booliska ayaan ilaa hada faah-faahin buuxdo ka bixin qaabka ay wax u dhaceen iyo sababta ku kaliftay ninkan soomaaliga ah uu weeraro gabadha soomaalida ah. Waxeyna sheegeen iney wadaan baaritaano ku aadan arintaas, markii ay dhameeyaan ay soo bandhigi doonaan.

Ninkan oo da´diisa lagu tilmaamay ku  labaatameeyo, ayaa boolisku isku soo dhiibay maalintii uu falku dhacay maalintii ka danbeysay, wuxuuna hada kujiro xabsiga isaga oo la xirey afar isbuuc oo kumeel gaar ah. Waxeyna boolisku tilmaameen in kiiskan dacwada ninkan soomaaliga ah, ay u baarayaan qaab fal iskuday dil ah. Waxey  sidoo kale sheegeen inuu ninkan soomaaliga uu xabsiga kusii xirnaan doono ilaa laga gaaro isbuuca koowaad ee bisha January, kadibna ay maxkada geyn doonaan kiiskiisa, si ay u codsadaan in mudada xabsiga kumeel gaarka loo dheereeyo.

Dhanka kale waxey sheegeen in gabadhii uu dhibku soo gaarey ay wali kujirto isbitaalka, iyada oo halkaas looga daaweynayo dhaawacyadii cuslaa ee kasoo gaarey weerarkaas. Waxeyna sheegeen iney mudo kale kusii jiri doonto isbitaalka. 

Booliska deegaanka uu falku ka dhacay ayaa cadeeyay iney muhiimada koowaad kiiskan siiyeen labadii isbuuc ee ugu danbeeyay, iyaga oo raaciyay iney horumar la taaban karo ka sameeyeen baaritaanadooda. Sidoo kale saxaafada lokalka ee deegaanka ringsaker iyo guud ahaan Hedmark/Oppland, ayaa u muuqdo kuwii xiiseynayo wax ka qorista falkan, iyaga si hoose ula socda booliskana su´aalo tiro badan ka weydiinaya.

Xigasho/kilde: H-A.no, GD.no, Ringsakerbladet.no

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x