onsdag, november 27, 2024
Home Blog Page 265

SSB: soomaalida iyo ciraaqiyiinta ayaa ugu badan dadka qoys ahaan loogu dacwooday Norway

0

Hey´ada tirakoobka dalkan Norway ee SSB(statisk sentralbyrå), ayaa shaley soo saartey tiro koob ay ku sheegayaan tirada dadka ajaaniibta ah ee wadanka kusoo galey qaab dacwo qoys ah.

Waxeyna sheegtay in mudo 25 sano ah gudaheed ah(1990-2015), ay Norway soo galeen dad gaarayo 45.000, oo qaab qoys ahaan ah loogu dacwooday, wadanka sidaas kusoo galey. 77% kamid ah waxaa u dacwooday qof qoyskooda ah oo wadanka sii joogay, halka 13% ay ahaayeen dad qof qoxootinimo Norway kusoo galey uu xaas/nin ahaan ugu dacwooday. 

Dadka ugu badan ee soo galootiga ah ee wadanka kusoo galey qaab dacwada qoyska, waxey ka imaadeen wadamada Ciraaq iyo Somalia.

SSB ayaa dhanka kale sheegtay in inta u dhaxeysay sanadkii 1990 ilaa 2015 ay dad qoxooti ah oo gaarayo 141.300 sharci ka heleen Norway. Taas oo la micno ah in 2,7% dadka kunool wadankan Norway ay qaab qoxootinimo ah wadanka kusoo galeen. Dadka ugu badan ee qoxootinimada wadanka kusoo galey waxey ka yimaadeen sidoo kale wadamada Soomaaliya iyo Ciraaq. 

xigasho/kilde: SSB

[adsenseyu2]

420 000(afar boqol iyo labaatan kun) oo jeer ayaa NorSom News lasoo booqday bishii ugu danbaysay

0

Wargeyskan NorSom News oo aan aas-aasney bishii April ee sanadkan 2016, ayaa mudo 8 bilood gudahood ah ku noqday warbaahinta ugu weyn ee soomaalida degan wadankan Norway ay ku xirantahay. Waxaana taas cadeyn u ah booqashada lasoo booqdo webka Wargeyska oo kumanaan jeer kor u kacday, maalinba maalinta kasii danbeyso kor usii kaceyso.

 

skjermbilde-2016-12-14-kl-02-57-35Bishii lasoo dhaafey waxaa NorSomnews.com lasoo booqday 423 529 oo jeer(Afar boqol iyo labaatan kun oo jeer), waxeyna isku cel-celis keenaysaa in maalintii webka wargeyska lasoo booqdo 14 117 jeer.(Fiiri cadeynta iyo sawirkan)

Isbuucii loogu akhriska ama booqashada badnaa NorSom News wixuu ahaa isbuucii aan soo dhaafey, sida aad ka arki kartaan khariidada kore(25 000 jeer maalintii). Waxaana taas keenay falkii dilka foolxumada ahaa ee loo geystay A.H.N Yacquub Abdullahi Hassan, magaalada Kristiansand oo dadku aad u rabeen iney wax ka ogaadaan. Anagana waxaan dhacdadaas saarney xooga, waxaana sameynay team gaar ah oo daqiiqad daqiiqad ula socday waxa ay warbaahinta Norway ka qoraan dhacdadaas.

skjermbilde-2016-12-14-kl-02-57-48Dadka ugu badan ee webka ku xiran waa dad Norway degan ama dad xiriir la leh Norway oo famili iyo asxaab ay ka deganyihiin. 95% dadka wargeyska ku xiran, waxey deganyihiin wadamada Norway(90%) iyo Sweden(5%). Waxaana soo weheliyo Somalia, UK iyo USA. Sawirka ka fiiri 10-ka ee dadka NorSom Akhrista ay deganyihiin.

Dad kor u dhaafayo 23 000 qof oo Norway degan ayaa wargeyska NorSom News ku xiran oo akhrista, taasna waxey ka dhigantahay in qiyaas ahaan 82% soomaalida Norway degan ee afsoomaaliga akhrin karto ay NorSom ku xiranyihiin. (41 000-13 000 oo caruur wadanka ku dhalatey ah)= 28 000. 23000/28000=0,8213=82%.

Qeybo warbaahin cusub:

Marka la eego mudada yar ee aan hawada ku jirney iyo tirada dadka nasoo booqdo, waxey calaamad weyn u tahay in dadkeenu ay u baahnaayeen warbaahin afkooda hooyo ugu qorta wararka iyo dhacdooyinka ka dhaca Norway.  Waxaan dareensanahay inaan ilaa xad qeyb ka qaadanay in bulshadeenu ay noqoto kuwa soo jeedo oo aan hurdin, wixii wadanka ka dhacana la socdo.

Waxaan qorshadeeda wadnaa inaan bilowno in wararka soomaalida Norway khuseeyo lagu qoro Af norwiiji, anaga oo ku fakareyno dhalinyarada wadanka ku kortey ee aan soomaaliga si fiican u aqoon iyo dhamaan shucuubta kale ee wadanka nagula nool. Waxaan rajeyneynaa iney taas fududeyso isku xirnaanta generationka soomaalida ee wadanka yimid iyaga oo waaweyn iyo generationka wadanka ku dhashey ee dhalinyarada ah. 

Waan ku talo jirnaa inaan wargeyska balaarino oo aan qeyb TV-live ah kusoo kordhino, laakiin wali sifiican cagaha dhulka uma dhigan, oo talaabo talaabo ayaan rabnaa inaan kor ugu kacno. 

NorSom News ma ahan urur ee waa wargeys:

NorSom News ma ahan urur ama hey´ad lacag ku qaadato shaqada ay qabato. Waxaa wargeyska aas-aasey dhalinyaro ardey soomaali ah oo jaamacaha wadanka wax ka barato. Muhiimaduna waa in bulshadeenu ay ka haqab tirnaato wararka iyo dhacdooyinka saameynta ku leh noloshooda ee ka dhaca wadankan Norway. Cid aan hoos tagno majirto, urur ahaana uma diiwaan gashanin, mana ku tala jirno inaan urur ahaan isku diiwaan galino.

Inaanan urur ahaan u diiwaan gashaneyn, waxey naga saacideysaa inaan xor ahaano oo wararka aan u daabacno sida ay yihiin, anaga oo ka cabsaneyn in lacag nalaga goosto ama søknad avslag nalaga siiyo. Sidoo kale waxey na siineysaa dhiirinaan ah inaan farta ku fiiqno wixii qalad ama gaf ah ee bulshada laga galayo, ha noqoto dowlada, xisbiyada, UDI, Nav, siyaasi soomaali iwm. Muhiimadu waa in bulshada loo adeego, oo aan iyada dib loogu soo noqon oo magaceeda aan wax lagu raadin. 

Waxaan heysanaa leysinka iyo kaarka saxaafada wargeysada wadanka, wararka aan qornana 100% waxey leeyihiin tixraac iyo xigasho. Marka laga reebo qoraalada iyo maqaalada, fikirka  ay noo soo gudbiyaan shaqsiyaad wargeyska ku xiran, kana turjumayo arigtidooda shaqsiyadeed. Sidoo kale sharuur ama lacag kama qaadano dadka naga codsada inaan warar u daabacno, ee hadba wixii danta bulshada aan u aragno iney kujirto ayaan qalinka u qaadanaa.

Nala wadaag fikirkaaga:

Inkasta oo aan 100% isku deyno inaan dheelitir iyo tix-raac ku sameyno wararka aan qoreyno, hadana waxaa dhici karta inaad mararka qaar aragtaan qaladaad dhinaca qoraalka ah ama farsamada ah. Wali waxaan kujirnaa bilow, aas-aas iyo yegleelid, sidaas darteed waxaan ka cudur-daaraneynaa wixii khaladaad ah ee aad aragteen. Hadii aad rabto inaad fikir kusoo darsato ama fariin noo soo gudbiso, nagala soo xiriir: NorSomNews@gmail.com

[adsenseyu2]

 

 

Kongsberg: Banaanbax looga soo horjeedo siyaasiyada dowlada ee qoxootiga oo bari dhici doono

0

Waxaa maalinta bari ah, oo taariikhdu ay ku beegantahay 14-desember-2016, magaalada Kongsberg ka dhici doono banaanbaxo looga soo horjeedo siyaasada dowlada ee ku wajahan dadka magangalyo-doonayaasha ah.

Waxaana qodobada dowlada looga soo horjeedo kamid ah dib u qiimeynta sharciyada magangalyada qoxootiga soomaaliyeed ee gaaraya 1600 iyo dib ugu celinta caruurta ka timid wadanka Afgaanistaan. 

Ururka Refugees Welcome Kongesberg ayaana soo qabanqaabiyey banaanbaxaas. Wuxuuna bilaaban doonaa saacadu marka ay tahay 17:00, iyada lagu kulmi doono wadada Storgata, dukaanka Jernia hortiisa. 

Ilaa 10 urur oo kale ayaa sheegay iney banaanbabaax taageersanyihiin, muhiimna ay tahay in wadanka dhan laga muujiyo sida ay dadku uga soo horjeedaan siyaasada adag ee dowlada, ee ku wajahan dadka magangalyada soo weydiistay wadankan Norway. Sidoo kale waxey sheegeen iney rajeynayaan in banaanbaxo noocaas oo kale ah, ay ka dhacaan magaalooyinka kale wadanka.

Dhamaan dadka soomaaliyeed ee degan Kongsberg waxaan ugu baaqeynaa iney sida ugu fiican uga qeybqaataan banaanbaxaas. 

Xigasho/kilde: Dagsavisen.no 

[adsenseyu2]

 

 

Booliska Oslo oo baadigoob ugu jiro nin loo maleynayo soomaali oo dhac ka geystay Torshov

0

Booliska Oslo ayaa sheegay iney ku dabo jiraan labo dhalinyaro ah oo xaley dhac ka geystay xaafada Torshov ee magaalada Oslo. Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah, mid kamid ah dadka dhaca geysttay waxa uu ahaa Afrikaan u muuqaal-eg Soomaali, halka kan kalena uu ahaa Pakistan ama Morookaan. 

Booliska ayaa sheegay iney wadaan howlgalo ay ku baarayaan dadkii ka danbeeyay falka dhaca ah, iyaga oo sheegay iney xiriir la lahaan karaan sadex fal dhac ah oo helgihii(weekend) lasoo dhaafay ka dhacay isla aagaas. 

Waxeyna sheegeen iney hayaan muuqaal ay kasoo qaadeeen kaameerooyinka ku xiran aaga uu dadka dhaca ku geysteen. 

Booliska Oslo iyo ereyga «Soomaali»

Ma ahan markii ugu horeysay oo Booliska magaalada Oslo ay qof aan lasoo qaban, lana hubin dhalashadiisa ay Soomaali ku tilmaamaan. Waxaadba moodaa in hadii qofku uu xoogaa u yara ekaado Afrikaan, markiiba ay ku tilmaamayaan Soomaali. 

Dadka goobjoogayaasha waxey sheegeen in dadka dhaca geystay ay u ekaayeen Afrikaan laga yaabo iney soomaali yihiin. Boolisku ma waxey aheyd in war aan la hubin uu saxaafada u gudbiyo, mise waxey aheyd iney baaritaan sameeyaan, kadibna dhalashada qofka iyaga oo hubiyay ay banaanka keenaan. Dadka dhaca geystay soo ma noqon karaan Suudaan, Ereteriya, Ethopian ama dad kaleba? Why Always Soomaali?

Xigasho/kilde: Nettavisen, NTB

[adsenseyu2]

Ciise midnimo oo ku biirey kooxda Ull/kisa, heshiis 2-sano ahna u saxiixay

0

Captankii hore ee xulka qaranka kubada cagta Soomaliya, Ciise Aden Abshir(midnimo)  ayaa ku biirey, heshiis labo sano ahna qalinka ugu duugay kooxda Ullensaker/kisa oo ka dhisan magaalada Oslo. Waxeyna qoraal ay ku sheegayaan saxiixa midnimo kusoo daabaceen ullkisafotball.no, oo ah bogooda rasmiga oo ay ku leeyihiin internetka. Iyaga oo tilmaamey in ciise uu yahay laacibkii ugu horeeyay oo ay ku guuleystaan saxiixiisa inta lagu jiray fasaxa xili-ciyaareedkan.

Ciise midnimo ayaa xili ciyaareedkii hore u ciyaari jiray kooxda KFUM oo ka hada u dagtay horyaalka heerka 3-aad ee wadankan Norway. Wuxuuna kooxdaas u saftay 28 kamid ah 30-kii kulan oo ay ciyaareen xili ciyaareedkii hore, isaga oo shabaqa soo taabtey labo mar. KFUM ayaa qirtey in midnimo uu ahaa mid kamid ah laacibadii ugu fiicnaa ee kooxda u ciyaarayay, xili ciyaareedkii dhawaan soo xirmey. 

Midnimo ayaa kooxdiisa cusub ee ULL/KISA lasii joogi doono ilaa bilowga sanadka 2019, maadaama uu saxiixay hesiis labo sano socon doono. 

Halkan ka akhri warka rasmiga ee Ull/kisa ee saxiixa midnimo. 

[adsenseyu2]

 

 

Su´aashaada caafimaadka hala cabsan ee dhakhtarada soo weydii?

0

Waxaan galabta diyaarineynaa barnaamij ku saabsan caafimaadka, oo ay marti noogu noqon doonaan labo dhakhtar oo soomaali ah oo ka howlgala xarumaha caafimaadka wadankan. Waxaana ka diyaarin doonaa muuqaalo gaa-gaaban kuwaas oo xanbaarsan fariimo caafimaad.

Waxaa barnaamijkaas marti noogu ah:

Dr.warsame. Spesialist innen indre medisn, innen kardiologi. Jobbet pa Ahus, Tromso UNN, Fredrikstad. Tidlig jobbet som Allemnlege.

 Dr. Hanne. Barnelege. Jobber ved Ostfold sykehuset Kalnes …Fredrikstad.

Hadii aad qabto wax su´aal caafimaad ah, waxaad heysataa fursad aad kusoo weydiin karto labadaas dhakhtar. Si gaar hadii aad su´aal uga qabto cudurada guud iyo xanuunada ku dhaca caruurta, waxaad su´aashaada noogu soo gudbin kartaa e-mailkan: norsomnews@gmail.com ama facebook/norsomnews. Sidoo kale waxaad SMS(melding) ahaan ugu soo diri kartaa 0094841977 ama 96851730

NTB: Xaalada gabadhii lagu dhaawacay Moelv oo soo roonaatay

0

Sida aan kasoo xiganeyno wakaalada wararka wadanka Norway ee NTB, waxaa soo roonaatay xaalada gabadhii soomaalida aheyd ee khamiistii hore uu ninka soomaaliga ku dhaawacay deegaanka Moelv ee kommunaha Ring-saker.

Gabadhan oo ay da´deeda lagu qiyaasay labaatameeyo ayaa wali kujirto isbitaalka oo lagu daweynayayey maalmihii ugu danbeeyay. Sida ay NorSom News u xaqiijiyeen dadka soomaaliyeed ee deegaanka Moelv, waxaa gabadhan loo soo wareejiyay isbitaalka weyn ee Oslo, maadaama ay dhaawacyadeeda ahaayeen kuwo daran.

Booliska ayaa sheegay iney maalmaha soo socdo waqti badan ku bixin doonaan wareysiga gabadha uu dhibku soo gaarey iyo ninka soomaaliga ah ee loo heysto inuu ka danbeeyay danbiga, si loo ogaado qaabka ay dhacday dhacdada. Sida ay boolisku sheegeen waxaa labadan qof ee soomaalida ah ka dhaxeeyay xiriir aqooneed oo dhow, laakiin wey ka gaabsadeen iney faah-faahin kasii bixiyaan nooca xiriir ee ka dhaxeeyay. 

Ninka soomaaliga ah ee loo heysto danbiga, ayaa la xirey afar isbuuc oo kumeel gaar ah, waxaana labada isbuuc ee hore laga mamnuucay in xabiga lagu soo booqdo ama waraaqo loo soo diro. 

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in wareysiyadii hore oo ay qaadeen, ay ninka iyo gabadha uu dhibtu soo gaarey, ay sharaxaad kala duwan ka bixiyeen qaabka ay wax u dhaceen. Waxeyna sheegeen iney sii wareysan doonaan labadan qof ee soomaalida ah ee dhibta isgaarsiiyay. Iyaga oo hadalkooda raaciyay in falkan ay siin doonaan ahmiyad gaar ah maalmaha soo socdo.

Waxey dhanka kale codsadeen in hadii ay jirto cid macluumaad dheeri ah heysa oo wax ka og arintan, ay xiriiraan booliska. Waxeyna sheegeen iney jiri karaan dad aan wali booliska lasoo xiriirin oo haya macluumaad fure u noqon kara kiiskan. Si gaar ah waxey u codsadeen in hadii uu jiro qof maalintaas uu falku dhacay, aaga deegaanka Moelv ku arkey baabuur noociisu uu yahay Opel Astra 1999-modell, midabkiisuna yahay qalin(sølvfarget), uu booliska lasoo xiriiro. 

Xigasho/kilde: NTB

[adsenseyu2]

Boqolaal qof oo ka qeybgalay aaska Yacquub, oo maanta ka dhacay Kristiansand

0

Waxaa maanta magaalada Kristiansand ka dhacay, aaska A.H.N Yacquub Abdullahi Hassan oo isniintii hore lagu dilay magaaladaas. Waxaana aaska kasoo qeybgaley boqolaal qof oo isugu jiro saaxiibadii Yacquub, ardeydii iskuulka uu dhigan jirey iyo macalimiintiisii, iyo waliba qeybo badan oo kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee magaaladaas.

Sidoo kale duqa magaalada Kristiansand Harald Furre iyo madax kale oo katirsan maamulka degmada Kristiansand iyo gobalka Vest-Agder, ayaa kasoo qeybgaley duugta Yacquub. 

A.H.N Yacquub Abdullahi Hassan ayaa jirey 14-sano, wuxuuna ahaa ardey dhigto klasska 9-aad ee iskuulka dhexe. 

Xigasho/kilde: NRK. 

[adsenseyu2]

 

Leila Samatar tar ti års skolegang på to år.

0

«Jeg har fem barn og alle går på norsk skole. Jeg har ingen kunnskap om norsk skole og hvordan systemet fungerer her, og jeg vil hjelpe barne mine», sier Leila Samatar fra Somalia. 

Hun starter den intensive grunnskoleopplæringen ved Førde Norsksenter i August. Etter bare noen måneder snakker hun godt norsk og har klare mål for hvor hun skal være om to år, når hun er ferdig med norsk grunnskoleopplæringen.

jeg vil gå videre til videregående skole, og så jeg vil jeg bli lærer. Jeg liker å være der barna er og er glad i å hjelpe til, sier hun. 

Leila Samatar innrømmer at det ikke alltid er å lett å holde følge i timene, men skal gjøre sitt beste for å klare å stå på alle prøvene slik at hun kan ta mer utdanning. 

Om en har store mål, kan en gjøre akkurat det en vil. 

Les resten av artikkelen her: NRK.NO 

[adsenseyu2]

 

Warbaahinta Norway oo kula qeybsan dooda Amal-Aden

0

Labo isbuuc kahor ayey aheyd markii wargeyska Utrop uu soo daabacey maqaal uu calaamad su´aal ku saarayo hanjabaadaha ay Amal Aden sheegto iney hesho. Waxaa jawaab kasoo bixiyey booliska Oslo, iyaga oo sheegay iney ka warqabaan hanjabaado ay hesho Amal. Waxaa ku xigey maqaal kale oo ay Utrop soo daabaceen maalmo kadib, kaas oo ay ku cadeeyeen in sababaha Amal loo ilaaliyo ay kamid tahay, iney markhaati fure ka aheyd kiis la xiriira daroogo, oo ay ka qeybqaateen qeyb asxaabteedii hore kamid ah. 

Markiiba waxaa Utrop weerar ku bilaabey qaar kamid tifaftirayaasha wargeysyada waaweyn, iyaga oo ku eedeeyay iney Amal Aden si bareer ah oo shaqsi ah ay u beegsanayaan. Laakiin waxaa kadar oo dibi dhal ay arintu noqotay, kadib markii wargeyska weyn ee Morgenbladet uu dabagal ku sameeyay qaar kamid ah, hadaladii ay Amal Aden ka sheegi jirtey warbaahinta, waxaana soo baxey hadalo is khilaafsan oo ay Amal ku hadashay, markii laga codsadey iney ka hadashana Amal wey ka gaabsatay. 

Maqaalka Morgenbladet oo ahaa mid ka kooban sadex bog ayaa dhaliyey muran weyn, waxaana sadexdii maalin ee ugu danbeeyay aad looga hadalhayay warbaahinta wadanka. Morgenbladet ayaa sadex wariye oo kamid ah kuwa ugu magaca dheer wargeyska u dhiibey, iney maqaalkaas lafo-guraan. Waxeyna noqotay markii ugu horeysay(inta la ogyahay) ee uu wargeys weyn oo kuwa Norway ka dhisan ah uu toosh ku ifiyo qaar kamid hadalada is-weydaarsan ee Amal Aden. Waayadii hore, Inta badan wariyeyaashu waxey si toos ah u liqi jireen wax walbo oo ay Amal sheegto, iyaga oo aan su´aal weydiin ama cadeyn ka dalban. 

Kala qeybsanaanta warbaahinta:

Maqaalada Utrop iyo Morgenbladet, waxey dhaliyeen in wargeysyada ay ku kala qeybsanaadaan dooda ku saabsan Amal Aden. Sadexda wargeys ee ugu waaweyn wadankan(Aftenposten, VG, Dagbladet) waxey la safteen Amal, iyaga oo sheegay in Amal Aden ay tahay qof mudan kudayasho, aana mudneyn in la dhaleeceeyo.

Dagbladet ayaa 10-ka qof ee u sharaxan magaca sanadkan kusoo darsadey Magaca Amal Aden, sidoo kale Aftenposten ayaa maanta boga koowaad ee wargeyska kusoo daabacay maqaal ay ku difaacayaan Amal. VG ayaa isna sidoo kale fadhiga ka kacsiiyey mid kamid ah dadka uga faalooda arimaha cilmu-nafsiga, si ay wado ugu raadiyaan hadalada Amal Aden, ee uu Morgenbladet wax ka qorey. 

Sidoo kale madaxa ururka ay ku midoobeen gabdhaha la galmooda gabdhaha kale(Lesbian), ayaa sheegtay in Amal loo weerarayo shaqsiyadeeda, maadaama ay tahay qof muslim ah oo hadana sheegtay iney Lesbian tahay. Waxeyna Amal ku tilmaantey geesiyad mudan in la taageero. 

Dirty technique-Play the man, not the ball:

Waxaa jirto farsamo ay warbaahintu isticmaalaan, markii ay rabaan iney qof dhulka la galaan. Inkastoo ay farsamaas tahay mid khaldan oo aan wanaagsaneyn, hadana waa mid aad u xoog badan, saameyntooduna ay aad u weyntahay. Hadii ay waayaan qaab kale oo ay kugu bahdilaan, waxey si toos ah u weeraraan shaqsiyada qofka, iyaga oo baaritaan ku sameeyo taariikhdiisa, noloshiisa, meesha uu daganaa, cida uu saaxiibka la ahaa iyo wixii sameyn jirey yaraantiisa. Waxeyna tooshka ku ifiyaan waxkasta oo khaldan oo qofkaas uu sameeyay noloshiisa, ha yaraato ama ha weynaatee. Waxeyna ugu danbeyn qofka ka dhigaan beenlow aa lagu kalsoonaan karin.

Waxaa muuqato in Utrop iyo Morgenbladet ay isticmaalayaan farsamadaas, iyaga oo baaritaan ku hayo taariikhda iyo nolosha Amal Aden. Gabadhan qoraaga soomaaliyeed ah, waxey warbaahinta wadanka dhib la´aan ku dhex mushaaxi jirtey sanado badan, iyada maalinba hadal sheegi jirtey ama maqaal soo daabici jirtey. Hadalada badan ee Amal, waxey kasoo heli karaan boqolaal hadal oo isdaba marsan ama boqolaal beenood oo aan cadeyn loo heynin. 

Tusaale ahaan, hadii aad akhriso  buuga Amal ay qortey ee SE OSS, waxaa markiiba ku cadaanayo inuu intiisa badan ka koobanyahay been iyo sheeko xariir la dhoo-dhoobey oo aan sinaba cadeyn buuxdo loogu heli karin. (Hadii aadan buugaas horey u akhrin, biblioteket kuugu dhow tag, oo bal isku dey inaan 30-daqiiqo akhriso oo aad beentaas u adkeysato).

Amal shaley warbaahinya ayaa cirka geysay, maanta dhulka maku soo celin doonaan:

Waxaa hubaal ah in Amal Aden ay magac iyo awood ku dhex-leedahay mujtamaca Norway, gaar ahaan warbaahinta. Warbaahintu shaley iyaga ayaa Amal geed korkiisa saarey, iyaga oo ka dhigey halyeeyad aan agteeda cidi ka hadli karin. Waxey Amal gaarsiiyeen heer ay dhahaan waxey u qalantaa iney matasho dadka laga tiro badanyahay oo dhan. Ayadna intey isku bogtey, ayey hadba laan qabsan jirtey, haba ugu darnaatee bulshada ay ka dhalatay ee soomaalida. 

Wargeysyada Utrop iyo Morgenbladet, waxey shaley ahaayeen kuwii ugu xooga badnaa ee wararka iyo qoraalada Amal  buun-buunin jirey, markii ay wax ka sheegayso soomaalida wadankan Norway. Maanta ayada ayey kusoo jees-jeesteen, waxaana muuqato iney durba ku ifiyeen toosh ay Amal ku adkaan doonto iney iska leexiso. Shaley markii ay Amal buun-buuniyeen jaceyl kama aheyn ee waxey rabeen, iney helaan wax ay qoraan oo dadka ay ka iibiyaan, maantana waxey leeyihiin isla ujeedadii. 

Su´aasha isweydiinta ah ayaa, Warbaahinta Norway shaley, iyaga ayaa Amal meel sare gaarsiiyey, maanta dhulka maku soo celin doonaan?. Bal aan aragno meesha ay iskala dhacaan Amal Aden iyo warbaahinta. 

[adsenseyu2]

 

Dr.Beyle: Waagii waan wasiirka ahaa, waan diidey in qoxooti soomaaliyeed yurub qasab looga soo celiyo

0

Wasiirkii hore ee arimaha dibada dowlada Federaalka Soomaaliya, Dr. Abdirahman Ducaale Beyle, ayaa sheegay in dowladaha yurub qaarkood ay usoo bandhigeen qorshe qoxooti soomaaliyeed dib loogu celinayo wadankii, xiligii uu wasiirka ahaa. Wuxuuna sheegay inuu isagu markaas ka biyo-diidey in qoxooti soomaaliyeed wadanka dib loogu celiyo, iyada oo aan wax qorshe ah loo sameyn, lana waafajin xeerarka dib u celinta qoxootiga ee caalamiga ah. 

Dr.Beyle oo u waramayay mid kamid ah warbaahinta ka howlgasha Soomaaliya, ayaa sheegay in qofku marka uu rafaad dheer kadib soo galo wadamadan Yurub, magangalyana uu weydiisto, uu si toos ah u hoos tagayo xeerka qoxootiga aduunka ee qaramada midoobey, isla markaana uu yeelanayo xuquuq.

Abdirahman Ducaale ayaa raaciyey in wadanka uu qofku magangalyada weydiisto, ay saarantahay waajibaad, aana qofka dib loogu celin karin wadankii uu kasoo cararey, iyada oo ay wali jirto dhibaatadii markii horeba ku qasabtay inuu wadankiisii kasoo tago. 

Beyle ayaa Norway socdaal shaqo ku yimid sanadkii 2014, isaga oo markaas ahaa wasiirkii arimaha dibada Soomaaliya. 

Halkan ka daawo hadalka Dr Beyle. 

[adsenseyu2]

Wareysi: Gabar soomaali ah oo ku guulesyatay shaqaalaha sanadka ee dukaanka IKEA

0

Waxaa bilada  shaqaalaha sanadka ee dukaanka Ikea(Oslo), sanadkan la gudoonsiiyey hooyo soomaaliyeed oo lagu mgacaabo Shugri Waasuge. Waxaa Shugri wareysi la yeeshay SomaliskJobbklubb, iyaga oo wax weydiiyey waayaheeda shaqo ee dukaanka Ikea iyo sida ay kusoo gaartey heerka ay maanta joogto, oo ah in loo aqoonsado shaqaalaha sanadka. 


Magaceeygu Waa Shugri Waasuge, waxaana aheyn xaas degan dalkaan Norweey 16 sano,  ahna hooyo heysato 3 caruur ah. Kadib barashada luuqadda dalkaan iyo koorsooyin koo-kooban, waxaan hadda ka shaqeeyaa dukaanka IKEA Furuset qeeybta (kunderelasjon).

Waxaan shaqada bilaabay sanadkii 2007, aniga oo ku bilaabay waxa loo yaqaanno praksiska sadexda bilood.  Kadib waxaan helay shaqada nooca loo yaqaan ku meelgaarka (vikar), muddo kadib waxaa la iisoo bandhigay in aan qaato shaqo joogto ah 100% stilling, laakiin maadaama aan heeystay caruur aad u yar yar, aabaha reerkuna uu shaqeeynayay shaqo skift ah, teeyduna ay aheydd skift, wey nagu adkaatay.

Balse wada-tashi dheer kadib, waxaan go’aansanay in aan qaato 56% oo gelinka hore oo keliya ah, inkasta oo aan subaxdii la ii baahdo iyo galbaha uu xaajigu caruurta heyn karay, aan shaqeeyn jiray ku dhowaad 100%.

Waxaan hadalkaada ka dareemayaa iney wada-shaqeyn weyn idinka dhaxeyso adiga iyo aabaha reerka, si aad shaqadan guul uga kaartid, ilmahana aad u wada korsataan? 

Haa, hadii ay labada waalid ay ka  go’antahay inay shaqeeyaan, waxa ay ka tashan karaan waxa u wanaagsan caruurta iyo qaabka ay shaqooyinkooda kala duwan ku wada lahaayeen. 

Goormaa ayaad heshay shaqada joogtada ah ee 100%?

Sanadkii 2014 ayan qaatay fast100% stilling ah, maadaa ay caruurtu markaas ii koreen.

Waxaad darajo iyo qadarin weyn maanta ku heysataa goobtaada shaqada, waxaana muuqato iney ku timid dadaal dheer, joogtana ah oo adiga kaa yimid. Waxyar bal arintaas nooga faah-faahi? 

Shaqada waxaan ku bilaabay medarbeider caadi ah, balse muddo kabacdi oo aan qaatay tababaro kaladuwan ( forkjellige kurser), waxaan noqday tababare (fader) shaqaalaha cusub ee qeybta aan ka shaqeeyo. 

  1. Bishii may ee sanadkii 2013 ,waxaan ku guuleeystay shaqsiga bishaas ugu shaqada fiicnaa (måneders medarbeider).

  2. Juli 2016 waxaan ku guuleeystay mar labaad shasigii ugu shaqada fiicnaay bishaas (måneders medarbeider)

  3. November 2016 waxaa aan ku guuleeystay shaqsigii ugu shaqada fiicnaay 2016(Årets talent), shaqsigaas oo laga soo xulo shaqsiyaadkii ku guuleeystay 12 kii bilood ee sanadka måneders medarbeiders ka.

  4. Sanadkaan waxaa la’ii soobandhigay in aan noqdo leder (madax shaqaale) waloow aan weli ka fikiraayo arinkaas oo aanan ogolaasho iyo diidmo midna dhiibin.

Farqi intee le-eg baa u dhaxeeyo qofku marka uu shaqeysto iyo marka uu ku noolyahay kaalmada dowlada? 

Runtii shaqadu waa sharaf, waxaana taas ogaan kara qofkii uu ilaahay kasaaro kaalmada/gacanta NAV, oo ah gacan ama kaalmo loogu talo galay qofkii aan awoodin in uu shaqeeysto gabi ahaan, ama ay shaqo ka dhamaatay uu ku sugayo intii uu shaqo ka helaayo. Runtii shaqdu waa xornimo iyo sharaf aan la koobi karin.

Maxaad ku dhiiro-galin lahayd walaalahaaga kale ee somaliyeed marka loo eego dhanka shaqada?

Dhamaan dadka soo galootiga ah, gaar ahaan dadka soomaaliyeed rag iyo dumarba, waxaan ku guubaabinaayaa ineey fadhiga ka kacaan oo aay xuroobaan. Waayo xor matihid, inta aad gacan kale  noloshaadu ku tiirsantahay. Sidoo kale waxaa aan dhihi karaa dareenka qof ahaaneed kuuma dhameystirna inta aad gacantii hooseeysay aad tahay. Hana la xusuusto xadiis kii Nabigeena ee ahaay GACANTA KOREYSA WAXAA EEY DHAANTAA GACANTA HOOSEEYSA. Si kale haddii aan u iraahdo gacanta wax dhiibeeysa waxaa eey dhaantaa tan wax la siinaayo.


 Wareysigan waxaa qaadey oo nala wadaagay dhalinyarada somaliskjobbklubb: booqo pagekooda internetka ee: Somaliskjobbklubb.no  

[adsenseyu2]

 

NTB(Moelv): Ninkii gabadha soomaalida ah dhaawacay oo afar isbuuc la xirey

0

Sida aan kasoo xiganeyno wakaalada wararka wadankan Norway ee NTB, waxaa afar isbuuc oo kumeel gaar ah la xirey ninkii soomaaliga ahaa ee gabadha soomaalida ah weerarka u geystay, dhaawaca culusna gaarsiiyey. Labada isbuuc ee hore waxaa ninkan laga mamnuucay in xabsiga lagu soo booqdo ama warqada loo soo diro.

Ove Hermann Frang oo ah qareenka looga magacaabay nin soomaaliga ah, ayaa sheegay inuu diidey inuu qirto danbiga lagu soo oogay.

Waxaa ka dhaxeeyo xiriir dhow:

Booliska ayaa sheegay iney shaley wareysi la yeesheen gabadha dhibku soo gaarey oo isbitaalka kujirto iyo ninka lagu soo eedeeyay inuu falka ka danbeeyay. Waxeyna sheegeen in labadan qof ee soomaalida ah uu ka dhaxeeyo xiriir dhow iyo aqoon hore, laakiin faah-faahin dheeri kama bixin nooca uu yahay xiriirka ka dhaxeeyo. Sidoo kale waxey raaciyeen iney fikir ka heystaan qaabka ay wax u dhaceen. 

Booliska ayaa dhanka kale sheegay in ninkan uu isagu iskeenay xafiiska booliska Vintra, kadib markii ay kula xiriireen telefoon. 

Xigasho/kilde: GD, AVISEN-AGDER, NTB

[adsenseyu2]

 

Digniin: Maanta wadooyinku waxey noqon karaan (glatt) ee is ilaaliya

0

Waaxda saadaalinta cimilada ee dalkan Norway, ayaa soo saartey digniin ku socoto dadka degan gobalada bariga wadankan(Oppland og Hedmark, Akershus, Oslo, Telemark og Buskerud og Vestfold). Digniintaas oo ku saabsan in galinka danbe ee maanta oo sabti ah, ay wadooyinku noqon karaan kuwo glatt ah, ama dhalo sida ay soomaalidu u taqaan. 

Baabuurka guriga uga soo tag:

Hey´ada gaadiidka iyo wadooyinka, ayaa sheegtay iney cusbo ku daadisey wadooyinka waaweyn ee halbowlaha ah, laakiin ay wali jiri karaan wadooyin aan la cusbeyn. Waxey sheegeen iney dadka baabuurta wata ay taxadaraan/feejignaadaan, marka ay soo baxayaan  wadooyinka waaweyn(hoved-vei), ayna soo galayaan wadooyinka yar-yar ee xaafadaha.

Waxey sidoo kale sheegeen iney haboontahay in baabuurka gabi ahaanba guriga looga soo tago, hadii qofka uu ka maarmi kara. 

Hadaad degantahay goboladaas kor ku xusan, aadna maanta banaanka usoo baxeyso, kabo adag soo qaado. 

 

[adsenseyu2]

 

Rana Blad: Abdirahman Hussein -Fra praksisplass til fast jobb hos Elkjøp.

0

Abdirahman Hussein ble fort til «Abdi» blant sine norske venner. Han er fra Somalia, og selve eksempelet på at praksisplass og så vikariat til slutt kan ende i en fast jobb..

Sammen med to andre var Abdirahman Hussein med på det første arbeidsforberedende AMO-kurset for minoritetsspråklige som OPUS Rana i samarbeid med Karrieresenteret i Rana kjører

.– Nå er jeg lagerarbeider på Elkjøp. Det er en fast jobb, og jeg er så glad, sier Abdi.

Han lærer seg stadig bedre norsk, men i jobben på lageret er serviceinnstilling, smidighet, styrke og humor også viktige egenskaper.

– Jeg trives veldig godt med å hjelpe kunder med ulike ting, som å ta tunge løft, sier Abdi og ler litt når han bemerker at det er mange dialekter i Norge.

– Jeg begynner å forstå dem nå, men på skolen lærte vi bokmål. Det er en stor forskjell på det og hvordan folk snakker i virkeligheten, sier han.

Les resten av artikkelen her: Rana Blad.no 

[adsenseyu2]

Xusuusin-Martiqaad: Kasoo qeybgal kulanka soo dhawenynta gudoomiye ku xigeenka J.U.S

0

Gudoomiye ku xigeenka jaamacada Umada soomaaliyeed Prof. Aden Guuleed shabeel ayaa socdaal shaqo ku imaanayo wadankan Norway, gaar ahaan magaalada Oslo. Waxaana lagu marti qaadayaa dhamaan umada soomaaliyeed ee ku dhaqan Oslo iyo nawaaxigeeda iney kasoo qeybgalaan kulanka soo dhaweynta gudoomiye ku xigeenka J.U.S.

Goobta marti-qaadka: Ankel Hotel, Adresse: Storgata 55, 0182 Oslo

Maalinta: Maalinta sabtida ah ee soo socoto, taariikha: 10.12.2016

Waqtiga: 17:30 til 20:00 

Tafaasiil dheeri ah kala xiriir Dr. Abdi Gele: 96822030

 

Morgenbladet oo toosh weyn ka daba-qaatey Runta iyo Beenta Amal Aden

0

Amal Aden oo ah gabar qoraa soomaali ah, ayaa isbuucii ugu danbeeyay aad looga hadalhayey warbaahinta wadankan Norway. Hadelheyntaas oo ah mid ka duwan tii horey loo yaqaaney oo aheyd Amal in laga dhigayo halyeeyad, markan iyada ayaa lagu dhaganyahay.

Wargeyska Utrop ayaa sabtidii hore daabacay maqaal ay tooshka ku ifinayaan hanjabaadaha ay Amal Aden sheegto iney hesho. Maalmo kadib ayey hadana soo daabaceen maqaal kale oo ay banaanka ku keeneen macluumaad ah in Amal ay booliska u ilaaliyaan, sababo la xiriira kiis daroogo ku leh oo ay markhaati-fure ka aheyd.

Wargeyska weyn ee Morgenbladet, ayaa maanta cadadkiisa maanta kusoo daabacay warbixin ka kooban 3 bog, taas oo ku saabsan hadalo is khilaafsan oo ay Amal Aden ka sheegtay warbaahinta sanooyinkii ugu danbeeyay. Waxey warbixintoodaa ku sheegeen in rumeynta Amal Aden uu dhaawac weyn soo gaarayo, hadii aysan soo bandhigin cadeyno adkeyn kara hadalada ay sheegi jirtey. 

[adsenseyu2]

Amal Aden iyo barne-vern: 

Amal Aden iyo Dagbladet, 31-Oktober-2009= Waxaan jirey 15 sano markii barnevernku ay kaligey iiga tagayeen, guriga hybelka ah. Madaxa barneverkuna wuu ogaa iney banaanka seexaneysay. 

Amal Aden iyo Bergens tidende: 13-novomber 2009(labo isbuuc kadib)= Isla sheekadii ayey kusoo celisay laakiin labo sano ayey ka yaraatay da´dii ay sheegtay, iney jirtey labo isbuuc kahor. Markan waxey jirtey 13 sano, markii ay barnevernku uga tagayeen hybelka cidlada ah.

Barneverkna oo arintaas wax laga weydiiyey ayaa sheegay, ineysan suurtogal aheyn in ilmo 13 ama 15 jir ah looga tago meel cidlo ah, xarumaha barnevernkuna ay yihiin goobo la ilaaliyo 24 saac.  Morgenbladet ayaa sheegay in wixii ka run ah dhacdadaas laga heli karo feylka(mapka) Amal Aden ee barnevernka, balse hadii macluumaadka halkaas kuyaalo banaanka la keeno, ay saameyn ku yeelan karaan shaqsiyaad cayiman oo kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee Norway.

Waxey xiriir la sameeyeen ninkii ay Amaal Aden wada joogi jireen, caruurtana ay u dhashay. Balse wuu ka gaabsadey inuu Morgenbladet la hadlo, sababa la xiriira caruurtooda ay wada dhaleen.

HRS IYO AMAL ADEN:

Waxey si faah-faahsan uga hadleen dhacdooyin dhowr ah oo dhexmaray Amal Aden iyo HUMAN RIGHT SERVICE(HRS), kuwaas oo kusoo gaba-gaboobey in Amal Aden ay ka been-sheegi jirtay hadalo ay ka sheegi jirtey shaqaalaha HRS, gaar ahaan habarta lagu magacaabo Hege Storhaug. Waxeyna hadalada Amal ee is khilaafaya kusoo bandhigaan, cajalad cod ah oo ay ka duubteen Amal Aden, ayna ka dhigteen cadeyn ay ku beeniyaan eedaheeda.

Amal ayaa markii wax laga weydiiyey codkaas laga duubey, sheegtay iney ka aheyd jilitaan oo aysan hadalo dhab ah aheyn.

Darawalada Tagaasida:

Amal Aden ayaa iyada oo hadal ka jeedineyso jaamacada Agder sheegtay, in darawlada tagaasida qaar ay diidaan iney qaadaan, hadiiba ay u aqoonsadaan iney Amal tahay. Magaalooyinka ay sheegtay in tagaasida looga diidey, ayaa waxaa kamid ah Kristiansand.

Gudoomiyaha gobalka Vest-Agder ayaa balanqaad ku sameeyay inuu arintaas baaritaan ku sameyn doono. Wuxuuna Amal ka codsadey iney usoo dirto cadeymaha muujinaya in Taxi loo diidey. Wuxuu sheegay in Amal ay usoo dirtey jeex qoraal ah oo laga soo qaadey page-ka ay Amal ku leedahay facebooga, wuxuuna qoraalkaas ahaa mid la qorey vinterkii hore(sanad kahor). Gudoomiyaha ayaa sheegay in qoraalkaas uusan aheyn mid muujin kara in Amal tagsi loo diidey, sidaas darteedna wuxuu baaritaanka kusoo gaba-gabeeyay ineysan waxbo kajirin eedeymaha Amal Aden.

Ismaaciil Hussein:

Arinta ugu balaaran ee Morgenbladet uu toosha ugu weyn ka qaatey ayaa ah dhacdo ka dhacey degmada Vågan. Amaal ayaa sheegtay in magaaladaas looga soo direy 40 hanjabaad oo e-mail, laakiin markii laga codsadey iney sheegto magacyada dadka usoo direy ama ay booliska ku dacweyso, ayey Amal ku jawaabtey ineysan waqti u heynin arintaas. Maalmo kadib ayey hadana marlabaad Amal sheegtay inaan loo hanjabin, balse lagu yiri ereyo xun. Halkan ka akhri sheekada Amal iyo wiilasha soomaalida ah:Amal ADEN way naga been-sheegatay, 40 e-mail oo hanjabaad ah ayaa la iisoo direy, laakiin inaan booliska ku dacweeyo waqti uma hayo. 

Halkana ka akhri ismaaciil oo bartiisa facebooga uga sheekeynayo arintaas. 

Wargeyska daabacay qoraalka ah in Amal Aden 40 hanjabaad loo soo direy ayaa sheegay inuusan arkin cadeyn sheegaysa in Amal loo direy hanjabaad. 

Canaan warbaahinta ah: 

Morgenbladet ayaa maqaalkooda saaka ku canaantay tifaftirayaasha wargeysyada, iyaga oo sheegay ineysan hubin jirin cadeymaha sheegaya in Amal loo hanjabay. Dhowr isbuuc kahor ayuu Dagbladet soo qorey maqaal sheegaya in Amal Aden ay heshay 322 hanjabaadod. Morgenbladet ayaa wariyii qorey maqaalkaas weydiiyey inuu indhihiisa ku arkey wax cadeynaya hanjabadaas, laakiin jawaab sax ah wuu ka bixin waayey. 

Ilaa hada majiro wariye xaqiijin kara inuu indhiisa ku arkey hanjabaadaha ay Amal Aden sheegtay iney ku heli jirtay Facebooga, e-mailka iyo waliba telefoonka gacanta. Waxey Morgenbladet isweydiinayaan sababta ay ku dhacday in qof ay ka qoraan boqolaal warbixinood, laakiin aan la su´aalin cadeynta hanjabaadaha. 

Waxey dhowr mar isku dayeen iney xiriir la sameeyaan Amal, si ay wax uga weydiiyaan hadaladaaas, laakiin uma suurto-galin. Amal ayaa e-mail ay usoo dirtey MB ku sheegtay ineysan wax kommenti ah ka bixin karin arintaas.

Xigasho/kilde: Morgenbladet-papiravis(9-12-2016, side 18,19,20) . 

[adsenseyu2]

 

Nrk:Yacquub Abdullahi waxaa la aasayaa isniinta

0

Tvga qaranka Norway ee NRK, ayaa qorayo in marxuum Yacquub Abdullahi Hassan la aasi doono, maalinta isniinta ah nagu soo aadan.

Yacquub Abdullahi Hassan oo ahaa 14-jir soomaali ah, ayaa sababsadey gacanta wiil 15-jir norwiiji ah oo ay aqoon hore kawada dhaxeysay. Waxaana Yacquub lala dilay Tone Ilebekk oo aheyd hooyo laba caruur ah ka tagtey, oo macalimad ka aheyd barnehage. Tone ayaa la dilay, iyada oo rabta iney kala celiso wax u ekaa dagaalka labo wiil oo dhalinyaro ah, laakiin ayada iyo Yacquuba waxaa mindi ku dilay 15-jirkan hada kujiro gacanta booliska. 

Xigasho/kilde: NRK 

[adsenseyu2]

 

War deg-deg: Nin soomaali ah oo loo qabtey weerarkii gabadha soomaalida ah lagu qaadey Moelv

0

Booliska Moelv ayaa sheegay iney saacad kahor, nin soomaali ah usoo qabteen weerarkii lagu qaadey gabadha soomaalida ah, deegaanka Moelv. Waxeyna sheegeen iney ninkan soo qabteen, kadib markii ay sameeyeen baaritaano waaweyn maalintii shaley iyo galinkii hore ee maanta.  Booliska ayaa sheegay in ninkan ka wareysan doonaan falka weerarka ah ee loo heysto, eyna u gudbin doonaan xabsiga. 

Waxey dhanka kale sheegeen ineysan wali wareysi la yeelan gabadhii dhibku soo gaarey oo wali kujirto isbitaalka. Gabadhan ayaa waxey dhaawacyo waaweyn kasoo gaareen wajiga iyo gacmaha, iyo waliba dhaawacyo fud-fudud oo kasoo gaareen xabadka iyo caloosha, sida ay booliska shaley u sheegeen wargeysyada lokalka ah.

Booliska ayaa sheegay inuu aqoon iyo xiriir ka dhaxeeyo ninka ay maanta soo qabteen iyo gabadha uu dhibku soo gaarey, balse faah-faahin kama bixin xiriirka u dhaxeeyo nooca uu yahay.  

Terje Krogstad oo katirsan booliska Moelv, ayaa sheegay in soo qabashada ninkan ay fududeysay baaritaano ay sameeyeen iyo dad goobjoogayaal ah oo tilmaan bixiyay. Wuxuuna raaciyay in soo qabashada ninka ay aheyd arin aad u muhiim ah, maadaama uu kiisku yahay mid halis ah, dhacdadana ay cabsi ka abuurtey deegaanka Moelv. 

kilde/xigasho: Ringsaker Blad, Nettavisen, Dagbladet, TV2

Dagbladet: Soomaalida Kristiansand oo saf u gashay caawinta qoyska Yacquub

0

Soomaalida kunool magaalada Kristiansand, ayaa si weyn u garab istaagey qoyska soomaaliyeed ee uu ka baxey A.H.N Yacquub Abdullahi Hassan. Waxaa sidaas wargeyska Dagbaldet u sheegay qareenka qoyska Yacquub, Kristine Eide iyo gudoomiyaha jaaliyada soomaaliyeed ee Kristiansand Mohamed Dalmar Shirwac. 

Qareenka qoyska Yacquub ayaa sheegtay in kommunaha Kristiansand iyo waliba jaaliyada soomaaliyeed ee magaaladaas ay si weyn u garab istaageen qoyska Yacquub Abdullahi Hassan. 

Mohamed Dalmar ayaa dhankiisa Dagbladet u sheegay in markii soomaalida magaaladaas ay maqleen in wiilka la diley uu soomaali yahay, ay si weyn u garab istaageen qoyska wiilka. Wuxuuna sheegay in ilaa xiligaas ay saf ugu jireenn caawinta qoyska, iyaga oo u qabanaya howlo kala duwan. 

M. Dalmar ayaa hadalkiisa raaciyey in dhaqanka soomaalidu ay kamid tahay in la taageero, lana garab istaago, hadii ay qoys soo wajahdo dhacdo murugo ah. M.Dalmar Shirwac ayaa DB u cadeeyay  in qoysku Yacquub, ay aad ugu mahadcelinayaan kommunaha Kristiansand iyo dadkii kale ee garab istaagay. 

Xigasho/kilde: Dagbladet.no 

 

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.