fredag, april 19, 2024

Wareysi: Gabar soomaali ah oo ku guulesyatay shaqaalaha sanadka ee dukaanka IKEA

Waxaa bilada  shaqaalaha sanadka ee dukaanka Ikea(Oslo), sanadkan la gudoonsiiyey hooyo soomaaliyeed oo lagu mgacaabo Shugri Waasuge. Waxaa Shugri wareysi la yeeshay SomaliskJobbklubb, iyaga oo wax weydiiyey waayaheeda shaqo ee dukaanka Ikea iyo sida ay kusoo gaartey heerka ay maanta joogto, oo ah in loo aqoonsado shaqaalaha sanadka. 


Magaceeygu Waa Shugri Waasuge, waxaana aheyn xaas degan dalkaan Norweey 16 sano,  ahna hooyo heysato 3 caruur ah. Kadib barashada luuqadda dalkaan iyo koorsooyin koo-kooban, waxaan hadda ka shaqeeyaa dukaanka IKEA Furuset qeeybta (kunderelasjon).

Waxaan shaqada bilaabay sanadkii 2007, aniga oo ku bilaabay waxa loo yaqaanno praksiska sadexda bilood.  Kadib waxaan helay shaqada nooca loo yaqaan ku meelgaarka (vikar), muddo kadib waxaa la iisoo bandhigay in aan qaato shaqo joogto ah 100% stilling, laakiin maadaama aan heeystay caruur aad u yar yar, aabaha reerkuna uu shaqeeynayay shaqo skift ah, teeyduna ay aheydd skift, wey nagu adkaatay.

Balse wada-tashi dheer kadib, waxaan go’aansanay in aan qaato 56% oo gelinka hore oo keliya ah, inkasta oo aan subaxdii la ii baahdo iyo galbaha uu xaajigu caruurta heyn karay, aan shaqeeyn jiray ku dhowaad 100%.

Waxaan hadalkaada ka dareemayaa iney wada-shaqeyn weyn idinka dhaxeyso adiga iyo aabaha reerka, si aad shaqadan guul uga kaartid, ilmahana aad u wada korsataan? 

Haa, hadii ay labada waalid ay ka  go’antahay inay shaqeeyaan, waxa ay ka tashan karaan waxa u wanaagsan caruurta iyo qaabka ay shaqooyinkooda kala duwan ku wada lahaayeen. 

Goormaa ayaad heshay shaqada joogtada ah ee 100%?

Sanadkii 2014 ayan qaatay fast100% stilling ah, maadaa ay caruurtu markaas ii koreen.

Waxaad darajo iyo qadarin weyn maanta ku heysataa goobtaada shaqada, waxaana muuqato iney ku timid dadaal dheer, joogtana ah oo adiga kaa yimid. Waxyar bal arintaas nooga faah-faahi? 

Shaqada waxaan ku bilaabay medarbeider caadi ah, balse muddo kabacdi oo aan qaatay tababaro kaladuwan ( forkjellige kurser), waxaan noqday tababare (fader) shaqaalaha cusub ee qeybta aan ka shaqeeyo. 

  1. Bishii may ee sanadkii 2013 ,waxaan ku guuleeystay shaqsiga bishaas ugu shaqada fiicnaa (måneders medarbeider).

  2. Juli 2016 waxaan ku guuleeystay mar labaad shasigii ugu shaqada fiicnaay bishaas (måneders medarbeider)

  3. November 2016 waxaa aan ku guuleeystay shaqsigii ugu shaqada fiicnaay 2016(Årets talent), shaqsigaas oo laga soo xulo shaqsiyaadkii ku guuleeystay 12 kii bilood ee sanadka måneders medarbeiders ka.

  4. Sanadkaan waxaa la’ii soobandhigay in aan noqdo leder (madax shaqaale) waloow aan weli ka fikiraayo arinkaas oo aanan ogolaasho iyo diidmo midna dhiibin.

Farqi intee le-eg baa u dhaxeeyo qofku marka uu shaqeysto iyo marka uu ku noolyahay kaalmada dowlada? 

Runtii shaqadu waa sharaf, waxaana taas ogaan kara qofkii uu ilaahay kasaaro kaalmada/gacanta NAV, oo ah gacan ama kaalmo loogu talo galay qofkii aan awoodin in uu shaqeeysto gabi ahaan, ama ay shaqo ka dhamaatay uu ku sugayo intii uu shaqo ka helaayo. Runtii shaqdu waa xornimo iyo sharaf aan la koobi karin.

Maxaad ku dhiiro-galin lahayd walaalahaaga kale ee somaliyeed marka loo eego dhanka shaqada?

Dhamaan dadka soo galootiga ah, gaar ahaan dadka soomaaliyeed rag iyo dumarba, waxaan ku guubaabinaayaa ineey fadhiga ka kacaan oo aay xuroobaan. Waayo xor matihid, inta aad gacan kale  noloshaadu ku tiirsantahay. Sidoo kale waxaa aan dhihi karaa dareenka qof ahaaneed kuuma dhameystirna inta aad gacantii hooseeysay aad tahay. Hana la xusuusto xadiis kii Nabigeena ee ahaay GACANTA KOREYSA WAXAA EEY DHAANTAA GACANTA HOOSEEYSA. Si kale haddii aan u iraahdo gacanta wax dhiibeeysa waxaa eey dhaantaa tan wax la siinaayo.


 Wareysigan waxaa qaadey oo nala wadaagay dhalinyarada somaliskjobbklubb: booqo pagekooda internetka ee: Somaliskjobbklubb.no  

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x