fredag, mars 29, 2024

Booliska Hardanger: Ma aanan helin cadeyn sheegaysa in Amal Aden loo hanjabay.

Amal Aden ayaa bishii desember ee sanadkii 2014 u sheegtay tvga qaranka NRK, in iyada oo joogto deegaanka Kvam ay hanjabaad ka heshay qaar kamid jaaliyada muslimiinta ah ee degan deegaankaas. Laakiin baaritaan iyo dabagal ay sameeyaan booliska deegaankaas, ayey sheegeen ineysan helin wax cadeyn ah oo muujin kara in Amal Aden loo hanjabay, Amalna aysan soo dacweyn ama sheegin magacyada dadkii usoo diray hanjabaadaha ay heshay. 

Amal Aden ayaa xiligaas NRK u sheegtay in hotelka ay degeneyd lagu soo raadsadey, ayna ku qasbanaatay iney hotelka badalato. Waxeyna sheegtay iney heshay hanjabaado tiro badan oo ka socdo dad ka xanaaqsan iney Amal Aden tahay Lesbian, aana jecleyn qaabka ay u egtahay. 

Journalka Holdeland Foleblad oo soo xiganayo Amal Aden ayaa sidoo kale qoray in dadka Amal usoo hanjabay ay yihiin dad lokal ah oo deegaanka degan iyo waliba dad degan magaalada Bergen.

Booliska Kvam: Baaritaan ayaan sameynay, waxna ma aanan helin

Terje Sperrevik oo ah madaxa booliska deegaanka Kvam,  ayaa maanta NRK u sheegay in baaritaan iyo dabagalo dheeri ah oo ay ku sameeyeen dhacdadaas ay Amal ku sheegtay in loo hanjabay, aysan soo helin wax cadeyn oo ah sheegaya in Amal ay heshay fariimo hanjabaado ah.

Wuxuuna sheegay in baaritaano badan ay sameeyeen, ayna wareysi la yeesheen dad deegaanka degan oo loo maleyn karey iney ka danbeeyeen fariimahaas, laakiin ugu danbeyn ay kiiska soo xireen. Maadaama ay heli waayeen wax cadeyn ah oo xitaa muujin kara in Amal Aden ay fariin hanjabaad ah  heshay, marka laga reebo hadalka Amal.   

Madaxa booliska ayaa sidoo kale sheegay in Amal aysan booliska usoo gudbin kiiska dacwada fariimaha hanjabaadaha ah ama aysan sheegin magacyada dadkii usoo direy hanjabaadahaas.  wuxuuna qirey in hadii ay Amal kiiska dacwada soo gudbin laheyd booliska ay fududaan laheyd iney abuuraan kiis dacwadeed. 

Terje ayaa dhanka kale sheegay in boolisku aysan dhihi inaan Amal loo hanjabin, balse wuxuu sheegay iney kaliya xaqiijin karaan ineysan helin wax cadeyn ah oo arintaas muujinayo, Amalna ay dacwad soo gudbin, kiiska ay halkaas ku xireen.

Amal Aden: No comment!!

Amal Aden oo desember 2014 (2 sano kahor) si aan gabasho laheyn NRK ugu sheegtay iney heshay hanjabaado tiro badan, hotelka ay degneydna lagu soo raadsaday, ayaa maanta markii wax laga weydiiyay isla dhacdadii, sheegtay ineysan ka bixin karin wax kommentar ah. Iyada oo NRK ka codsadey iney la xiriiraan booliska Oslo.

Booliska Oslo ayaa dhankooda sheegay ineysan sida caadiga ah baaritaan ku sameynin kiisaska hanjabaadaha ah ee ka dhaca deegaamada ka baxsan aagooda shaqada. Waxeyna sheegeen ineysan arintaas wax commenti ah ka bixin karin sababo la xiriira amaanka. 

Først Vågan, Nå Kvam:

Ma ahan markii ugu horeysay ee Amal su´aal laga weydiiyo hanjabaado ay sheegtay iney ka heshay deegaamo yar-yar oo dadka ajaaniibta ah ee kunool ay yihiin faro ku tiris. Horey ayaa su´aalo badan looga keenay war ay Amal Aden ku sheegtay iney 40 hanjabaadood ka heshay dhalinyaro soomaali ah oo deegaanka Vågan oo kuyaalo woqooyiga wadankan Norway. Markii Amal laga codsadey iney soo dacweyso ama ay sheegto dadkii usoo direy hanjabaadahaasna ay Amal sheegtay ineysan waqti e heynin. 

Xigasho/kilde: NRK.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x