fredag, mars 29, 2024

Bilad-sharafta Frivilligprisen-2016, waxaa sanadkan la gudoonsiiyey Amino-Cadar

Bilada Frivilligprisen oo ah bilad-sharaf sanadle ah, oo ay bixiso xaafada Vestre Aker ee magaalada Oslo, ayaa waxaa sanadkan la gudoonsiiyay hooyo soomaali oo kamid ah dad degan xaafadaas. Waxeyna noqotay markii ugu horeysay ee qof soomaali(inta aan ognahay) la gudoonsiiyo bilad sharaftaas sanadlaha aha oo ay bixiso Vestre-Aker, Oslo. 

Sida ku xusan webka rasmiga ah ee Vestre Aker, Waxaan biladaas sanad walba la gudoonsiiyaa qof, urur ama hey´ad loo aqoonsado iney shaqo weyn oo mutadawacnimo(iskaa wax u qabo ah) ka qabteen xaafada. Sanadkana waxey gudiga iyo maamulkaa xaafadaas biladan gudoonsiiyeen Amino-Cadar oo kamid dadka degan xaafada, shaqo weyn oo iska wax u qabo ahna kaqabtay xaafadaas dhacda galbeedka magaalada Oslo.

Waxaa aad usoo badanayo dadka soomaaliyeed ee shaqo ama howlo ay qabteen darteed loo gudoonsiinayo bilado iyo abaal-marino, waxeyna taas si weyn uga qeybqaadan kartaa wax kabadalka sawirka qaabka daran ee warbaahinta wadanku ay ka abuurtay soomaalida, iyada oo sidoo kalena dhiirigalin u noqon doonto da´yarta soomaaliyeed ee wadanka ku koreyso.

Bilowgii bishan Desember ayaa waxaa bilada shaqsiga shaqaalaha sanadka ee dukaanka weyn ee Ikea-Oslo, la gudoonsiiyay hooyo soomaali ah oo lagu magacaabo Shugri Waasuge. Halkan ka akhri warbixinta iyo wareysiga Shugri  [adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x