fredag, april 26, 2024

Erna Solberg oo lafilayo iney isku shaandheyn ku sameyso golaheeda wasiirada

Sida ay qorayaan inta badan wargeysyada waaweyn ee wadankan, waxaa dhawaan la filayaa in reysulwasaare Erna Solberg ay isku shaandheyn ku sameyn doonto golaheeda wasiirada. Wakaalada wararka ee NTB ayaa qoreyso in ugu yaraan labo wasiir oo uu kamid yahay, wasiirka dastuurta iyo amniga isbadal lagu sameyn doono.

Anders Anundsen oo sadexdii sano ee ugu danbeysay ahaa wasiirka dastuurta iyo amniga ayey NTB qoreysaa in lagu badali doono Willy Amundsen. Sidoo kale wasiirka Tamarta iyo shidaalka ayey u badantahay inuu boorsado ka xir-xirto xafiiska wasaarada. 

Willy Amundsen iyo Sylvi Listhaug:

Willy Amundsen(sawirka) oo ah ninka ay NTB qoreyso inuu noqon doono wasiirka dastuurka iyo cadaalada, ayaa caan ku ah ajnabi iyo soo galooti naceyb. Waxaa ilaa xaley baraha bulshada ee facebooga iyo Twitterka, laga hadalhayay hadalo ay ku dheehantahay ajnabi naceyb oo ninkaas horey uu ugu qorey baraha bulshada. Willy oo ka tirsan xisbiga FRP, saaxiib dhowna la ah wasiirka xilka baneynayo, ayaa hada xoghaye ka ah wasaarada deegaanka. 

Wasaarada dastuurka iyo amniga ayaa ah wasaarad balaaran oo aad u muhiim ah. Waxeyna si gaar ah muhiim ugu tahay oo ay saameyn baaxad weyn ku leedahay, qoxootiga iyo dadka soo galootiga ah. Maadaama ay wasaaradu xukunto hey´ado dhowr ah oo maamulo arimaha soo galootiga sida UDI, UNE, LANDINFO oo dhamaantood hoos tagi doonaan ninkaas ku caanka ah ajnabi naceyb, hadii uu wasiir noqdo.

Sidoo kale waxey wasaaradan aad isugu dhowyihiin oo ay wada shaqeeyaan, wasaarada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada oo ay wasiirad ka tahay Sylvi Listhaug. Wargeyska VG ayaa sheegay in hadii labadaas wasiir ee FRP ka tirsan ay noqdaan wasiir wadashaqeyn dhow ay ka dhexeyso, ay xaaladu noqon doonto waraabe iyo weer ari raacso

Gudoomiyaha xisbiga SV Audin Lysbakken ayaa marhoreba ka hor dhacay u doorashada ninka ay Erna rabto iney ka dhigato wasiirka. Wuxuuna ku eedeeyay xisbiyada KRF iyo Venstre, in hadii uu ninkan wasiir noqdo ayna ka aamusaan, ay la micno tahay iney raali ka noqdeen inuu nin midigta fog ah oo caadifeysan oo wasiir ka noqdo wadanka. 

Xigasho/Kilde: NRK, VG

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x