Siyaasigii ku jees-jeesay geerida A.H.N Yacquub Hassan oo danbigiisa qirtay

0
187

Siyaasigii ku jees-jeesay geerigada A.H.N Yacquub Abdullahi Hassan oo ahaa 14-kii soomaaliga ahaa ee lagu dilay magaalada Kristiansand bilowgii bishii Desember, ayaa qirtay danbiga lagu soo eedeeyay ee hadalka naceybka uu ku dheehanyahay ah.

Ninkan siyaasiga ah oo katirsanaa xisbiga Demokratene, ayaa qoraal uu kusoo qoray barta facebook, wuxuu geerida Yacquub  yare ku tilmaamay mid aan micno weyn laheyn, maadaama uu mustaqbalka noqon lahaa argagaxiso. Isaga oo islamarkaasna ka tacsiyeeyay geerigada haweeneydii Yacquub lala dilay ee Tone Illebek.

Dacwad-oogayaasha Booliska ayaa ninkan kusoo eedeeyay inuu la yimid hadalo naceyb ah, kuwaas oo uu ciqaab ku mudan karo.

Kadib markii lagu soo eedeeyay danbiga hadal-naceybka ah, ayuu iska casilay jagadii uu u hayay xisbiga Demokratene, isaga oo sidoo kale ka tunaasulay musharaxnimadii baarlamaanka ee uu xisbigaas yar uga sharaxnaa gobalka Hedmark.

Henning Klauseie oo ah qareenka booliska ayaa sheegay in ninka uu qirtay inuu isaga ahaa qofkii Facebooga ku qoray qoraalkaas, wuxuuna raaciyay inuusan sifiican uga fakarin cawaaqibta ka imaan kartay.

Klauseie ayaa raaciyay in ninkan ogolaaday in kiiskiisa loo gudbiyo maxkamada, iyada go´aan looga gaari doono sidii qof danbiga qirtay oo kale.

Ex-siyaasigan ayaa lagu heystaa inuu jabiyay qodobka 185 ee xeerka ciqaabta. Wuxuuna muteysan karaa ciqaab u dhaxeyso ganaax ilaa sadex sano oo xabsi ah. Maadaama uu danbiga qirtay, wax xoogaa ayaa ciqaabta laga qafiifin doonaa.

Xigasho/kilde: NRK.no 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments