fredag, april 19, 2024

Sidee passportkaaga ugu qori kartaa magaalada aad ku dhalatay ee saxda ah?

Waxaa ilaa shaley magaalada Oslo aad looga hadalhayay dad badan oo soomaali ah, kuwaas oo looga yeeray xafiiska laanta diiwaangalinta ee Skattøst(Oslo). Dhowr qof ayaa NorSom News lasoo xiriiray, iyaga oo rabay inay wax arintaas ka ogaadaan.

Ukjent:

Sommerkii hore ayey hey´ada maamusha booliska Norway soo saartay go´aan cusub, kaas oo ku saabsan in passporadooda dadka ka yimid 31 wadan oo Soomaaliya ay kamid tahay, loogu qori doono (ukjent) magaalada dhalashada.

Buuq iyo fal-celin xoogan kadib, ayey hadana hey´ada POD kanoqotay go´aankaas hore, iyaga oo keenay xal kale oo ah in wadanka uu qofku ku dhashay passport loogo qoro labo jeer(Magaalada dhalashada: Som..Wadanka Dhalashada: Somalia).

Go´aankii koowaad ee UDI-da:

warqad uu noo soo diray qof shaley joogay xafiiska laanta diiwaangalinta dadweynaha

Sida aan kasoo xiganeyno dad badan oo shaley tagay xafiiska laanta diiwaangalinta dadweynaha, waxaa dadkii passportka loogu qoray(Ukjent) ama Som-Somalia lagu wargaliyay, in passporkooda loogu qori doono magaalada dhalashada, hadii ay la yimaadaan warqada go´aankii koowaad ee UDI-du ay qofka ku aqbashay codsigiisa magangalyada.

Sidoo kale warqada go´aanka ogolaanshihii koowaad ee dadka qaabka dacwada ah ku imaaday wadanka.  Warqadaas ayey laanta diiwaangalintu sheegtay inay noqon karto cadeynta magaalada dhalashada, si qofka magaalada uu ku dhashay ee saxda ah loogu qoro passportkiisa.

Hadii aadan heynin warqada go´aankii koowaad ee UDI-da, waxaad la xiriiri kartaa xafiiska UDI-da, ayaga ayaana kuusoo diri kara nuqulka(copy-ga) warqada go´aankii koowaad ee UDI-du qofka ku aqbashay codsigiisa magangalyo. Ama warqada go´aankii qofka lagu ogolaaday( dadka loo dacwooday).

Sida dadka aan la xiriirney ay noo sheegeen, UDI-da ayaa qofka usoo diri kara warqadaas, hadii warqadaas wali ay kujirto keydkooda. .

NorSom News ayaa xiriir dhanka la sameysay laanta diiwaan-galinta, si aan arintaas u xaqiijino, laakiin wali jawaab kama aanan helin.

Dadka aan la xiriirney ayaa noo sheegay in  in dadkii passportkooda lagu qoray Ukjent lagu wargaliyay, inay heystaan waqti cayiman oo ay khaladkaas passportkooda kuqoran ay ku sixi karaan. Nooma xaqiijin goorta uu ku egyahay waqtigaas, laakiin qof kamid ah ayaa sheegay inay ku egtahay bilowga bisha April ee sanadkan.

Wixii arintaas kusoo kordha gadaal ayaan kasoo galin doonaa.

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x