Adeegan cusub oo loogu magacdaray Remmitor.com, ayaa ah mid qofka u sahlaya inuu si toos ah lacagtiisa ugu xawilo Soomaaliya, Kenya iyo Ethopia, isaga oo aan soo marin xafiis xawaaladeed.
Abdirisaq Aden Macow(sawirka bidix) oo kamid ah maamulka shirkada TTC finans ayaa NorSom u sheegay in adeegan cusub ee Remmitor ay ugu talo-galeen iney ka faa´iideystaan dadka Somaliyeed ee ku nool dalka norway. Wuxuuna raaciyay inay iyaga oo gurigooda iyo caruurtooda aan kasoo dhex-bixin ,ay si toos ah lacagta ugu diri karaan qaraabadooda degan dalkii.
Remmitor lacagta kaga dirso gurigaada dhexdiida kana ogaw in lacagta ay wali taalo ama in la qaatay.