fredag, mars 29, 2024

Ganacsato soomaali ah oo sameeyay adeeg kuu sahlayo inaad gurigaada ka dirto lacagta xawaalada

Shirkada TTC Finans AS  oo ah shirkad ay aas´aasen ganacsato soomaali ah, ayaa  sameeyay adeeg cusub oo soomaalida Norway degan, u fududeynayo inay lacagaha xawaalada qaab online- ah u diraan, iyaga oo gurigooda aan kasoo bixin.

Adeegan cusub oo loogu magacdaray Remmitor.com, ayaa ah mid qofka u sahlaya inuu si toos ah lacagtiisa ugu xawilo Soomaaliya, Kenya iyo Ethopia, isaga oo aan soo marin xafiis xawaaladeed. 

Maamulka TTC Finans waxay ugu talagaleen adeegan cusub ee Remmitor,  in ay soomaalida Norway u sahlaan inay si toos lacagta ugu diraan mobilka qofka soomaaliya joogo ee isticmaala adeegyada Zaad, EVC plus iyo Sahal.

Sidoo kale waxey wada-shaqeyn iyo xiriir toos ah uu kala dhaxeeyaa shirkada Taaj, islamarkaana wuxuu qofka soomaaliya joogo uu lacagta ka qaadan karaa xafiisyada xawaalada Taaj ee Soomaaliya, Kenya, iyo Ethopia. 

TTC Finans ayaa ah shirkad maaliyadeed oo ka diiwaan-gashan waaxda maaliyada iyo canshuuraha ee Finanstilsynet

Abdirisaq Aden Macow(sawirka bidix) oo kamid ah maamulka shirkada TTC finans ayaa NorSom u sheegay in adeegan cusub ee Remmitor ay ugu talo-galeen iney ka faa´iideystaan dadka Somaliyeed ee ku nool dalka norway. Wuxuuna raaciyay inay iyaga oo gurigooda iyo caruurtooda aan kasoo dhex-bixin ,ay si toos ah lacagta ugu diri karaan qaraabadooda degan dalkii.

Awale A. Jamac oo isna kamid ah maamulka TTC finans ayaa raaciyay in soomaalida degan tuulooyinka iyo meelaha fog-fog ay dhib ku qabaan lacag-dirsashada, maadaama aysan marwalba ka agdhaweyn xawalaado.

 Adeegan Remmitor.com ayaa ah mid xawaaladii kaa dheerayd gurigaaga ama aad magaalada ugu dagi jirtay, gurigaada kuugu keenay.

Remmitor lacagta kaga dirso gurigaada dhexdiida kana ogaw in lacagta ay wali taalo ama in la qaatay.

Si aad u bilowdo inaad lacagtaada ku dirsato adeegan cusub ee Remmitor, booqo boga rasmiga ah ee adeegan Remmitor.com

Hadii aad u baahantahay inaad macluumaad dheeri ah ka hesho qaabka uu u shaqeeyo adeegsan cusub ee Remmitor, la xiriir shirkada TTC Finans:

TLF: 47 465 34 081 ama  47 465 34 082 ama E-mail:info@ttcfinans.com

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x