Nin ereyo neceyb ah ku dhahay Haweeney soomaali ah oo uur leh, oo maxkamada Oslo maanta lasoo taagay

0
347

Waxaa maanta maxkamada Oslo lasoo taagay nin kontomeeyo jir ah, kaas oo lagu soo eedeeyay cunsurinimo, kadib markii aflagaado iyo cay uu u geystay haweeney soomaali ah oo uur leh.

Ninkan ayaa bishii mai ee sanadkii hore, xaafada Bjøndal ee magaalada Oslo ku aflagaadeeyay haweeneydan soomaalida ah oo uu wadada kula kulmay. Waxaana ereyada uu kuyiri kamid ahaa:

Calooshaadu wey weyntahay ee daanyeer miyaa kujiro!!. Imisa daanyeer ayaad horey u heysatay!!. Miyeysan kuwii hore kugu filneyn?. Dadka adiga oo kale ah ayaa abuura cunsuriyiinta iyo dadka wax dila!!.

Haweeneyda soomaalida ah ee aflagaada iyo ceyda loo geystay, ayaa maanta maxkamada Oslo kahor sheegtay in dhacdadan ay ku abuurtay cabsi iyo wel-wel socday ilaa hada. Waxeyna sheegtay in wixii ka danbeeyay dhacdadaas aysan banaanka u bixin hadii ay mugdi noqoto, iyada mar walba iska fiiriso inuu qof daba socdo.

Haweeneydan ayaa sidoo kale sheegtay in naagta saaxiibka la ah ninkan cunsurinimada u geystay oo ay daris yihiin, ay wali hadalheyso magaceeda. Waxeyna sheegtay in shaley oo ugu danbeysay ay dhagaheeda maqleen ninka saaxiibadiis oo kale: Waa taas qumayadii saaxiibkey maxkamada geysay.

Qareenka booliska ayaa sheegay in ninkaas ereyada aflagaada ah ee uu geystay ay ahaayeen kuwo xuduudka dhaafsan. Isaga oo sheegay in ereyadaas neceybka ah ay ahaayeen kuwo toos ugu wajahan, waxna looga sheegayo midabka haweeneyda. 

Qareenka u doodayay ninka maxkamada Oslo maanta la keenay, ayaa sheegay in ninkaas uusan qiran danbiga. 

Xigasho/kilde: VartOslo.no 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments