6,3 % ardada iskuulada Norway, waxey iskuula kula kulmaan caay

0
130

Warbixin iyo tirkoob cusub oo lasoo saaray ayaa lagu sheegay in 6,3% kamid ah ardada dhigata iskuulada Norway, ay caay iskuulka kula kulmaan mar, laba, ama sadex jeer bishiiba. 

Warbixintan cusub oo ah mid laga qaaday ardada dhigata klasska 5-aad ilaa dugsiga sare, ayaa waxaa lagu wareystay 433.000 oo ardey ah. 27.000 oo kamid ah ayaana sheegay in iskuulka lagu caayo. Waxeyna sheegeen inay caayaan ardeyda iskuulka la dhigato markii iskuulka la joogo ama online-ka/internetka iyo sidoo kale dadka waaweyn ee iskuulka joogo. 

4,6% kamid ah ardeyda iskuulka lagu caayo, ayaa sheegtay in bishiiba ay caay la kulmaan mar, labo ama mararka qaarkood wax intaas ka badan.

68,3% kamid ah ardeyda la caayo ayaa sheegtay in lagu dhahay ereyo foolxun ama loo caayay qaab dhaawac nafsiyan ah u keeni kara. 23,4% ayaa sidoo kale sheegay in qaab gacan ka hadal ah loo dhibaateeyo, halka 46,1% ay sheegeen in la xantay ama warar been abuur ah laga fidiyay.

Ardeyda ugu badan ee wax caayda, ayaa warbixintan lagu sheegay inay yihiin  ardey laftirkooda la caayay ama horey loo soo caayay.  Sidoo kale wiilasha ayaana ugu badan dadka iskuulada wax ku caayo.

[adsenseyu2]

Isla warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in 90% ardeyda dhigata iskuulkada Norway ay iskuulka jecelyihiin. Halka 2,7 %kamid ah ardeyda warbixinta laga diyaariyay ay sheegeen inaysan iskuulka jecleyn gabi ahaanba.

Hooyo iyo aabe: Xaalada cunugaada ee iskuulka maka warqabtaa?

Warbixino hore ayaa lagu ogaaday in ardeyda ajaaniibta ah ee iskuulada hoose ee Norway dhigata, ay iskuulka kula kulmaan caay iyo dhibaato ka badan, tan ardeyda wadanka u dhashay. Sidaas darteed hooyo iyo aabe, waa muhiim inaad la socoto xaalada ilmahaada ee iskuulka:

Ilmahaaga makala sheekeysatay xaaladiisa iskuula iyo sida uu iskuulka u xiiseeyo?

Ma weydiisay waxa uu sameeyo xiliga bareega oo ay ardeyda fasaxa tahay iyo inuu heysto asxaabta uu waqtiga bareega la qaato?. 

Makala sheekeysatay inay jiraan cid dhibaato, caay, xifaalo iyo hanjabaad ugu geysato iskuula?

Goormee kuugu danbeysay oo aad macalimiintiisa iskuulka aad kala sheekeysatay sida uu iskuulka ku yahay/kutahay?. Ma ahan kaliya inaad sugato foreldremøte til foreldremøte, ee hadii aad rabto inaad wax dheeri ka ogaato xaalada ilmahaaga, macalimiinta ama xitaa maamulaha ayaad balansan kartaa. Mustaqbalka iyo aayaha danbe ee ilmahaaga marti ha uga noqon cid kale. 

Iskuulka uu dhigto waa mid noocee ah? Qaab noocee ahse, ayey uga hortagaan hadii ay caay iyo dhibaato ardeyda iskuulka kula kulanto?

Torbjørn Isaaksen: 75 milyan ayaan u qorsheynay

Wasiirka waxbarashada Norway ayaa sheegay in dowladu ay 75 milyan NOK u diyaarisay kahor tagista cayda ay ardeydu kula kulmaan iskuulada. Isaga oo sheegay in sida ugu weyn ee arintaas looga hortagi karo ay tahay in dadka waaweyn ee iskuulada joogaa ay arintaas ku baraarugsanaadaan, isla markaana ay soo dhexgalaan hadii ay arkaan ardey la dhibaateenayo.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no -papiravis( 25-01-2017, side 18)

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments