torsdag, april 25, 2024

Warbaahinta Norway ee midigta oo kasoo horjeedo in awooda sharci kala noqoshada laga qaado laanta socdaalka

Qaar kamid ah warbaahinta Norway ee lagu xisaabiyo dhinaca midigta ama Konservativ-ka, ayaa maqaalo ay qoreen ku dhaleeceeyay soo jeedinta baarlamaanka Norway lahorgeyn doono, ee ku saabsan in awooda sharci kala noqoshada laga qaado hey’ ada laanta socdaalka, loona wareejiyo maxkamadaha.

Tifaftirayaasha wargeysyada Aftenposten, Finansavisen, iyo Nettavisen ayaa maqaalo ay kusoo daabaceen bogaga kore ee wargeysyadooda si cad uga soo horjeestay soo jeedintaas. Iyaga oo sheegayo in taas ay lamicno tahay in kalsoonida shaqo laga qaaday UDI-da, maxkamadahana la saarayo culeys shaqo oo aysan waqti u heynin.

Finansavisen oo caadiyan ah wargeys ka warama arimaha dhaqaalaha, ayaa iyaga soo xiganayo kiiska Mahad Abiib sheegay, in maxkamadaha Oslo ay sida caadiga ah yihiin kuwo mashquul badan. Ayna adagtahay in waqti laga helo mar walba. Waxeyna sheegeen in kiisaska maxkamadaha la geeyo ay badanaa waqti dheer qaataan, go’ aanka maxkamaduhuna ay badanaa soo daahaan. Taasna ay kaliya dheereeneyso waqtiga uu qofka sii joogaya wadanka.

Nettavisen ayaa xisbiyada soo jeedinta keenay ka codsaday inay dib ugu noqdaan soo jeedintaas inta aan baarlamaanka la horgeyn. Iyaga oo sheegayo in go’ aankaas uu yahay mid aan si dhab ah looga fiirsan, waqti iyo qarash badana uu ku lumi doono. Si gaar ah waxey u eedeeyen KRF, iyaga oo sheegay inay xamaasad iyo nugeyl ay ka qaadeen kiiskii Mahad Abiib, sidaas darteedna ay u taageereen soo jeedinta.

Aftenposten ayaa iyaga dhex-dhexaad iska dhigayo sheegay inaan awooda sharci kala noqoshada laga qaadin UDI-da, balse la raadiyo xal kale oo qofka u sahlayo inuu iskiis kaligii maxkamad u tago.

Sadexdan wargeys iyo kuwo kale ee maqaalada ay ku dhaleeceynayaan soo jeedintaas qoray, waa kuwo lagu tiriyo dhinaca midigta ama konservativka. Waxaana lagu eedeeyaa inay u jan-jeeraan dhanka siyaasada xisbiga Høyre. Qaarkood ayaaba dhowr mar si toos ahh aqristayaashooda ugu booriyay inay Høyre u codeeyaan.

Sida caadiga tifaftirayaasha wargeysyada ayaa markii ay dhacaan dhacdooyin waaweyn, ka dhiibto fikirkooda.

Soo jeedintan ayaa sagaalka bisha soo socoto ee Febraury lahor keeni doonaa baarlamaanka Norway. SV ayaa soo jeediyay, AP, Venstre, MDG, SP iyo KRF-na waxey siiyeen taageero. Wuxuuna sidaas ku heystaa codka aqlabiyada.

Xigasho/kilde: Aftenposten-papiravis(23-01-2017, side 1) Finansavisen-papiravise(21-01-2017, side 1), Nettavisen.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x