fredag, mars 29, 2024

wasaarada arimaha dibada Norway oo ka digeyso in loo safro galbeedka dhulweynaha Soomaalida

Wasaarada arimaha dibada dalkan Norway, ayaa muwaadiniinta norwiijiga ah ugu digeyso inay u safraan bariga gobalka-galbeedka -dhulweynaha-qowmiyada-soomaalida, ama dhulka ay Ethopia xooga ku maamuluto ee loogu yeero gobalka soomaalida Ethopia(kilalka shanaad)!.

Warbixin cusub oo wasaarada arimaha dibadu ay kusoo daabaceen bogooda rasmiga ah oo ay ku leedahay internetka, ayey ugu digtay inay muwaadiniinta norwiijiga ah ay u safraan ama ay ku nagaadaan gobalka galbeedka dhulweynaha soomaalida(Dhulka ay Ethopia maamulato ee kililka soomaalida). Iyada oo sidoo kalena ku wargalisay inay aad u feejignaadaan, hadii ay u safrayaan gobolada Ethopia xuduudka la leh wadamada Ereteriya iyo Koonfurta Suudaan.

Wasaarada ayaa sidoo kale ku dhiirigalisay muwaadiniinta norwiijiga ah ee hada ku sugan Ethopia, inay iska diiwaan-galiyaan webkan ay wasaaradu u sameysay muwaadiniinta Norway ee ku safro wadamada dibada: Reiseregistrering.no 

Xaalada amaan ee Ethopia ayaa aad u kacsaneyd bilihii ugu danbeeyay, kadib markii ay banaanbaxyo waaweyn dhigeen dad ka careysan maamulka digtaatooriga ee Tigreega.

Xigasho: Regjeringen.no/ Utenriksde.NO , ABC-nyheter

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x