fredag, november 29, 2024
Home Blog Page 246

(Q/Khalad sixid): Ålesund waxey soo uruuriyeen 8523 NOK

Waxaan shaley soo bandhignay liiska magaalooyinka lacagaha usoo uruuriyay howshii gurmadka abaaraha iyo tirada lacagta ay usoo uruuriyeen. Waxaan ilownay inaan liiska ku darno jaaliyada soomaaliyeed ee magaalada Ålesund oo gudiga gurmadka abaaraha usoo gudbiyay lacag dhan 8523 NOK.

Halkan ka akhriso magaalooyinka kale ee lacagta usoo uruuriyay howsha gurmadka abaaraha. 

[adsenseyu2]

 

 

 

NRK: Wariye lagu qafaashay Soomaaliya

Sida uu qorayo TV-ga qarankan Norway ee NRK, waxaa duleedka magaalada Muqdisho shaley lagu qafaashay wariye soomaali ah.

Sida uu NRK kasoo xiganayo wariyeyaal ku sugan Soomaaliya, waxaa qafaalka wariyahan ka danbeeyay koox dabley hubeysan ah oo lix qof ka kooban.Wariyaha oo lasoo xiriiray qoyskiisa ayaa sheegay inuu la kulmay Jirdil.

Xigasho/kilde: NRK.NO

[adsenseyu2]

 

Laacibiinta soomaalida ah ee sanadkan kasoo dhex-muuqan doono horyaalada kubada cagta Norway

0

Waxaa maalintii shaleyto aheyd xariga laga jaray horyaalada kubada cagta dalkan Norway, heerarkiisa kala duwan. Waxaan halkaan kusoo gudbineynaa qaar kamid ah laacibiinta soomaalida ah ee sanadkan kasoo dhex muuqan doono horyaalada heerka 1-aad iyo kan labaad.

Horyaalka heerka koowaad(Tippeligaen):

  1. Abdisalaam Ibrahim(Cadaay):(Vålerenga)…Boos: Khad-Dhexe, weerar xigeen..Nr: 6…Cadaay wuxuu kamid ahaa kooxdi joogtada ah(kooxda mar walba lagu soo bilaabo) ee Viking. Vålerenga ayuu kusoo biiray maalin kahor, isaga oo dib ila midoobay macalinkiisii hore ee Ronny Deila.

  2. Liibaan Cabdi Ali:(Haugesund). Boos: Weerar garab ah. Nr: 7. Dhamaadkii xili ciyaareedkii hore ayuu Haugesund kusoo biiray. Sanadkii hore wuxuu badanaa kulamada kusoo gali jiray badal, ama intii lagu bilaabo ayaa gadaal laga badali jiray. Liibaan wuxuu horey uga soo ciyaaray horyaalo kala duwan oo Yurub ah.

  3. Moussa Njie: Stæbek..Boos: Weerar garab ah. Nr: 11..Muuse waa laacib ay hooyadii soomaali tahay, aabihiina Gaambiyaan. Wuxuu u safan jiray kooxda Vålerenga Oslo, balse sanadkii 2015 ayuu u wareegay Stæbek, isaga oo kamid ah kooxda joogtada ah ee Stæbek.

Horyaalka heerka labaad(Obos Ligaen):

  1. Ciise Midnimo: Koox Ull/kisa: Boos: Difaac dhexe. Nr: 4.. Ciise waa captankii hore ee xulka qaranka Soomaaliya iyo kooxdii Elman. Dhowr kooxood oo kala duwan ayuu usoo ciyaaray horyaalada kubada cagta Norway, isaga oo sanadkii hore u ciyaarayay kooxdii heerka 3-aad u dagtay ee KFUM. Ull/kisa ayaa lasoo wareegtay sommerkii lasoo dhaafay, isaga oo u saxiixay heshiis 2 sano ah.

  2. Mohamed Ahmed (MO): Tromsdalen. Boos: Weerar. Nr: 20…MO waa captanka kooxda Tromsdalen oo ah koox ka dhisan magaalada Tromsø, isla markaana sanadkan usoo gudubtay horyaalka heerka labaad ee kubada cagta Norway.

  3. Anas Farah Ali: Fredrikstad.: Boos: Khad dhexe. Nr: 24. Anas waa laacib junior dhalinyaro ah oo kasoo baxay kooxda yar-yarka ee Fredrikstad.

    [adsenseyu2]

FRP oo lagala baxay booska xisbiga 3-aad ee ugu weyn wadanka

Dhowr Codbixin oo isbuucyadii ugu danbeeyay qaab online ah loogu qaaday barta internetka, ayaa sheegayo in xisbiga Senterpartiet(Sp) uu yahay xisbiga 3-aad ee ugu weyn Norway, marka laga soo tago Ap iyo Høyre. Sp oo ah xisbiga beeraleyda, xoolo-dhaqatada iyo dadka degan tuulooyinka ayaa booska kala baxay xisbiga FRP oo horey u ahaan jiray xisbiga 3-aad ee ugu weyn wadanka.

Dowlada Norway ayaa bilihii ugu danbeeyay ku howlaneyd isku darka degmooyinka iyo qaar kamid ah tuulooyinka yar-yar, waxaana arintaas ka biyo diidsan dadka degan tuulooyinka iyo beeraleyda. Waana sababta ugu weyn ee loo sababeynayo sare u kaca xowliga ah ee Sp.

Sp ayaa inta badan la shaqeeyo xisbiga Ap, waxeyna arintan bishaaro u tahay Jønas Gahr Større iyo xisbigiisa Ap oo dhowrkii bilood ee ugu danbeeyay ay ku timid hoos u dhac yar oo xaga taageerayaasha ah.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no

[adsenseyu2]

 

 

Lacag intee le´eg ayaa kasoo xarooday magaalooyinka kala duwan, yaase ugu lacag badnaa gurmadka abaaraha

Waxaa shaley lasoo gaba-gabeeyay howshii gurmadka abaaraha oo soomaalida Norway ay sanadkan si wadajir ah oo baaxad weyn ay uga wada qeybqaateen.

Waxaan halkan kusoo gudbineynaa lacagihii kala duwanaa oo ay soo uruuriyeen jaaliyadaha magaalooyinka. Liiskan waxaan kasoo xiganay gudiga gurmadka abaaraha, waxey u kala horeeyaan sida ay ukala lacag badnaayeen.

FG: Magaalooyinka hoos ku xusan waa magaalooyinkii ay howsha lacag uruurinta ah ka dhacday 25-kii Maarso, sida ay gudiga gurmadka abaaraha noo sheegeen.

  • 1)Oslo= 341.414 NOK.

  • 2)Bærum= 74.517 NOk

  • 3)Arendal/Risør=70.000 NOK

  • 4)Drammen/Buskurud:65.425 NOK

  • 5)Asker= 49.339 NOK

  • 6) Lillehamar=48.385 NOK

  • 7)Hamar= 32.413 NOK

  • 8)Trondheim= 32.700 NOK

  • 9)Lunde/Ulefos=26.774 NOK

  • 10)Gran/luner=25.653 NOK

  • 11) Molde= 21.400 NOK

  • 12)Bergen= 16.400 NOK

  • 13) Kristiansund= 15.709 NOK

  • 14)Brummundal= 11.662 NOK

  • 15) Horten= 10.060 NOK

  • 16) Melbu= 10.000 NOK

  • 17) Tromsø=9.127 NOK

  • 18) Ålesund: 8523 NOK
  • 19)Moss= 6.909 NOK

  • 20)  Ås= 6.157 NOK

  • 21) Hønnefos= 5268 NOK

  • 22)Kopervik= 1950 NOK

  • 23)Fredrikstad 0 NOK

  • 24) Sarsborg 0 NOK

Meelaha ay lacagaha kasoo galeen:

Lacagta soo xarootay ayaa isku dar dhan 1.026.025 NOK.  81% lacagtan waxey kasoo xarootay koombooyinkii la qaaday 25-kii Maarso, halka 10% ay tahay lacag Vips ahaan loogu soo diray acounka Hanaano. 

Ganacsatada Oslo ayaa lacagta gurmadka abaaraha kulahaa 6%, halka takaasileyda Oslo iyo Romerike ay 3% ku lahaayeen lacagihii gurmadka abaaraha.

FG: Xisaabtan waxaan kasoo xiganay gudiga gurmadka aabaaraha.

[adsenseyu2]

 

Duqa magaalada Oslo oo bilad sharafta ugu sareyso xaafada Stovner gudoonsiisay Maxamed Xaaji Kheyre

Maxamed Xaaji Kheyre oo kamid ah wax-garadka bulshada soomaaliyeed ee Oslo, gaar ahaan xaafada Stovner ayaa sanadkan la gudoonsiiyay bilada Årets Ildsjel, qeybta dadka waaweyn. Biladan ayaa ah bilad sharafta ugu sareyso ee laga bixiyo xaafadaas, lana siiyo dadka howlaha bulsho ka shaqeeyo.

Sida ay NorSom News kasoo xiganeyso dad xog ogaal ah, waxaa biladan Kheyre kula tartamayay labo qof oo Norweejiyaan ah, balse waxaa ku guuleystay oo la gudoonsiiyay Mohamed Xaaji Kheyre. Waxeyna noqoneysaa markii ugu horeeyay ee qof ajnabi ah uu ku guuleysto biladan, sida aan kasoo xiganeyno dad xaafada degan oo NorSom News ay la hadashay.

Duqa magaalada Oslo Marianne Borgen ayaa Kheyre gudoonsiisay biladan.

Kheyre ayaa loo aqoonsaday inuu qeyb weyn ka qaatay howlaha bulshada ee ka socdo xaafada, isaga oo sida iskaa wax u qabso ah(muwatacnimo ah) ku shaqeeyo. Sidoo kalena wuxuu kamid yahay Eldre rådet oo ah gudi siyaasadeed xaafada ka dhisan, kuwaas oo wax laga weydiiyo ama talo ku darsado waxyaabaha xaafada ka socdo.

Xaafada Stovner ee magaalada Oslo, ayaa kamid ah xaafadaha ay soomaalidu ugu badantahay deegaan ahaan magaalada Oslo. Iyada oo soomaalida degan xaafadaas lagu qiyaaso 3000 ilaa 3500 qof.

[adsenseyu2]

Abdisalaam Cadaay oo ku biiray kooxda Vålerenga Oslo

0

Xidigii hore ee kooxda kubada Manchester City Abdisalaam Ibrahim Cadaay ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray kooxda ka dhisan magaalada Oslo ee Vålerenga, isaga oo kasoo wareegay kooxda Viking ee magaalada Stavanger.

Viking ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay fasaxeen mid kamid ah laacibadii ugu wanaagsanaa kooxda, sababo dhaqaale xume oo kooxda soo wajahay iyo mushaarka Cadaay oo ay sheegeen ineysan awoodin bixintiisa.

Ibrahim Cadaay ayaa la midoobi doono macalinkiisii hore ee kooxda Strømsgodset, ahaana macalinkii kooxda Celtic, Ronny Deila oo hada tababare u ah Vålerenga. Wuxuuna Vålerenga u saxiisay heshiis soconaya labo sano.

Warbaahinta waaweyn ee Norway ayaa aad u hadalheyso wareegista cadaay ee kooxda Vålerenga, maadaama Viking iyo Vålerenga ay yihiin kooxo aad u loolama.

Arinta kale ee xuska mudan ayaa ah in ciyaarta koowaad ee furitaanka hortaalka Norway ay isku wajihi doonaa Viking iyo Vålerenga.

Halkan ka daawo wareysi uu Cadaay siiyay kooxda vålerenga, wareegistiisa kadib. 

Xigasho/kilde: TV2.NO,  VG.NO , Dagsavisen.no

[adsenseyu2]

 

 

Hal milyan ayay soomaalida Norway hal maalin kusoo uruuriyeen

Gudiga gurmadka abaaraha ayaa galabta soo bandhigay lacagta Kasoo xarootay howshii gurmadka abaaraha. Lacagta soo xarootay ayaa isku dar noqotay 1.026.026 Nok.Lacagtaas oo sarif ahaan noqoneyso 124 kun oo dollar.

Gudiga ayaa go’ aamiyay in lacagtan gabi ahaanteed lagu diro Sh Nuur Baaruud Gurxan.

Faah-faahinta arintan dib ayaan Kasoo galin doonaa..

[adsenseyu2]

Xagee loo dirayaa lacagtii loo uruuriyay abaaraha, kl 18:00

Sidii lagu balansanaa gudiga gurmadka abaaraha iyo masaajidka Towfiiq Oslo ayaa galabta isla soo bandhigi doono meesha loo dirayo lacagihii abaaraha ay uruuriyeen soomaalida Norway.

Gudiga ayaa galabta saacada 18:00 shir ku qaban doono masaajidka Towfiiq, iyaga oo ka warbixin doono meesha lacagtaas loo diri doono iyo tirada guud ee lacagaha soo xarooday.

Waxaan isku dayeynaa inaan si toos ah(live) usoo gudbino kulanka Gudiga..La soco NorSom News/facebook kl 18:00

Sweden: Ilaa 14.000 qof oo magangalyo-doonayaal ah, ayaa da´dooda baaritaan ku sameyn doonaa

Laanta socdaalka ee dalka Sweden ayaa sheegtay in sanadkan 2017, baaritaan dhanka da´da ah lagu sameyn doono dad tiro ahaan u dhaxeeyo 3.000 ilaa 14.000 qof oo magangalyo doonayaal ah.

Wakaalada baarista danbiyada ayaa laanta socdaalka bil kadib usoo gudbin doonto jawaabihii ugu horeeyay ee baaritaanka da´da ah ee laga qaaday magangalyo doonayaasha.

Sweden ayaa waqti dhow bilowday inay baaritaanada dhanka da´da ah ee laga qaado da´yarta magangalyo doonka ah ama dadka kale ee isku dhiiba inay ka yaryihiin da´da qaan-gaarnimada dalalka reer galbeedka(18). Waxaana arintaas kaga horeeyay oo waqti hore dhaqan-galiyay dalkan Norway, inkasta oo wali ay jiraan cabashooyin ku aadan baaritaanadaas dhanka da´da ah.

Baaritaanada da´da ee Seden ayaa noqon doono raajooyin laga qaado gows-dambeedka qofka iyo lafta jilibka, waxaana sawirada raajada baaritaan ku sameyn doono dhakhaatiir.

Xigasho/kilde: Radio-sverige

[adsenseyu2]

NTB: Trump oo amray in la dar-dar galiyo dagaalka lagula jiro al shabaab

Sida ay qoreyso wakaalada wararka wadankan Norway ee NTB, madaxweynaha dalka dalka Mareykanka Donald Trump ayaa amray in la dar-dar galiyo dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta. Waxaana warkaas laga soo xigtay ila ka agdhow xarunta wasaarada gaashaandhiga dalka Mareykanka.

Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay mar walba fasax u heystaan in markii ay rabaan ay dagaal ku qaadi karaan Al shabaab, iyaga oo aan wax ogolaansho ah soo weydiisan aqalka cad ee looga arimayo dalkaas. Wuxuuna sidoo kale fasax u siiyay in markii ay rabaan ay duqeymaha diyaaradaha duuliye la´aanta ah(drone), ku qaadi karaan Al shabaab iyaga oo aan amar ka sugin aqalka cad.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadiisu ay taageero xaga cirka ah siiyaan ciidamada SNA iyo kuwa nabad-sugida Amisom, markii ay u baahdaan ama soo codsadaan.

Xigasho/kilde: NTB

[adsenseyu2]

 

Jaaliyada Buskurud/Drammen oo 65.000 ku wareejisay gudiga gurmadka abaaraha

Jaaliyada soomaaliyeed ee magaalada Drammen iyo guud ahaan gobolka Buskurud ayaa gudiga gurmadka abaaraha soomaalida Norway ku wareejiyay lacag dhan 65.000 NOK, taas oo ay soo xareeyeen laba mar oo kal duwan.

Jaaliyada Buskurud ayaa kamid noqoneyso jaaliydaha lacagta ugu badan soo uruuriyay, howshii gurmadka abaaraha.

Wasiirad katiran dowlada Denmark oo shacabka ka codsatay inay soo sheegaan dadka sida sharci darada ah uga shaqeeyo maqaaxiyaha soo galootiga

Wasiirada arimaha soo galootiga dalka Denmark, haweeneyda lagu magacaabo Inger Støjberg ayaa dadweynaha reer Denmark ka codsatay inay dowlada kusoo wargaliyaan, hadii ay arkaan dadka ka shaqeeyo maqaaxiyaha iyo meelaha lagu iibiyo Pizada, ee sida sharci darada ah ku shaqeynayo.

Wasiiradan oo ka hadashay TV2 dalkaas ayaa si toos ah shacabka Denmark uga codsatay inay dowlada gacan ka siiyaan arintaas, iyada oo codsatay inay dowlada kusoo wargaliyaan hadii ay arkaan dad aan luuqada Danish ku hadlin, kuwaas oo ka shaqeynayo meelaha Pizada lagu iibiyo, ayna uga shakiyaan inay sharci ku shaqeynayaan.

Waxeyna raacisay in dowlada aysan wax walba ogaan karin, meel walbana aysan joogi karin, sidaas darteed ay gacan uga baahantahay shacabweynaha.

Arintan ayaa waxaa canbaareyn usoo jeediyay qeybo badan oo kamid ah siyaasiyiinta xisbiyada Denmark, iyaga oo wasiirada ku eedeeyay inay abuureyso xaalad jawi colaadeed oo dadka soo galootiga ah galin karto cabsi iyo kalsooni daro. Siyaasiyiinta qaar ayaa sheegay in hadii uusan qofku aqoon luuqada Danishka, aysan ka micno aheyn inuu wadanka sharci daro ku joogo ama ku shaqeynayo.

Baraha bulshada ayaa waxaa sidoo kale ka socdo hadalo jees-jees ah oo lagu durayo hadalka kasoo yeeray islaantan wasiirada ah.

Xigasho/kilde: Avisen-agder/NTB, politiken.dk

[adsenseyu2]

SSB: 60% soo galootigu wey shaqeeyaan…Waa sidee xaalada shaqo ee soomaalida?

tirakoob ay maanta soo saartay wakaalada xog uruurinta iyo tirokoobka ee Statisk Sentralbyrå, ayaa lagu soo bandhigay in 60% dadka soo galootiga ah ay shaqeeyaan. Halka guud ahaan 66,7% ay ka shaqeeyaan dadweynaha reer Norway marka la isku geeyo.

SSB ayaa tirakoobkeeda kusoo bandhigtay in dad ka badan 390.000 oo soo galooti ah, da´dooduna ay u dhaxeyso 15 ilaa 75 sano ay shaqeynayeen dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay ee 2016.

[adsenseyu2]

Tiradan ayaa ah marka la isku daro soo galootiga oo dhan, iyada oo aan loo fiirin wadanka ay ka imaadeen. Laakiin hadii qowmiyad qowmiyad loo sii kala qaado, waxaa soo baxayo inuu jiro farqi aad u weyn oo u dhaxeeyo qowmiyadaha soo galootiga ah.

Tusaale ahaan dadka soo galootiga ah ee kasoo jeedo wadanka Sweden ee Norway kunool, wuxuu heerkooda shaqo gaarayaa 77%, halka Siiriyaanka oo wadanka ku cusubna ay heerkooda shaqo aad u hooseyso, maadaama ay wali yihiin qowmiyad curdun ah.

Waxaa sidoo kale warbixintan ku xusan inuu jiro xiriir u dhaxeeyo xiliga degenaanshaha soo galootiga ee Norway iyo heerkooda shaqo. Mar walba oo uu dheeraado xiliga ay soo galootigu deganyihiin Norway, waxaa kor usii kaco heerkooda shaqo.

SSB ayaa sidoo kale sheegtay in caruurta ay ajaaniibtu dhaleen ee wadanka ku dhalatay, ay wax xoogaa ka heer shaqo sareeyaan waalidiintood, balse aysan wali soo gaarin heerka dadka wadanka u dhashay. Waxeyna SSB taas u sababeysay in qaar badan oo kamid ah generationka labaad ee soo galootigu, ay wali yihiin caruur ay da´doodu u dhaxeyso 15 ilaa 23 sano. Ayna u badantahay iney wali kujiraan xaalad waxbarasho.

Soomaalida xaalkoodu waa sidee:

Sida ku xusan tirokoobka SSB, waxaa shaqeeyo 40% kamid ah raga soomaaliyeed iyo 24% kamid ah dumarka soomaaliyeed, oo ay da´doodu u dhaxeyso 15 ilaa 75 sano.

Si kale hadii loo dhigo, waxaa shaqeeyo 32,4% kamid ah soomaalida Norway kunool ee da´doodu ay u dhaxeyso 15 ilaa 75 sano. Waxaana kujirnaa booska labaad ee soo galootiga ugu shaqo yar, marka laga reebo qowmiyada Siiriyaanka.

F.G: Marka la xisaabiniyo heerka shaqo, waxaa la xisaabiyaa dadka ay da´doodu u dhaxeyso 15 ilaa 75 sano.

SSB ayaa sidoo kale dhowr isbuuc kahor soo saartay in 33 % kamid ah  soomaalida Norway ku dhaqan, ay da´dooda ka hooseyso 20 sano. Halkaas waxaa laga dheehan karaa in la filan karo, in heerka shaqada dadka soomaaliyeed ee Norway ku dhaqan uu sare kac ku yimaado sanadada soo socdo.

Xigasho/kilde: SSB

[adsenseyu2]

Dagsavisen: Soomaalida oo ah dadka ugu badan ee ka talaaba xuduuda u dhaxeeya Canada iyo Mareykanka

Wargeyska Dagsavisen ee kasoo baxa dalkan Norway ayaa cadadkiisa maanta warbixin dheer ka qoray qoxootiga kasoo qaxaya Mareykanka, isla markaana magangalyada soo weydiisanayo Canada. Qoxootigan ayaa badankooda kasoo jeedo wadamada Afrika, iyada oo soomaaliduna ay kujirto kaalinta koowaad, sida uu qorayo Dagsavisen.

241 qof oo soomaali ah ayaa kasoo gudbay xuduudka u dhaxeeyo Canada iyo Mareykanka, mudadii u dhaxeysay April ilaa Desember ee sanadkii hore. Waxaana soo raaca 46 Djabutiyan ah, 46 Ereteriyaan ah iyo 26 qof oo kasoo jeedo wadanka Ghana.

Ilaalada xuduudka u dhaxeeyo Canada iyo Mareykanka ayaa sheegay inay filayaan in tirada dadkaas ay laba jibaarmaan, maadaama hada uu soo bilaabanayo xiligii kuleylka, isla markaana ay bilaabaneyso in barafka dhulka yaalo uu dhalaalo.

Xigasho/kilde: Dagsavisen-papiravis-(30-03-2017, side 23)

[adsenseyu2]

 

 

 

U.K oo ugu danbeyn si rasmi ah u xareysay warqadaha ka bixitaanka midowga Yurub

Dowlada dalka Ingiriiska ayaa maanta si rasmi ah midowga Yurub ugu gudbisay  warqadaha ka bixitaanka midowga Yurub ee EU-da . Waxeyna U.K noqotay wadankii ugu horeeyay ee codsata inay EU-da ka baxaan. Waxaana maanta bilaabatay prosses iyo howl qaadan doonto ugu yaraan labo sano, taas oo UK ay ugu diyaar-garoobayso ka bixitaankeeda midowga Yurub.

23-kii bishii June ee sanadkii lasoo dhaafay ayey shacabka dalkaas u codeeyeen in U.K ay ka baxdo midowga Yurub. Waxaana wixii waqtigaas ka danbeeyay socday wadahadalo goos-goos ah, kuwaas oo ay U.K iyo EU ay ugu gogol xaarayeen isku diyaarinta howshan.

[adsenseyu2]

U.K: Baqtiga waan necbahay, laakiin fuudkiisa waan jeclahay.

Inkasta oo U.K ay si rasmi ah u codsatay inay ka baxdo midowga Yurub, hadana waxaa wali jiro wadahadlo ay U.K kula jirto midowga Yurub, kuwaas oo salka ku haya ineysan lumin suuqa ganacsiga dalalka Yurub. Ganacsatada, milkiilayaasha shirkadaha waaweyn iyo waliba beeraleyda dalkaas ayaa dowlada ku cadaadinayo inay EU-da la galaan heshiis u saamaxayo inay alaabtooda iyo waxyaabaha lagu sameeyo U.K ay u suuq-geyn karaan dalalka EU-Da. Iyada oo aan lagu xirin canshuur dheeri ah.

Midowga Yurub ayaa arintaas ka biyo diidan, iyaga oo dowlada Ingiriiska ku cadaadinayo inay duuduub ku dhaafaan, oo aysan soo mareysan mar hadii ay go´aansadeen inay baxaan. Iyaga oo sheegay in hadii sidaas loo ogolaado U.K ay dhici karto in wadamada kale ay sidaas oo kale sameeyaan. Waxaana sidoo kale jirto cabsi ah in arintaas ay keento khal-khal iyo degenaan la´aan dhaqaale.

Lama garan karo waxa ka dhalan karo bixitaanka U.K ee midowga Yurub. Balse waxaa jiro aqoonyahano badan oo saadaalinayo in dhaqaalaha Ingiriisku uu hoos u dhac weyn ku imaan karo, maadaama ay lumiyeen suuq aad u baaxadweyn. Sidoo kale ay EU-du lumisay dowlada dhaqaale oo xoog badan.

Xigasho/kilde: DN.no

[adsenseyu2]

Xagee loo dirayaa lacagtii loo uruuriyay abaaraha?, Waana imisa lacagta soo xarootay

Barnaamijka gurmadka abaaraha oo soomaalida Norway ay sameeyeen sabtidii lasoo dhaafay iyo maalmihii ka danbeeyay, ayaa hada marayo qeybtii ugu danbeysay ee gaba-gabada. Gurmadkan oo soomaalida Norway aysan u kala harin oo ay si wadajir ah oo baaxadweyn uga wada qeybqaateen.

Lacag imisa ah ayaa soo xarootay illaa hadda:

Sida ay noo sheegeen gudiga gurmadka abaaraha, waxaa ilaa hada gacanta lagu hayaa ama kusoo dhacay kontada hey´ada Xanaano lacag isku dar gaareyso 821.000. Iyada oo wali ay jiraan lacago kale oo yar-yar oo ku maqan gobolada, isla markaana aan wali soo gaarin gacanta gudiga. Lacagta hada gacanta lagu hayo, ayaa isku dar qiyaas ahaan gaareyso 100.000(boqol kun) oo dollar.

Gudoomiyaha hey´ada Hanaano oo ah hey´ada loo adeegsaday lacag uruurinta abaaraha, ayaa soomaalida Norway ka codsanayo in cidii wali heyso lacago ku dhiman, inay ugu danbeyn caawa usoo diraan, si loo xiro kontada isla markaana loo bilaabo dirista lacagta wadar ahaaneed.

Xagee loo dirayaa:

Waxaa xal u helista dirista lacagtan loo xilsaarey gudi ka kooban sagaal qof. Sadex ka socoto masaajidka Towfiiq iyo lix qof oo kamid ah gudiga gurmadka abaaraha. Waxeyna gudigaan ugu danbeyn keeni doonaan goobaha lacagtan loo dirayo maalinta jimcaha ah.

Sida ay NorSom News kasoo xiganeyso gudigan sagaalka qof ah, waxaa la go´aansaday in lacagtan si toos ah loogu diro goobaha ay dhibaatooyinku ka jiraan, iyada oo aan meel kale loo sii marin ama gudi-abaareedyada maamulada aan loo sii wakiilan.

Gudiga ayaa si rasmi ah u shaacin doono goobaha lacagtaas lagu dirayo maalinta jimcaha, iyada oo lagu wado in la diro sabtida soo socoto(1-April-2017).

 

Warbaahinta Denmark oo aad u hadalheyso qoys soomaali ah oo lagu oogay dacwad ah inay gudeen gabdhahooda.

Waxaa maalintii isniinta aheyd maxkamada magaalada Kolding lasoo taagay qoys soomaali ah, kuwaas oo lagu soo oogay dacwad ah inay gudeen labo gabdhood oo ay dhaleen, xili ay safar u aadeen Afrika sanadkii 2015. Labada gabdhood ayaa markaas da´ahaan kala jiray 8 iyo 15.

Gabdhaha midooda yar ayaa markii ay qoyskaas kasoo noqdeen safarkaas, macalimeeda iskuulka u sheegtay in lasoo guday. Arintaas oo keentay in kommunaha ay qoyska faraha lasoo galaan. Dhakhtar baarey gabdhaha ayaa sidoo kale sheegay in gabdhahaas ay la kulmeen gudniin.

 

Waalidiinta: Waa been abuur lasoo dhoob-dhoobay.

Waalidiintan soomaaliyeed ee lagu soo oogay dacwadan ayaa sheegay in arintan ay tahay mid lasoo agaasimay oo been-abuur ah, iyada sheegay in gabdhahaas aysan la kulmin wax gudniin ah. Hooyada ayaa maxkamada kahor sheegtay in gabdhahaas aysan aqoon waxa uu gudniinku yahay, isla markaana ay arintaas tahay mid ay iskood u sameysteen oo aan jirin.

Sida ay waalidiintu sheegeen waxey gabdhahan u direen dhakhtar gaar ah oo ay iyagu lacagtiisa bixiyeen, kaas oo cadeeyay in gabdhahan aysan la kulmin wax gudniin ah.

Waalidkan ayaa sidoo kale sheegay in arintan ay tahay been-abuur ay isala ogyihiin iskuulka, kommunaha iyo booliska,  ujeedkuna uu yahay in gabdhahan laga kaxeeyo gurigooda.

Dacwad-oogaha kiiskan dacwada ah kusoo oogay qoyskan soomaaliyeed ayaa maxkamada ka dalbaday in qoyska la siiyo ciqaab xabsiyeed, isaga oo sidoo kale dalbaday in hooyada qoyskan laga musaafuriyo Denmark, maadaama aysan heysan dhalashada dalkaas.

Warbaahinta dalka Denmark ayaa arintan aad u hadalheyso, iyada oo ay tahay markii labaad ee taariikhda dalkaas dad lagu soo eedeeyo kiis dacwadeed oo la xiriiro gudniin.

Xigasho/kilde: Ekstrabladet.dk, Politikken.dk

[adsenseyu2]

 

Jaaliyada Horten oo lacag ku wareejiyay gudiga gurmadka abaaraha

0

Jaaliyada soomaaliyeed ee magaalada Horten ayaa lacag dhan 10.000 NOK ku wareejiyay gudiga gurmadka abaaraha Norway. Iyada oo jaaliyada Horten ay sheegtay inay horey lacago faro badan oo kala duwan ay u direen gurmadka abaaraha ee Soomaalida.

NTB: Dowlada Norway oo rabta in degenaanshaha loo diido dadka kaalmada dhaqaale ka hela dowlada

Wasiirka kumeel gaarka ah ee arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada dowlada Norway, Per Sandeberg(FRP), ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in dowladu rabto ay in degenaanshaha rasmiga ah(permanent oppholdtillatelse) loo diido dadka aan shaqeysan ee kaalmada dhaqaale ka hela dowlada. Arintan ayaa kusoo baxday soo jeedin cusub oo ka timid wasaarada dastuurka, isla markaana loo diray baarlamaanka Norway si ay dhageysi ugu soo sameeyaan.

Per Sandeberg ayaa sheegay in soo jeedinta cusub ay ku saabsantahay in dadka codsanayo degenaanshaha lagu xiro shardi ah, inaysan ceyr qaadan 12-kii bilood ee ugu danbeeyay.

Isaga oo raaciyay in taas ay dhiirigalin u noqoneyso soo galootiga, si ay uga qeybqaataan mujtamaca Norway, ayna u fiicantahay isdhexgalka bulshada. Wuxuuna sheegay in taas ay soo galootiga ku riixeyso inay shaqeeyaan ama ay waxbarasho aadaan.

[adsenseyu2]

In qofku uusan ceyr qaadan ayaa ka dhigan, in 12-kii bilood ee ugu danbeeyay uu qaadan jiray mushaar caadi ah oo shaqo, ama uu ahaa ardey stipend ka qaata lånekassen(sanduuqa kaalmada ardada), ama inuu sidoo kale ahaa qof aan awoodin inuu shaqeysto ama lacag kale oo aan ceyr aheyn ka qaata Nav.

Shardigan cusub oo ay soo jeedisay dowlada ayaan qaban doonin caruurta, ardeyda dhigata dugsiga sare, dadka waaweyn 67-sano ama dadka aan waligood awoodin inay shaqeeyaan. Sidoo kale waxaa jirto karto in mararka qaarkood siyaabo kale loogu qiimeeyo dadka qaata ceyrta.

Baarlamaanka Norway ayaa soo jeedinta dhageysi ka yeelan doono ugu danbeyn 9-ka bisha May ee sanadkan.

Xigasho/kilde: NTB

[adsenseyu2]

 

 

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.