fredag, mars 29, 2024

FRP oo lagala baxay booska xisbiga 3-aad ee ugu weyn wadanka

Dhowr Codbixin oo isbuucyadii ugu danbeeyay qaab online ah loogu qaaday barta internetka, ayaa sheegayo in xisbiga Senterpartiet(Sp) uu yahay xisbiga 3-aad ee ugu weyn Norway, marka laga soo tago Ap iyo Høyre. Sp oo ah xisbiga beeraleyda, xoolo-dhaqatada iyo dadka degan tuulooyinka ayaa booska kala baxay xisbiga FRP oo horey u ahaan jiray xisbiga 3-aad ee ugu weyn wadanka.

Dowlada Norway ayaa bilihii ugu danbeeyay ku howlaneyd isku darka degmooyinka iyo qaar kamid ah tuulooyinka yar-yar, waxaana arintaas ka biyo diidsan dadka degan tuulooyinka iyo beeraleyda. Waana sababta ugu weyn ee loo sababeynayo sare u kaca xowliga ah ee Sp.

Sp ayaa inta badan la shaqeeyo xisbiga Ap, waxeyna arintan bishaaro u tahay Jønas Gahr Større iyo xisbigiisa Ap oo dhowrkii bilood ee ugu danbeeyay ay ku timid hoos u dhac yar oo xaga taageerayaasha ah.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no

[adsenseyu2]

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x