fredag, november 29, 2024
Home Blog Page 245

Venstre oo diiday inay ka noqdaan taageeradooda awood ka qaadista laanta socdaalka

Xisbiga Venstre oo maalmo kahor ay soo baxday inuu wadahadalo kula jiro FRP iyo Høyre, ayaa galabta soo saarey war saxaafadeed ay ku sheegeen ineysan ka noqon doonin taageeradoodii hore ee mooshinka awood ka qaadista, hey´ada UDI-da ee kala noqoshada sharciga jinsiyada.

(Halkan ka akhri warka ku saabsan venstre oo wadahadal kula jiro dowlada)

FRP iyo Høyre ayaa Venstre usoo bandhigay inay taageerada arintaas ku badashaan kiis kale oo ku saabsan dib u dajinta da´yarta wadanka iska soo dhiibtay. Iyaga oo usoo jeediyay inay ka noqdaan taageerida mooshinka, iyagana kiiskaas kale loo meel-mariyo.

Venstre ayaa galabta sheegay inay diideen soo jeedinta xisbiyada dowlada, isla markaana aysan ka noqon dooni taageeradooda ku saabsan awood ka qaadista hey´ada laanta socdaalka ee UDI-da.

Xisbiyo lix ah ayaa soo jeediyay mooshin ku saabsan in maxkamad oo kali ah ay qofka ka qaadi karto sharciga jinsiyada. Mooshinkaas oo wali horyaalo baarlamaanka Norway.

Xigasho/kilde: NTB

[adsenseyu2]

 

Norway:340 Milyan NOK ayaan sanadkii 2016, deeq ahaan u siinay Soomaaliya

Sida ku xusan webka hey´ada mucaawinada iyo deeqaha u qaabilsan wasaarada arimaha dibada ee Norad, dowlada Norway ayaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2016 Soomaaliya ugu deeqday lacag deeq ah oo dhan 339.9 milyan NOK. 

92 % Lacagtan waxaa Soomaaliya loo soo marsiiyaa hey´adaha aan dowliga aheyn (NGO -yada) ee ka howlgala Soomaaliya iyo wadamada dariska la ah.

NGO-yadan oo isugu jira kuwa laga leeyahay Norwey, kuwa hoostaga qaramada midoobey, kuwa wadamo  kale laga leeyahay iyo waliba kuwa maxali ah oo wadanka gudahiisa ka howlgala.

Lacagta u badana waxay Norway Soomaaliya usii marsiisaa NGO-yada laga leeyahay Norwey ee ka howlgala Soomaaliya, sida Flyktninghjelpen, Kirkens Nødhjelp, Norges Røde Kors, ADRA, Redd Barna iyo Digni.

[adsenseyu2]

Sida ku xusan Norad, lacagta sanadkii Soomaaliya la siiyay ayaa waxaa loogu talo-galay inay wax kubaxaan waxyaabahan hoos ku xusan:

  1. Wax ka qabashada iyo dib u dhiska Maamulwanaaga dowladeed=(149 milyan)

    Gar-gaarka bini aadinimo( 62 milyan)

  2. Horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga=( 60 milyan)

  3. Waxbarashada iyo tacliinta=( 34 milyan)

  4. Caafimaadka iyo arimaha bulshada=( 32 milyan)

  5. Qarashaadka kale= (4milyan)

Su aasha meesha ku jirta ayaa ah in lacagtan oo aad u badan marka laga eego xaalada uu wadanku ku suganyahay,  loo isticmaalay sidii loogu talagalay ama la marsiiyay wadadii saxda ahayd. Marar badan ayay hay-adaha soomaaliya ka howlgala ee dowliga ahayd, ay ka cowdeen in lacagaha deeqaha ah ee la sheego in Soomaaliya loogu deeqay, aysan soo dhaafin xafiisyada NGO-yada ee Nairobi.

Xigasho/kilde: Halkan ka akhri listahan oo full ah

[adsenseyu2]

Dowlada: Si aad u hesho lacagta Konstantsøtten waa inaad ugu yaraan 5 sano Norway degenaataa

Dowlada Norway ayaa mar kale ku celisay soo jeedinteeda hore oo aheyd in meesha laga saaro xuquuqda dheeriga ah oo ay helaan dadka qoxootiga ah. Waxeyna soo jeedisay in si isku mid ah loola dhaqmo dadka wadanka magangalyada usoo doontay ee qoxootiga ah iyo dadka wadanka u dhashay ee norwiijiga ah.

Wasiirada arimaha dhaqaalaha Siv Jensen ayaa sheegtay in xaqdaro ay tahay in dadka qoxootiga ah ay helaan xuquuq dheeri ah oo ka badan dadka kale, marka loo eego meelaha qaar.

Howlgabka iyo dadka aan shaqeyn karin:

Mid kamid ah qodobada ugu muhiimsan oo ay dowladu iyo Siv Jensen ay soo jeediyeen ayaa ah, in soo galootiga ay si lamid ah sida dadka kale ay ugu yaraan 40 sano ay wadanka ka shaqeeyaan, si ay helaan lacagta ay qaataan dadka howlgabka noqday(Pensjon) iyo dad aan awoodin inay shaqeeyaan(uføretrygd).

Waxaana lasoo jeediyay in soo dadka qoxootiga ah ee dhaafay da´da 67 sano ama dad aan shaqeyn karinee aan buuxin shardigaas, la siiyo lacag yar oo ay nolosha ku ceshtaan.

Dowlada ayaa sidoo kale soo jeedisay in qofka qoxootiga ah uu ugu yaraan wadanka degenaado 5 sano, si uu u helo lacagta la siiyo waalidka heysto caruurta ay da´doodu u dhaxeyso sanad ilaa labo sano, isla markaana aan dhigan barnehage dowladeed.

 

Xigasho/kilde: Nettavisen, Kommunalrapport.no

[adsenseyu2]

Shafi Aden oo u sharaxan bilada hal abuuraha ganacsi ee sanadka 2017(Årets Entreprenør)

Shafi Aden oo ah ganacsade da´yar oo soomaali ah ayaa sanadkan kamid ah dadka u sharaxan bilada hal abuuraha ganacsi ee sanadka 2017. Shafi ayaa wax ka aas-aasay, saamina ku leh shirkada Zoop It oo ah shirkad ka shaqeysa iskuxirka dukaamada iyo macaashiisa qaabka online-ka wax ku dalbado.

-Halkan ka akhri qoraalka shirkada Shafi oo heshay 12 milyan oo maalgalin ah

Bilada hal abuuraha ganacsi(Årets Entreprenør) ayaa ah bilad la siiyo qof ama dukaan keenay hal-abuurnimo ganacsi iyaga oo isticmaalayo qarash yar, keenayna hab ganacsi ama teknoliyad cusub.

Foto: Thefutureofbusiness.no

Shafi  waxaa sanadkan la sharaxan Arne Kvale oo wax kala aas-aasay Zoop It iyo sadex qof oo kale oo dhamaantood norwiiji ah. Go´aanka qofka ku guuleystan biladan ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa shirweynaha mustaqbalka ganacsiga, kaas oo dhici doono 27-ka bishan April.

 

Maalinta dhaqaalaha ganacsiga iyo Shafi:

Maanta waxaa magaalada Oslo lagu qabtay shirka maalinta dhaqaalaha ganacsiga, kaas oo ay kasoo qeybgaleen dad ay kamid yihiin Erna Solberg(Reysulwasaaraha Norway), Jonas Gahr Større(Gudoomiyaha Ap), Siv Jensen(Wasiirada ganacsiga), Rune Bjerke(Agaasimaha guud ee bankiga DNB) iyo dad kale oo badan oo kamid ah dadka ka shaqeeyo dhaqaalaha ama gacanta ku hayo maamulkiisa(Finanseliten).

Dadka kulankaas maanta lagu marti qaaday ee hadalka ka jeedinayay waxaa kamid ah Shafi Aden(Halkan Ka daawo muuqaalka).

Xigasho/kilde: The futurebusiness.no,

Finansnorge.no

[adsenseyu2]

 

 

(M.H)-Halima Aden: Jeg trodde det ikke var plass til meg i moteverdenen

Av


Hver sesong av moteuker er det noen nykommere på catwalken som blir spådd en lysende framtid. Denne runden var det Halima Aden som tok pusten fra fashionistaene på første rad.

I løpet av noen få måneder har hun signert med IMG Models som første kvinne med hijab, gått på Yeezy-visingen under New York Fashion Week og visningene til Max Mara og Alberta Ferretti under Milano Fashion Week, samt vært på forsiden til Carine Roitfelds CR Fashion Book.

For å være ærlig trodde jeg ikke at det var plass til meg i moteverdenen. I oppveksten min så jeg ingen kvinner som så ut som meg i magasiner, på TV eller på reklameplakater, forteller 19-åringen til Refinery 29.

Les saken videre her: Melkehonning.no

[adsenseyu2]

Barnaamijka God Morgen ee TV2 oo saaka looga hadlay xaalada abaaraha Soomaaliya

Barnaamijka God Morgen oo ah barnaamij kabaxa TV2 ayaa saaka looga hadlay xaalada guud ee abaaraha Soomaaliya. Waxaana lagu casuumay Muhamed Osman Ahmed oo katirsan jaaliyada soomaaliyeed ee Norway iyo Anne Maria Helland oo ah xogyahaha guud ee ururka Kirkens Nød-hjelp, dhawaana kasoo noqotay safar ay ku tagtay Soomaaliya.

Muhamed Osman ayaa sheegay in isbuucii lasoo dhaafay ay soomaalida Norway sameeyeen lacag uruurin loogu talo-galay gurmadka abaaraha, ayna iska soo uruuriyeen lacag kor u dhaafeyso hal milyan NOK. 

Xogyahaha guud ee ururka Kirkens Nød-hjelp, ayaa ka deyrineyso xaalada abaaraha ee Somaaliya, iyada oo sheegtay inay gabaabsi sii yihiin xoolaha oo ah lafdhabarta nolosha baadiyaha ee Soomaaliya, isla markaana ay jiraan meelo badan oo caruurtu ay maalin walbe geeriyoodan.

Xigasho/kilde(Halkan ka daawo barnaamijka oo dhan)

[adsenseyu2]

 

Warbaahinta Norway oo wax ka qortay qoraalkii UDI-da ee dib u qiimeynta magangalyada qoxootiga soomaaliyeed

Qaar kamid ah warbaahinta waaweyn ee Norway ayaa warbixino ka qoray qoraalkii ay hey´ada laanta socdaalka jimcihii lasoo dhaafey, ay kasoo saartay dib u qiimeynta magangalyada qoxootiga soomaaliyeed. Halkan ka akhri qoraalkan oo af soomaali a(NorSomNews)

UDI-da ayaa qoraalkooda ku sheegay in ilaa hada, digniin dib u qiimeyn magangalyo ay u direen 120 qof oo dhamaantood kasoo jeedo magaalada Muqdisho. Iyaga oo arintaas ku sababeeyay in amaanka magaalada Muqdisho uu soo hagaagay, tan iyo wixii ka danbeeyay sanadkii 2011, markaas oo magaalada banaanka looga saarey ururka Al shabaab.


Waa kuwan qaar kamid ah warbixinada ay warbaahinta Norway ka qoreen arintaas:

ABC-NYHETERVG.NO, P4, NTB-Avisen-Agder

[adsenseyu2]

Dagbladet: Dowlada oo rabto in la waajib-yeelo qaadista dhiiga DNA-ga, marka qofka uu dacwo xareysanayo

Sida uu qorayo wargeyska Dagbladet, dowlada Norway ayaa soo jeedisay in lasoo rogo shardi ah in dhiig laga qaado qofka raba inuu qaab dacwo ah ku imaado Norway, isaga oo sheeganayo inuu qaraabo la yahay qof degan Norway.

Marka uu qofku xareysanayo dacwad qoys, waxey safaaraduhu xaq u leeyihiin inay qofka ka qaadaan dhiig DNA ah, laakiin kuma qasbi karaan. Dowlada ayaa sheegeyso in arintaas ay keeneyso dul-duleel uu qofka ka faaíideysan karo, si uu Norway u imaado. Iyaga oo soo jeediyay in shuruud laga dhigo in qofka Norway imaanayo markasta laga qaado DNA.

[adsenseyu2]

Wasiirka kumeelgaarka ah ee arimaha soo galootiga Per Sandeberg iyo wasiirada qoyska iyo dhalaanka Solveig Horne oo labaduba katirsan xisbiga xagjirka ah ee FRP, ayaa soo jeedintan si wadajir ah usoo jeediyay. Waxeyna sheegeen inay uga gol-leeyihiin labo arimood: 1) In laga hortago dadka Norway sida beenta ah ku imaanayo Norway, iyaga oo iska dhiganayo inay qaraabo la yihiin qof Norway kunool. 2) in laga hortago in caruur yar-yar lagu qasbo inay Norway usoo dhoofaan, iyaga oo aan raali ka aheyn.

Inkasta oo wasiiradan ay arintan maqaar kale u galiyeen, hadana ujeedkoodu waa cadyahay. Waana in la yareeyo dadka qaabka dacwada ah Norway ku imaanayo Norway. UDI-da ayaa saadaalisay in sanadkan ay Norway imaan karaan, ilaa 24.000 qof oo qaab dacwo ah wadanka kusoo galay.

Sida uu qorayo Dagbladet, wasaarada dastuurka ayaa sheegtay in dadka qaraabo been-been kusoo galo Norway ay tahay dhibaato jirto oo baaxad weyn, sidaas darteed loo baahanyahay in laga hortago.

Labadii sano ee ugu danbeeyay, waxaa hoos u dhacay tirada dadka magangalyada soo weydiisan jiray Norway. Taasna waxey keentay inay FRP raadsadaan siyaabo kale oo arinta soo galootiga ay uga dhigaan mid joogto ah, waxey maalin walba keenayaa mowduuc cusub oo aan horey loo maqal.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no

[adsenseyu2]

(Cadeyn): Gudiga gurmadka abaaraha oo maanta diray lacagtii ay soomaalida Norway iska soo uruuriyeen

Gudiga gurmadka abaaraha jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, ayaa maanta oo isniin ah diray/xawilay lacagtii gurmadka abaaraha ee ay iska soo uruuriyeen jaaliyada soomaaliyeed ee Norway.

Waxaana lacagtan oo tiradeedu ay dhantahay 1.26.025 NOK, sarifkeeduna uu noqonayo 114.900 $ lagu diray Sh Nuur Baaruud Gurxan oo ah madaxa gudiga gurmadka abaaraha qaran ee Soomaaliya.

Khalad farsamo oo dhacay Jimcihii:

Maalinta jimcaha aheyd ee lasoo dhaafay, waxaa lasoo bandhigay tirada lacagta soo xarootay guud ahaan, taas oo aheyd 1.026.26 NOK(Halkan ka daawo muuqaalkii live-ka ahaa, marka lacagta lasoo bandhigayay). Laakiin waxaa jiray khalad dhanka sarifka ah, kaas oo ka yimid qaabka loo dhigay sarif ahaanta lacagta marka dollar loo badalayo. Meeshii la rabay in laga dhigo qof(Jeg vil veksle fra), ayaa waxaa laga dhigay (Jeg vil kjøpe). Waxeyna taas keentay in tirada sarifka lacagta uu uu noqdo mid khaldan(124.786kun $, halka tirada saxda ah ay noqoneyso 114.900$).

U fiirso wali isbadalin tirada lacagta norwiijiga ah, ee waxa isbadalay waa tirada lacagta sarifka ah, marka dollar loo badalayo.(Halkan ka hubi oo adigaba gali lacagta norwiijiga ah ee dhan 1.026.025, kadibna qeybta sarifka waxaa ka dhigtaa(Jeg vil veksle fra). Halkan ka hubi sarifka lacagtan oo Norwiiji ah: dnb.no/Valutakalkulator

Dahabshiil: Waxaan lacagtan ku dirnay khidmo la´aan

NorSom News ayaa goob-joob ka aheyd kulanka ay lacagta ku dirayeen gudiga gurmadka abaaraha. Abdi Yusuf oo katirsan maamulayaasha Shirkada Dahabshiil Norway, ayaa sheegay in lacagtaas ay ka gudoomeen gudiga, isla markaana ay ku direen magaca Sh Nuur Baaruud Gurxan. Isaga oo raaciyay in lacagtan ay ka qaadan doonin lacagaha khidmada dulsaarka ah oo ay shirkaduhu qaataan, marka ay lacagta dirayaan.

Waxaa maanta si rasmi ah usoo gaba-gaboobay howshii gurmadka abaaraha oo ay si wadajir ah ugu kaceen jaaliyada soomaaliyeed ee Norway.

Warxumo tashiil: Shuushow bax

Waxaa labadii maalmood ee ugu danbeeyay soo baxay dad soomaali ah, qaarkoodna ay wariyeyaal sheegtaan kuwaas oo warar aan sax aheyn ka faafinayo howsha gurmadka abaaraha. Waxey suuqa galiyeen in lacagtii lasoo uruuriyay lagu qabsaday xaflado, laguna soo kireeyay fanaaniin heeso qaado. Arintaas oo ah mid aan sal iyo raad laheyn, xaqiiqadana ka fog. Ahna niyadjabin lagu sameynayo dadka soomaaliyeed ee sida niyada san ugu kacay walaalahooda soomaaliyeed ee abaaruhu ay saameeyeen.

NorSom News ayaa maanta goob-joob ka aheyd kulankii lagu dirayay lacagta, waxaana kasoo duubnay muuqaalo aan gadaal kasoo galin doono.

Wasiirkii hore ee arimaha dibada Denmark: Soomaaliya ma joogto xili qoxooti dib loogu soo celiyo

Wasiirkii hore ee arimaha dibada dalka Denmark, horeyna u ahaan jiray madaxa xisbiga Sosialdemakratiet(S), Mogens Lykketoft ayaa sheegay in xaalada amaan ee Soomaaliya aysan maanta aheyn mid si fiican u cago-dhigatay, isaga oo ka digay in qoxooti soomaaliyeed xiligan dib loogu celiyo wadankoodii.

Mogens ayaa hogaaminayay gudi katirsan baarlamaanka dalkaas, kuwaas oo safar sahan ah ku tagay wadamada geeska Afrika, si ay qiimeyn ugu soo sameeyaan xaalada amaan ee gobalka. Wuxuuna soo saarey warbixin uu ku sheegayo in Soomaaliya aysan xiligan awoodin qaabilaada qoxooti laga soo celiyay wadamada Yurub.

Mogens oo katirsan xafiiska xoghayaha guud ee qaramada Midoobay, ayaa dowlada Denmark kula taliyay inay dhageysato digniinta qaramada midoobay ee ku aadan dib u celinta qoxootiga soomaaliyeed. Isaga oo sheegay in Soomaaliya aysan hada ka jirin dowlada xoog badan, taas  awoodi karto inay damaanad qaado amaanka qoxootiga laga soo celinayo Yurub.

Hadalka Wasiirkii arimaha dibada hore ee dalka Denmark, ayaa kusoo aadayo xili ay dowlada Denmark sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyada magangalyada qoxooti soomaaliyeed oo gaaraya 800 qof.

Xigasho/kilde: Politiken.dk

[adsenseyu2]

 

NRK: Doon kusoo socotay dekada Boosaaso oo la afduubtay

Sida uu qorayo TV-ga qaranka Norway, waxaa xeebaha Soomaaliya lagu afduubtay doon laga leeyahay dalka India, taas oo ay saarnaayeen shaqaale Hindi ah oo tiro ahaan gaaraya 11 qof.

Warbaahinta qaarkood ayaa qorayo in doontan ay kusii jeeday magaalo- xeebeedka Boosaaso, iyada oo kasoo shiraacatay magaalada Dubai. Waxaana hada loo kaxeystay dhanka xeebta Eyl, iyada oo burcada afduubatay ay dalbadeen lacag madax furasho ah. 

Xigasho/kilde: NRK, Maritime.no

[adsenseyu2]

Hadeland: Over 25.000 kroner til tørkerammede i Somalia

Wargeyska lokalka ee Hadeland ayaa warbixin ka qoray gurmadka abaaraha ee jaaliyada soomaaliyeed ee Luner iyo Gran, iyaga oo soo uruuriyay lacag dhan 25.654 NOK.


Av SISSEL SKJERVUM BJERKEHAGEN/Hadeland.no


Maryan Mohamed Hasan er ei driftig dame. Nå har hun ledet en innsamling som har bidratt med over 25.000 kroner.

LUNNER: Innsamlingsaksjonen er gjennomført av kvinner knyttet til voksenopplæringen på Roa. Det er i all hovedsak somaliske kvinner som har samlet inn pengene, med Maryan Mo i spissen.

– Vi har både samlet inn penger på bøsse, og solgt mat til inntekt for de tørkerammede, forteller Maryan til Hadeland.

Innsamlingsaksjonen har foregått i hele Norge. I løpet av aksjonen er det samlet inn over en million kroner.

– Det er en stor glede å få være med å bidra slik at tørkerammede i hjemlandet mitt får hjelp, sier Maryan

Les saken videre her: Hadeland.no

[adsenseyu2]

Politiken(Denmark): Qoyskan waxaa laga soo qaaday Libya, hadana Soomaaliya ayaa laga yaabaa in lagu celiyo

Wargeyska Politiken ee dalka Denmark ayaa warbixin dheer ka qoray, xaalada qoys soomaaliyeed oo lagu wargaliyay inay dhici karto in Soomaaliya lagu celiyo, inkasta oo dowlada Denmark ay qoyska sanadkii 2012 kasoo qaadatay dalka Tunusiya oo ay qoxooti ku ahaayeen.

Sida uu wargeyskan qorayo, qoyskan soomaaliyeed ayaa in mudo ah degenaa dalka Libya oo caruurtooda qaar kamid ah ay ku dhasheen, ilaa heer jaamaceedna ay ku gaareen. Waxeyna sheegeen inay dalkaas ku noolaayeen ilaa sanadkii 2011, xiligaas oo uu dagaal sokeeye ka qarxay Libya ayna u qaxeen Tunusiya. Waxaana halkaas qoxooti ahaan uga soo qaadatay(Kvoteflykyning) dalka Denmark.

[adsenseyu2]

Inkasta oo qoyskan aysan toos uga imaan Soomaaliya, mudo dheerna ay kasoo maqnaayeen, hadana dhawaan ayaa waxaa wareysi ugu yeeray laanta socdaalka ee dalkaas. Waxaana lagu wargaliyay in magangalyadooda dib u qiimeyn lagu sameyn doono, maadaama xaalada amaan ee Soomaaliya ay soo hagaagtay.

Denmark cagahooda kuma imaan ee waa lasoo qaaday:

Qaabka ay qoyska soomaaliyeed dalkaas ku imaadeen ayaa ah qaabka loo yaqaan(Kvoteflyktnig) ama Nidaamka saami qeybsiga qoxootia aduunka ee qaramada Midoobay. Waxaana soo qaadatay oo magangalyo siisay Denmark oo ajiibeyso codsiga qaramada midoobay.

Qaramada midoobay iyo wadamada EU-da ayaa qeylo dhaan kasoo saarey arimahan ay Denmark sheegtay iney ku kaceyso, iyada oo ay noqoneyso markii ugu horeysay taariikhda oo uu wadan magangalyada kala noqdo, qoxootiga uu sanado kahor soo qaatay, isla markaana uu nabadgalyo u fidiyay.

Qoyskan soomaaliyeed ayaa kamid ah ilaa 800 oo qoxooti soomaaliyeed ah oo dalkaas kunool, kuwaas oo dowlada Denmark ay sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto magangalyadooda. Waxaana ilaa hada sharciga magangalyada dib looga qaaday ilaa 57 qof.

Wasiirada arimaha soo galootiga dalkaas Ingeborg Støjberg oo arinta qoyska ka jawaabeyso, ayaa sheegtay inaysan wax dhibaato ah aheyn, hadii qofka lagu celiyo wadanka uu muwaadinka u yahay, hadii ay nabad-galyo ka dhacdo.

Hey´adaha qoxootiga aduunka, kuwa qaramada midoobay iyo dhamaan dadka xogta fiican ka hayo ayaa sheegayo in xaaalada amaan ee Soomaaliya, aysan gaarsiisneyn heer qoxooti lagu celiyo. Iyaga oo ka codsanayo dowlada Denmark inay go´aankaas dib u dhigto.

Xigasho/kilde: Politiken.dk

[adsenseyu2]

 

Qaraxii diyaarada daalo oo wax weyn ka badalay nidaamka duulimaadyada caalamka

Dhowr wadan oo reer galbeed ah, ayna horboodayaan USA iyo UK ayaa soo rogay in Laptop ama Comturarada gacanta aan lala soo fuuli karin duulimaadyada qaarkood, gaar ahaan kuwo ka imaada dalalka Islaamka ah.

Sidoo kale waxaa la mamnuucay in dadka ka shaqeeyo diyaaradaha, ee adeega bixiya aysan diyaaradaha lasoo fuuli karin Laptop ama computerka gacanta. Iyada oo sidoo kalena baaritaan adag lagu sameyn doono dhamaan waxyaabaha electroniga ah oo ay rakaabku lasoo fuulayaan diyaarada, sida IPAD, Telefonada gacanta iwm.

Arintan ayey dowladahan ku sababeeyeen kahortaga weerarada argagixiso iyo dhowrista amaanka diyaaradaha. Waxeyna sheegeen in kooxaha argagaxisada ah ay waxyaalaha qarxa kasoo buuxin karaan computerada gacanta, isla markaana ay lasoo fuuli karaan diyaaradaha, iskuna qarxin karaan diyaarada dhexdeeda. Iyaga oo qaraxii diyaarada Daallo ee magaalada Muqdisho, mar walba ka dhiga tusaalaha dhabta muuqdo ee arintaas, iyo waliba sida ay suurtogal ku tahay.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no Finalcall.Travel.no, 

[adsenseyu2]

Italiya oo meel-marisay sharci xuquuq dheeri ah siinayo caruurta magangalyo-doonka ah

Dowlada dalka talyaaniga ayaa meel-marisay sharci cusub oo xuquuq dheeri ah siinayo caruurta magangalyo doonka ah ee dalkaas iska soo dhiibo. Sharcigan cusub ayaa dhigayo in caruurta soo galootiga ah ee dalkaas magangalyada soo weydiisto, ay heli doonaan xaquuq lamid ah caruurta u dhalatay wadanka Talyaaniga, ayna xaq u yeelan doonaan iskuul iyo daryeel caafimaad oo dowli ah.

Waxaa sidoo kale sharcigan ku xusan in caruurta dalkaas iska soo dhiibto ay heli doonaan qof masuul ka noqdo oo noloshooda damaanad qaado.

Sharcigan ayaa ah kii ugu horeeyay oo noociisa oo kale ah ee ka dhaqangala wadamada midowga Yurub ee EU-da. Sanadkii lasoo dhaafay ee 2016 oo kali ah, waxaa Italy magangalyo soo weydiistay 25.800 oo caruur magangalyo doon ah.

Inkasta oo dhaqaalaha Talyaaniga uu hoos u dhacay, shaqo la´aan badana ay kajirto, hadana dowlada dalkaas arintaas kama horistaageyso inay gacan bini-aadanimo u fididayaan da´yarta nolosha bida ee magangalyada soo weydiisata.

Xigasho/kilde: Dagsavisen.no

[adsenseyu2]

UDI: Ilaa hada 120 qof soomaali ah ayaan digniin dib u qiimeyn magangalyo u dirnay

Laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga ee UDI-da, ayaa bogeeda kusoo qortay qoraal warbixin ah oo ay uga hadleyso dib u qiimeyn magangalyada muwaadiniinta soomaaliyeed ee gaaraya 1600 ee qof(Hoos ka akhri qoraalkaas oo af-norwiiji ah).

Waxeyna sheegtay inay amar ka heleen wasaarada dastuurka iyo amniga, taas oo siisay wareegto ay dib ugu qiimeynayaan magangalyada dadka soomaaliyeed ee Norway iska soo dhiibay wixii ka horeeyay 2014, walina aan qaadan degenaanshaha rasmiga ah ee (Permanent oppholdtillatelse).

UDI-da ayaa qoraalkaaga raaciyay in arintan ay sabab u tahay in xaalada amaan ee Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ay soo hagaagtay, kadib markii ay isaga baxeen ururka Al shabaab.

[adsenseyu2]

Ilaa hada 120 qof:

Sida ku xusan qoraalka hey´ada laanta socdaalka, ilaa hada waxaa digniinta dib u qiimeynta sharciga magangalyada helay 120 qof oo dhamaantood kasoo jeed magaalada Muqdisho.

Waxey sidoo kale raaciyeen in qof walba kiiskiisa si gooni ah loo qiimeyn doono inuu u baahanyahay magangalyo iyo inkale. Waxeyna sidoo kale sheegeen in hadii ay qaataan go´aan dib ugala noqosho sharci magangalyo, ay wali qiimeynayaan in qofka sharci dal kujoog lagu siin karo siyaabo kale. Sida sababo xaalad bini-aadanimo oo qofka ku xiri kara Norway, waxa u wanaagsan caruurta, hadii uu qofku ilmo ku heysto Norway iyo waliba  hadii ay jiraan dhibaatooyin caafimaad.

Go´aanka UDI, waxaad ka gudbin kartaa cabasho+ Qareen bilaash ah:

Sida ku xusan qoraalka laanta socdaalka, dhamaan dadka loo soo diray warqada digniinta dib u qiimeynta sharciga magangalyada, waxey xaq u leeyihiin inay helaan qareen difaaco oo bilaash ah. Isla markaana ay wixii macluumaad ah oo muhiim u ah kiiskiisa, uu usoo diro karo UDI-da, kahor inta aysan go´aan karin.

Sidoo kale hadii ay UDI-du go´aan gaarto, wuxuu qofku go´aankaas cabasho uga gudbin karaa hey´ada UNE oo mar kale dib u eegis ku sameyn doonto go´aanka UDI-da.

Xigasho/kilde: UDI.no(halkan ka akhri warka qoraalka ah ee UDI-da).

[adsenseyu2]

(Maqaal)-Abdijibar Ahmed: Hadda Dhaqan Geli Naftaada – Ma Shaqeysataa?

Waxaa jira siyaabooyin badan aad ku dhaqan gelin karto naftaada, si aad uga faa’idaysato fursadaha ka jira dalkaan Norway. Waa sax, wey adagtahay inaad isbedel weyn ku sameyso noloshaada inta aad ku nooshahay dalkaan Norway, sababtoo ah waxaa ku hortaagan caqabado badan sidda inaad haysato warqada loo yaqaano “FAGBREV” oo inta badan dhalinyarada Soomaaliyeed waqti badan ku bixiyaan sidii ay u heli lahayeen. Dabcan, marka aan leeyahay dhalinyaro, kama aanan tagin dad badan oo kale maxaa yeelay dadka Soomaaliyeed inta badan ee kunool dalkaan Noorway waxay u badanyihiin dhalinyaro.

Warqadda “FAGBREV” waa warqada cadeynayso inaad mudantahay inaad shaqeyso. Waxaa jiro dad badan oo aanan waxbo kusoo baranin dalkooda hooyo oo iska ah qof yar weyn, mana awoodo inuu qalin waqtigaan qaato. Dadkaas iyaga dhibka haysto ayaa ah in waqtiga looga dhameeyo “PRAKSIS”. Waxaad arkaysaa maamooyin badan iyo rag badan oo calaacalaayo, waxayna ka calaacalayaan shaqada ay hayaan oo ay ku shaqeeyaan si lacag la’aan ah, aysan hubin inay shaqo ka helayaan iyo inkale goobta ay ka shaqeeyaan. Mana jiraan cid ay dhibkooda u gudbiyaan, haddii la ogaado inay dhibsanayaan inay ku shaqeyaan lacag la’aan waxay isdhahayaan armaa lagu moodaa inaad shaqo rabbin ama commune-ga ku moodaa inaadan shaqo usoo jeedin.

Dadka milkiilayaasha oo loogu shaqeynaayo ama waxkale loogu qabto si lacag la’aan ah, kuwaasoo loo dhaqaayo maalin walbo billaa lacag aad ayuu ugu faraxsanyahay arrintaas, sawabtoo ah dantooda ayaa ku jirta. Laakiin waxaa gacan galay oo aan u daqanayaa Soomaalida oo lacag la’aanka ku shaqeyo, oo aan haysanin balan qaad ah “haddii aad si fiican u shaqeysid labo sano kadib waan ku shaqaallo garaynaynaa iwm”

Waxaan la yabaa marka la isbarbar dhigo Soomaalida kunool Ingiriiska, Mareykanka iyo kuwa kunool Noorway, sawabtoo ah Mareykanka iyo Ingiriiska Soomaalida joogo kuwooda aanan waxbo soo baranin mise aanan rabbin inay wax bartaan oo jecel inay iska xamaashaan wey wada xamashaan, balse Noorway waxaa la isku xeraa warqado ma haysataa? Maxaa cadeyn ah inaad shaqadaan taqaano iwm.

Maqaalkaani gaaban waxaan jeclaani lahaa inaan iskudayo inaan kugu dhiiro gelini karo, maxaa yeelay waxaad tahay walaalkey ama walaalshey Soomaaliyeed. Waxaana I dhibayso inaan maqlo Soomaalida kunool Noorway waa sidaas iyo sidaas. Ma jirto shaqsi jecel in dadkiisa noqdaan kuwa dib u dhac leh. Marwalbo waan jeclahay inaan arko Soomaali horumar gaaray, waxaana dareemaaa farxad iyo innuu qofkaasi noo yahay qof mudan ku daba-dayasho mudan.

Waa laga maarmaan ah inaan dhaqan gelino nafteena si aan ugu guulaysano danaha horyaallo nafteenna. Waxaad ogataa waxwalbo waanu dhaqan gelini karnaa haddii aan la imaano waayo aragnimo ku salaysan fahanka nollosha nagu heeraarsan.

Shaqada waa waxyaabaha ugu horeeyo oo aan ku dhaqan gelini karno nafteenna, dabcan waa wadada kali oo aan ku sameysani karno isbedel la taabani karo. Waxaa jira dhalinyaro badan oo jecel inay isbedel sameyaan balse hadana waxaa hortaagan caqabadaha sida,

  • Luuqada Norsk-kaha.

  • Meelaha shaqada laga raadsado. Sidda finn.no, iyo meelo kale oo badan.

  • Aqqoondarida bulshada ka haysato qaababka dalka shaqo loogu raadsado.

  • Iyo waliba bulshada Noorway oo ah bulsho aan isdhexgal lagu sameyni Karin.

Waxaa kaloo arrimahaas dheer waqtigadaan dambe waxaa soo ifbaxaayo dad diimahooda lagu cunsuriyeeynaayo.

“Diinta Islaamka qofkii ku dhegan waxay noqotay sidda dhimbil dam ah” arrintaasina waxaa ugu wacan in dalalka Islaamka dhulkooda si gardaro ah loo burburiyay iyadoo loo isticmaalay siyaasad farsameysan. Soomaali haddii aan nahay caqabadaha na haysto Illaahay hanaga qaado maxaa yeelay dhibaatada meelwalbo ayay noogu timid.

Hadaba aqristoow, wali waxaa taagan su’aashii ahayd siddee nafteenna ku dhaqan gelinaa?

5 taan qodob waa qodobada kali aad ku dhaqan gelini karto naftaada:

  1. Subax walbo arroortii soo kac.

  2. Salaaddaha marna haka tagin.

  3. Shaqo raadi waqtiba hakugu qaadato.

  4. Naftaada maalin walbo wax cusub bar.

  5. Caqlaaq wanaagsan kulla dhaqan dadka.

Qodobka koowaad, Qodobadaasi aan ka dhawaajiyay waa qodobo aad ku dhaqan gelini karto naftaada. Haddii aan soo qaato qodobka 1aad, subaxwalbo arroortii inaad soo kacdo waa muhiim, sawabtoo ah waxaa la sheegaa dadka nollosha ku guulaysto inta badan waa dad subaxdii horre sook aca, waa waqtiga maskaxda qofka bini’aadamka ah ay furantahay. Wixii lagu shubana wey qaadataa islamarkiiba, waxaana la sheegaa waa waqtiyada aqriska iyo waxbarashada ay ku fiicantahay nafta.

Qodobka labaad, 5ta saladdood oo aad joogtayso waxaad ka helaysaa ajir iyo xasanaad kaaga imaanaayo Illaahay S.W.C. Salaadda waxay kaa reebta xumaanta iyo fasqiga. Waxay kaloo kaa saacideysaa inaad noqoto qof ay ka muuqato degganaansho iyo xasilooni badan, waxaa kaloo kaa yaraanaayo welwelka iyo Stress-ka badan.

Qodobka seddexaad, Inaad shaqo raadsato waa muhiim, wadada kali oo aad isbedel ku sameyni karto waa inaad la timaado shaqo iyo hawl karnimo. Waa inaad la timaadaa hadaf cad oo tilmaamaayo sidda aad doonayso inaad naftaada horumar u gaarsiiso. “Shaqo ayaa sharaf leh, shaxaad ayaa ceeb leh” Soomaalida ku dhaqan dalkaan Noorway waxaa lagu nacay waa shaqo la’aanta. In lagu naxo waa qasab haddii aad maalin walbo noqoto qof dadka dawarsado. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa ahayd “Baryada badan iyo bukaanka badan deriskaaga kugu naca”. Sawabta sharciga laguu siiyay ayaa ahayd inay kaa helaan dhaqaallo mustaqbal marka la gaaro, madamaa markii hore lacag kugu bixiyaan. Waxwalbo oo aad u jeedo waxay leeyihiin dano gaar ah “Interest”.

Qodobka afaraad, naftaada maalin walbo wax cusub bar. Maalinta haddii dhibaato kaalla soo deristo xagga dowladda ama aad aragto Soomaali kale oo lagu dheganyahay waa inaad tusaalle ku qaadataa. Waxaa kaloo jira dunidda wey socotaa saacad walbo oo ku dhaafto cimri ayaa kugu darsoomo waxaana lagaaga baahanyahay inaad la timaado qaababka aad ugu faa’ideysani lahayd waqtigaada iyo  nolloshaada.

Qodobka shanaad, caqlaaq wanaagsan inaad dadka kula dhaqato waa wax adiga naftaada iyo dadnimadaada kor u qaado. Cidwalbo oo aad aragto qiimeey, xittaa haddii qofkaasi yahay qof xun adiga waxaa lagaaga baahanyahay inaad kula dhaqanto dhaqan wanaagsan. Caqlaaqda wanaagsan waxay ku dhexel siissaa inay dadka ku jeclaadaan. Teeda kale waa la hadlaa ha u hadlin. Caqlaaqda xun ayay ka mid tahay in afkaada la fiiriyo maanto oo dhan, dadka kale waxaa wanaagsan inaad siiso fursad ay ku hadlaan.

Gunnaanad, shaqsiga bini’aadamka marwalbo waxa lagu qiimeeyo waa dadnimadiisa, dabeecadiisa, iyo inuu yahay shaqsi shaqeysto oo aanan cid waxbo ugu baahneen oo aan ka ahayn Alle s.w.c, Inaad gaarto isku tiirnaansho waxay sharaf u tahay waa adiga, iyo bulshado oo ku jeclaato adiga. Dhaqanka wanaagsan waxay dowr muhiim ah ka ciyaartaa inaad noqoto shaqsi la jecelyahay. Inaad naftaada hagto oo aad ku hagto wadada wanaagsan waa muhiim, sawabtoo ah duniddaan ayaa ah dunni leh isbedel aan la filani Karin. Oogidda shanta saladood iyaduna waxay dowr muhiim ah u tahay jiritaankaada bini’aadamnimo.

Waan ka cudur daaranayaa in maqaalkeyga noqday mid dheer balse hadana waxaan aaminsanahay innuu yahay mid faa’ido u leh bulshada.


Hadii aad rabto inaad fikirkaaga, aqoontooda, hamigaaga ama aad fikirkaaga la qeybsato bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaad qoraalkaaga noogu soo aadin kartaa NorSomnews@gmail.com

[adsenseyu2]

NRK: Buho Hussein har mistet to barn i sult – frykter for det tredje

Av Christine Præsttun/NRK


SOMALIA (NRK): – Hun er syk og i fare. Du ser så svak hun er, sier moren som allerede har sett to av barna sine dø. Ekstremtørken i Somalia går hardt ut over de aller minste.

31 år gamle Buho Hussein Ahmed holder godt rundt den tynne hånden til datteren, redd for å miste nok et barn i sult.Den lille jenta ligger i fanget hennes med store, søkende øyne og altfor spinkle armer. Farhiya er to år og fire måneder gammel, men klarer ikke å sitte på egenhånd. Hun er for svak.

Jeg har mistet barna mine, sier moren stille og ser ned.

Les saken Videre her: NRK.NO 

[adsenseyu2]

(Daawo Wareysi): Mohamed Xaaji Kheyre: Muwaadinkii ku guuleystay bilada sanadka ee xaafada Stovner

0

Duqa magaalada Oslo, Mariane Borge ayaa bilad sharafta Årets Ildsjel ee xaafada Stovner ee magaalada Oslo, gudoonsiisay Mohamed Xaaji Kheyre oo kamid ah waxgaradka soomaaliyeed ee magaalada Oslo.

Kheyre ayaa ah qofkii ugu horeeyay ee ajnabi ah ee ku guuleystay biladan, isaga oo ay la tartamayeen 29 qof oo kale oo Norwiiji ah.

NorSom News ayaa wareysi kooban la yeelatay Kheyre, si uu nooga warbixiyo dareenkiisa ku aadan bilad sharaftan la gudoonsiiyay.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.