lørdag, april 20, 2024

Warbaahinta Denmark oo aad u hadalheyso qoys soomaali ah oo lagu oogay dacwad ah inay gudeen gabdhahooda.

Waxaa maalintii isniinta aheyd maxkamada magaalada Kolding lasoo taagay qoys soomaali ah, kuwaas oo lagu soo oogay dacwad ah inay gudeen labo gabdhood oo ay dhaleen, xili ay safar u aadeen Afrika sanadkii 2015. Labada gabdhood ayaa markaas da´ahaan kala jiray 8 iyo 15.

Gabdhaha midooda yar ayaa markii ay qoyskaas kasoo noqdeen safarkaas, macalimeeda iskuulka u sheegtay in lasoo guday. Arintaas oo keentay in kommunaha ay qoyska faraha lasoo galaan. Dhakhtar baarey gabdhaha ayaa sidoo kale sheegay in gabdhahaas ay la kulmeen gudniin.

 

Waalidiinta: Waa been abuur lasoo dhoob-dhoobay.

Waalidiintan soomaaliyeed ee lagu soo oogay dacwadan ayaa sheegay in arintan ay tahay mid lasoo agaasimay oo been-abuur ah, iyada sheegay in gabdhahaas aysan la kulmin wax gudniin ah. Hooyada ayaa maxkamada kahor sheegtay in gabdhahaas aysan aqoon waxa uu gudniinku yahay, isla markaana ay arintaas tahay mid ay iskood u sameysteen oo aan jirin.

Sida ay waalidiintu sheegeen waxey gabdhahan u direen dhakhtar gaar ah oo ay iyagu lacagtiisa bixiyeen, kaas oo cadeeyay in gabdhahan aysan la kulmin wax gudniin ah.

Waalidkan ayaa sidoo kale sheegay in arintan ay tahay been-abuur ay isala ogyihiin iskuulka, kommunaha iyo booliska,  ujeedkuna uu yahay in gabdhahan laga kaxeeyo gurigooda.

Dacwad-oogaha kiiskan dacwada ah kusoo oogay qoyskan soomaaliyeed ayaa maxkamada ka dalbaday in qoyska la siiyo ciqaab xabsiyeed, isaga oo sidoo kale dalbaday in hooyada qoyskan laga musaafuriyo Denmark, maadaama aysan heysan dhalashada dalkaas.

Warbaahinta dalka Denmark ayaa arintan aad u hadalheyso, iyada oo ay tahay markii labaad ee taariikhda dalkaas dad lagu soo eedeeyo kiis dacwadeed oo la xiriiro gudniin.

Xigasho/kilde: Ekstrabladet.dk, Politikken.dk

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x