torsdag, april 25, 2024

NTB: Trump oo amray in la dar-dar galiyo dagaalka lagula jiro al shabaab

Sida ay qoreyso wakaalada wararka wadankan Norway ee NTB, madaxweynaha dalka dalka Mareykanka Donald Trump ayaa amray in la dar-dar galiyo dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta. Waxaana warkaas laga soo xigtay ila ka agdhow xarunta wasaarada gaashaandhiga dalka Mareykanka.

Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay mar walba fasax u heystaan in markii ay rabaan ay dagaal ku qaadi karaan Al shabaab, iyaga oo aan wax ogolaansho ah soo weydiisan aqalka cad ee looga arimayo dalkaas. Wuxuuna sidoo kale fasax u siiyay in markii ay rabaan ay duqeymaha diyaaradaha duuliye la´aanta ah(drone), ku qaadi karaan Al shabaab iyaga oo aan amar ka sugin aqalka cad.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadiisu ay taageero xaga cirka ah siiyaan ciidamada SNA iyo kuwa nabad-sugida Amisom, markii ay u baahdaan ama soo codsadaan.

Xigasho/kilde: NTB

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x